Home Blog Page 397

{DAAWO MUQAALKA} Tahriibayaal ku dhintay Doon u socotay Talyaaniga Oo Qalibantay.

0

Qamiis, 23 Oct 2025 {HMC} Tahriibayaal ku dhintay Doon u socotay Talyaaniga Oo Qalibantay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Natiijo ah oo Laga filan karaa safarka markale Madaxweyne Xasan Shiikh ku tagayo Kismaayo.?

0

Qamiis, 23 Oct 2025 {HMC} Maxaa Natiijo ah oo Laga filan karaa safarka markale Madaxweyne Xasan Shiikh ku tagayo Kismaayo.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo howlgal Qorsheeysan ku dilay Xubno Sare oo AS ah

0

Qamiis, 23 Oct 2025 {HMC} Ciidamo howlgal Qorsheeysan ku dilay Xubno Sare oo AS ah

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Mucaarad laga hortaagan yahay Baydhabo iyo go’aanka MW laftagareen.

0

Arbaco, 22 Oct 2025 {HMC} FALANQEYN:- Mucaarad laga hortaagan yahay Baydhabo iyo go’aanka MW laftagareen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq oo soo dhaweeyey Taliyah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Ciraaq Cabdil-Amiir Al-Shammari ayaa xarunta Wasaaradda ee Dalkaa ku soo dhaweeyey Taliyah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Wefdiga uu Hogaaminayo Taliyaha oo safar shaqo ku jooga Dalkaa .

Kullan gaar ah oo Xarunta Wasaaradda ka dhacay ayaa looga hadlay is-kaashiga Amniga labada dal , xoojinta Xiriirka iyo is-dhaafsiga Khibradaha si loo amba qaado dedaalda lagu xoojinayo wada shaqeynta.

Taliye Asad ayaa Dawladda Ciraaq uga Mahadceliyey maqaamka sare ee ay ku soo dhaweeyen isaga iyo wefdigiisa,waxaana uu qiray in dedaalada isu imaatinka labada dhinac muujinayaan sida ay uga go’antahay dhinac walba dhaqan gelinta Hashiisyada la gaaray.

{DAAWO SAWIRADA} Ruushka oo tijaabiyey gantaal nooca nukliyeerka xambaara.

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Ruushka ayaa maanta tijaabiyey gantaal nooca nukliyeerka xambaara , kaas oo lagu magacaabo Yars. Gantaalkan ayaa laga riday saldhig ku yaalla waqooyiga Ruushka, waxaana lagu bartilmaameedsaday goob tijaabo oo fog oo ku taalla gobolka Kamchatka.

Tijaabadan waxay qayb ka tahay tababbar ciidan oo lagu hubinayo diyaar-garowga ciidamada nukliyeerka ee Ruushka.

Tijaabadan waxay ku soo aaday xilli uu burburay iskudayo way wadahadallo ku yeelan lahaayeen Trump iyo Putin, kaddib markii Mareykanka uu sheegay inaysan muuqaan wax tanaasul iyo isbeddel ah oo dhinaca Ruushka ku jira. Wuxuuna Mareykanka isku diyaarinaya cadaadis la saaro Ruushka.

Ruushka oo xaqiijiyay in uu Gacan ka siinaayo Itoobiya sidii ay ku heli lahayd tamarta nukliyeerka ah.

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa markii u horreysay si cad u xaqiijiyay in ay Dowladda Itoobiya gacan ka siinayo sida ay ku heli lahayd tamarta nukliyeerka ah (NPP) oo ku saleysan tiknoolajiyadda casriga ah ee VVER-1200.

Shirkadda Rosatom oo ah Shirkad laga leeyahay Dalka Ruushka ayaa hada ka qayb qaadaneyso hirgelinta warshada tamarta nukliyeerka ee Itoobiya,sida ay maanta wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ka soo xigatay safiirka Ruushka u fadhiya Magaalada Addis Ababa ee  Dalka itoobiya , Evgeniy Terekhin.

hadalka Dowladda ruusha ayaa waxa uu imayaa xili dowladda Itoobiya ay dhawaan bilaawday dhismaha warshada Tamarta nukleerka.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 22-10-2025.

0

Arbaco, 22 Oct 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Erdogan oo Lagu galbinaayo Diyaarado Dagaal ayaa ka dagay Dalka Cumaan.

0

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Erdogan oo socdaal ku maraya dalal khaliij ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Muscat ee caasimadda Wadanka Cumaan.

Erdogan ayaa waxaa hawada Dalka Cumaan ku soo dhaweeyay diyaaradaha dagaal ee Dowladda Cumaan, kuwaas oo la arkayay iyagoo dhinacyada ka socdo diyaarada Madaxweynaha Turkiga ilaa ay ka dagto garoonka Diyaaradaha magaalada Muscat ee Dalka Cumaan.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay amniga, tababarka iyo la dagaallanka argagixisada

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Sareeye Guuto Saad Khalaf Badr, iyagoo kawada hadlay iskaashiga dhanka amniga, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga aqoonta, iyo la dagaallanka argagixisada.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Bağdad ayaa waxaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq, Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, Dhanka Ciraaqna waxaa goobta joogay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska dalkaas, kuwaas oo qeyb ka ahaa wadahadallada labada dhinac.

Sareeye Guuto Saad Khalaf Badr ayaa si diirran u soo dhoweeyay wafdiga Soomaaliya, isagoo ku casuumay Taliye Asad wadahadallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, maadaama ay Soomaaliya iyo Ciraaq leeyihiin xiriir soo jireen ah oo diblomaasiyadeed iyo mid diimeed.

Labada dal ayaa xubno ka ah Jaamacadda Carabta (Arab League), Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Qaramada Midoobay (UN), taasoo muujinaysa danaha ay wadaagaan ee ku aaddan nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya iyo Ciraaq ku doonayaan inay dib u xoojiyaan awoodahooda amni iyo difaac, xilli labada dal ay kasoo kabanayaan dagaallo iyo qalalaase muddo dheer saameeyay.

Iskaashigan cusub ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadi doona xirfadda iyo waxtarka ciidamada booliska ee labada dal, iyadoo la filayo in uu horseedo barnaamijyo tababar iyo aqoon-is-weydaarsi ah oo labada dhinac si wadajir ah u fulin doonaan.