Home Blog Page 3247

{DAAWO MUQAALKA} Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo ka tirsan kooxda AS

0

Arbaco , October -18- 2023-{HMC}  Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo ka tirsan kooxda AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo u tegaya dardargelinta dagaalka ka dhan ah ‘AS’.

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu diiradda u saaro dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo wajigiisa labaad dhowaan halkaas ka billaabanaya.

Ilo Xilkas ah ayaa   sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale in ay socdaal ku tegayaan deegaanno katirsan Gobollada Bay & Bakool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugnaanayo Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo aan ilaa hadda la shaacin kula kulmi doonno Madaxda Dowlad-Goboleedkaas, Saraakiisha Ciidanka ATMIS, Dadka deegaanka iyo xubnaha Federaalka ee deegaannadaas jooga si loo dardargeliyo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.

Waxaa la diyaariyay ciidamo qaarkood dhowraan tababarro ciidan ku qaaday Magaalada Baydhabo kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka wajiga labaad ee la dagaalanka ‘AS’ sida ay  xaqiijiyeen ilo kala duwan oo uga xog-warramay arrintaan, waxaana lagu biirinayaa ciidamo deegaanka ah & kuwo ay diyaarisay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Ciidamada Qalabka sida u ballanqaaday in uu waqti kula qaadan doonno furimaha Dagaalka si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo uu sheegay in ay Dowladdu ka go’an tahay.

Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo AS ah

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dowladda Mareykanka ayaa baadigoob xooggan ugu jirta hoggaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda AS  ee Soomaaliya ka aas aasan , kuwaa oo Mareykanka ku eedeesay in ay galeen dambiyo kala duwan .

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda ayaa lacag abaal-marin ah madaxiisa dul dhigtay hoggaamiye katirsan AS , kaa oo kamid ah ragga sida weyn loo raadinayo.

Mareykanka ayaana lacag abaal-marin ah oo dhan $5 milyan u ballan-qaaday qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsado Abuukar Cali Aadan, oo katirsan hoggaamiyaasha sar sare ee AS.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha AS, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha.

Dowladda Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin dollar ah madaxooda u dul dhigtay hoggaamiyaasha ugu sareeya AS ay ku jiraan Amiirka kooxdaasi Axmed Diiriye iyo sidoo kale Mahad Karatey oo kamid ah ragga ugu saree AS.

madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo manta jidde ku shiraayo

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa maanta ku shiraya madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo si adag uga doodaya xaaladda ka taagan Gaza iyo Xasuuqa Yuhuudda geysaneyso.

Diblumaasiyiin u dhow shirkaan ayaa laga soo xigtay in waddamada Islaamka ay maanta ka dareen duwan yihiin kulamadii hore ee xaaladda bariga dhexe ka yeelan jireen maadaama Dad badan oo Shacab ah lagu dhibaateeyay duqeynta arxan-darrada ah.

Waddamada ka qaybgalaya shirka ayaa kahor inta aysan miiska wadahadalka tegin waxa ay indhaha lasoo saareen xaaladihii ugu dambeeyay oo uu ugu weyn yahay weerarkii Argagaxa lahaa ee Israaiil ay ku beegsatay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaza.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa qoraallo ay soosaareen waxa ay si adag u cambaareeyeen falka Israaiil ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Babtist, Xeryaha Barakacayaasha & goobaha Waxbarashada.

Qaar ka mid ah adeegyada X (Twitter) oo lacag laga dhigayo

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC}  Barta baraha bulshada ee X, ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa ku dhowaaqday Talaadadii inay billowday in dadka cusub ee kusoo biiraya ee dalalka New Zealand iyo Philippines ay kusoo rogto lacag si ay isticmaalaan adeegyada qaarkood, sida farriimaha.

X, oo sanadkii tegay uu iibsaday bilyaneer Elon Musk, ayaa bayaan ku sheegtay in habkan cusub ee rukumashada uu “xoojin doono” dadalladii horey u jiray ee lagu yareynayo spam-ka iyo computer-ada iska dhiga dadka.”

Habkan cusub ee la tijaabinayo, dadka ku cusub barta X ee ka isticmaalaya webka ee dalalka Philippines iyo New Zealand ayaa ku qasbanaan doona inay bixiyaan $0.75 iyo $0.85 sida ay u kala horreeyaan, sanad kasta, si ay loogu ogolaado isticmaalka adeegyada aas-aasiga ah sida inay wax ku qoraan barta.

Kuwa diida inay bixiyaan lacagta waxay awoodi doonaan kaliya “inay wax ka aqriyaan” barta, daawadaan muuqaallada ayna ku xirnaadaan cinwaannada kale, sida ay tiri shirkadda.

“Tani waxay qiimeyn doontaa tallaabo awood leh, si ay nooga caawiso inaan la dagaalanno computer-ada dadka iska dhiga iyo spam-ka, iyadoo la isku dheelitirayo adeegsiga barta iyo qaddarka lacagta yar,” ayay raacisay.

Dadkii horey u isticmaali jiray X ee dalalkan ma saameyn doono go’aankan.

Musk ayaa isbeddelo dhowr ah oo muran dhaliyey ku sameeyey maamulka iyo adeegyada X, tan iyo markii uu $44 bilyan ku iibsaday Twitter sannadkii tegay.

Wuxuu dhowaan soo jeediyey fikradda ah inuu lacag ka qaado dhammaan dadka isticmaala barta, si wax looga qabto cinwaannada been abuurka ah — taasi oo uu kala kulmay dhalleeceyn xoogan.

Maxaa laga filayaa inay Iran iyo Turkeyga kaga jawaabaan duqeynta Isbitaalka Qasa?

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dalalka Islaamka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay duqeynta isbitaalka magaalada Qasa oo ay ku dhinteen dad ka badan shan boqol oo qof. Falastiin iyo dalal kale carabta ayaa weerarkaas ku eedeeyay Israel.

Laakiin Israel way iska fogeysay inay ku lug leedahay duqeynta Isbitaalkaas, oo ay dusha ka saartay kooxaha Falastiin ee dagaalka kula jra. Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Qasa ku dawa duqeymihii ugu darnaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Haddaba, Iran ayaa ka mid ah dalalka sida adag uga hadlay duqeynta Isbitaalka. Halkan ka dhegeyso waxa laga filayo Iran iyo kooxda Xisbulaah, Turkey, iyo sida ay uga falceliyeen duqeynta Isbitaalka Qasa.

Halkee ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka Somalia?

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977
Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.

Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.

Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.

Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidamada Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaaliya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soomaaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridista, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diyaaradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysnaayeen.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diyaaradood kasoo riday Soomaaliya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cirka, qaybihii dambe ee dagaalka.

Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?
Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, “Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali.

“Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid.

Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan.

“Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sareeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cirka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaalka ayaa sidaasi yiri.

Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti dawladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan.

“Ganacsatada Soomaalida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu.

Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula sameeyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan.

Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka.

Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya.

Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso “in la dhiso ciidankii cirka”.

Billowgii xiriirkii Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.

Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.

Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada Soomaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xilligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed.

Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay, lana keenay koonfurta Soomaaliya.

July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.

Biden & Cabdifitaax Sisi oo ku keli noqday kulanka ay uga arrinsanayaan Xaaladda Gaza.

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Masar Cabdifitaax Sisi ayaa ku keli noqday kulankii ballaarnaa ee ay damacsanaayeen in ay ka qaybgalaan Madax badan oo kasoo jeeda Waddamada Carabta si ay uga arrinsadaan xalka xaaladda kasii dareysa ee Gaza ka taagan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazin ayaa si cad u sheegay in uu isaga baxay shirkaan oo uu markii horay kamid ahaa madaxda lagu martiqaaday kaddib markii Yuhuuddu ay duqeyn arxan-darro ah ku beegsatay Goobaha Rayidka ee Gaza.

Boqor Cabdallaha labaad ee Urdun ayaa dhankiisa sheegay in uusan qayb ka ahayn kulanka Arbacada maanta lagu wado in uu qabsoomo maadaama caradii uu ka qaaday go’doominta reer Gaza loogu daray duqeyn lagu beegsaday Isbitaalka Al-Ahli Babtist.

War kasoo baxay boqortooyada Sacuudiga ayaa dhankeeda cambaareyn xooggan dusha looga saaray tallaabada Israaiil ay ku duqeysay Goobaha rayidka Falastiin ay ku sugan yihiin sida Isbitaalka Al-Ahli, Xeryo barakac iyo goobo waxbarasho.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dhowr jeer si cad u sheegay in uu Israaiil garab taagan yahay ayaa haatan xaaladdu ku cakiran tahay maadaama weerarrada Yuhuuddu ay karkaarada jabsadeen waxaana ka dhashay caro xooggan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 18-10-2023}

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimaajid Cabdiraxman Aadan

Farsamadii :Cabdi Majiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

wararkii ugu dambeeyay Boqolaal qof oo ku dhintay duqaynta Gaza

0

Arboco , October -18- 2023-{HMC}  Qarax xooggan ayaa habeenimadii Salaasada wuxuu gilgilay cusbitaalka Gaza, waxaana suurto-gala inay halkaas ku dhinteen boqolaal qof.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo.

Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo ka mida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.”

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhinacooda beeniyey inay khaladka leeyihiin, iyaga oo ku dooday in gantaal habow ah oo ay soo rideen kooxda Islamic Jihad inuu ku dhacay cusbitaalka. Hase ahaatee warkaas waxaa beeniyey kooxda xagjirka ah ee Islamic Jihad.

Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”.

Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka, ayaa lagu sheegay “In ka dib wada-tashi uu la yeeshay boqorka Urdun King Cabdallaha labaad, islamarkaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa inuu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo madaxda Masar iyo Urdun.”

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in “Madaxweyne Biden uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii cusbitaalka Gaza, isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Madaxweyaha ayaa sii wadaya inuu si dhakhso ah madaxdan si fool ka fool ah ula tashado, isla markaana uu ula xidhiidho maalmaha soo socda.”

Danjiraha Falastiin u jooga Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa Salaasadii sheegay “Walaalahayaga Urdun, waxay yidhaahdeen, shir ma yeelanayno iyada oo xaaladdan lagu jiro … waxa keliya ee macne samayn kara ayaa ah – haddii [Biden] uu hirgelinayo xabbad-joojin, isla markaana uu odhanayo, waxaan halkan u imi inaan dhaqangeliyo” ayuu yidhi.

Xamaas ayaa bishan October 7-deedii waxay weerar argagixiso ku qaaday Israa’iil, kaas oo ay dileen illaa 1,400 oo qof, iyaga oo wakhti dheer diidanaa inay aqoonsadaan dawladda Yuhuudda