Home Blog Page 3257

Waa tee badda ay dooneyso Itoobiya ee ay sheegtay in jiritaankeedu ku xiran yahay?

0

Axad , October -15- 2023-{HMC}  Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in helitaanka bad gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka dalkiisa. Hdal ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo waddanka dariska la ah ee Eritrea ayuu ku sheegay in loo baahan yahay inay wadahadalo sax ah oo ay galaan.

Abiy ayaa hadalkaan ka yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka dalkiisa. Itoobiya ayaa noqotay waddanka ugu balaaran Afrika ee aan lahayn bad, tan iyo markii ay ka go’day Eritrea sanadkii 1993 dii, iyada oo ku tiirsan waddanka ay dariska yihiin ee Djiboutu oo ay kala soo dagaan %85 badeecooyinkooda.

“Bad cas iyo wabiga Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan.

Hadalka Abiy eek u saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya eek u xariira baraha bulshada taas oo ay la is weydiinayo halista u uku keeni karo heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan, Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaaka kula jiree ciidamada Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya. Itoobiya ayaa sidoo kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda.

Abiy ayaa sheegay in takado ku yaalla Eritrea, Djibouti iyo Somaliland ay yihiin kuwa ay ku heli karaan si nabad ah.

Abiy ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay suuragalnimada dib u midow dhexmara iyaga iyo Eritrea, kaas oo noqon kara nidaam fadaraal ama mid iyaga oo kala madax banaan ay si guud dusha hal dawlad uga noqanayaan, iya sidoo kale in suuragalnimada in ay is dhaafsadaan dhul iyada oo Itoobiya iibineyso sahmiyo kamid ah mashruuca ay ugu magac dartay Mega Dam ee wabiga Niil.

Dhawaan saraakiil sarsare oo Itoobiyaan ah oo ka hadlay arrinka la xriira takadaha ayaa sheegay in istaraatiiji ah aysan habooneyn, maadaama aan taageero laga haysan shacabka gobolada ugu waawayn ee Itoobiya sida Oromia iyo Amhara.
Eritrea ayaan arrintaan wali hadal ka dhiiban.

Ciidanka Badda Itoobiya

Itoobiya oo ah waddan aan lahayn wax bad ah ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku howlanaa dhismaha ciidamada badda, kuwaasoo laga leeyahay ujeeddooyin muhiim ah.
Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Itoobiya ma lahayn ciidamo badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood ciidan oo dhanka badda ah.

Islamarkii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 2018-kii, waxaa howlihii uu guda galay ka mid ahaa inuu ka shaqeeyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cududda ciidanka badda ee waddankiisa.

Wakaaladda Wararka Fanaa ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigatay Mr Abiy oo sheegaya in dib u habeynta militariga ay tahay “in lala jaan qaadsiiyo dunida isbaddalka degdegga ah sameyneysa, sidoo kalena ku tallaabsaneysa horumarka dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda”.

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay isku dayeyso sidii ay saameyn dhanka awoodda ah ugu yeelan lahayd gobolka dhinaca bari ee Badda Cas ayna la wareegto illaalinta amniga marinnada badda ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga ee Itoobiya.

Inta badan maraakiibta badeecooyinka u wada Itoobiya ayaa adeegsada badda Cas iyo Gacanka Cadan.

ISHA BBC

Wararkii ugu dambeeyay dagaal u dhexeeyo AS  iyo ciidamada dowladda oo ka socda duleedka GURICEEL

0

Axad , October -14- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo AS  iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka uu ka socdo agagaarka magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda AS ay weerar ku qaadeen deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa sidaas ku billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada isbaheysanaya iyo xubnaha As ee weerarka soo qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid As, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay kusii qul qulayaan ciidamada dheeraad ah, si ula dagaalamaan As weerarka soo qaadeen.

Guriceel iyo agagaarkeeda ayaa waxaa muddooyinkan lagu uruurinayay ciidamo loo diyaarinayay dagaalka As, si u xoreenaa deegaanada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda As, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn – 15 – 10 – 2023

0

Axad, October -15- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrinma muhiim ah ka balan-qaaday ciidamada ku jira dagaalka AS

0

Axad, October -15- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay  jeediyey khudbad dheer ayaa ka hadlay dagaalka As, isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley, una sameeyey balan-qaad culus.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda gudo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed oo ku taamaya in dalka laga wada xoreeyo as.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee Macawiisley ka balan qaaday inay soo daba fariisi doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.

“Geesiyaal waxaan idinka balan-qaadayaa in dhamaan umadda Soomaaliyeed aan idin soo daba fariisiyo, si ay idinkugu noqdaan garab iyo wehel aad dugsataan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisu ay guuleysatay maalintii uu go’aansaday inuu dagaal ku qaado kooxda Khawaarijta ah ee As.

“Maalintii aan go’aansanay inaan halgan galno oo dulliga ka dul-qaadno umadda ayaan guuleysanay, guusha ugu dambeysa waa noo muuqataa, waana xaqiiji doonaa, insha allaah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale oo halgankaan ay ku muteysa karaan.

Feature: “A population of 150 million can’t live in a geographic prison” – PM Abiy Ahmed

0


Sunday October 15, 2023

Addis Abeba – In a televised speech addressed to Ethiopian law makers, and in what appears to be his first ever open comment on the issue of the Red sea, PM Abiy Ahmed said access to the port is an existential matter for Ethiopia and that Ethiopians should at least start discussing the red sea.

Displaying a map showing Ethiopia’s location between the Red Sea and the Nile, the PM said, ‘it isn’t right to say ‘this water [the Nile] concerns you [Ethiopia], and this water [the Red Sea] doesn’t, nature doesn’t say that’.

“The Red Sea and the Nile will determine Ethiopia. They are interlinked with Ethiopia and will be the fundamentals that will either bring in Ethiopia’s development or bring about its demise,” he noted.

In a 45 minute long speech broadcasted on state owned and state affiliated channels, the PM said if the Nile is an existential issue for the Egyptians and the Sudanese while its originated in Ethiopia and discussing it openly isn’t a taboo, discussing the red sea shouldn’t be a taboo for Ethiopians. “The thing that saddens me the most and pains me, is that discussing the Red Sea agenda even at the level of parliamentarians is considered a taboo.”

“Why don’t we discuss it? Is it useful or useless? If it comes [to it] what’s the consequence? Why are we afraid of discussing it? Just like we are negotiating about the Nile, we can negotiate about it; it has no problem unless negotiation is equivalent to not using it”, the premier enthusiastically conveyed. This comes following recent rumors that the PM said Ethiopia will secure direct access to a port, either peacefully or, if necessary, by force.

He explained that the joint utilization of the two crucial waters could bring peace and unity as well as comprehensive prosperity to the Horn of Africa nations. “For example: if Eritrea, Djibouti, Somalia, Ethiopia were one country – forget federalism or federation -if they were one country in whatever way, do you think Somalia, Ethiopia, Djibouti, Eritrea, will beg? It would mean another Russia, another China, another America; a very big country,” he said, adding that in order for the whole region to be at peace and ensure prosperity “the first thing that should be looked upon is the Red Sea. The issue of the Red Sea needs a thorough conversation”.

He explained that Ethiopia’s rights and claims of access to the port are rooted in geographical, historical, ethnic, or economic reasons, including the fact that Ethiopia’s legitimate need for adequate access to sea was incorporated as an agreement in the UN charter.

He noted that “Ethiopia is an island surrounded by water, but [it is] a country that is thirsty. The whole surrounding of our country is water, but we are thirsty. Why? While there is plenty of rain, underground water, …the Indian Ocean down there and Red Sea up there…why is water our problem while we are surrounded by water?, he asked.

“If you say ‘because we are 120 million, because we have the power? Because [we have] the army, [we have] the air force? By beating and killing people’ …if you say these, that is not what we should do.
“You[Ethiopia] were 50 million then; by 2030 you will be 150 million. A population of 150 million can’t live in a geographic prison” he underscored. “If we don’t talk about the Red Sea issues, we will as much not talk about wheat, green legacy, tax collection…[if we have accomplished all these] and lose it due to [not discussing] Red Sea, it’s meaningless. So let’s discuss it. If we decided It is not the time or it’s not useful, we will drop it. But why are we scared of discussing it is the thing, because no one is scared of us when it comes to the issue of the Nile. No one.”

Furthermore, he said that all neighboring countries get water from Ethiopia including Djibouti through a pipeline. “Eritrea has Tekeze [river]; Sudan has Tekeze and the Nile; South Sudan has Baro; Kenya has Omo; Somalia has Wabe Shebelle and Genalle Dawa. Who is the [neighboring country] that we didn’t give? On top of that it is potable, fresh water. We are not even receivers. There is no single country that provides Ethiopia with a liter of fresh water; they are all takers. They deserve it. We will keep giving them more. But to say ‘we will share yours but you don’t ask ours’ is not correct. If we want to live together, if we think of peace, we both have to live by maintaining the equilibrium,” PM Abiy asserted.

He warned that lack of fairness in utilization of resources among these countries “is not just, [and] if it is not just, it’s a matter of time that it will lead to conflict”. He however, ruled out the use of force to gain access to the port. “If you say ‘because we are 120 million, because we have the power? Because [we have] the army, [we have] the air force? By beating and killing people’ …if you say these, that is not what we should do. It should not be by killing and war,” he said, adding that a solution could be reached through discussion.

The PM said that, in the world, there are 44 landlocked countries, of these 44 countries, there is none that is close to Ethiopia in population size. “There is no country with 120 million people and it is landlocked. No country in the world.” With Ethiopia’s population projected to be 150 million by 2030, he underscored that discussing the red sea issue is “not a matter of luxury; it is a matter of Ethiopia’s very existence”.

“If we can neither lease, nor invest…as you know, China has invested in Djibouti, the UAE has invested in Berbera, Türkiye is now investing in Mogadishu. If Turkiye comes, the UAE comes, what is wrong if we … invest to live together,” said the PM

“We can’t say ‘let’s not fight today, let our kids fight tomorrow.’ Let’s talk so [our kids] don’t fight.”

He laid bare possibilities of what Ethiopia can offer in return for the access to the port which includes shares of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), Ethiopian Airlines, Ethio-telecom. “The GERD is the number one dam in Africa. It is being completed. Let us invest in Assab, in Zeila or Adulis (we don’t have much problem in the choice of the place), you take 30%, 20% of the share from the GERD; we are not saying give us alone, we are saying take from us also. If you don’t want to take GERD, Ethiopian Airlines is number one in Africa; it is a huge airline. Take 20, 30% and for us, give us a port. If you say you don’t want Airlines, Ethio Telecom which is a big telecom in Africa with 70+ million subscribers; take a share, the world is buying it; let’s do that,” the premier conveyed. “But it’s impossible to be [prohibitive]. If we are discussing the issues of GERD, and Tekeze and refuse to discuss the issues of the Red Sea, it is not possible. Just like the fresh water concerns you, it concerns us too.”

He went on explaining historical, demographic and economic reasons why access to the port and the red sea is significant to Ethiopia. He said according to a study by the UN, access to sea accounts for up to 25-30% of a given country’s GDP. “If for example Ethiopia’s GDP is 100 billion, it is forfeiting 20-30 billion of it. The minute it gains access to the port, that amount will be added [to its GDP]. This is a study by the UN. If Ethiopia is a 100 billion [GDP] and it invests 30 billion on the Red Sea to get access it is profitable.”

He said the leaders of Somalia, Djibouti, Eritrea, and Ethiopia should discuss not only about current peace but also about sustainable peace. “We can’t say ‘let’s not fight today, let our kids fight tomorrow.’ Let’s talk so [our kids] don’t fight. Is it [through] an investment? Is it [through] a share? Is it [through] lease?… The choice can be seen. But it is wrong to say ‘we will not discuss it’, he conveyed.

“Whichever way of an agreement, that’s what we need . Why? Our number is increasing, with can’t no longer carry it with the current trend; the longer it takes things that could be out of control will come. If we make it a taboo already and we don’t discuss and dialogue about it, it is dangerous. At the very least the current main political elite need to discuss it; it is possible to leave the action for now, let’s discuss it and let our children continue with it. But it’s not an ordinary thing, we can be silent about it. It is a serious issue so let’s talk about it. Otherwise it will endanger Ethiopia’s existence.” He added that lack of access to port, despite having the potential to be an African superpower, “will prevent Ethiopia from assuming its place in Africa, because it is landlocked”.

He said that which port isn’t an urgent matter for Ethiopia and an informed choice can be made once the discussion starts. “Zeila in Somaliland [historical context] during the Ifat kingdom and proximity; the other option in Djibouti which is still serving us; Adulis, located in coastal Eritrea – it is possible to look at it as an option. It is possible to look at Massawa, and Assab as an option. We don’t have a stand that it should necessarily be Massawa or Assab; we just need the breathing gate…” he asserted.

He reiterated that peaceful means should be sought. “Because we have a legitimate question, [because] we are 100 million, have an army… we should not become one that jumps and chokes a country of others; this is not correct. We don’t have that interest. Is this thing possible peacefully? Yes it is possible; because everyone who wants joint benefit, joint prosperity, joint development, joint peace will do it.”

He went on to suggest Federation or Confederation with Eritrea as an example. “If you take Eritrea and Ethiopia, just like this tree is different in color, their flags and names are different. But inside it is interlocked. The confederation law that led us to conflict then can be looked into now. The emotion then and today is not the same, but we can rectify that with the existing emotions. As you know the people who speak [Tigrigna], Afar is one people; our food is Injera with wot (sauce), our music…everything is one and the same, except for the politics. It can be possible to simply answer it,” he said. “But what if they say ‘no, it can never be done’, they can, it is their right. It can not be forced.”

He also proposed a land swap which he referred to as an international exercise and a global experience. “If there is a problem of time, we can talk, but as a concept, who says this is wrong, it is not correct.”

 

Ra iisulwasaare Abii Axmed “ Suurta Gal ma ahan in 150 milyan Itoobiyaan ay Dakad la’aan ahaadaan ”

0

Axad-October -14- 2023-{HMC} Raysal wasaaraha Ethiopia ahaa markale ku celiyay damaca dawladdiisa ee ah in ay hesho Deked, waxana uu si gaar ah u soo hadal qaaday dekedda Saylac.

Dr Abiy Axmed, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in ay deked la’aadaan dadka Ethiopia.

Waa markii labaad ee uu laba bilood gudahood ku celiyo hadalkan, waxana uu bishii hore sheegay in xattaa haddii ay xoog ku helaan ay samayn doonan.

Hadalka Abiy, ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaalida ku nool geeska Afrika ay isu-dilaan qabiil qabiil.

3rd Turkish plane carrying humanitarian aid departs for Gaza

0


Esra Agacyetistiren
Saturday October 15, 2023

A third Turkish plane carrying humanitarian aid for Gaza Strip civilians took off from the capital Ankara on Saturday.

The military aircraft, in collaboration with the National Defense Ministry, Turkish Red Crescent, and Disaster and Emergency Management Authority (AFAD), will deliver much-needed aid to the people of Gaza.

The plane will land at El Arish International Airport in Egypt, which neighbors the embattled strip and has allocated it for humanitarian aid to Gaza.

Aid items like medicine, medical supplies, non-perishable food, canned goods, blankets, and diapers are set to be transported through the Rafah Border Crossing to Gaza.

The first two planes carrying Türkiye’s humanitarian aid for Gaza civilians landed in Egypt on Friday.

The conflict between Palestine and Israel began last Saturday when Hamas initiated Operation Al-Aqsa Flood – a multi-pronged surprise attack including a barrage of rocket launches and infiltrations into Israel via land, sea and air.

Hamas said the operation was in retaliation for the storming of the Al-Aqsa Mosque in occupied East Jerusalem and Israeli settlers’ growing violence against Palestinians.

The Israeli military then launched Operation Swords of Iron against Hamas targets within the Gaza Strip.

That response has extended into cutting water and electricity supplies to Gaza, further worsening the living conditions in an area that has faced a crippling siege since 2007, as well as ordering over 1 million Gazans to evacuate northern Gaza in less than 24 hours.

More than 3,300 people have been killed since the outbreak of the conflict, including 1,900 Palestinians and 1,400 Israelis.

*Writing by Necva Tastan

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Xasuuqii 14 Actober iyo Dagaalka AS

0

Axad-October -14- 2023-{HMC} Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadlayo 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO SAWIRADA} Kumuu ahaa Imaamkaan naafada ah ee Aasaasay Xamaas

0

Axad-October -14- 2023-{HMC} Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan Yaasiin. Waxa uu ahaa aasaasihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo urur siyaasadeed kale.

Yaasiin waxa kale oo uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka. Xamaas ayaa caan ka dhex noqotay bulshada falastiiniyiinta ka dib markii ay dhiseen isbitaalo, nidaam waxbarasho, maktabado iyo adeegyo kale, balse waxa ay sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda tiro weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsaday Israa’iil, taasoo keentay in dowladaha reer galbeedka ay ku tilmaamaan urur argagixiso.

Yaasiin, oo ahaa naafo indhaha aan safiican waxba uga arag, ayaa waxa uu kursiga curyaanka saarnaa tan iyo markii uu shil galay isaga oo 12 jir ah, waxaana duqayn ku dilay duuliye Israa’iili ah oo watay diyaarad helicopter ah sannadkii 2004-tii.

Dilkiisa oo ah weerar galaaftay nolosha dad gaaraya sagaal qof, ayaa soo dedejiyay dhaleeceyn badan oo Israa’iil lagala dul dhacay. Dad badan oo indha-indheeya arrimaha Falastiiin ayaa soo jeediyay in falkaasi uu si xun u saameyn doono geeddi-socodka nabadda. 200,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka soo qaybgalay aaskiisa.

Axmed Yaasiin waxa uu ku dhashay al-Jura, oo ah tuulo yar oo u dhaw magaalada Ashkelon, xilligii uu Ingiriisku xukumayay Falastiin.

Taariikhda dhalashadiisa si dhab ah looma oga, balse baasaboorkiisa Falastiin waxaa ku qornayd inuu dhashay 1 Janaayo 1929 kii, inkasta oo uu sheeganayay inuu dhab ahaantii dhashay 1938 dii.

Aabihii Cabdullaahi Yaasiin, wuxuu dhintay isagoo saddex jir ah, waagaas kadib waxa xaafaddii uu degganaa loogu yaqaanay Axmed Sacda oo ah magaca hooyadiis, Sacda al-Habeel, kaas oo loogu yeedhi jiray sababtoo ah aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar.

Yaasiin waxaa la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood. Isaga iyo qoyskiisa oo dhan waxay u qaxeen Gaza, gaar ahaan xerada al-Shati ka dib markii tuuladiisii ay qabsadeen Ciidamada Israel intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948 dii.

Sanadkii 1958 kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd, labaatan jir markii uu gaaray ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa.

Sanadkii 1965 kii ayay xabsiga u taxaabeen nabadsugida Masar iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.

Sanadkii 1967 kii markii ay Israa’iil wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasa ku jiro, ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil ee dhulkoodii boobay, isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xiran yahay wuxuuna markii dambe madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa.

Dhaqdhaqaaqyadiisaasi waxay ka cadhaysiiyeen Israa’iil, taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982 kii la xidho, laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985 kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa’iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin “Hoggaanka Guud”.

Sanadkii 1987 kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Israa’iil, ururkaas oo loo bixiyay “Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah” oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho “Xamaas”.

Wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta, kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu noqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.

{DAAWO SAWIRADA} Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo guul darro la kulmay cayaartii ugu horraysay oo saaxiibtinimo ah

Axad-October -14- 2023-{HMC} Xulka kubbada cagta Soomaaliya ayaa guul darro 3:0 kala kulmay dhigooda kubbada cagta ee dalka Niger, taasoo ahayd cayaar saaxiibtinimo oo dhex martay.

Cayaartan ayaa ka dhacday garoonka Stade Bechir de, ee magaalada Mohammedia, oo soddon kiiloomitir u jirta magaalada Casablanca, ee dalka Morroco.

Waxay ahayd cayaar aad looga gacan sarreeyay xulka Soomaaliya, oo dhawaan tababare cusub uu shaqada la wareegay.

Soomaaliya oo aan horey uga soo muuqan jiray kulamada saaxiibtinimo ee caalamiga ah ayay u tahay dhacdo taariikhi ah.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine ayaa guul taariikh ah ku tilmaamay ciyaaraha saaxiibatinimo oo uu Xulka Soomaaliya dheelayo markii ugu horeesay muddo dheer kaddib.

Guddoomiye Shiine wuxuu sheegay, in Soomaaliya sanadkan ay cayaarayso 4 kulan oo labo kamid ah ay yihiin cayaaro saaxiibtinimo, taas oo mid kamid ah galabta uu xulka Soomaaliya la cayaaray Niger.

Shiine wuxuu sheegay tan iyo sidii xulka Soomaaliya uu ugu guulaystay cayaarihii bariga iyo bartamaha Afrika, in ay kor usoo kacday moralka kubadda cagta Soomaaliya.