Home Blog Page 398

Ciidamadii ugu Badnaa oo la geeyay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo loogu talo galay xaqiijinta amniga magaalada Caasimadda ah geysay daafaha magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo ah kuwa soda gaarka ah u tababaran ayaa la tilmaamay iney si gaar ah ula socon doonaan dhaq dhaqaaqa guud ee waxa soo galaya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago weerarada kooxda Al-shabaab.

Saacadahii lasoo dhaafay ayaa ciidamadan oo aad ugu hubeysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa lagu arkaayay duuleedka Caasimadda, kuwaas oo sameynaayay howlgalo amni xaqiijin ah.

“Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka.

Talaabadaan dowladdu ku geysay ciidanka Haramcad ayaa imaaneusa, iyadoo horey ciidamadaan degmooyinka Muqdisho uga sameeyeen howlgallo miro dhal ah oo lagu xasili inta badan degmooyinka gobolka Beanaadir.

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dad shacab ah oo lagu afduubtay Gobolka Hiiraan

0

Arbaco, 22 Oct 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dad shacab ah oo lagu afduubtay Gobolka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Afduubtay gawaari iyo Sadax qof oo Safar.

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Afduubtay gawaari Safar ahaa oo Marayay inta udhaxeyso Degmooyinka Matabaan iyo Guraceel.

Sedex gaari oo BJ iyo Hal gaari oo layla calaawi Darawaladii waday iyo Shacabkii saarnaa ayay qabsadeen waxa ay geeyeen Deegaano Howdka ah oo udhaxeeyo Matabaan iyo Guraceel.

Maleeshiyaadka wax afduubtay aya Safarka usheegay in ay kaso jeedaan Beesha Habargidir islmarkaana ay tabasho kaqabaan Saraakiil kaso jeedo Beesha Abgaal oo ay ku eedeyeen in ay kol hore afduubteen Gawaari Safar ahaa oo ay beeshooda leedahay.

Sawirka Ragga iyo Gaarigaba kamuuqdaba waa la afduubtay.

Booliiska Somaliland oo sheegay in uu ku raad-joogo dad ka faafiyay warar been abuur ah

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC}  War kasoo baxay Booliiska Somaliland ayaa lagu beeniyay in ciidamada Ammaanka ay xireen maamulka iyo Shaqaalaha Hay’adda Consilient Limited Company kaddib markii ay ku dhaqaaqday falal liddi ku ah maamulkaas.

Booliiska ayaa qoraal uu maanta soosaaray ku beeniyay hadalkaas, waxaana uu sheegay in uu ku raad-joogo dadkii ka dambeeyay faafinta warkaas sida lagu yiri warka lagu daabacay barta uu ku leeyahay Facebook.

Bayaanka Booliiska ayaa intaas lagu daray in maxkamad lasoo taagayo cid weliba ay ku caddaato in ay leedahay mas’uuliyadda faafinta warkaan sida hadalka loo dhigay.

“Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu bulshada u caddaynayaa in wararkaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka mid yihiin barobogaandada lagu marin habaabinayo bulshada. Ciidamada Booliska waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Somaliland.

Maxkamadda Degmada Dharkeenley oo amar kubixisay in lasoo xiro Guddoomiye Ku-xigeenka arrimaha Bulshada Yaaqshiid

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Maxkamadda Degmada Dharkeenley ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu soo xirayo Maxamed Cabdullaahi Siyaad, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Yaaqshiid, kadib markii uu si toos ah u weeraray xarunta Maxkamadda, isagoo sida lagu sheegay warqadda maxkamadda, si cad u hor istaagay amar maxkamadeed.

Sida ku cad waraaqda amarka soo qabashada ee ay soo saartay Maxkamadda Dharkeenley (Ref: M.D.Dh.Ref.15/2025), Maxamed Cabdullaahi Siyaad ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay falal ka dhan ah sharcig, sida, Hor istaag amar maxkamadeed, Aflagaado iyo hanjabaad, Weerar uu si toos ah ugu qaaday xarunta maxkamadda isagoo wata ciidamo iyo hub sharci darro ah

Wararka la helayo ayaa sheegaya in falka weerarka uu yimid kadib markii maxkamaddu ay qabatay, dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi, taasoo ku saabsanayd in uusan bixin kirada guri uu ka deganaa degmada Dharkeenley, taas oo keentay muran sharci ah oo la horgeeyay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu si buuxda ugu xadgudbay qodobbada kala ah 263, 267, 268 iyo 269 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS), kuwaas oo quseeya falal liddi ku ah amniga, hanjabaadda, iyo caqabadeynta fulinta amar maxkamadeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dharkeenley, Dr. Maxamed Aadan Cusmaan, ayaa ku amray Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Dharkeenley in uu si degdeg ah u soo xiro Maxamed Cabdullaahi Siyaad, loona keeno maxkamadda si dacwaddiisa loo qaado.

Waxaa weli la sugayaa war rasmi ah oo kasoo baxa maamulka gobolka ama dowladda hoose ee Muqdisho oo ku saabsan falka eedeysanaha iyo tallaabada laga qaadayo.

Duqaymihii u dambeeyay Ruushka ee Ukraine oo carruur ay ku dhinteen

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC}  Ugu yaraan todobo qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay, ka dib weerarro culus oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen Ukraine, sida ay saraakiishu ay sheegeen.

Dugsiga barbaarinta ayaa la duqeeyay kaasi oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn ee Ukraine ee Kharkiv iyo sidoo kale waxyeelo weyn oo soo gaartay caasimada Kyiv. Carruur ayaa kamid ahayd 27 qof oo dhaawacmay.

Saacado kahor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshihiisa la kulanka Putin ee dhowaan ee ka dhici lahaa Budapest la hakiyay, maadaama uusan doonayn ‘’kulamo aan waxba soo kordhinayn’’

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weeraradu caddeynayaan in Moscow aysan weli dareemin cadaadis ku filan oo lagu joojinayo dagaalka ay wadaan.

Booliiska Somaliland oo war kasoo saaray shaqaale hay’adeed oo ay xabsiga dhigeen

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Booliiska Somaliland ayaa Isniintii xabsiga dhigay shaqaale tiro badan oo ka hawlgalayay hay’adda Consilient Limited Company, kadib markii booliiska loo gudbiyay xog sheegaysa in hay’addu ay ku hawlanayd qabashada dood la xidhiidha dastuurka Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Haddaba, booliiska oo saaka war kasoo saaray ayaa sheegay in, kadib baadhis ay sameeyeen, ay waayeen wax caddayn ah oo muujinaysa in hay’addu ay faraha kula jirtay qabanqaabada dood la xidhiidha dastuurka Soomaaliya, isla markaana xogta booliiska la siiyay ay ahayd mid been-abuur ah.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 20/10/2025, ku soo qabtay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Consilient Limited Company, kadib markii ciidanka lagu wargeliyay in hay’addu waddo arrimo ku lid ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska.

Warbixinta booliisku waxay sheegtay in Hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo sameeyay baadhitaan qoto dheer, uu xaqiijiyay in warkaas uu ahaa been-abuur, isla markaana aanay jirin wax barnaamij ah oo noocaas ah oo ay hay’addu qabanaysay.

Booliisku waxay sheegeen inay bulshada u caddeynayaan in wararkaasi yihiin been-abuur, isla markaana ay ku raad-joogaan cidda masuulka ka ahayd faafintooda, iyaga oo sheegay in looga dan lahaa in lagu “marin habaabiyo” bulshada Somaliland.

“Ciidamada Booliska JSL waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been-abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo,” ayuu sii raaciyay qoraalka booliisku.

Warkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu faafay baraha bulshada, iyada oo shakhsiyaad isticmaala barahaas ay si weyn u baahinayeen, iyaga oo soo bandhigayay waraaqo ay ku taageerayaan runnimada warkooda isla markaana ilaa hadda, waxaa jira dad badan oo aan ku qancin warbixinta booliiska, kuwaas oo ku andacoonaya in warkaasi run ahaa oo uu jiray.

Go’aamo kasoo baxay shirka nabadda ee beelaha gobolka Sanaag?

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Shirkii beelaha wada dega gobolka Sanaag uga socday magaalada Ceerigaabo ayaa laga soo saaray qodobo ay ugu muhiimsan yihiin in nabad lagu wada noolaado, amniga gobolka looga dambeeyo xukuumadda Somaliland, iyo in xukuumaddu ay mashaariic horumarineed ka fuliso gobolka.

Guddida nabadda ee gacanta ku haysay shirkan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta soo saaray qodobo taabanaya nabadda iyo wadajirka bulshada ku nool gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.

“Guddidu waxay go’aamisay in nabad iyo walaaltinimo lagu wada noolaado guud ahaan gobolka Sanaag iyo degmadiisa Ceerigaabo. Beelaha wada dega gobolka Sanaag waxay isla qaateen inay wada ilaashadaan walaalnimadooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi go’aamada kama dambaysta ah ee shirka kasoo baxay.

Waxa kale oo ay isla qaateen in nabad loogu baaqo oo la baadi doono beelaha ka maqan gogosha nabadda, oo loola jeedo beesha u badan gobolka Sool, oo sidoo kale degta magaalada Ceerigaabo balse aan maanta qayb ka ahayn shirka nabadda.

Sidoo kale, guddidu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay mashaariic horumarineed ka fuliso guud ahaan gobolka Sanaag, si kor loogu qaado noloshada dadka.

“Waxa lagu heshiiyay in guud ahaan amniga iyo nabadda gobolka Sanaag ay dowladdu ka masuul tahay, cid kasta oo nabadda cadow ku ahna ay dowladdu gacan bir ah ku qabato iyada oo kaashanaysa shacabkeeda,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Ugu dambayn, go’aanka shirka ayaa lagu sheegay in beelaha gobolka Sanaag ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Somaliland, oo gogosha nabadda isagu dhigay, isla markaana ay ku tilmaameen shakhsi ay ka go’antahay isku wadka bulshada.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo digniin adag u diray Xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada aan cudur daar lahayn?

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku socota xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka iyagoo aan lahayn cudur daar sax ah ama fasax caafimaad, kaddib markii laba fadhi oo todobaadkan qorshaysnaa ay baaqdeen sababo la xiriira quorum la’aan.

Habdhoowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa fadhigii maanta ka akhriyey magacyada xildhibaanadii ka maqnaa kulamadii hore, isagoo sheegay in tallaabadan lagu xaqiijinayo isla xisaabtan iyo masuuliyad.

Baarlamaanka Federaalka ayaa caadiyan isugu yimaada saddex jeer usbuucii, Sabti, Isniin, iyo Arbaco, hase yeeshee labadii fadhi ee ugu dambeeyay ayaa la joojiyey sababo la xiriira tirada xildhibaanada oo aan buuxin shuruudda quorum-ka, kaliya hal fadhi ayaa si guul leh u qabsoomay toddobaadkan.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa marar badan ku booriyay xildhibaanada in ay si joogto ah uga soo qaybgalaan fadhiyada, si loo horumariyo howlaha sharci dejinta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in magacyada xildhibaanada aan soo xaadirin lagu magacaabi doono fadhiyada soo socda si loo muujiyo cidda ka gaabisay shaqada Baarlamaanka.

Digniintan ayaa muujineysa sida ay muhiimka u tahay ka-qaybgalka joogtada ah ee xildhibaanada, maadaama maqnaanshaha badan uu dhaawacayo waxqabadka iyo shaqo gudashada hay’adda sharci dejinta ee dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay si dhab ah u daba-galaan xildhibaan kasta oo aan waajibaadkiisa gudan, si loo hubiyo in Golaha Shacabka uu si buuxda u shaqeeyo.

Somaliland oo sheegtay in ay xal u raadinayso caqabadaha kaga yimid fiisaha danabaysan ee Soomaaliya?

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa sheegtay inay ka war-hayso cabashooyinka iyo culaysyada soo kordhay toddobaadyadii u dambeeyay ee ay qabaan dadka u socdaalaya Somaliland kadib markii lagu qasbay in ay qaataan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fuaad Axmed Nuux, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay hore uga hawlgashay arrintan isla markaana ay xidhii la samaysay dhinacyada khuseeya.

Wasiirka ayaa xusay in howlaha duulimaadyada iyo adeegyada madaaradu ay yihiin kuwo farsamo oo ku dhisan shuruuc iyo hab-raacyo caalami ah, kuwaas oo aan lagu maamuli karin go’aanno siyaasadeed ama talooyin aan rasmi ahayn.

Waxa uu si gaar ha ugu eedeeyay caqabada maanta haysata dadka reer Somaliland ee Hargaysa u safraya xukuumadihii hore ee Somaliland oo uu sheegay in ay gacantooda ku wareejiyeen maamulka hawada Somaliland.

“Waxaan u caddeynaynaa shacabka Somaliland in wasaaraddu si buuxda u gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah, diyaaradaha soo galayana ama ka baxayana Somalilandna ay si buuxda ugu shaqeynayaan sharciyada iyo nidaamka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale, Wasiir Fuaada yaa tilmaamay in cid kasta oo ku hawlan duulimaadyada ay waajib ku tahay inay raacdo xeerarka Somaliland ee socdaalka iyo isticmaalka madaarada, isagoo intaas ku daray in cidii aan oggolaanwayda ayna ka hawlgalin karin hawada Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa ku soo dhamaaday fariin lagu adkaynayo in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradu ay sii wadi doonto ilaalinta madaxbannaanida hawada Somaliland iyo amniga duulimaadyada.

Shacabka Somaliland ee u safraya Hargaysa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay caqabado kala kulmay safaradooda, iyada oo lagu qasbay in ay ku safraan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya, kaasi oo anay sidoo kale Hargaysa ku iman karin madaama aan laga aqoonsanayn.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu kamid yahay dadka caqabadaha kala kulmay dalku galka Soomaaliya, isaga oo sheegay in lagu joojiyay madaarka Dubai.