Home Blog Page 3290

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan oo is casilay kuna Biiray Hiiraan State

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}   Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle ayaa Caawa is casilay kuna Biiray Hiiraan State.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKA 

{DHGAYESO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 10– 11 – 2023

Arbaco , October -10- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdiraxmaan Macalin Muuse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo gudaha u galay deegaanka Ciid ciidka Degmada Mahadaay

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay dhulka howdka ah ee degaanka Ciid ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al Shabaab kuwaas oo dagaal adag la galay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

 

Warbaahinta ku hadasho afka Dowladda ayaa lagu baahiyay sawiro lagu sheegaayo in laga so qaaday godadkii al Shabaab ay ku jireen in muda ah oo ay ka dagaalamaayeen.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xooga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidamada Xooga dalka  ayaa maanta kormeeray degaanka Ciidka oo dhawaan laga saaray godod ay ku jireen Kooxda Al Shabaab.

 

In kabadan 15 maalin waxaa ku dagaalamayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka Degaanka Ciid ciidka Dagmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada dhaxe.

 

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay isbadalka Muqaal ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay isbadal ku yimid muuqaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib sawiro laga baahiyay madaxweynaha oo muujinaayay isbadalo laga dheehan karay muuqaalka madaxweynaha.

Sawirada hadal heynta badan dhaliyay ee muujinaayay isbadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa la xariira timaha madaxa iyo garka oo si weyn ugu baxay, kuwaas oo laga qaaday dhawaan maruu korneer ku tagay xeryaha ay ku jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo uu tababar uga socda dalka Eretariya.

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige oo ka hadlay sawirada hadal heynta badan dhaliyay ayaa sheegay in tahay masuuliyada qaran ee saaran madaxweynaha oo ah mid marwalba keeni karta isbadal.

“Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka hoggaaminaayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, taasoo la tilmaamay iney qeyb ka tahay isbadalka muqaalka madaxweynaha.

“Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan” ayuu sii Afhayeen Dige.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in madaxweynaha Soomaaliya uu ka tanaasulay waxyaabo badan oo uu heli karay sababo jira aawadeed.

“Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

Dowladda Qatar oo War ka soo Saartay Dagaalka ka dhanka ah AS eek a Socdo Soomaaliya.

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Dowladda Wadanka Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, xasillooni, la dagaallanka Alshabaab, horumarinta xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo bulsho,

Sheikh Jassim bin Abdulrahman Al Thani Xoghayaha Xafiiska Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga,, ayaa hadalkan sheegay, intii uu socday wadahadal uu la yeeshay khabiirka madaxa banaan ee xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo qayb ka ahayd kalfadhiga 54-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva.

War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay siyaasadda ee ay dejisay dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo isbeddelka cimilada, loo yareeyo saameyntiisa, loogana hortago saameynta xun ee ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.

Waxay sidoo kale ku dhiirigelisay dowladda Soomaaliya inay sii waddo wadahadallada lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta qaranka ee dalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Dalka Qatar ay aad u daneyneyso in Soomaaliya ay siiso taageerooyin kala duwan si ay u sii joogteyso guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.

Bishii la so dhaafay ee June ee sanadkii hore, Doha waxay martigelisay shirkii saddexaad ee kooxda Quint Group on Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee hadda, iyadoo ay barbar socoto sidii kor loogu qaadi lahaa isku-xirnaanta iyo sidii loo heli lahaa xasilloonida dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Dowladda Wadanka Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana loogu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed iyo sidoo kale kaalmo farsamo oo lagu xoojinayo xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Dowlada oo soo saartay war-saxaafadeed Ku saabasan xaaladda dalka

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ka kooban 23 qodob oo lagu faahfaahiyey guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu ka gaartay dagaalka As iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah, bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Hoos ka akhriso qodobadaan ka soo baxay DF:

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 11 October, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

==============DHAMMAAD==============

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya oo Xukun ku riday rag nin Oday ahaa ku dhex dilay beertiisa.

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee  Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu geystay nin oday ahaa.

Ragaan ee Maxkamadda sare xukunka toogashada ah ku riday ayaa lagu kala magacaba Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, kuwaas oo horay xukunkaan oo kale ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, hayeeshee racfaan ay ka qaateen xukunkaas ugu dambeyn maanta markale Maxkamadda sare markale ku xukuntay dil toogasho.

Cali Cumar Axmed oo hooyadiis mar uu qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka Sida.

“Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida.

Ragaan Maxkamadda ay dilka ku xukuntay ayaa lagu helay iney geysteen dilka Marxuum Yuusuf Cabdi Axmed oo ahaa beeraley oo xili habeen ah lagu dhex dilay beertiisa oo ki taalay deegaanka Number 50 bishii October 19-keedii ee sanadkii 2022-ka.

Labadaan nin oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa marxuumka dilkiisa ka hor la sheegay iney ka qaateen lacag dhan $17,300 oo dollarka maraykanka ah oo ugu jirtay akoon ugu xirnaa Moobeelkiisa, taasoo aheyd lacag uu ku gatay beer uu lahaa.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu salka ku hayaa isbeddelka Ka muuqdo Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay isbadal ku yimid muuqaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib sawiro laga baahiyay madaxweynaha oo muujinaayay isbadalo laga dheehan karay muuqaalka madaxweynaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mareykanka oo taageero u muujiyay Israa’iil

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u socdaalaya waddamada Israel iyo Jordan si uu u muujiyo taageerada Washington in Israel is difaacdo.

Safarkan ayaa imanaya iyadoo Maraykanku uu wacad ku maray inuu kala shaqeeyo waddamada kale sidii loo xaqiijin lahaa sii daynta dhammana dadka la-haystayaasha ah ee lagu hayo Gaza.