Home Blog Page 3240

Ciidamada Dowlada oo Buburiyay saldhigyo ay AS ku lahaayeen Gobolka Bakool.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} –  Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin AS.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay AS. ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta.

Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada AS.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca AS. oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay AS, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka AS.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan kula qaatay magaalada Xudur Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer Dowladda Goboleed

0

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee argagixisada Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

 

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulankii u horreeyay la yeeshay Joacim Waern

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Joacim Waern.

Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda.

Mudane Xamza ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay taageerida arrimaha xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo gaarsiinta adeegyada sanadaha badan ka maqnaa.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Joacim Waern ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballan-qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Shalay ayay aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Joacim Waern.

Xasan ayaa markaas u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale.

Danjiraha ayaa isna soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle oo xarig ka jaray Bangiga Dhexe Soomaaliya Qeybtiisa Magaalada Jowhar.

0

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarig jaray Laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto Magaalada Jowhar Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Laanta Bankiga Dhexe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle ay soo dhoweeynayaan ayna ku faraxsan yihiin in adeega bankiga dhexe ee Soomaaliya uu soo gaaro Gobolada Dalka, ka Hirshabeelle ahaana uu faaiido wayn ugu fadhiyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in bulshada Magaalada Jowhar ay ku caan yihiin amaanada iyo ilaalinta hantida Dowladda, isagoo xusay in hay’ad walba oo Dowladeed ee u baahata dhulkeeda lagu wareejin doono.

Wararkii ugu dambeeyay magaalada Garoowe

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalado kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan xubnaha musharixiinta ee la tartamaya Deni ayaa maanta shir ku yeesheen Garoowe oo ay kasoo saareen warsaxaafadeed waxa ay ku sheegeen in madaxweynaha uu abaabul dagaal ka wado gudaha magaalada Garoowe

Xubanaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu damacsan yahay inuu awood ku maquuniyo cid kasta oo kasoo horjeedo qorshihiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay dallada ay ku mideysan yihiin mucaaradka Puntland lagu sheegay in Deni uu ka shaqeynayo iska hor imaad ka dhaca caasimada, si ay mar kale colaad uga dhacdo caasimada Puntland ee magaalada Garoowe.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada gaarka ah ee PMPF loo adeegsado caburinta shacabka iyo siyaasiinta kasoo horjeedo madaxweynaha, iyaga oo sheegay in loo diyaarinayo dagaallo mar kale dhaca si lamid ah kuwii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso.

“Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga. Waxaan aad uga xunnahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Garowe iyo Bosaso, haddana loo diyaarinayo dagaal hor leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xubnaha mucaaradka maamulka Puntland.

Farriimaha kasoo baxaya mucaarada iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee Puntland, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada.

Si kastaba, lama oga sida ay waxa noqon doonaan, maadaama labada garab ee is haya uu dhinac kasto ku adkeysanayo go’aankiisa iyo damaciisa siyaasadeed ee Puntland.

Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in loo diyaargaroobo sidii Laascaanood gacanta Somaliland loogu soo celin lahaa

0

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in loo diyaaro garoobo sidii xoog iyo xeelad mid uun Laascaanood dib loogu celin lahaa gacanta Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay xili uu kasoo laabtay safar dibada ah, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay la hadasho waxgaradka SSC, lakiin marka hore ay tahay in ciidamada kale ee gurmadka ku yimid ka baxaan.

“Waa in aynu sharafteenii soo celinaa, ciidanka tayaynaa, oo aynu xuduudeheenii tagnaa, waanu jecelnahay in aanu wada hadal ku dhamayno lakiin bishuruud waa in ay ka baxaan Majidholand” ayuu yidhi Waraabe.

Reer Sool ayuu ugu baaqay in ay miiska wadahadalka yimaadaan “Waxgaradka iyo garaadada waxan leeyahay 100 wado oo aynu ku wadahadalno ayaa inoo caado ahaan jirtay yaan laydin isticmaalin” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu xukuumada ugu baaqay in jaanis la siiyo wadahadal lagula furo garaadada SSC, lakiin dhinaca kalena millateri ahaan loo diyaar garoobo, waxa uuna ku baaqay in la midoobo, oo quluubta shacabku isku duubnaato.

Dowlada Soomaaliya ayaa SSC Khaatumo u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah, iyada oo sheegtay in ay si dhaw ula shaqayndoonto hoggaanka SSC Khaatumo.

Cyprus: 23-year-old from Somalia set himself on fire because his asylum application was rejected

0

Greek City Times
by ATHENS BUREAU
Thursday October 19, 2023

A 23-year-old man from Somalia doused himself in gasoline outside the offices of the Foreigners and Immigration Service in Larnaca and attempted to commit suicide by lighting a fire.

Before the immolation, he had spoken to an employee of the Service and complained that his application for political asylum had been rejected, meaning he had to return to his country.

According to Proto Thema, he had a gasoline can with him, and after emptying it on his body, he set it on fire. Police officers who were on the scene immediately intervened and extinguished the fire.

The 23-year-old Somali man was taken to hospital and kept for treatment as he suffered severe burns. His health condition is described as serious.

Refugee beekeeper sells honey in Dadaab

0


Thursday October 19, 2023

Omar Abdullahi Adan, 67, a Somali refugee living in Dadaab camps in north-eastern Kenya, is well known among the refugees for beekeeping.

He earns $200-$250 a month from honey sales that supports him and his family quite well.

“I don’t have any other work; I only get my income from bees. I married my wife with money I made from beekeeping. On my best day I made 32,000 Kenya shillings ($213) from the honey sales,” he said.

He keeps his bees in 21 boxes in a farm four kilometres away that he fenced. He goes there every morning to take the bees water.

His main customers are others living in Dhagahley the refugee camp, and he also has occasional orders from Nairobi or Dhobley in Lower Juba that he delivers through people travelling to those areas. He sells half a litre of honey for 1,200 shillings ($8) and three litres discounted at 6,000 shillings.

Omar managed to save $360 from honey sales in 2017 and bought one goat and two camels. His livestock have multiplied since then and he now has seven goats and five camels, herded by his relatives outside the camp.

He pays $32 a month in fees for six of his eight children studying at Koranic school.

Omar fled conflict in Bu’ale, in Somalia’s Lower Juba region, in 2015 and joined the refugee camp. He brought with him $56 from his bee keeping business in Bu’ale and used the money to start off in Dadaab by buying three boxes to store the bees.

Surviving on the 48 kilograms of sorghum and 4,950 shillings ($33) his family were allocated in aid was very hard. He feels that others in the camp could consider beekeeping as well to make a decent living.

Omar began beekeeping at the age of 15 and remembers his early novice period.

“The first day I tried to catch bees with no experience, I was stung badly. I fell unconscious and people had to splash water on me. I was carried away in car, I even vomited, but now I’m experienced I don’t get hurt!” he said.

Lacking any protective gear, he relies on the old method of using smoke to make the bees sleepy so they can be caught.

“There are three types of bees, dark bees, red bees, and striped bees. The red bees are very good for producing honey and I have collected them from all around Dhagahaley. To catch the bees, I smoke the bee hive on the tree so they start to fly out. That’s when I catch the queen bee and the rest of the bees will follow the queen. That’s how I trap them and take them to my hives,” he said.

He noted that bees only produce honey for six months of the year and spend the rest of the year reproducing. As trees, flowers, and water have been scarce during the recent drought, he has special means of keeping the bees productive.

“Whenever there is drought, I grind maize and put in on a plate on the tree. I also prepare tea, with cinnamon and cloves to give a good smell. The bees eat the food and drink the water and that’s how they keep producing the honey,” Omar explained.

Wasiir Fiqi: Dowladda federaalku waxay si dhow ula shaqeynaysaa maamulka SSC- Khaatumo

0

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay si dhow ula shaqayn doonto maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, iyadoo dowladdu sheegtay inay aqoonsan tahay go’aankii masiiriga ah ee ay gaareen duubabka dhaqanka ee kasoo jeeda degaanadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo jeedinayay warsaxaafadeed kasoo baxay kulamadii Muqdisho uga socday hoggaamiyaha SSC iyo dowladda federalka, ayaa sheegay in ay dowladda si buuxda uga howlgalayso wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee degaanada SSC- Khaatumo.

Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay maamulka SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay la kala wareegaan maxaabiista ay kala haystaan, wuxuuna sheegay dowladda federalku inay diyaar u tahay inay fududayso sidii arrintaas ay ku dhici lahayd.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay sameeyaan xabbad joojin, ayna noqdaan dad derisoo nabad ku wada nool.

{DAAWO MUUQAALKA} Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Xudur kana hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xaladda dalka.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Xudur kana hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xaladda dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA