Home Blog Page 385

Putin oo uga digay Mareykanka inuu Ukraine ku wareejiyo gantaallada riddada dheer.

0

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Ruushka Vladimir Putin
ayaa maanta uga digay Dowladda Mareykanka in uu Dowladda Ukraine ku wareejiyo gantaallada riddada dheer ee loo yaqaano Tomahawk.

Madaxweyne Putin waxaa uu sheegay haddii dhulka Ruushka gantaalka lagu weerarro inuu Ruushka ,markaa jawaabtiisa ay noqon doonto mid khatar badan oo wax baabi’isa.

Hadalka Putin waxaa uu u muuqadaa in uu u jawaabi doono Mareykanka taas oo Aduunyada ku keeni karto qatar weyn, madaama aan la ogeyn jawaabta Ruushka.

Dowladda Turkiga oo isku qalabaynaya diyaarado dagaal oo casri ah.

0

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Turkiga oo qorsheynaya inuu ka iibsado nidaamyada difaaca ee lagama maarmaanka ah xulafadiisa NATO iyo dalal kale, illaa diyaaradda dagaalka ee gudaha lagu sameeyay ee KAAN ay diyaar u noqdaan in lasoo saaro, sida uu sheegay il-wareed ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga Khamiistii.

Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters Arbacadii ayaa sheegtay in Ankara ay soo jeedisay talooyin ku saabsan siyaabaha ay si dhaqso ah ku heli karto diyaarado dagaal oo casri ah, iyadoo wadahadallo socda ay ku doonayso in ay iibsato 40 diyaaradood oo nooca Eurofighter Typhoon ah, iyo sidoo kale diyaaradaha F-16 iyo F-35 ee Mareykanka, xilli Madaxweyne Tayyip Erdogan uu socdaal goboleed ku tagayo Kuwait, Qatar, iyo Cumaan.

Qof xog ogaal ah ayaa sheegay in heshiis lagu dhow yahay in la gaadho kaas oo u dhexeeya Turkiga iyo Britain oo ku saabsan diyaaradaha Typhoon, uuna dhigayo in Turkiga si degdeg ah loo siiyo 12 diyaaradood, in kastoo horey loo isticmaalay, kuwaas oo laga keenayo Qatar iyo Cumaan, si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee ciidamadiisa.

Markii la weydiiyay warbixintaas xilliga socdaalka Erdogan, ishaasi waxay sheegtay in shaqada lagu dabooolayo baahida diyaaradaha Typhoon ay weli socoto, islamarkaana geeddi-socodka ay Ankara la waddo Britain la filayo inuu ku dhamaado “waqti ku habboon.”

“Ilaa marka ay bilaabmaan keenista diyaaraddeenna dagaal ee qaranka ah, KAAN, nidaamyada looga baahan yahay in lagu fuliyo hawlaha loo xilsaaray Ciidammada Qalabka Sida ee Turkiga waxaa la qorsheeyay in laga helo dalalka khuseeya, ugu horreyn xulafadeenna,” ayuu yidhi ishaasi oo la hadlay saxaafadda gudaha Ankara.

Xigasho BBC

FESOJ Launches Youth Peace Club Initiative in Baidoa to Promote Peace through Social Media.

0

Friday, Oct 2025 {HMC} The Federation of Somali Journalists (FESOJ) successfully conducted a one-day meeting in Baidoa on Monday, October 20, 2025, as part of its Youth Peace Club on Social Media initiative.

 

The session brought together 20 young men and women, who received training and awareness on how youth-led community peace clubs can promote harmony and stability through digital engagement.

 

The establishment of the Youth Peace Club aims to bring together a united network of young people dedicated to advancing peace within their communities—contributing to sustainable development and lasting stability across Somalia.

 

During the meeting, participants discussed strategies to promote peace narratives online and identified the social media platforms they will use to share positive, peace-oriented messages.

 

The session also marked the first gathering of the youth-led Peace Club in Baidoa, providing a space for participants to present their ideas and priorities for promoting peaceful coexistence.

 

In a symbolic expression of their commitment, the youth selected — a creative adaptation of the title of a Somali song “Nabadaa Naas la nuugo leh,” which literally translates to “Peace is like a breast to be suckled.” Figuratively, it means that peace is nurturing and life-sustaining, providing comfort, nourishment, and growth, much like a mother’s milk does for her child.

 

This initiative of broader peacebuilding and youth engagement programs; is part of a series of capacity-building activities funded by the EU, supported by BBC Media Action, and implemented by FESOJ.

IOM oo sheegtay in Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya Ay yihiin meelaha ugu waaweyn ee laga soo abaabulo tahriibka

Jimco 24, Oct 2025 {HMC}  Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay walaac cusub oo ku saabsan korarka kiisaska tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya lagu tilmaamay dalalka ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan dadka u tahriiba waddamada Khaliijka iyo meelo kale oo halis ah.

Intii lagu guda jiray xiritaanka shirkii 3-aad ee Wasiirrada IGAD ee Shaqada, Shaqo-gelinta iyo Socdaalka Shaqaalaha, oo lagu qabtay Argyle Grand Hotel ee Nairobi, ayaa ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee IOM, Nihan Erdogan, sheegtay in kuwa dadka tahriibiya ay sii wadaan ka faa’iidaysiga dhalinyarada nugul ee rajaynaysa nolol wanaagsan oo dibadda ah.

“Waxaan aragnaa koror weyn oo socdaalka ah oo ka dhaca waddada Bariga, iyadoo kumannaan qof ay naftooda halis gelinayaan iyagoo sii maraya Jabuuti iyo Yemen si ay u gaaraan waddamada Yurub iyo Khaliijka,” ayay tiri.

Warbixin ay soo saartay IOM ayaa muujisay in socdaalka dadkaan ee sharci darrada ah ee Waddada Bariga Africa ka tagaya sida Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya uu si weyn u kordhay sannadka 2025, taasoo ay sabab u yihiin colaadaha, shaqo la’aanta iyo barakaca ay keentay isbeddelka cimilada.

Hay’addu waxay ku baaqday in dawladaha gobolka ay xoojiyaan maareynta xuduudaha, isla markaana la adkeeyo iskaashiga lagu la dagaallamayo shabakadaha tahriibka ee ka ganacsada dadka nugul.

Mareykanka oo bilaabay qorsho lagu dhisayo Gaza.

Jimco 24, Oct 2025 {HMC}  Dowladda Mareykanka ayaa billowday qorshe cusub oo ay ku dooneyso in ay ka dhisto Marinka Gaza xarumo ‘dib u heshiisiin, taas oo dagaalyahannada ogolaanaysa in ay hubkooda dhiibaan fursad loo siiyo cafis iyo in ay si badbaado leh ugu laabtaan nolosha rayidka.

 

Si taas loo gaaro, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Khamiistii tagay Israa’iil si uu u fuliyo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee marinka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

 

Imaatinka Rubio ayaa daba socda ka tegitaanka madaxweyne ku xigeenka JD Vance, iyadoo saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad, oo uu ku jiro wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner, ay soo gabagabeeyeen booqashooyinkooda dalka.

 

Dhammaantood waxa ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu joogteeyo xabbad-joojin 13 maalmood ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, laba sano ka dib dagaal ruxay Bariga Dhexe.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta guul laga gaaro heshiiskii Qaza, isagoo ugu baaqay Xamaas iyo Xarakada Jihaad Islaami in ay dagaalka joojiyaan oo ay hubka dhigaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta

Jimco 24, Oct 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan  ayaa sheegay in heer gabagabo ah ay marayaan howlihii ku aadanaa diiwaangalinta dadka ee doorashooyinka loo qorsheeyay qof iyo cod.

“waa in nala aamino oo la tijaabiyo qaabka aan u qabaneyno doorashooyinka golaha deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri guddoomiyaha oo sii wata hadaldiisa.

Mudane Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaangaliyay 61 Urur siyaasadeed ,isla markaana la xaqiijiyay wax ku dhow hal milyan ruux oo dad ah,si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka soo socda.

 

Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka waxa uu qiray in haatan ay gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta,sidaa daraadeedna waqti dhow la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka banaadir.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuuu yahay digniinta cusub ee kasoo baxday Mareykanka

0

Jimaca , 24 Oct 2025 {HMC} Muxuuu yahay digniinta cusub ee kasoo baxday Mareykanka

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-10-2025.

0

Jimaca , 24 Oct 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-10-2025.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in ay ruqsaynayaan askarta isticmaasha maandooriyaha

Jimco 24, Oct 2025 {HMC}   Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in isbaddel lagu sameeyay ciidankaas, waxa uu tilmaamay in meel fog ay ka istaageen askarta isticmaasha walxaha maanka dooriya iyo kuwa hubka iibsada.

Taliye Mahad ayaa tilmaamay in ciidamada kale ay ka badnaan karaan balse Ka Asluub ahaan loo baahan yahay in ay ka tayo wanaagsanaadaan taasina ay tahay sare u qaadaysa howsha loo igmaday ciidamadaan sida uu hadalka u dhigay.

Askarta qarisa xogta askari kale oo hubka iibsada ayuu sheegay in la ruqsaynayo haddii lagu caddeeyo ama lagu ogaado, waxa uu ka dalbaday in ay soo gudbiyaan wax weliba oo kahor imaanaya mas’uuliyadda saaran iyo anshaxa ciidanka.

“Xashiisheenta ayaa laga saaraa ciidanka, aan Aalkaluuste ka saarno ciidanka, waan ka dhammayneenaa, saraakiil ayaa u diraynaa, ciddii lagu qabto ma dhihi karto maxaa la ii eryay oo Amar Madaxweyne ayaa arrintaas ku qabaa” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Dhismaha ciidanka Asluubta ayuu sheegay in ay mas’uuliyad weyn ka taahay, waxa uu intaas ku daray in Dhallinyaro cusub ay u tababareen si ay u baddelaan ciidamada iyo saraakiisha howlgalka noqonaya ama gaaray da’dii ay uga fadhiisan lahaayeen shaqada ay hayaan.