Home Blog Page 3227

Maxay Somaliland ka Tari aqoonsiga dowladda ee SSC-Khatuumo

0

isniin, October -23- 2023-{HMC}  Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi oo wareysi siiyay telefishanka Sahan ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, hase yeeshe looga soo duulay qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay war-saxaafadeed kuna caddaysay mowqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli Suufi.

Waxa uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland.

“Waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ama tabasho gaar ah ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Suufi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay.

“Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula hadhin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo hadal qaaday qadiyadda wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda federaalka ay kula hadli karto oo kaliya fagaare caalami ah, oo loo dhan yahay.

“Wada-hadallada Muqdisho oo keliya ma aheyn ee beesha caalamka qeyb ayay ka aheyd. Siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi waa in madal loo dhan yahay oo ay joogaan dhex-dhexaadiyaasha, iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.”

Somaliland ayaa dhawaan ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

{DAAWO MUQAALKA} Da’yar si joogta ah Taba’bar ugu sameeyo mid kamid ah Garoomada ku yaalo magalada Baladweyne

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Da’yar si joogta ah Taba’bar ugu sameeyo mid kamid ah Garoomada ku yaalo magalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay colaadda Shabeelaha Dhexe

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay colaadda Shabeelaha Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 23 10 2023

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 23 10 2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Diyaarado Helicoptero ah oo la siiyay Ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya

0

isniin, October -23- 2023-{HMC}  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidamada Dalkan Burundi ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaco ee loo yaqaan helikobterka , si ay u caawiyaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Qoraal rasmi ah oo ay hay’adda UNSOS soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku muujisay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta hawlgallada ATMIS ee Soomaaliya.

Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo nuucoodu yahay Mi-8 iyo Bell 412, islamarkaas na ay Qaramada Midoobay u oggolaatay, ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadida dagaalka lagula jiro Alshabaab.

bayaanka ka so baxay Xafiiska UNSOS ayaa waxaa lagu yiri “Waxay awood u siin doonaan qaadista ciidamada, si degdeg ah u soo celinta agabyada muhiimka ah, iyo daadgureynta agabka caafimaad ee loo daadgureynayo jiidaha hore ee dagaalka,”

Si doo kale UNSOS waxay sheegtay in ay ka go’an tahay bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyo fududaynta ATMIS, iyada oo wada shaqayn dhow iyo mid wada jir ah la yeelanaysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Taageeradan waxa ay ujeedadeedu tahay in ATMIS ay ka caawiso in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda Soomaaliya, waxayna kusoo beegantay kadib markii Midowga Afrika (AU) uu aqbalay in 90 maalmood la hakiyo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u heshay diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412, kuwaas oo la rabay in ay si weyn u kordhiyaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Bishii Luulyo, ciidamada SNA waxa ay heleen laba ka mid ah helikobterradan mataanaha ah.

Somalia ambassador lauds Ethiopia’s commitment to combating terrorist al-Shabab

0


Monday October 23, 2023

Somalia Ambassador to Ethiopia, Abdullahi Mohamed Warfa, has lauded the dedication and commitment of the Government of Ethiopia in eliminating Al-Shabaab.

Al-Shabaab is a terrorist group that has been trying to destabilize the Horn of Africa region, notably Somalia.

Ethiopia, in collaboration with other countries in the region, has been a key player in the fight against the group to maintain peace and security in Somalia.

In an exclusive interview with the Ethiopian News Agency, Ambassador Warfa lauded Ethiopia for its contribution in the fight against militant Al-Shabaab by paying huge sacrifices.

“The Ethiopian government has mobilized its forces to combat terrorism and stand alongside Somalia in the fight against the terrorists who have been trying to destabilize the region.”

The ambassador further explained the existing cooperation between Ethiopia and Somalia in various fields, including economic and education.

According to him, bilateral relations between Ethiopia and Somalia are witnessing remarkable development and sustainable partnership.

“The economic relations are witnessing remarkable development and a sustainable partnership between the two countries, with the skillful leadership of the two countries aiming to strengthen ties and cooperation in the political, economic and security fields, which makes the two countries more cohesive and closer.”

There are various areas of cooperation between the two countries, the most important of which is security, trade, cultural and economic cooperation, Ambassador Warfa noted.

The ambassador pointed out that the memorandums of understanding in areas of economic and security cooperation which were signed in Mogadishu last September between the two countries through the high-level ministerial committee are a clear indication of the desire to strengthen relations between Ethiopia and Somalia.

The trade balance between the countries has reached approximately 4 million US dollars last year. Ethiopian exports included dairy products and commodities such as vegetables and livestock, while Somalia exported fisheries, it was learned.

Moreover, Ethiopia is providing educational support for Somalia in addition to the economic cooperation, the ambassador said.

Stressing the need for strong solidarity among the countries in the region to fight Al-Shabaab and other terrorist groups that have been exporting terroristic activities in all neighboring regions, Ambassador Warfa urged all the pertinent actors in the region to intensify efforts to combat and eliminate the terrorist movement in the region.

“The terrorist Al-Shabaab is dangerous to national security of all countries in Africa, and East Africa in particular. We must join hands to fight this terrorist group and completely annihilate it from the Horn of Africa and East Africa,” he said, adding that “the group does not have a specific geography, but rather extends its terrorist activities in all neighboring regions of Somalia, Ethiopia, Kenya, Uganda, etc.”

According to the ambassador, the Government of Somalia has also been carrying out large-scale operations to fight the group, in collaboration with countries in the region.

“Efforts are (also) underway to weaken this group by drying up its financial sources,” he revealed.

Ambassador Warfa finally praised the role played by African governments in supporting the stability of Somalia in order to help the nation take up its place in continental and international arenas.

{DAAWO MUQAALKA} Sheekh Soomow Haddii aan nahay Ahlu sunna waljamaaca waxaan si buuxda u taageersanahay dagaalka lagula jiro AS.

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Sheekh Soomow Haddii aan nahay Ahlu sunna waljamaaca waxaan si buuxda u taageersanahay..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Guddiga gurmadka Hirshabelle oo kulan la qaatay hay,adaha ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka.

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Guddiga gurmadka Hirshabelle ayaa maanta kulan la qaatay hay,adaha ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka ee ka howlgalo deegaanada maamulkaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo xukun ku riday askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo xukun ku riday askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Guddoomiyahii Guddiga Fatahaadaha Baledweyne oo is casilay

0

isniin, October -23- 2023-{HMC} Guddoomiyahii guddiga Fatahaadaha magaalada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in sababaha uu isku casilay ay qeyb ka tahay habacsanaan ka dhalatay howlahii biya xireenada Baledweyne oo faragalinteedu noqotay mid xad dhaaf ah.

“Maanta oo tiiriiqdu tahay 23-10-2023 waxaan dadka reer Hiiraan u sheegaya inaan iska casilay xilkii guddoomiyaha guddiga fatahaadaha Baledweyne, waxaana sido kale cadeynaya inaan si shaqsi ahaan ah aan ula shaqeyn doono cid walba oo hurumarka iyo danaha dadka reer Hiiraan ka shaqeyneyso” ayuu yiri Xaaji Cismaan Dhagaxoow.

Wuxuu tilmaamay in guddigooda ay wax badan ka qabteen howlaha biya xireenada, islamarkaana darbiyada xoogan oo ay ka hirgeliyeen qararka wabiga iyo deegaanada Qooqane iyo Hilikilyo ay yihiin kuwa tayo leh oo lagu badbaaday sadaxdii sano ee lasoo dhaafay.

“Anaga howshaan markaan bilaabeynay sanadkii laba jeer ama sadax jeer ayaa laga barakaci jiray biyaha wabiga, dhibaatas marka aragnay ayaa u istaagnay inan wax ka qabano Alle waa nagu guuley oo 3 sano xiriir ah wax biyo sooma bixin biyahii sanadkaan bilaawgiisa yimid waxay ahayen kuwa xaddhaaf ah oo la sheegay inan la arkin noocooda 100 kii sano ee lasoo dhaafay, taas ayaana keentay xadhaafka iney biyaha soo baxaan” ayuu yiri Xaaji Dhagaxow.

Wuxuu sheegay Xaaji Cismaan Dhagaxoow in guddigooda ka shaqeynta howlaha biya xireenada ay ugu dambeysay laba sano ka hor, islamarkaana qolyaha mudooyinkii dambe ku howlana biya xireenada faa’ido iyo khasaare waxii ka yimaada aysan aheyn mid guddigu uu ku lug leeyahay, isagoona sidoo kale ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii haayay furamaha kanaalka dhagax jibis ee sababta u ahaa in daadad kusoo rogmadaan xaafado ka mid ah Baledweyne.

“Waxaa mudooyinkii dambe jiray hay’addo iyo NGO, qandaraaslayaal ka shaqeynayay howlaha biya xireenada oo aysan jirin cid ku koontarooleysa, marka waxaan cadeyneyna in guddiga uu howlahaas socda uusan shaqo ku laheyn dadkana waa iney ogaadaan, tan kale waa in isla xisaabtan la helo oo masuliyada wixii habeen hore Baledweyne ka dhacay ee daadka soo rogmaday kanaalka furahiisi dad iska qaataan masuuliyad daradaas waa in la iskula xisabtama oo dad badan ayaa saq dhexe guryahoodi ka qaxay” ayuu yiri Xaaji Dhagaxoow.

Gabagabadii guddoomiyahii hore ee guddiga Fatahaadaha Baledweyne ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan iney kula xisaabtamaan cid walba oo wax ka qabaneysa arrimaha gobolka, isagoona u mahadceliyay dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay iyo guud ahaan shacabka reer Baledweyne.