Home Blog Page 336

Wararkii ugu dambeeyay Abaaro aan hore loo arag iyo biyo la’aan oo laga soo sheegayo Iiraan

0

isniin 10,Nov 2025 {HMC} Iiraan – gaar ahaan caasimaddeeda Tehraan – waxaa soo food saartay abaar aan hore loo arag dayrtan, iyada oo roobabku ay gaareen heerkii ugu hooseeyay, kaydadkuna ay ku dhow yihiin faaruq.

Saraakiishu waxay ka codsanayaan muwaadiniinta inay ilaashadaan biyaha marka ay dhibaatadu sii korodho.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa ka digay in haddii roob ku filan uusan dhawaan di’in, in biyaha Tehran la beeqaamin karo.

Laakiin wuxuu sheegay in xitaa qaybinta laga yaabo inaysan ku filnayn si looga hortago musiibo. “Haddii qaybinta iyo beeqaamintu shaqayn waydo,” Pezeshkian ayaa sidaa yiri, “waxa laga yaabaa in aan Tehran ka baxno.”

Hadaladiisa ayaa dhaliyay dhaleeceynta wargeysyada Iiraan iyo baraha bulshada. Duqii hore ee Tehran Gholamhossein Karbaschi ayaa ku tilmaamay fikradda “kaftan” wuxuuna yiri “in Tehraan dadka laga daadgureeyo haba yaraatee wax macno ah ma samaynayso”.

Saraakiisha saadaasha hawada ee Iiraan ayaa sheegay in wax roob ah aan la fileyn 10-ka maalmood ee soo socda.

Dhanka kale, dhibaatada biyaha ayaa durba saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka caasimadda.

Madaxweynaha Maraykanka Oo la Kulmayo hogaamiyaha Suuriya,.

0

isniin 10,Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Ahmet Shara, ayaa ku kulmi doona Aqalka Cad maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka November.

Waxaa la shaaciyay in labada dhinac ay ku kulmi doonaan xafiiska Oval Office, kulankan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin oo saxafada loo ogolayn.

Shara waxa ay Washington soo gaaray habeennimadii Sabtida. Wuxuu markii ugu horreysay la kulmay Agaasimaha Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Kristalina Georgieva iyo wakiillo ka socda dhowr hay’adood oo Suuriyaan ah oo ku sugan Mareykanka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ,Hakan Fidan ayaa isna maanta ku sugan dalka Mareykanka.

Af hayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa bayaan ay soo saartay 4-tii November ku tilmaantay kulanka in uu qeyb ka yahay, dadaallada dublamaasiyadeed ee Trump ee ah in uu la kulmo qof kasta oo adduunka ah si loo helo nabad.

Waxay sidoo kae dib u xusuusisay in Trump uu go’aansaday in uu cunaqabataynta ka qaado Suuriya, intii lagu guda jiray safarkiisii ​​Bariga Dhexe ee bishii June.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Suuriyaan ah uu booqasho ku tago Mareykanka, tan iyo markii dalkaas uu xornimada qaatay 1946-kii.

Kulanka ayaa la filayey in muddo ah. Ergeyga gaarka ah ee Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa hore ula wadaagay rajada uu ka qabo in booqashadu ay dhacdo 10-ka November.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Xasan Shaybani, ayaa xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November, wuxuuna caddeeyay in dib u dhiska Suuriya laga wada hadli doono inta uu shirku socdo.

Tom Barrack ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in Syria ay ku biirto isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish.

DFS Ma Xakeemeeyn Kartaa Kooxaha Dadka Tahriibiya?

0

isniin 10,Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacan adag ku qabanayso Shabakadaha Ka shaqeeya tahriibinta Dadka, waxa ay tilmaamtay in ay heshay raadraac ku filan oo lagu gaari karo soo afjaridda Kooxahaas sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha Hoggaanka Dambi baarista Booliiska ee C.I.D, Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa ciidamada iyo saraakiisha waaxdaan ka shaqeeya faray in ay indhaha si gaar ah ugu hayaan Baraha Bulshada oo ah meesha ugu badan ee dadka laga Tahriibiyo.

Waxa uu intaas ku daray in ay jiraan oo xogtooda hayaan Goobo si gaar ah uga shaqeeya Tahriibinta Dadka sida shirkadaha dadka u fududeeya safarrada (Travel Agency) si looga hortago khatarta kusoo wajahan Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

“Tahriibinta culaysyo badan ayaa ka jiro runtii, saraakiishii aan u xilsaaray arrintaan si ay u dabagalaan soona qabtaan dadka ka shaqeeya, waxaa la rabaa in lasoo ogaado meesha asalka ah, waxaa dadka fikirka tahriibka looga dhaadhiciyaa Baraha Bulshada, waa in la dabagalaa, Ajansiyada ayaa qayb ka ah, iyanna waa in la dabagalo, waa kuwa jara Tikidhada, fududeeyanay Baasaboorka” Ayuu yiri Taliyaha C.I.D. Gaashaanle Sare Muxidiin Axmed Cismaan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa horay la horgeeyay Dad qaarkood dib looga soo celiyay Dalal kale iyaga oo tarhiib ah, shaqsiyaad lacago uga qaatay sidii ay ugu fududeyn lahaayeen safarkooda halista badan iyo kuwo kasoo badbaaday dhibaatooyin ay kala kulmeen tahriibka.

 

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Dagaalada qabiilada oo heerkii ugu xumaa gaaray iyo Laba qodob oo loo sababeeyay.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} FALANQEYN:- Dagaalada qabiilada oo heerkii ugu xumaa gaaray iyo Laba qodob oo loo sababeeyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Faah faahinta Qarax ka dhacay Baraawe.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Faah faahinta Qarax ka dhacay Baraawe.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} 4 caruur ah oo Aabahood ku Gubay Magaalada Hargeeysa.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} 4 caruur ah oo Aabahood ku Gubay Magaalada Hargeeysa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

SRCC Deputy Ambassador meets with Somalia’s National Security Advisor.

0

Sunday 9,Nov 2025 {HMC} Today in Mogadishu, the Deputy SRCC Ambassador Mouktar Osman Karie met with Ambassador Aweys Haji Yusuf, National Security Adviser, at the Villa Somalia.

The discussions focused on the security situation in Somalia, AUSSOM’s funding and staffing, and the upcoming project to support the Somali Police Force.

This was a follow up of the November 4th meeting between the SRCC and the NSA, where both sides reaffirmed their shared commitment to advancing the Somali-led peace and security process and strengthening cooperation in implementing AUSSOM’s mandate.

Xarruun laga hagaayo Howlgallada Ciidanka Ka wadaan Sh/hoose oo maanta La daahfuray.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta cusub ee Taliska Guutada 6-aad ee hoos timaada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, taas oo laga dhisay magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Xarruuntaan ayaa qorshaha yahay in laga hago howlgalka Ciidamada Xoogga ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose, kaasi ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhismahan cusub qeyb ka yahay dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha talisyada ciidamada, isagoo tilmaamay in ciidanku sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu ka go’an yahay in la sii xoojiyo amniga, la dhiso xarumo talis oo casri ah, laguna ilaaliyo guulihii la gaaray ee la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida degmada Awdheeglo iyo deegaanno kale.

Booliska Gobolka Banaadir oo raadinaayo Shan edeeysane.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Booliska Gobolka Banaadir oo Baadi goobayo 5 Qof oo ku edeysan in ay rasaaseeyeen Ciidan boolis ah sida sida ay ku baahiyeen bartooda Facebook.

                        WANTED / RAADIN
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa raadinaya shan eedeysane oo ku kacay fal Dil iyo Hanti Burburin, kadib markii ay xabado aan loo meel dayin ku fureen ciidamo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Wadajir, xilli ay kugudajieen fulinta Ammad xukun maxkamaddeed, oo dhibane uu u ahaay Muwaadin Soomalaiyeed.

Eedeysanayaashan ayaa si ula kac ah u hor istaagay fulinta xukun ay hore u ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo adeegsanaya hub sharci-darro ah, waxaana weerarkoodu sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Haddii aad aragtay, la kulantay, ama aad hayso xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin eedeysanayaasha, fadlan si degdeg ah ula soo xiriir Lambarka Gargaarka 991, ama Saldhigga Booliska ee kuugu dhow.

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-11 -2025.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09-11-2025.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY