Home Blog Page 3228

Duqa Magaaada Muqdisho oo ku dhowaaqday in dhaqaale loo aruurinayo dagaalka A S.

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta daah-furay barnaamij dhaqaale loogu aruurinayo dagaalka Al-Shabaab.

Barnaamijkan oo loogu magac daray “dalkaaga ugu hiili hal dollar” oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa daah-furkiisa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ugu horreyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu akoonada loogu tala-galay taakuleynta ku wareejiyay taliska ciidanka, isaga oo bulshada ku wargeliyay in ay furan tahay taakulada ciidanka dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Maanta waxaa nala jooga taliskii oo rabnaa in aan ku wareejino akoonadii si ay ula wadaagan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, dalka gudihiisa joogana iyaguna ogaadan, ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa leenahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo joogtan garabkiina, gacantiina, ducadiina iyo isgarab istaagiina ciidamada waa lagama maarman. Marwalba waa aaminsanahay in sidii shalay u garab istaageyseen in maantana u garab istaagi doontaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya Nabadda iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taakuleyntiisa waa furan tahay, oo naga dalbadeen qurbajoogta iyo gudaha, maanta ayaa halkan ugu soo bandhigeyna akoonadii, waxaana cadeynayna in akoonadaasi yihiin kuwa saxda ah, islamarkaana cid walba oo rabta inay taakuleyso ciidanka kalana qeyb qaadato dagaalka in ay kusoo hagaajiyaan oo ay gacan aamin ah ku dhici doonto.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed ee jecel in dadka iyo dalkooda laga dulqaado cadowga dul yaalla waxaa codsaneyna inay gacan siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo isticmaalaya akoonadaan, waxaana loo isticmaali doona in dalka looga saaro Khawaarijta.

Xamaas Oo Dishay Askar Israel Ah Oo Dooneysay Iney Soo Furtaan Maxaabiista

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Askari Israa’iili ah ayaa lagu dilay Qasa, kuwa kale na waa lagu dhaawacay xilli ay iskudayayeen inay soo furtaan dadka ay Xamaas heysto.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa baraha bulshada ku faafiyay in tirada askarta la dhaawacay ay yihiin saddex.

Waxaa la weeraray xilli ay ku gudo jireen baaritaanka dadka ay kooxda Xamaas ka qabsatay Israel inta uu socdo dagaalka marinka Qasa.

Gantaal ayaa lagu weeraray askarta iyo gaadiidkooda iyaga oo ku sugan gudaha Qasa. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin goobta rasmiga ee askariga lagu dilay.

Maxkamadda Jubbaland oo dil ku ridday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Maxkamadda ciidamada qaybteeda dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdullaahi Siciid {Maxamed Khadar} oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay dil u geestay.

Maxamed Khader ayaa October 6, 2023-ka waxa uu dilay Alle ha unaxariistee Maxamed Deeq Nuune Saalax, sida lagu yiri warka ka soo baxay Maxkamadda ciidamada qaybteeda dowlad gobaleedka Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday, iyada oo maanta ka soo saartay go’aan.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed {Qam-dariiran} ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ee Maxamed Cabdullaahi Siciid {Maxamed Khadar}.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weynaa Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Wararkii ugu waa weynaa Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xaaji Dhagaxoow” Biyo Xireenada Hay’adaha iyo NGO-yada Baladweyne ka wadaan…

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Xaaji Dhagaxoow” Biyo Xireenada Hay’adaha iyo NGO-yada Baladweyne ka wadaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha Golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Aadan Abuukar Waxaan si buuxda ugarab taaga

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Aadan Abuukar Waxaan si buuxda ugarab taaga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 23 – 10 – 2023

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Abdi Axmed  iyo Shukri Baryare

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Kulan looga Hadlaayo dhibaadatada Fatahaada & Dabaylaha El Niño oo Jowhar lagu qabtay.

Jowhar; 23 Oct 2023,  {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada & Dabaylaha El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa maanta shir gudoomisay Shirka Isku xirka Howlaha la xiriiro Dufaanta El Nino ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada & Dabaylaha El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa furtay shirka ayadoo ka hadashay xalaadihii roobka ka da’ay deegaanada Hirshabelle iyo saameynta uu geystay.

Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe ,Maamulka Dagmada Jowhar,Hay,adaha Gargaarka ka shaqeeyo sidoo kale kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) waxaa ugu qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha Degmada Beledweyn iyo Hay,adaha Gargaarka qeybo kamid ah.

Ujeedada ugu muhiimsan ee kulankan ayaa ahayd sidii wax looga qaban lahaa daadadka roobabka wata iyo wabiga Shabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaa diyaarinta iyo qorshayaasha wax ka qabashada si wadajir ah, waxaan uga shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa jawaab mideysan oo waxtar leh si wax looga qabto caqabadaha ay keeneen daadadka El Nino.

Ugu danbeyntii, Waxaan bogaadinaynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan daneeyayaasha ku lugta lahaa kulankan muhiimka ah.

QM oo sheegtay in 29 ka mida shaqaaleheeda in lagu dilay dagaalka Gaza

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday.

Kala badh, ka mida shaqaalaha la dilay ayaa ahaa macalimiin, si ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho UNRWA.

Weerar ay qaadeen ururka Xamaas ku qaadeen Israa’iil ayay ku dileen 1,400 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Gaza.

Maxkamad xabsi dheer ku ridday gabadha Saddam Xuseen.

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.

Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.

Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003.

Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh, ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.

Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.

Inta badan Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa.