Talado , October -17- 2023-{HMC} Abdi Xafiid oo Markale laga Saaray Xulka Maanta Wajihi Doona Dalka Sierra leone
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi oo magacaabay Wasiir cusub
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, isaga oo magacaabay wasiir cusub.
Madaxweyen Muuse Bixi ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqda Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Axmed Aadan Jaamac oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ka qaaday xilkii uu hayey.
Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland lagu xusin sababta rasmiga ee xilka looga qaaday Wasiir Jaamac, balse waxaa lagu xusay xilka qaadistiisa in ay tahay sunnada Siyaasadda.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 17 10 2023
Talado , October -17- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha D/Xamar Jajab Ismaaciil kula dar-daarmay in laga wada shaqeeyo Bilicda iyo Nadaafada..
Talado , October -17- 2023-{HMC} Guddoomiyaha D/Xamar Jajab Ismaaciil kula dar-daarmay in laga wada shaqeeyo Bilicda iyo Nadaafada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wariye Asma: Geerida Walaalkay Qays Waxaan Dareemay Sida in Hooyaday Dhimatay.
Talado , October -17- 2023-{HMC} Wariye Asma: Geerida Walaalkay Qays Waxaan Dareemay Sida in Hooyaday Dhimatay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 17-10-2023}
Talado , October -17- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf cali iyo iqra Abdullahi
Farsamadii :C/kaafi Cismaan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay
Talado , October -17- 2023-{HMC} Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taala xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Warsaxafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa uu ku dhintay hal qof kaliya oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Muqdisho ee Teleefishinka Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur Qays, islamarkaama ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.
“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho. Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Booliiska Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Agaasime Cabdifitaax Macalin Nuur Qays oo Maydkiisa la dhigay Mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa maanta lagu aasaya magaalada Muqdisho.
Qaraxa Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo amaanka Muqdisho uu muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, kadib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen baarista Gaadiidka iyo dadka la socda si looga hortago qaraxyada iyo weerarrada kooxda Al-shabaab.
Duqa Muqdisho oo maanta dhagax dhigay Waddo muhiim ah
Talado , October -17- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kula dar-daarmay shacabka Degmooyinkaan in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.
Muqdisho waxaa si xawli ah ugu socda dhismaha waddooninka, iyada oo todobaadkaan bilowgiisa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xarig jiray laba waddo oo loogu Magacdaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi iyo halyeygii reer Jabuuti Maxamuud Xarbi.
{DAAWO MUQAALKA} Qeybti 1-aad Wareeysi gaar ah Xildhibaan Maxamed Cabduqadir ”Waxaan qaatay Go,aan Ah guul Ama Geeri
Talado , October -17- 2023-{HMC} Qeybti 1-aad Wareeysi gaar ah Xildhibaan Maxamed Cabduqadir ”Waxaan qaatay Go,aan Ah guul Ama Geeri
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo si deg deg ah u dhagax dhiagay wado uu burbur xoogani ka jiray.
Talado , October -17- 2023-{HMC} Gudoomiye Madaale oo si deg deg ah u dhagax dhiagay wado uu burbur xoogani ka jiray.



