Home Blog Page 3242

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaar garow ku aaddan soo dhoweynta Madaxweynaha JFS ayaa ka socota D/Xuddur

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Diyaar garow ku aaddan soo dhoweynta Madaxweynaha JFS ayaa ka socota D/Xuddur

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gabdhaha Dariska Nala Ah ee reer hiiraan waxa ugu baqaa iney Dagaalka soo galaan ”Xaliimo cabdi

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Gabdhaha Dariska Nala Ah ee reer hiiraan waxa ugu baqaa iney Dagaalka soo galaan ”Xaliimo cabdi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Booco ayaan gaari doonaa saldhigeenana waa…..””Ciidanka Deegaanka.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC}  Booco ayaan gaari doonaa saldhigeenana waa…..””Ciidanka Deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud kala hadlay Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Muxuu Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud kala hadlay Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada ATMIS oo wareejiyay Saldhigoodii degmada Raage Ceelle

0

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa Saldhigii ay ku lahayeen degamada Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday gudaha Saldhiga degmadaas oo ay ciidanka ATMIS ku wareejinayeen Saldhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwa ciidanka xoogga dalka iyo maamulka degmada Raage ceelle.

 

 

Ciidamada Burundi ee wareejiyay Saldhigoodii degmada Raagge ceelle ayaa la sheegay iney ka howlgali doonaan gobolo kale oo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

’’Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka”ayaa lagu yiri Qoraal ka soobaxay ATMIS

Talaabadaan ayaa sidoo kale la tilmaamay iney la xariirto hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS ee mudada sadaxda bilood ah oo ay dowladda Fedaraalka Soomaaliya bishii hore codsatay, xili Saldhigyada qaar ciidanka ATMIS ka baxeen bilahii lasoo dhaafay.

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 19-10-2023}

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdiraxman Muse

Farsamadii :Cabdi Majiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Mucaaridka KGS oo sheegay in DFS iyo mamulka KG aay ka hor istageen safar ay kutagi lahayen Baydhabo

Arabco , October -19- 2023-{HMC} Mucaaridka KGS oo sheegay in DFS iyo mamulka KG aay ka hor istageen safar ay kutagi lahayen Baydhabo

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Ganacsade lagu Dilay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Arabco , October -19- 2023-{HMC} FAAH FAAHIN Ganacsade lagu Dilay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Israel oo mar kale duqeysay Isbitaalo iyo Iskuulo ku yaalla Gazza

Arabco , October -19- 2023-{HMC}  Israa’iil oo weki sii wada duqeymaha Gaza ayaa weerartay dhisme ku dheggan iskuul ay boqolaal qof gabbaad ka dhigteen kaasoo ay gacanta ku heyso QM

Weerarkan ayaa ka dhacday degaanka Khan Younis oo ku yaal dhul beereed ku dhagan iskuul ay maamusho heyadda UNRWA oo lagu magacaabo Ahmed Abdilaziz.

Dugsiyadii ay gacanta ku haysay UNRWA ayaa laga dhigay hoy dadka gudaha ku barakacay ay ka gabaadsadaan duqeymaha aan loo meel dayin ee Israel.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa wali daad gureynaya dadka uu firirka ku dhacay oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Sidoo kale duqaymaha Israa’iil ayaa ka dhacaya agagaarka Isbitaalka al-Quds ee xaafadda Tal al-Hawa ee magaalada Gaza, sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee Falastiin.

In ka badan 8,000 oo falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka dhiganaya Isbitaalka, kaasoo ay horey u bartilmaansadeen oo ay burburiyeen ciidamada Israel sanadkii 2009, sida ay kooxdu ku sheegtay baraha bulshada.

Ficiladan ayaa dhacay 24 saac ka dib markii ciidamada Yuhuuda ay duqeyn u geysteen Isbitaalka Al ahli arab oo ku yaalla Gaza hallaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale oo dhamaantood u badan caruur iyo haween

Waa kuma Cabdiqaadir Ikrima, ninka xashiishka cabi jiray ee noqday hoggaamiyaha halista badan ee AS?

Arabco , October -19- 2023-{HMC}  Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir waxa uu dhashay billowgii 80-meeyadii, waxa uu ku magac dheer Ikrima, waxaa loo aqoonsanyahay argagaxiso lagu tilmaamo mid ka mid ah taliyayaasha ugu halista badan ee ururka AS.

Waxaa la sheegay in uu udub dhexaad u ahaa qorsheynta weerarro dhowr ah oo argagixisanimo, uuna mas’uul ka ahaa xiriirinta AS iyo Al-Qaacidada ee Jaziiratul Carab. Waxa uu kasoo jeedaa Soomaalida Kenya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarro dhowr ah oo ka dhacay dalka Kenya, sida weerar lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee Mandheera bishii April 2013-kii.

Waxaa la isla dhex marayey inuu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013-kii, gaar ahaan isagoo ka mid ahaa raggii falkan geystay.

Maaddaama Ikrima uu yahay nin waqtigiisa ugu badan ku qaatay Kenya, waa ninka la rumeysan yahay inuu qorsheeyay weerarkii Westgate Mall iyo weerarro kale oo qorshayaashooda la abaabulay.

Ikrima waxa uu ahaa bartilmaameedkii aan lagu guulaysan ee Oktoobar 2013-kii ee ka dhacay Baraawe isla markaana ay ciidammada badda ee Maraykanku ku qaadeen magaalada Baraawe ee Soomaaliya.

Sannadkii 2014-kii wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku shaacisay abaal-marin gaaraysa ilaa 3 milyan oo doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog ku saabsan Ikrima.

Horjoogaha maleeshiyada AS Cabdulqaadir Maxamed Cabduqaadir, oo loo yaqaan Ikrima, ayaa ahaa bartilmaameedkii ugu muhiimsanaa ee mareykanka waqtigaas.

Ilaa markii ciidamada Kumaandooska ay ku guul dareysteen in ay soo qabtaan, xitaa dadka waaya-aragga ah ee u kuur gala xaaladda Soomaaliya ma aysan maqal arrimaha Ikrima.

Waa muwaadin Kenyan ah oo asalkiisu Soomaali yahay, wuxuuna ka mid yahay Soomaali badan oo Kenyan ah iyo dagaalyahanno kale oo Ajaanib ah oo ku biiray AS.

Ikrima saaxiibkiis oo ka sheekeynaya sida uu isku badalay

Nin ay saaxiib ahaayeen oo codsaday in aan la aqoonsan ayaa goor hore  u sheegay in uu Ikrima xogo badan kula wadaagi jiray xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee loo yaqaanno Muqdishada yar.

Waxa uu sheegay in qoyska Ikirma ay ahaayeen dad dabaqad dhexe ah ayna u yimaadeen Nairobi inay ku noolaadaan iyagoo ka yimid magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Labadan dhallinyaro waxay wada cuni jireen qaadka, waxayna si wada jir ah u cabi jireen nooc kamida xashiisha ka hor inta uusan Ikrima tagin 2004-tii si uu magangalyo Norway uga helo, ayuu yiri.

Shiishad ama badeecad
Laakin kuma guuleysan in uu helo oggolaanshaha Norway, ayaa ogaatay in horraantii 2007-dii Ikrima uu waqti ku qaatay UK.

Waxa uu waqti ku qaatay London oo uu si gaar ah u jeclaa baararka shiishadaha ee wadada Edgware halkaas oo uu ku cabi jiray, weriyaha ayaa sidaas leh.

Lama oga halka laga tashkiiliyay Ikrima, balse saaxiibkiisii ay wada joogeen Islii [Eastleigh] oo ay Al-shabaab si gaar ah uga qorteen gudaha Kenya ayaa haddana sannadkii 2008-dii kula kulmay Ikrima caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu ku biiray kooxda Islaamiga ah, ee xiriirka la leh shabakadda al-Qaacida.

“Markii aan la kulmay, waxaan arkay inuu isbedelay, waan ciyaari jirnay, waan iskusoo boodi jirnay oo hab ayan isa siin jirnay mar kasta oo aan kulanno, markii dambe waxaas iyo wax lamid ahba majirin,” ayuu saaxiibkii

Waxa uu sheegay in Ikrima uusan waligiis tegin goobaha dagaalka, “waligiis ma tegin jiida hore” ayuu yiri.

“Ninku waxa uu ahaa qof aragti dheer. Wax badan ayuu qorsheeyay, waxa uu u qorsheeyey si xad dhaaf ah, sidaas darteed, waad ogtahay, kuwa isaga la joogaa in ay yiraahdaan: “cajiib, arrintaasi caadi maaha, Ikrima.”

Ikrima xilliga uu waqtigiisa caadiga ah la qaadan jiray saaxibbadiis

Inta badan waxaa la socda ilaa 20 ilaalo ah oo si taxadar leh u hubeysan, sida ay sheegeen.

Soomaali Kenyan ahaan, waxaa la rumeysan yahay inuu ku hadlo luuqadda Sawaaxiliga [Kiswahili] in kabadan inta uu luuqadda Soomaaliga ku ficanyahay.

Sida dagaalyahano badan oo Islaami ah, waxay sidoo kale u badan tahay inuu ku hadlo Carabiga – qaar ka mid ah dadka reer Baraawe ayaa sheegay inay markii hore u maleeyeen inuu ka yimid Liibiya.

Shaqaalaysiin
“Ikrima waxa uu ka dhigan yahay is-dhaafsi xiiso leh oo u dhexeeya al-Hijra iyo Al-Shabaab, isagoo Kenyan ah oo ku dhex milmi kara Soomaalida iyo dagaalyahannada ajaanibka ah,” ayuu Falanqeeyaha Matt Bryden u sheegay Washington Post.

Kooxda Al-Hijra ee fadhigeedu ahaa dalka Kenya, sidoo kalena loo yaqaano Xarunta Dhallinyarada Muslimiinta, ayaa loo arkayay inay xiriir dhow la leeyihiin AS.

Ikrima markii ugu dambeysay loo maleynayo inuu ahaa sarkaal sare oo qora dagaalyahannada ajnabiga ah, waxaana suuragal ah inuu xiriir ka dhexeeyay AS ka Soomaaliya iyo Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ee fadhigeedu yahay dalka Yemen.

Inkastoo aan magaciisa si weyn loo ogeyn illaa weerarkii Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay sirdoonka Kenya.

Xarumaha baarlamaanka, xafiiska UN-ka ee Nairobi, iyo sidoo kale xeryaha ciidamada Kenya iyo maqaayad Itoobiyaan ah oo inta badan ay fariistaan jireen xubnaha dowladda Soomaaliya oo ay reer galbeedku taageerto ayaa ka mid ahaa meelaha la bartilmaameedsaday.