Home Blog Page 3243

Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo aanay shaqo ka soconin muddo laba toddobaad ah

Arabco , October -19- 2023-{HMC}  Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u sharaxan afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, Jim Jordan, ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay inuu helo codad ku filan, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Jim Jordan oo laga soo doorto gobolka Ohio ayaa taageera weyn u ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Codayn dhacday maalinimaddii Arbacada ayuu helay 199 mudane oo ka mida 433 xildhibaan ee joogay golaha, waxaana ka soo horjeestay 22 xildhibaan oo xisbigiisa ah. Jim Jordan ayaa u baahan inuu helo 217 mudane si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Musharaxa la tartamayey ee ka sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga, Hakeem Jeffries oo laga soo doorto gobolka New York ayaa helay dhammaan codadka xisbigiisa dimoqraadiga oo ah 212 mudane.

Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaanay wax shaqo ahi ka soconin muddo laba toddobaad ah, ka dib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore ee golahaas Kevin McCarthy oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga.

Golaha ayay horyaallaan shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin, inuu ansixiyo sharciyada lagaga hortegayo in xukuumaddu ay qayb ahaan xidhanto marka la gaadho bisha November 17-keeda iyo in goluhu ansixiyo taagero loo fidiyo Israa’iil oo saaxiib dhow la ah Maraykanka.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed

0

Baydhabo, Oktoobar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa caawa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-shabab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

 

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

 

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

 

DHAMMAAD

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay abwaan kale oo taageeray AS

0

Arbaco , October -18- 2023-{HMC}  Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay Maxamuud Maxamed Ibraahim (Abwaan Jeesto), suda ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay.

Abwaan Jeesto ayaa kaasoo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo al-shabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Ninkan oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta.

Waxaa uu noqonayaa qofkii saddexaad oo bannaanka la yimaada fikirka xagjirnimada argagaxisada, waxaana horay loo xiray Taakeeye oo laga soo qabtay dalka Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday Al-shabaab oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay qoraalo uu sameeyey oo xili dambe lagu baraarugay.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka ATMIS oo baneeyey saldhig muhiim ah oo ku yaalla Sh/dhexe

0

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} Ciidanka ATMIS ayaa maanta ku wareejisay ciidamada Amaanka Soomaaliya Saldhiga Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xil Wareejintan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ay sameynayaan hawlgalka ATMIS iyo DFS, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ayaa hadda loo wareejin doonaa Gobolada kale si kor loogu qaado amniga iyadoo la eegayo hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS mudada 3 bilood ah oo ay DFS codsatay.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa fududeeyay UNSOS waxaana ka soo qeyb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS iyo kuwa DFS.

“Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii hore, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay codsatay in la joojiyo farsamo ahaan dhimista ciidanka taasoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu isku raacay,” ayuu yiri Madaxa Saadka ee ATMIS Col. Jean Bosco Sibondavyi oo ah gudoomiyaha xaflada xil wareejinta.

Waxa uu intaa ku daray in xil wareejinta aysan ku xad-gudbin codsigii Soomaaliya ee ahaa in muddo 90 maalmood ah la dhimo ciidamada ATMIS-ka.

“Heshiiskaan waxaa lagu heshiiyey iyadoo la isku raacsan yahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhammaanteen waxaan ku heshiinnay in aan sii wadno wareejinta Raaga Ceelka sababo la xiriira baahida howl-qabad ee Qeybta 5-aad. Ciidamada la wareegaya waxa ay xoojin doonaan Saldhigyada kale ee Horu-socodka ah,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in ciidamada ATMIS ee guutada 68-aad ay u gudbi doonaan qeybaha kale ee ka tirsan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka si ay uga qeyb qaataan howlgallada milateri ee wadajirka ah, sidoo kalena ay ciidamada XDS ka taageerayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada laga xoreeyo si loo sugo amniga iyo xasiloonida.

Deegaanka Raaga Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamada Burundi kuwaasoo dusha kala socda ammaanka ATMIS Sector 5.

Taliyaha ciidamada ATMIS ee Burundi, guutada 68-aad, Lt. Col. Jean Baptise Nahishakiye, ayaa saldhiga wareejiyay.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo ay qaadeen ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Marka aan mas’uuliyadeena ku wareejinayno XDS, waxaan ku kalsoonahay inay ilaalin doonaan oo ay difaaci doonaan badbaadada, amniga iyo xuquuqda aadanaha ee dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Lt. Col Nahishakiye.

Taliyaha cusub ee ciidamada XDS ee Raaga Ceel FOB Lt. Iidow Cali Maxamed ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee Burundi howlgallada wadajirka ah ee ay ciidamada XDS kula jiraan Al-Shabaab, xasilinta degaannadii laga saaray iyo sugidda amniga gobolka.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Raaga Ceelka kala wareegnay ciidamada ATMIS-ka. Waxaan ballan qaadeynaa inaan ku soconno jidkooda, anagoo ilaalineyna nabadda iyo amniga, iyadoo la hubinayo in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee dadka deegaanka,” ayuu yiri Lt. Iidow.

Rag qaraxyo usoo waday Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay

0

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} Ciidamada nabad sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Raggan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa lagu qabtay barkoontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay kusii jeedeen Muqdisho, ayna wadeen walxaha qarxa.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan lagu hayo baaritaano, isla-markaana wixii kasoo baxa ay la wadaagi doonaan dadka Soomaaliyeed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro qorsheysan dagaallo xoogan.

Somali president visits Southwest State as army offensive looms

0

Wednesday , October -18- 2023-{HMC} The President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud arrived in Baidoa, the interim capital of Southwest State on Wednesday.

The president was warmly welcomed at the Baidoa airport by the regional leader Abdiaziz Laftagareen, and other officials while the security has been extremely beefed up.

The purpose of the President’s trip to Baidoa is said to be related to the start of the second phase of the war against Al-Shabaab after the first phase came to the finishing point.

Hassan Sheikh during his stay in Southwest State will visit areas in the Bakool region near the Ethiopian border to meet the Somali National Army [SNA] soldiers and state forces.

In addition, the president will discuss Laftagareen’s ways to find a solution to the political crisis in the regional state, including the elections, which are set to take place this year.

The president was a grantor of an agreement between Laftagareen and his opposition.

 

Joe Biden oo wacad ku maray inuu caalamka tusi doono in Maraykanku uu garab taagan yahay Israa’iil

Arabco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu caalamka tusi doono in Maraykanku uu garab taagan yahay Israa’iil booqashadiisa Arbacadii, wuxuuna xusay in qaraxii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Isbitaalka Marinka Gaza aysan fulin ciidanka Israa’iil.

Biden ayaa u muuqda inuu Israa’iil ku raacay talaabada ay ku inkirtay gantaalka ku dhacay Isbitaalka Gaza oo ay sheegtay inuu ahaa gantaal habaabay oo ay rideen kooxaha Falastiinyiinta.

“Iyadoo ku saleysan waxa aan arkay, waxay u muuqataa inay qaraxaas sameeyeen kooxo kale, ma aha adiga,” ayuu Biden u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu intii lagu jiray kulanka ka dhacay magaalada Tel aviv oo uu maanta booqashoku tagay.

Laakiin Biden waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo halkaas jooga oo aan hubin waxa sababay qaraxa Isbitaalka Gaza kaasoo mudaharaadyo ka dhaliyay guud ahaan bariga dhexe iyo dalalka Islaamka.

Biden ayaa markii dambe sheegay inuu ku saleeyay gunaanadkiisa arrintaas xog ay tustay waaxdiisa difaaca oo Israel ka beri yeelaysa Gantaalkaas, dad badan ayeyna ka yaabisay taageerada indho la’aanta ee Mareykanku siinayo Yuhuuda oo hadda gaartay heer caqliga uusan aqbali karin.

Israa’iil ayaa sheegtay in raadarkeeda iyo sidoo kale muuqaal madax-bannaan uu muujinayo gantaal ku dhex jira goob baar ah oo ay soo rideen mintidiin Falastiiniyiin ah oo si khaldan u riday isla markaana sababay qarax weyn markii uu qaraxu ku dhacay isbitaalka. Waxay sheegtay inaysan jirin wax duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Isbitaalka Gaza, waxayna baahisay cod ay ku sheegtay inuu u dhaxeeyay labo maleeshiyo oo Xamaas ah, kuwaasoo ay ku sheegeen in qaraxan loo maleynayo inuu ahaa mid si qaldan loo adeegsaday.

Hase ahaatee kooxda Islamic Jihad ayaa meesha ka saartay sheegashada Israel, waxayna farta ku fiiqday amarkii Israel ee ahaa in isbitaalka laga baxo maalmihii la soo dhaafay iyo warbixino ku saabsan weerar hore oo ka dhacay isbitaalka oo ay ku dhaawacmeen afar qof taasoo cadeyn u ah inuu bartilmaameedka Israel ahaa.

Dadka wax Taxliiliya ayaa sheegaya in inkirmaada Israel & cadeymaha ay la timid ay yihiin kuwo raqiis ah oo aan lagu qanci karin, iyagoo xusay in kooxaha falastiiniyiinta aysan heysan gantaal geysan kara khasaaraha baaxadaas le’eg.

Booqashada Biden ee Israel ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaaca bini’aadan-tinimo ee ka taagan Gaza, halkaasoo Israel ay jartay isu socodka cuntada, shidaalka iyo biyaha. waxaana socda dedaalo la xiriira sidii meesha looga saari lahaa ismari waaga ka dhashay bixinta saadka rayidka, kooxaha gargaarka iyo isbitaallada Gaza

Biden ayaa sidoo kale lagu waday inuu booqdo Jordan si uu ula kulmo hogaamiyayaasha Carabta Arbacada, laakiin shir madaxeedka ayaa la joojiyay ka dib markii duqeyntii isbitaalka.

Hadalkiisa Tel Aviv wuxuu kaga hadlay argagaxa ay Israa’iil soo martay, iyo sidoo kale dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee sii kordhaya ee rayidka Falastiiniyiinta ee Gaza.

Biden ayaa u sheegay Netanyahu inuu aad uga murugooday oo uu ka carooday duqeynta isbitaalka. Laakiin waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in Xamaas aysan matalin dhammaan dadka Falastiiniyiinta, oo ay u keentay dhibaato kaliya. isagoo xusay baahida loo qabo in la helo habab lagu dhiirigelinayo naf-badbaadinta si loo caawiyo Falastiiniyiinta aan waxba galabsan ee Gaza.

Fariinta guud ee Biden ayaa ahayd in Maraykanku uu si adag u garab taagan yahay Israa’iil ka dib weerarkii Xamaas ee lagu dilay 1,400 oo qof oo Israa’liyiin ah.

“Waxaan rabaa inaad ogaato inaadan keligaa ahayn. Waxaan sii wadi doonaa inaan joogno dhabarka Israa’iil, Waxaan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno adiga iyo la-hawlgalayaasha gobolka oo dhan si aan uga hortagno musiibo badan oo ku timaada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.” ayuu yiri Biden.

Israa’iil oo Shuruuda adag ku xirtay in gargaar la geeyo Magaalada Gaza

Arabco , October -18- 2023-{HMC} Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Israa’iil, ayaa sheegay gelitaanka gargaarka ee magaalada Gaza ay ku xiran tahay sii deynta maxaabiista ay haystaan Xamaas.

“Soo celinta la haystayaasha, oo indhaheenna ku ah muqadas, ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaal kasta oo bini’aadantinimo,” ayuu Hanegbi u sheegay suxufiyiinta.

Xamaas waxa ay gacanta ku haysaa ilaa 250 oo qof kadib weerarkii 7dii October oo sidoo kale lagu dilay, 1,400 Israaliyiin ah iyo kumanaan reer Falastiin oo ku dhintay fal celinta Israel.

Isra’iil waxay ka mamnuucday gelitaanka biyaha, shidaalka iyo cuntada magaalada Gaza waxayna heshay dhaleeceyn la xiriirta iney wado “Ciqaab wadareed” ka dhan ah dhulka go’doonsan ee Gaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Dadka ayaa lagu qasbay in ay ceelal ka qotaan meelo badda u dhow si ay biyo uga soo dhaansadaan Gaza oo ay ka dhammaadeen biyihii la cabi jiray sidoo kale waxaa gabaabsi ah shidaalka, Cuntada iyo dawooyinka.

RW Israel Benjamin Netanyahu oo mar kale sheegay in Israel aaan lagu eedayn karin weerarka Isbitaalka Gaza

Arabco , October -18- 2023-{HMC} RW Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar kale sheegay in Israel aaan lagu eedayn karin weerarka Isbitaalka Gaza xili uu ka hadlayey shir jaraa’id oo uu la qabtay Madaxweyne Biden oo maanta booqday Israel.

“Dunida oo dhami si sax ah ayay uga carootay, laakiin caradaan waa in aan loo jeedin Israa’iil ee waa in loo jeediyo argagixisada,” ayuu yiri Netanyahu intii lagu jiray kulan xigay oo uu la yeeshay Biden iyo golaha wasiirada Israel.

Booqashada Madaxweyne Biden ayuu ku tilmaamay mid qoto dheer oo qiiro badan”, isaga oo intaa ku daray, “Waan ogahay in aan u hadlo dhammaan dadka Israa’iil marka aan ku iraahdo waad ku mahadsan tahay Mudane Madaxweyne, garab istaagga Israa’iil maanta, berri iyo mar walba.” ayuu intaas ku daray.

Netanyahu wuxuu sheegay in Biden uu si sax ah u soo saaray khad cad oo u dhexeeya wax uu ugu yeeray “Xoogga ilbaxnimada iyo xoogaga waxashnimada,” isagoo sheegay in Israa’iil ay ka midaysan tahay go’aankeeda ah inay ka adkaato Xamaas.

“Dunida ilbaxnimada leh waa inay u midoobaan sidii ay uga adkaan lahaayeen Xamaas,” ayuu yiri.

Biden waxa kale oo uu la kulmay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo sidoo kale iyo qoysaska dadka ay dileen Xamaas iyo kuwa ay haystaan. Gacmaha ayuu qabtay, wuu isku duubay oo si deggan ayuu u dhegaystay.

Eli Beer, oo ah aasaasaha adeegga caafimaadka degdegga ah ee Israel ayaa u sheegay Biden in booqashadiisa ay ​​aad kor ugu qaadday ruuxda Israel iyo dhammaan dadka Yuhuudda ah ee adduunka.

Suurtagalnimada in uu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Carabta ee deriska la ah ayaa si weyn hoos ugu dhacay markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas. Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa duulaan dhulka ah oo ay ku qaadi karto Gaza si ay uga jawaabto weerarrada Xamaas.

Ku dhawaad 2,800 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ee Gaza. 1,200 oo qof oo kale ayaa la rumeysan yahay iney ku jiraan burburka hoostiisa, iyagoo dhintay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. Tiradaas ayaa ka horeysay weerarkii ka dhacay isbitaalka Al-Ahli fiidnimadii Talaadadii.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 18 10 2023

Arabco , October -18- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Shukri Baryare Maxamuud 

Farsamadii :Cabdi Zamad Cilmi Cabdi

HOOS KA DAAWO WARKA HABEENIMO