Home Blog Page 338

Wasiirka Caafimaadka oo hortagaya Baarlamaanka ka dib dhacdadii Isbitaalka Banaadir.

Axad 9, Nov 2025{HMC} Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Horumarinta Adeegga Bulshada la wadaagay macluumaadka la xiriira Haweeney ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir isla markaana weysay daryeelkii ay u baahnayd.

Xubnaha Guddiga ayaa Su’aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya sida waxyaabaha uu kusoo arkay markii uu dib u raad-raacay kaamirooyinka Isbitaalka Banaadir, tallaabadii uu qaaday iyo su’aalo kale oo hoos imaanaya dhacdadii gilgishay Baraha Bulshada ee dhowaan ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in khalad ka dhacay Isbitaalka Banaadir uu ahaa in la dhayalsado wareejinta Bukaanka xaaladdiisa la qiimeeyay iyada oo aanay lagu darin Gaadiidka Gurmadka Degdega ah laguna hubsan goobta Caafimaad ee ku habboon daryeelkeeda sida uu hadalka u dhigay.

“Kiiskaas khaladaad dhacay oo aan qirayno ayaa jira, Gabadh ayaa xili dambe oo saq dhexe ah la keenay isbitaalka, markii la geeyay qolka gargaarka degdega ah waxaa usoo baxay labo gabdhood oo umulisooyin ah oo heeganka ku jiray, kaamiradda waxa aan ku aragnay Gabadh kasoo baxday oo wiilashii keenay ku dhahday gabadhaan Isbitaalka Kalkaal geeya” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

“Waxa aan qireynaa qaabka xawilaadda (Referral) loo maray inay qalad ahayd oo la baalmaray hannaanka isbitaalka, waxa ay ahayd in gargaar loo fidiyo, lala tashado dhaqtarka shaqada ku jiray oo ma ahayn in gabadh umuliso ah ay go’aamiso, dhacadu waxa ay dhacday 26kii Oktoobar, Isbitaalka oo hoostaga Wasaaradda Caafimaadka nalama soo wadaagin, waxa aan ogayn neefbixiyaasha uu shaqeynaya mana jirto warbixin nanala soo wadaagay” Ayuu yiri sii raaciyay hadalkiisa Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay hortagista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wakiil ka ah Shacabka si uu ula wadaago warbixin dhammaystiran oo la xiriirta kiiskaan, tallaabooyinka ay qaadeen iyo qorshooyinka uu ku howlgallo Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir oo si toos ah u hoostaga Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshadda soo saarta Biraha Shubka.

0

Sabti 8, Nov 2025{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka jaray Warshadda Banaadir Steel oo ah Warshad cusub oo soo saarta Biraha Shubka ee lagu dhiso Guryaha, iyadoo isticmaaleysa dib u warshadeynta biraha duugoobay.

Madaxweynaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Warshaddan ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta, iyo garab istaagga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalgashanaya dalkooda, si ay door muuqda uga qataan soo kabashada dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isagoo ku adkeeyey in kor loo qaado ilaalinta badqabka shaqaalaha iyo tayada wax-soosaarka Warshadda.

“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada ganacsatada ah ee u istaagay in ay dalkooda maalgashadaan, kuwaas oo fursad shaqo u abuuray in ka badan 400 oo qof iyo qoysaskooda,Warshadaha iyo mashaariicda kale ee waaweyn waxa ay ka mid yihiin kuwa dalkeenna dhowaan ka hano qaadi doona, waxaan dooneyna in qurbajoogtu ay dalka maalgashadan, si aan u soo ceshano wixii inaga lumay 30-kii sanno, waxaan rajeynayaan in warshadaan ay ballaarato oo ay soo saarto wax kasta oo dhismo guri la xiriiro”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan maalgelinta hal abuurro ka turjumaya baahiyaha dalka, kuwaas oo faa’iida u leh mustaqbalka jiilalka danbe, si waddanku u gaaro isku filaansho dhaqaale, wax-soosaar dhameystiran iyo Warshado awood buuxda u leh daboolidda ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keenno.
DHAMMAAD

Ciidamada Midowga Yurub oo Badbaadiyay Markab Shidaal Siday oo Weerar Burcad-Badeed kula Kulmay Badda Soomaaliya

Sabti, November 8, 2025 (HMC)  Ciidamo badeed ka tirsan Midowga Yurub ayaa gudaha u galay markab Shidaal siday oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo la kulmay weerar ay soo qaadeen burcad-badeed ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan 24-kii shaqaale ee markabka saarnaa ay badqabeen, kaddib markii ay isku xireen qol amni ah oo markabka ku dhexyaalla inta uu weerarku socday.

Markabka Hellas Aphrodite oo calanka Malta sida ayaa siday shixnad shidaal ah oo ka timid Hindiya kuna wajahneyd Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay Khamiistii, waxaana burcad-badeedku adeegsadeen qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha yaryar, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badda ee Diablos Group.

Badbaadinta markabka waxaa fulisay markab dagaal oo Isbaanish ah oo lagu magacaabo ESPS Victoria, kaas oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee Operation Atalanta ee lagula dagaallamo burcad-badeedda Geeska Afrika.

Ciidamo gaar ah oo saarnaa Victoria ayaa dusha u fuulay markabka la afduubtay, halkaasna ay kasoo badbaadiyeen shaqaalaha oo dhan.

Sida laga soo xigtay xogta la socodka maraakiibta, Hellas Aphrodite ayaa ku sugnaa meel 1000 km (620 mayl) u jirta xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid maalmo uun kaddib markii markab kale oo saliid siday, Stolt Sagaland, uu isna la kulmay weerar la tuhunsan yahay in ay fuliyeen isla koox burcad-badeed ah oo ka hawlgasha badaha Soomaaliya.

 

Baqshad Gilisay Dadkii furay Naftooda oo Loo diray Saldhig malatari uu lee yahay Mareykanka.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Saldhig milatari oo Dowladda Mareykanka ay ku leeyahay gobolka Maryland, ayaa loo diray baqshad, isla markii la furay waxaa ka soo baxday budo cad, taa oo ay ka dhalatay in si dhaqso leh u miyir beelaan dhamaan dadkii ku sugnaa goobta buqshada lugu furay.

Dadka miyar beelay oo gaaraayay 7 qof ayaa si deg deg loo geeyay isbitaal kuwaas oo galay xaalad halis ah.

Illaa hadda lama oggaan halka baqshadan laga soo diray , waxaana bilowday baaritaan sirdoon oo lagu oggaanayo ujeeddada laga lahaa iyo halka ay ka timid, sida ay werisey Warbaahinta CNN.

TPLF oo ku eedeysay dawladda Itoobiya in ay Jabiyeen heshiiskii lagu joojiyay dagaalka gobolka Tigray.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Kooxda TPLF ayaa ku eedeysay dawladda federaalka Itoobiya inay ku dhaqaaqday tallaabooyin ay ku jebinayso heshiiskii lagu joojiyay dagaalka gobolka Tigray, iyadoo warsaxaafadeed rasmi oo TPLF ay baahisay lagu sheegay inay dawladda Itoobiya ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannadooda iyo dad rayid ah oo weerarkaa lagu dilay.

Wargeyska Addis Standard , ayaa dhankiisa markii u horreysay ka digay suragalnimada in dib loo arko dagaalkii gobolka Tigray,isagoo markaa tixraacaya xiisad cusub oo maamulka kumeel-gaarka au ee Tigray-ga iyo TPLF soo kala dhexgashay iyo weerarrada ay TPLF qaadayaan oo ay ka dhalatay faragelin ka imaanaya dawladda federaalka Itoobiya.

 

Hadal uu yiri RW Abiy Axmed oo dood ka dhex dhaliyay Soomaalida iyo Oromada.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Doodda ku saabsan lahaanshaha magaalada Diridhabe oo socotay sannado badan ayaa mar kale todobaadkan hadalhayn dhalisay.

Arrintan waxay ka bilaabatay hadal uuu raysal wsaaraha Itoobiya, Abiy Axmed dhawaan ka jeediyay baarlamaanka dalkiisa oo ku saabsanaa magaalada Diridhabe.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay TPLF iyo arrinta ku aaddan deegaanka Walqaayit ayaa yidhi “sida ku cad dastuurka, Diridhabe waxay ka tirsanayd Gobolka Oromada.”

Waxa uu xusay in su’aalaha iyo doodaha u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ee ku saabsan Diridhaba ay soo taagnaayeen muddo dheer.

Dad badan ayaa ka soo horjeestay hadalkii Raysalwsaare Abiy waxayna bilaabeen inay ra’yigooda ku muujiyaan baraha bulshada.

Doodda ku saabsan lahaanshaha magaalada ee u dhexeysa qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida, taas oo marar kala duwan soo noqnoqotay, ayaa markale sii xoogeystay.

Waxaa la sheegay in magaalada Diridhabe ay aasaas ahaan dhisantay qiyaastii sannadkii 1902-dii, xilligii Boqor Minilik uu dhisay tareenka isku xidha magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti.

Boqorku wuxuu magaalada u arkayay in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xidha Itoobiya iyo dalalka kale, islamarkaana ay kaalin weyn ka qaadato dhaqaalaha dalka.

Inkasta oo aan aad loo aqoon xilligaas, magaalada waxaa la siiyay magac lagu tilmaamo ‘Hararta Cusub’.

Intii uu socday dhismaheedu, Diridhabe waxay noqotay magaalo koraysa, iyadoo noqotay meel ku habboon deganaanshaha dadka Itoobiyaanka ah iyo kuwa ka yimid dalalka kale sida Faransiiska, Giriigga, Armenia, iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Iyada oo saldhig u ah tareenka isku xidha Addis Ababa iyo Jabuuti, magaaladu waxay noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah, islamarkaana ay ka jirto dhaqdhaqaaq bulsho iyo dhaqaale oo xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay xukunka qabtay Dawladda Dimuqraadiga ee Kacaanka Ummadda Itoobiya ayaa su’aasha ku aaddan lahaanshaha magaalada Diridhabe ay noqotay mid sii xogaysanaysa.

Dooddan waxay ka bilaabantay macnaha magaca Diridhabe iyo cidda ay tahay in ay leedahay, iyadoo qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalidu ay siyaabo kala duwan u fasireen.

Sannadka 2018-kii, Dr. Darajjee Fayyisaa ayaa sameeyay cilmi-baadhis ku saabsan socdaalka dadka ka soo jeeda miyiga ee guuray magaalada Diridhabe.

Cilmi-baadhistiisa, wuxuu qoray: “Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1993,Diridhabe waxay ka tirsaneyd Oromiya, waxaana maamulayay Ururka Dimuqraadiga ee Dadka Oromo (DHDUO)-ADWUI.”

Si kastaba ha ahaatee, arrintan waxaa si cad uga hor yimid xisbigii siyaasadeed ee Soomaalida ee u dagaallami jiray Xorriyadda Ciisaha iyo Gurguraha.

Cilmi-baadhistu waxay muujisay in markii la aasaasay Dawlad-Deegaanka Soomaalida sanadkii 1993, ay Diridhabe ay ahayd caasimadda deegaankaasi.

Maaddaama su’aasha lahaanshaha magaalada ay muran weyn ka dhex dhalisay labada dowlad-deegaan ee Oromada iyo Soomaalida, dawladda dhexe ee Diridhabe uu hoos yimaado dowladda federaalka.

Xeerka lagu maamulo magaalada Diridhabe

Si loo helo xal ku-meel-gaadh ah oo lagu wajaho muranka lahaanshaha magaalada Diridhabe ee u dhexeeya dowlad-deegaannada Oromada iyo Soomaalida, waxaa la go’aamiyay in maamulka magaalada lagu wareejiyo dawladda federaalka.

Intaas kaddib, sannadkii 2004-tii (1996), waxaa la ansixiyay xeer lagu magacaabo Dastuurka Maamulka Magaalada Diridhabe (Lambarka 416/2004).

Xeerkan wuxuu dhigayaa in ilaa laga gaadhayo “xal waara oo sharci ah” oo lagu go’aaminayo degaanka ay magaaladu ka tirsan tahay, diridhabe ay is-maamuli karto (maamul iskeed u madax bannaan) iyadoo hoos timaadda dowladda federaalka.

Sidaas darteed, magaalada Diridhabe waxaa lagu go’aamiyay in ay ku shaqayso nidaam ay maayarkeeda iyo maamulka sareba mas’uul ka yihiin labada dhinac — Golaha magaalada iyo dowladda federaalka.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in xilka duqa magaalada Dirihabe lagu kala wareego shantii sannaba mar oo oromada iyo Soomaalida uu midkoodba mar qabto.

Dhanka kale, cilmi-baaris uu sannadkii 2017 qoray Balaw Warquu oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya qowmiyadaha Oromo iyo Soomaali ee magaalada Dire Dawa, wuxuu sheegay in nidaamka awood-qaybsiga ee labada qowmiyad u dhexeeya “ka saaray tartankii siyaasadeed ee xooggan, isla markaana abuuray meel siyaasadeed oo aan tartan dhab ah ka jirin.”

Qareen ku takhasusay arrimaha dastuurka oo la yidhaahdo Daani’eel Asaffaa, ayaa sheegay in aasaaska maamulka magaalada Diridhabe lagu sameeyay iyada oo aan lagu salayn dastuurka dalka.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu hore u siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in sababtaas darteed uu jiro muran iyo su’aalo badan oo ku saabsan sharciyadda maamulka magaalada.

Xigasho BBC

Attackers target ship off Somalia’s coast amid piracy resurgence.

0

Friday , Nov 7, 2025 (HCM) Attackers firing machineguns and rocket-propelled grenades have boarded a ship off the coast of Somalia, United Kingdom officials say of the latest assault, likely by resurgent Somali pirates, in the region.

“The Master of a vessel has reported being approached by 1 small craft on its stern. The small craft fired small arms and RPG’s towards the vessel,” the British military’s UK Maritime Trade Operations centre said in an alert issued on Thursday. It warned ships in the area to “transit with caution”.

The private security firm Ambrey also said an attack was under way, saying it targeted a Malta-flagged tanker heading from Sikka, India, to Durban, South Africa.

Ambrey added that it appeared to be an assault by Somali pirates, who are reported to be operating in the area in recent days and who seized an Iranian fishing boat to use as a base of operations. Iran has not acknowledged the seizure of the fishing boat, called the Issamohamadi.

Details of the vessel attacked on Thursday correspond to the Hellas Aphrodite, which changed its track and slowed down at the time of the attack. The ship’s owners and managers could not immediately be reached for comment.

Another maritime security firm, the Diaplous Group, said the attacked tanker had a crew of 24 mariners, all of whom reportedly locked themselves into the ship’s citadel for safety during the attack. The vessel did not have an armed security team on board it, the firm added.

The European Union’s Operation Atalanta, a counterpiracy mission around the Horn of Africa, has responded to other recent pirate attacks in the area and issued a recent alert to shippers that a pirate group was operating off Somalia and assaults were “almost certain” to happen.

Thursday’s attack came after another vessel, the Cayman Islands-flagged Stolt Sagaland, found itself targeted in a suspected pirate attack that involved both its armed security force and the attackers shooting at each other, the EU force said.

Piracy off Somalia peaked in 2011 when 237 attacks were reported. Somali piracy in the region in 2011 cost the world’s economy about $7bn with $160m paid out in ransoms, according to the Oceans Beyond Piracy monitoring group.

The threat was diminished by increased international naval patrols, a strengthened central government in Somalia and other efforts.

However, Somali piracy has surged again since late 2023. According to Solace Global Risk, a travel risk management company, the decline in antipiracy patrols and the relocation of funds to counter Houthi rebels activities contributed to the rise in attacks.

In 2024, there were seven reported incidents off Somalia, according to the International Maritime Bureau. So far this year, multiple fishing boats have been seized by Somali pirates.

Wasaaradda Qoyska oo War ka so saartay Dhacdadii Hooyadii ku Umushay Banaanka isbitaalka Banaadir.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul u cambaareysay dhacdo murugo leh oo ay hooyo Soomaaliyeed ku umushay afaafka hore ee Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaas oo ilmihii ay dhashay uu ku geeriyooday kadib markii ay hooyadu weysey daryeel caafimaad oo degdeg ah.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay “mid dayacaad shaqo ah oo aan la aqbali karin”, isla markaana uu muujinayo gudasho la’aan masuuliyadeed oo dhinaca shaqaalaha caafimaadka ah.

Wasaaraddu waxay tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maalgelin ballaaran ku bixiso cisbitaallada dowladda, gaar ahaan Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, si loo hubiyo in hooyo kasta iyo ilmo kasta oo Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, ammaan ah, kana tarjumaya adeegyada dowladdu ugu talagashay bulshada.

Kooxda RSF oo isku dayeeyso in ay xakameeyaan Xasuuqii El-Fasher.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Hoggaamiyeyaasha kooxda RSF ee Dagaalka kula jirtay meleteriga Dowladda Suudaan ayaa isku dayaya inay xakameeyaan fadeexaddii ka dhalatay Xasuuqii dhacay Magaalada El-Fasher ee Dalka Suudaan.

Warbixin ay baahisay waaxda BBC Verify ayaa daaha ka qaaday in hoggaanka ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ee Suudaan uu ku hawlan yahay olole lagu xakamaynayo dhaawac soo gaadhay sumcadooda kadib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya xasuuqyo ay ciidamadooda ka geysteen gudaha magaalada El-Fasher ee waqooyiga Suudaan sida BBC-du qortay.

Maalmo kadib dhacdadan foosha xun, oo dad masaakiin ah ay ciidamada RSF ku xasuuqeen, hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan (Hemedti) ayaa qirtay in ciidamadiisu sameeyeen “xadgudubyo” isla markaana sheegay in arrintaas la baadhi doono.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in RSF ay sheegatay inay xidheen dhowr askari oo looga shakisan yahay dambiyadaas, waxaana ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedka lagu magacaabio Abu Lulu, oo BBC Verify horey u soo bandhigtay muuqaallo caddeynaya inuu dilal gaystay.

Muuqaalo si taxadar leh loo duubay oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee RSF ee Telegram-ka ayaa muujinaya Abu Lulu oo lagu wado xabsi ku yaalla duleedka El-Fasher. Dhanka kale, cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Yale ayaa ku eedeeyay RSF inay “baabiinayaan raadadka dambiyadooda dagaal”.

Ciidamada Xoogaga RSF ayaa la arkay iyaga oo dad shacab ah xasuuqaya, isla waqtigaas, RSF iyo taageerayaasheeda baraha bulshada ayaa bilaabay olole ay doonayeen inay ku beddelaan sheekada dhacdada. Waxaa lagu arkay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dagaalyahanno RSF ah oo raashin siinaya dad rayid ah, iyo sidoo kale fiidiyowyo ay ku andacoonayaan inay si bani’aadamnimo ah ula dhaqmaan maxaabiista dagaalka.

Mid ka mid ah qoraallada lagu faafiyey Telegram-ka oo ay RSF soo dhigtay ayaa lagu qoray:

“RSF waxay xaqiijinaysaa in maxaabiista dagaalka ee ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan loo daweeyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada (IHL).”

Si kastaba ha ahaatee, olole kasta oo baraha bulshada ah ma qarin karo cadhada iyo cambaareynta caalamiga ah ee ka dhalatay ficillada RSF ay ka gaysteen El-Fasher.

BBC Verify ayaa sheegtay in ay isku dayday inay la xidhiidhto hoggaanka sare ee kooxda RSF si ay uga jawaabaan eedeymahan, balse kooxdu kamay bixin wax jawaab ah.

WAR DEG DEG AH Dowladda Soomaaliya oo Xilikii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Isbitaalka Banaadir.

0

Jimco 11 Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xilikii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Isbitaalka Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyadda iyo Dhalaanka ee Benaadir u magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali Kadib Fadeexadii ka dhacday Isbitaalka Banaanka hore ee isbitaalka oo ay si silic ah ugu hor umushay hooyo Soomaaliyeed oo loo diiday in loo fidiyo Adeeg caafimaad.