Home Blog Page 337

Booliska Gobolka Banaadir oo raadinaayo Shan edeeysane.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Booliska Gobolka Banaadir oo Baadi goobayo 5 Qof oo ku edeysan in ay rasaaseeyeen Ciidan boolis ah sida sida ay ku baahiyeen bartooda Facebook.

                        WANTED / RAADIN
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa raadinaya shan eedeysane oo ku kacay fal Dil iyo Hanti Burburin, kadib markii ay xabado aan loo meel dayin ku fureen ciidamo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliska Wadajir, xilli ay kugudajieen fulinta Ammad xukun maxkamaddeed, oo dhibane uu u ahaay Muwaadin Soomalaiyeed.

Eedeysanayaashan ayaa si ula kac ah u hor istaagay fulinta xukun ay hore u ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo adeegsanaya hub sharci-darro ah, waxaana weerarkoodu sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Haddii aad aragtay, la kulantay, ama aad hayso xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin eedeysanayaasha, fadlan si degdeg ah ula soo xiriir Lambarka Gargaarka 991, ama Saldhigga Booliska ee kuugu dhow.

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 09-11 -2025.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09-11-2025.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay dhaqan geliso nidaamka cusub ee ETA.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhaqan geliso nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaas oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya oo ay ku jiraan dhamaan garoomada Caalamiga ah sida Muqdisho, Hargaysa, Garowe iyo Bosaso.

Nidaamkan oo bilaabanaya 27-ka Nofeembar 2025, ayaa si toos ah ugu xirnaan doona nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha (Departure Control System – DCS) iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR) sida uu muujinaayo documents ay aragtay Warbaahinta Madaxa Banaan.

Marka ETA la hawlgaliyo, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota Hargeysa ama meel kale oo ka mid ah Soomaaliya, haddii uusan oggolaansho ka haysan nidaamka ETA ee dowladda Soomaaliya.

Nidaamkan cusub ayaa siinaya dowladda Soomaaliya awood ay ku aragto xogaha socdaalayaasha oo ay ka mid yihiin:

-Magaca buuxa, taariikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasaboorka
-Taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore
-Faahfaahinta tigidka iyo goobta uu ku socdo rakaabku
Khubaradu waxay sheegeen in nidaamkan ka adag yahay fiisaha elektaroonigga ah (E-visa), isla markaana uu saameyn weyn ku yeelan doono shirkadaha duulimaadyada sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin in ay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka ETA ee Muqdisho.

Tan ayaa ka dhigan in Hay’adda socdaalka qofka ay doonto ka reebi karto diyaarada sidoo kale ay hayso dhamaan xogta dadka diyaarada saaran.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid amni iyo siyaasadeed oo Soomaaliya ku muujinayso in ay gacanta ku hayso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taasoo si toos ah u taaban karta cidkaste oo ka hor imaata.

Dadka ku nool bariga Jarmalka oo Siweyn u taageersan Ruushka.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay dadka ku nool bariga Jarmalka inay wali yihiin kuwa u janjeeraan Ruushka marka loo eego kuwa reer Galbeedka.

Mid ka mid ah dadka la wareystay ayaa wargeyska u sheegay: “Marar badan waxaan la kulmi jirnay askar Soviet ah oo kalluumeysaneysa. Badanaa isma fahmi jirin, balse calaamado iyo hadal gaaban ayaan isku fahmi jirnay, si cad ayaana isu jeclayn.

 

Waxay na siin jireen shukulaato, annaguna kalluunka aan qabanno ayaan la wadaagi jirnay…Ruuska waa saaxiibadeen, reer Galbeedkuna iyagaa burburiyay dhaqaalihii.”

Wadahadal Murugo leh oo dhaxmaray Madaxweynaha Ukraine iyo xoghayihii hore NATO ayaa La baahiyay.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Wargeyska The Times, ayaa maanta soo bandhigay wadahadal murugo leh oo dhexmaray maalintii koowaad ee duullaanka uu Ruushka ku qaaday Dalka  Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky iyo xoghayihii hore ee NATO, Jens Stoltenberg, isla marka uu bilowday weerarka Ruushka wuxuu galay Zelensky, meel dhulka hoostiisa ah , isagoo u arkayay Ruushka inuu qabsanayo Kyiv, wuxuuna markiiba wacay xoghayaha guud ee NATO, isagoo naxsan wuxuuna ka codsaday in hawada Ukraine laga sameeyo aag aysan diyaaradaha dagaalka ku duuli Karin, taa oo ku dhici kartay in isbahaysiga NATO ay soo geliyaan hawada Ukraine diyaaradahooda dagaalka , si ay u joojiyaan weerarrada cirka ee Ruushka , balse xoghayaha NATO wuxuu diiday codsigan.

Zelensky, wuxuu ku celceliyay waqtigaa ; “ Waxaad u sameyseen Bosnia, sidoo kale waqooyiga Ciraaq ayaad horey uga joojiseen duulimaadyada, waan burbureyna oo dhimanayna, fadlan na soo gaara!”

Si kasta oo hadalka Zelensky uu murugo u lahaa , ma diirrin oo waxba mowqifkiisa kama beddelin xoghayaha NATO oo si cad u diiday dhammaan codsiga, wuxuuna sheegay in hirgelinta aag aysan diyaaradaha ku duuli karin (no-fly zone) inay u baahan tahay in la burburiyo nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka iyo Belarus, iyo in diyaaradaha Ruushka lagu qasbi doono in la soo rido, taasoo micnaheedu yahay dagaal toos ah oo dhex mara NATO iyo Ruushka.

Stoltenberg wuxuu uga digay Zelensky in tallaabo noocaas ahi ay keeni karto dagaal caalami ah ama bilowga dagaalka saddexaad ee adduunka, isagoo dib u xasuusanaya wicitaankaas ayuu Stoltenberg ku sheegay ; “mid aad u murugo badan,” wuxuuna tilmaamay inuu ka cabsaday in ay noqon karto wicitaankii ugu dambeeyay ee Zelensky. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkaystay in ka fogaanshaha kicinta dagaal toos ah uu ahaa arrin lama huraan ah.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynihii Mareykanka ee xilligaa , Joe Biden uu aragtidaas la qabay, isagoo sheegay in Mareykanka uusan halis dagaal caalami ama dagaallada saddexaad ee adduunka u geli Karin si uu u difaaco Ukraine.

Sacuudiga oo maanta dil ku fuliyay labo qof.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Sacuudiga ayaa maanta dil ku fuliyay labo qof oo Sacuudiyaan ah oo ku biiray kooxo argagixiso ah oo aan la magacaabin, iyadoo la sheegay labadan qof inay qorsheynayeen weerarro ay ka fuliyaan goobaha cibaadada, waxay heysteen hub iyo agabka laga sameeyo qaraxyada, sida ay shaaca ka qaaday wakaaladda wararka dawladda Sacuudiga ee SPA.

Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay Fahad bin Cali bin Cabdulcasiis al-Washiil iyo Cabdiraxmaan bin Ibraahim bin Maxamed al-Mansuur , ayaa sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga , wuxuu fulinta xukunkooda dilka ah ka dhacday gobolka bartamaha Sacuudiga ku yaalla ee al-Qasiim oo ay degganyihiin qabiillo badan oo reer Najd ah.

Qarax ka dhacay Maqaayad ku taallo degmada Baraawe.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay goob Maqaayad ah oo ku taalla degmada.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay u dhowdahay taliska ciidanka Daraawiishta, taas oo hore u ahaan jirtay fariisin ciidan.

Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in qaraxu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah inkasta oo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka waxaana dadka waxyeeladu soo gaartay la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Lasoco wixii kasoo kordha qaraxan ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Baraawe.

0

Axad 9,Nov 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee xarunta Taliska Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad ee CXDS.

Dhismahan oo muhiim u ah howlaha amniga iyo maamulka taliska ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay cutubyada ku shaqeynaya.

Markii uu gaaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe, Taliyaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yaris Aadan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga iyo maamulka degmada.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar garowga Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo hoggaanka sare ee milatarigu uu xoogga saarayo casriyeynta iyo tayeynta xarumaha muhiimka ah ee talisyada dalka.

Sweden oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya.

Axad 9, Nov 2025{HMC} Dowladda Sweden ayaa dhowaan koox yar oo ciidan ah u dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.

Joogitaanka ciidanka Sweden wuxuu ku saleysan yahay martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, waxayna iskaashi la leeyihiin Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM).

Hawlgalka oo lagu magacaabo Operation Thunderbird ayaa lagu fulinayaa wada shaqeyn u dhexeysa Iswiidhan, Maraykanka, iyo ciidamada Soomaaliya.

“Cutubka Iswiidhan wuxuu diiradda saarayaa taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Maraykanka iyada oo loo marayo tababar, la-talin, iyo helidda xog muhiim ah,” ayay tiri Rear Admiral Ewa Skoog Haslum, Madaxa Hawlgallada Wadajirka ee Iswiidhan.

Gen. John W. Brennan, ku-xigeenka taliyaha US AFRICOM, ayaa sheegay in Sweden ay tahay lamaane aad muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Soomaaliya, isagoo ammaanay khibraddooda gaar ah ee dhinaca baaritaanka iyo sirdoonka.

In kasta oo xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli adag tahay, haddana natiijooyinka hore ee iskaashiga ayaa lagu tilmaamay kuwo wanaagsan.

Sweden sidoo kale waxay ka qayb qaadataa hawlgallo kale oo caalami ah oo gobolka ka socda, sida EU Training Mission (EUTM Somalia), Operation Atalanta, iyo Operation Aspides.

US AFRICOM waa hay’adda maamusha hawlgallada ciidamada Maraykanka ee Afrika, oo diiradda saarta la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo xoojinta ciidamada dalalka saaxiibka ah. Xarunteedu waxay ku taallaa Stuttgart, Jarmalka.

Howlgal AS looga dilay Hogaamiye sare oo ka dhacay Bakool.

Axad 9, Nov 2025{HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka AS.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 21 kiiloomitir dhanka koonfur bari u jira magaalada Xudur, ayaa lagu beegsaday horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa Kooxda uu ahaa“Goofoow”.

Horjoogahan la dilay ayaa ahaa mas’uulka saldhigga kooxda ee deegaanka Abal, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheeya weerarrada Maleeshiyaadka ee lagula kacayay shacabka gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale howlgalka ku soo furtay qorigii iyo boorsadii uu watay horjoogaha la khaarijiyay, taas oo ay ku jireen dukumiintiyo iyo qalab kale oo muhiim ah.