Home Blog Page 384

13 sanno kaddib Turkiga oo Safiir u Magacaabay Suuriya

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa 13 sanno kaddib waxa ay magacawday Danjire u joogi doonna Dalka Suuriya ee kasoo kabanaya Dagaalladii ka dhacay Dalkaas, Nuh Yilmaz oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas ayaa noqonaya Danjiraha howshaan qabanaya.

Sidoo kale waxa uu horay usoo noqday Madaxa fallanqaynta iyo ka hortagga Basaasiinta ee Hay’adda Sirdoonka Turkiga loona soo gaabiyo MiT, Ninkaan oo awood buuxda u leh howlaha diblumaasiyadda iyo sirdoonka ayaa shaqadaan loo igmaday si uu isugu xiro Dalalkaan xad-wadaagga ah ee Suuriya & Turkiga.

Turkiga ayaa safka hore uga jira Dalalka garab istaagay Dowladda cusub ee soo afjartay nidaamkii waqtiga dheer ee qoyska Reer Asad oo ay isaga kala dambeeyeen Xaafid iyo Bishaar oo ugu dambeyn Deseembar 2024 lasoo gabagabeeyay awoodooda Maamulka.

Xukuumadda Ankara ayaa xoogga saaraysa sidii Dalal badan ay ugu dhiiran lahaayeen la shaqaynta Dowladda sharciyadda haysata ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Al-Sharci si looga caawiyo dib u dhiska, Diblumaasiyadda iyo Siyaasadda.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijiyay Dadaalladooda Nabadeed ee geeska Afrika?

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.

Maalintii ugu horraysay ee shirka, oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee waqooyiga Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo hoggaamiyeyaashu ku baaqeen in la dardar geliyo tallaabooyinka wadareed ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.

Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin heer sare ah ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Ambassador Hadera Abera, oo sheegay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo nabadda gobolka.

Ambassador Hadera ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadi doonto doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan dhiirrigelinta nabadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah.

“Itoobiya waxay sii xoojin doontaa kaalinteeda muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri Hadera.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya waddo ee dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda nabadda kaddib sanado badan oo colaado ah.

Sidoo kale, Wakiilka Ururka IGAD ee Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa soo bandhigtay kaalinta sii kordheysa ee IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadallada, xallinta khilaafaadka iyo kor u qaadidda midnimada dalalka Geeska Afrika.

Isimada Gobolka Bari oo soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda Puntland?

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Shir maalmo u socday isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo gabagabeeyay war murtiyeed ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo tan gaarka ah ee gobolka Bari.

Isimada ayaa kulankooda diiradda ku saaray midnimada ummadda Soomaaliyeed, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, cabashada kaluumaysatada iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso.

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkooda ayay ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana la hormariyo danaha guud ee dadka iyo dalka.

Isimadu waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Puntland, ayna muhiim tahay in isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loogu gogol xaaro shirweynaha saamileyda Puntland, maaddaama uu isbeddel ku yimid nidaamkii Puntland lagu dhisay 1998-kii.

Dhinaca amniga, isimadu waxay bogaadiyeen howlgalka uu maamulka Puntland ka wado buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo caafimaad degdeg ah dhaawacyada, iyagoo maamulka ugu baaqay in la daryeelo askarta ku dhaawacantay iyo agoomaha askarta geeriyootay.

Isimadu waxay ka hadleen cabashooyinka kasoo yeeraya kaluumaysatada xeebaha Puntland, kuwaas oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan jirriif sharci darro ah oo halis geliyay noloshooda iyo hantidooda. Waxay ugu baaqeen Puntland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrintaas.

Ugu dambayn, waxay madaxda sare ee Puntland ku booriyeen inay wax ka qabtaan cabashooyinka shacabka Boosaaso ee la xiriira qiimaha sare ee biyaha iyo korontada, isla markaana ay magaalada Boosaaso siiyaan qeyb kamid ah dakhliga dekedda Boosaaso si loogu adeegsado horumarinta kaabayaasheeda dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xasan Shire Abgaal, oo kamid ah mucaaradka Puntland, ayaa soo dhoweeyay bayaanka ay soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo war murtiyeedka isimada oo ka hadlayay xaaladda Puntland iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsanayo isimada dhaqanka ee Puntland inay taageeraan qabsoomidda shir weyn oo la isku imanayo, maadaama uu isbeddel ku yimid heshiiskii aas-aaska Puntland ee 1998-kii.

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya iyo Naajeeriya oo ka wada hadlay Dagaalka AS iyo Booko Xaraam.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Soomaaliya iyo Naajeeriya oo ka wada hadlay Dagaalka AS iyo Booko Xaraam.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo weerar ku Dilay 43 qof.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Mareeykanka oo weerar ku Dilay 43 qof.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal khasaaro Geeystay oo dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo AS.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal khasaaro Geeystay oo dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo AS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

{DAAWO MUQAALKA} Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC}Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

DFS oo diiday In Jaamac Maxamuud oo ku eedaysan kufsi lagu wareejiyo Puntland.

0

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in Puntland lagu wareejiyo agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho Jaamac Maxamuud Cabdi oo ku eedaysan kufsi iyo faafinta muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhan ah gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Qardho.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya in eedeysaneha lagu maxkamadeeyo Muqdisho, halkii loo qaadi lahaa Puntland, halkaas oo uu ka furan yahay eedda kiiskiisa, isla markaana ay ku jiraan dad kale oo kiiskaan u xiran.

Dowladda Federaalka ayaa markii hore qorsheynaysay in eedeysaneha, marka laga soo dajiyo Muqdisho, loo wareejiyo Puntland. Mas’uuliyiinta amniga ee labada dhinac ayaa arrintaan ka wada shaqeynayay.

Si kastaba ha noqotee, markii sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugidda Puntland oo kiiskan gacanta ku hayay lagu xiray Garowe sababa la xiriirta inuu wada-shaqeyn dhow la leeyahay Dowladda Federaalka, ayaa keentay in dowladda Federaalka ay ka laabato qorshaheeda.

Dowladda oo ka carootay xariga sarkaalkan ayaa sida aan xogaha ku helnay go’aansatay in eedeysanaha aan loo wareejin Puntland. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa dhawaan soo saaray bayaanka xaqiijinaya in Dowladda Federaalka ay la wareegtay kiiskan, taasoo macnaheedu yahay in eedeysanaha Muqdisho lagu maxkamadeynayo.

Xigasho Hiiraan Online

Maxeey ka wada Hadleen Wasiir Mukhtaar Roobow iyo Madaxweynaha Jabuuti.

0

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.

kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.

Ciidanka Booliska Garasbaaley oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal lagu qabtay fal dhac ah.

0

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Garasbaaley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay fal dhac ah oo ay ka geysanayeen degmada Garasbaaley, waaxda Siinka-dheer.

Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Sida uu ku baahiyay bartiisa facebook Afayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Abdifatah Adan Hassan.