Home Blog Page 3229

{DAAWO MUQAALKA} Dib ugu laabashadii Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb kadib, maxaa socda

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Dib ugu laabashadii Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb kadib, maxaa socda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Maxamed Xaaji” Bulshada Rayidka waa Milkiilayaasha dowladda,

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Xildhibaan Maxamed Xaaji” Bulshada Rayidka waa Milkiilayaasha dowladda,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo saakay lagu toogtay Baydhabo

0

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labadaan askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu kala magacaabi jiray Geedoow Maxamed Fidle oo loo yaqiinay Abuuroow iyo Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo isna loo yaqiinay Dhagey, kuwaas horay u dilay dad shacab ahaa.

Ismaaciil Cabdullaahi Cabdiraxmaan Dhagey oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay loo qisaasay dil la sheegay inuu Saldhiga Booliiska Rabdhuure uu ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay ahaayeen qaraabo dhaw.

Askariga labaad ee dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Geedow Maxamed Fidle oo ku magac dheer Abuuroow, kana tirsana ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa isna la sheegay inuu horay u dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Mursal Cali Cabdi oo u dhintay rasaas uu Abuuroow ku furay gaari safar ahaa oo uu la socday marxuumka oo ka yimid Muqdisho, waxaana dilkaas uu ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Toogashadaan ayaa saakay ka dbacday fagaare ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana goobjoog ahaa ehelada marxuumiintii la dilay iyo kuwa saakay laga fuliyay toogashada.

Gabagabadii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida aya digniin u dirtay ciidanka heer Federaal iyo heer dowlad Glgoboleed, iyadoo sheegtay in sharciga la marsiin doono askarigii lagu cadeeyo ama lagu helo kiis ku saabsan inuu dhibaato u geystay dadka shacab ah ama ciidamada ay isla shaqeeyaan.

Ciidanka dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay deegaanka Eel boon oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Waajid, halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhame Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in deegaanka Eel boon ay si rasmi ah ugala wareegeen kooxdii shabaab ee halkaas ku sugneyd.

Taliye Onkod ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay kusoo furteen hub iyo gawaari ay u isticmaalayeen kooxda Shabaab dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaanka Eel boon.

Wuxuu sidoo kale xusay taliyaha inuu sii socon doono howlgalka noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Wararkii Ugu Dambeyay Ciidamada dowladda iyo AS oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

0

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga halayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo As oo xalay ka dhacay deegaanka Jasiira duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo muddo socday

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay AS weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka ka dhacay fariisin ku taalla koonaha deegaanka Jasiira oo ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Kooxda AS oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay halkaas ku dishay tiro kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamayweli ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka howlgallo ka wada deegaanka Jasiira.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay AS weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya Muqdisho iyo agagaarkeeda, maadaama ay AS culeyskooda soo saareen gudaha caasimada.

Kooxda ayaa inta badan jab xoogan kala kulantay dagaallada tooska ah ee uga socda gobollada dalka, kaas oo looga qabsaday dhul ballaaran, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 23/10/2023

0

Isniin , October -23- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Cadow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha ciidanka XDS “waxan ugu baaqay muwaadniinta Soomaaliyeed in ay garab istagan ciidamanka Qaranka”

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Taliyaha ciidanka XDS “waxan ugu baaqay muwaadniinta Soomaaliyeed in ay garab istagan ciidamanka Qaranka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC} Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku wajahan magaalada Tel Aviv ee Israa’iil

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Netanyahu ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Madaxweynaha Faransiiska iyo
Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ay booqan doonaan Israa’iil.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegantay in ka badan
laba toddobaad ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadday Israa’iil, kaasoo ay
ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof, oo ay ku jiraan soddon qof oo Faransiis
ah.

Sidoo kale, 7 qof oo Faransiis ah ayaa weli la la’yahay, waxaana la rumeysan
yahay in dhammaantood ay gacanta ugu jiraan ururka Xamaas, sida uu horey u
sheegay Macron.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf
Scholz, iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa dhammaantood
booqday Israa’iil, si la mid ah Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

QM oo sheegtay in 29 ka mida shaqaaleheeda in lagu dilay dagaalka Gaza

0

Isniin, October -23- 2023-{HMC}  Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday.

Kala badh, ka mida shaqaalaha la dilay ayaa ahaa macalimiin, si ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho UNRWA.

Weerar ay qaadeen ururka Xamaas ku qaadeen Israa’iil ayay ku dileen 1,400 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarada cirka ah ee Israa’iil in lagu dilay 4,600 oo Falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba ka jartay marinka Gaza.

AFP