Home Blog Page 3241

R/ W Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Sweden

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalnimadii shalay waxa uu warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Dowladda Federaalka oo aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Muqdishu hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-cali {Firdhiye}

Fiqi ayaa warsaxaafadeed uu aqriyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay martiqaadday hoggaamiyaha SSC-Khaatumo wadatashi dheer kadibna ay aqoonsan tahay bayaanka Isimmada SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo ee sanadkan, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

Xukumadda Federalka Soomaliya FS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

 

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xukuumadda Soomaaliya oo maamulka KMG ah u aqoonsatay SSC Khaatumo

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Xukuumadda Soomaaliya oo maamulka KMG ah u aqoonsatay SSC Khaatumo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Xudur

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka uga waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 19/10/2023

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Wararka uga waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Siyaasiyiin Miisaan Culus Leh Oo Mucaaradad Kala Hortagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Siyaasiyiin Miisaan Culus Leh Oo Mucaaradad Kala Hortagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle iyo Masuuliyiin Kale oo Gaaray Jowhar iyo Ujeedkooda”

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle iyo Masuuliyiin Kale oo Gaaray Jowhar iyo Ujeedkooda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dekada Saylac Somaliland baa leh Qabiilna ma sheegan karo mana Bixin Karo

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Dekada Saylac Somaliland baa leh Qabiilna ma sheegan karo mana Bixin Karo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 19 – 10 – 2023

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf cali iyo Cabdimajiid Awees

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.,

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe}, iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay gaaray msgaalada Baydhabo, waxa uu madaxweynaha halkaasi ka wadaa kulamo siyaadadeed iyo abaabul dagaal.