Home Blog Page 3248

RW Xamza soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya

0

Talado , October -17- 2023-{HMC}   Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taasi oo ay ka qeyb qaateen khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Mudane Xamza ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa dhawaan qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka QM oo si kulul u cambaareysay duqeyn lagu laayey qoysas qax ku jiray

0

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey duqeyn ciidamada Israel la beegsadeen dad rayid ah oo isku dayayay inay u qaxaan koonfurta Qaza.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Ravina Shamdasani ayaa ku boorisay ciidamada Israel inay ka fogaadaan duqeymaha cirka, aan loo meel dayin iyo inay taxadaraan si looga fogaado luminta nolosha rayidka, dhaawacyada

Waxay sheegtay in kuwa ay u suurtagashay in ay qaxaan ay hadda ku go’doonsan yihiin koonfurta Gaza aysan heysan hoy, cunto, biyo, fayadhowr iyo dawo.

“Wararka naxdinta leh ee sheegaya in dadka rayidka ah ee isku dayaya inay u guuraan koonfurta Gaza lagu dhuftay laguna dilay hub qarxa, waa in si madax-banaan oo qoto dheer loo baaro sida dhammaan eedeymaha xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah,” ayay tiri.

Shamdasani waxa kale oo ay ku celisay baaqii ka soo baxay xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee kooxaha hubaysan ee Falastiin “in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan dhammaan la haystayaasha rayidka ah iyo in la joojiyo adeegsiga gantaallada aan kala sooc lahayn ee ka dhanka ah Israa’iil.

Ugu yaraan 30 qof ayaa dhintay tiro intaas ka badana wey dhaawacmeen ka dib markii dayuuradaha Israel ay duqeyeen qoysas la socday gaadiid oo ka qaxayey woqooyiga Gaza oo ay horey u amartay in laga baxo kuna jeeday Koonfurta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay iskaashiga arrimaha Cadaaladda

0

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud oo ku sugan magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaas Khalid Shwani.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee magaalada Baqdaad, ayaa labada Wasiir waxa ay wada hadleen iskaashiga dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyada, iyo in la is weydaarsado qibradaha labada dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa uga warbixiyay wasiirka dadaalada dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida ay uga go’antahay in xooga la saaro kor-u-qaadista daadajinta adeega Cadaaladda iyo kala sareynta sharciga.

Wasiirka Cadaalada dalka ciraaq Khalid Shwani ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlada ahaan ay diyaar u yihiin adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dalka iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Ciraaq Khalid Shwani ayaa isla gartay in si wadajir ah la isaga kaashado hormarinta hay’adaha Cadaaladda labada dowladooda.

RW Xamsa oo ganacsatada Soomaaliyeed Kala Hadlay doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah

0

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho. Sida lagu yiri war ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Ganacsatada kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Madaxii ugu sareeyay AS-ka GALCAD oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

0

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha AS  ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa AS -kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

“Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.

Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda AS  oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda AS ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan”Dadka reer Hiiraan Colka way isku garab siiyaan ee Ciidanka hala garab istaago.

Talado , October -17- 2023-{HMC} Xildhibaan””Dadka reer Hiiraan Colka way isku garab siiyaan ee Ciidanka hala garab istaago

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Sargal sare oo ka Tirsan A.S oo isku soo dhiibay ciidanka Galcad.

Talado , October -17- 2023-{HMC} Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Shabaab-kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.

Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

{DAAWO SAWIRADA} Xamsa oo soo xiray Aqoon-iswaydaarisga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya

Talado , October -17- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku taqasusay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh”.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Hamse ayaa ganacsatada la yeshay kulan ku Aadan dorka ay ku leeyihiin dowladnimada.

Talado , October -17- 2023-{HMC} Ra’iisul Wasaare Hamse ayaa ganacsatada la yeshay kulan ku Aadan dorka ay ku leeyihiin dowladnimada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} General Indha cadde Xildhibaanada iyo Wasiirada namatala Taleefanada ayey iga qaban waayeen si aan u

Talado , October -17- 2023-{HMC} General Indha cadde Xildhibaanada iyo Wasiirada namatala Taleefanada ayey iga qaban waayeen si aan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA