Home Blog Page 414

Duqeyn lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan AS .

Saturday   18 Oct 2025 {HMC}  Diyaarado dagaal ayaa duqeymo qorshaysan ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

Duqeymaha ayaa daba socday howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa sifeynta goobaha ay kooxaha  ku dhuumaaleysanayeen.

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in duqeyntii iyo howlgaladii xigay lagu dilay illaa 20 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  AS.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay tuulooyinka Yiireey, Malaalyleey, Janaal-jaay, iyo Muuse Xaaji, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen saldhigyo iyo gabbaadyo ay hore ugu adeegsan jireen kooxaha AS .

 

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen godadkii iyo xarumihii ay Al-shabaab ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana ay ku guuleysteen in ay xoreeyaan deegaano muhiim ah oo horey ugu jiray gacanta kooxda.

 

Sidoo kale, howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dhanka duqeymaha cirka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay khaarijinta horjoogayaasha kooxda.

 

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga hubinayo in gebi ahaanba laga cirib tiro kooxda  AS deegaanadaas.

 

Somali Finance Minister Addresses Climate Impact at IMF/World Bank Annual Meetings

Saturday   18 Oct 2025 {HMC} As the Annual Meetings of the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank draw to a close, Somalia’s Minister of Finance, Hon. Bihi Iman Egeh, participated in a key plenary session chaired by IMF Managing Director Kristalina Georgieva. The session brought together Finance Ministers from across the African continent.

During the joint meeting, Minister Egeh delivered a brief address that focused specifically on the profound impact of climate change on the African continent’s economy and discussed potential solutions to mitigate its devastating effects.

In addition to the plenary, the Minister and his delegation held bilateral meetings with key international partners:

  • United Kingdom Delegation: Minister Egeh held a productive meeting with the UK delegation, where discussions centered on investment opportunities and strategies for recovering from the economic damage caused by climate change in Somalia.
  • Arab Monetary Fund (AMF): The Minister also held a constructive sideline meeting with the Director-General of the Arab Monetary Fund, Fahad Al-Turki. This discussion focused on ongoing economic reform, future investment plans, and development strategies. The AMF has been acknowledged for its important role in supporting Somalia’s financial reform process.

The Minister’s participation in these final high-level meetings confirms Somalia’s commitment to prioritizing both domestic financial reform and securing international support to address the critical economic threat posed by climate change.

Source sonna

Somali and Turkish Labour Ministers Meet to Finalize Bilateral Cooperation Agreement

Saturday   18 Oct 2025 {HMC}  The Minister of Labour and Social Affairs of the Federal Republic of Somalia, Yusuf Mohamed, held a sideline meeting today with the Minister of Labour and Social Security of the Republic of Turkey, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, in Doha, Qatar.

The central focus of their discussion was the finalization and implementation of a bilateral cooperation agreement previously reached between the two ministries. The agreement, which the Somali Council of Ministers approved in July 2025, is a major initiative aimed at boosting job creation, employment opportunities, and workforce capacity development in Somalia. The official signing of the agreement is scheduled to take place soon in Turkey.

The two ministers also agreed to organize specialized training programs for Somali personnel, particularly staff from the Ministry of Labour and Social Affairs. These programs are designed to leverage Turkish expertise and knowledge in enhancing Somalia’s workforce capacity and improving social welfare administration.

Minister Yusuf Mohamed expressed his sincere gratitude to Minister Işıkhan for the warm reception and emphasized Turkey’s commitment to strengthening the cooperation and brotherly ties between Somalia and Turkey.

Source sonna

Somalia, Turkey Discuss Strengthening Trade and Market Access

Saturday   18 Oct 2025 {HMC}  Somalia’s Minister of Trade and Industries, Mahmoud Ahmed Adan (Geesood), met with Turkey’s Minister of Trade, Prof. Ömer Bolat, during the Turkey-Africa Trade and Economic Forum held in Istanbul yesterday.

The bilateral meeting focused on enhancing historic economic and trade cooperation between Somalia and Turkey and expanding investment opportunities in both countries.

The ministers specifically discussed ways to access Turkish markets for Somali products, including fish, minerals, and natural goods, aiming to boost Somalia’s economy and promote private sector trade.

Source sonna

Somalia, Italy Strengthen Security Ties with High-Level Defense Meeting in Rome

Saturday   18 Oct 2025 {HMC} Somalia’s Minister of Defense, Ahmed Macallin Fiqi, is on an official visit to Italy, where he met with his Italian counterpart, Guido Crosetto, in Rome.

The meeting focused on enhancing bilateral cooperation in defense, maritime security, capacity building, financing the AUSSOM operation, and counter-terrorism. Both ministers agreed to accelerate joint projects under Italy’s Mattei Plan.

They also underscored the historic ties and close collaboration between Somalia and Italy, emphasizing the importance of continued efforts to ensure peace and stability in the region.

Source sonna

Somalia has found a good market for cattle exports.

0

Saturday 18 Oct 2025 {HMC} Somalia is rapidly benefiting from the changing global livestock markets, with the country’s livestock exports reaching a historic high, expected to exceed $1 billion by 2025, according to new data from the Ministry of Livestock.

According to the Director of the Ministry’s Animal Health Department, Qasim Abdi Moallim, the growth in Somalia’s livestock exports is largely due to two strategic factors: the ongoing crisis in Sudan and the decline in livestock exports to Australia.

“Sudan, which was once a major livestock exporter, is now facing civil war. On the other hand, Australia, which was a major supplier of livestock to the Gulf countries, has gradually reduced its exports. Both of these factors have opened up new markets and economic opportunities for us,” said Qasim Abdi Moallim.

He added that Somalia has good access to key markets such as Saudi Arabia and the United Arab Emirates, which has made it easier to quickly deliver livestock and meet market demand.

Government data shows that Somalia exported livestock worth $974 million in 2024, compared to $523 million in 2021. 2025 is expected to be the highest year in terms of livestock export earnings.

Between 2021 and 2024, Somalia exported livestock worth $2.9 billion, demonstrating how important livestock is to the country’s economy and can continue to be the backbone of economic development and job creation in the country.

Soomaaliya oo suuq wanaagsan ka heshay Dhoofinta Lo’da.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga faa’iideysaneysa isbedelka suuqyada caalamiga ah ee xoolaha nool, iyadoo dhoofinta xoolaha ee dalka ay gaareyso heer taariikhi ah, taasoo la filayo in sanadkan 2025 ay dhaafsiiso $1 bilyan, sida lagu sheegay xog cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda, Qaasim Cabdi Macallim, kobaca dhoofinta xoolaha Soomaaliya waxaa si weyn u sababay labo arrimood oo istiraatiiji ah sida qalalaasaha ka taagan dalka Suudaan iyo hoos u dhaca dhoofinta xoolaha ee Australia.

“Suudaan, oo mar ahayd waddan si weyn uga dhex muuqda dhoofinta xoolaha, hadda waxaa hortaagan dagaallo sokeeye, Dhinaca kale, Australia oo ahayd bixiye weyn oo xoolaha u dira dalalka Gacanka Carbeed ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigtay dhoofinteeda, Labadaas arrimood waxay noo fureen suuqyo cusub iyo fursado dhaqaale,” ayuu yiri Qaasim Cabdi Macallim.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay si fiican ugu dhowdahay suuqyada muhiimka ah sida Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, taasoo u fududeysay in si degdeg ah loo gaarsiiyo xoolaha, loona buuxiyo baahida suuqa.

Xogta dowladda ayaa muujineysa in Soomaaliya ay dhoofisay xoolo ku kacaya $974 milyan sanadkii hore 2024, marka loo eego $523 milyan oo la helay sanadkii 2021, Waxaa la filayaa in 2025 uu noqon doono sanadkii ugu sarreeyay marka laga hadlayo dakhliga ka soo xarooda dhoofinta xoolaha.

Intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2024, Soomaaliya ayaa dhoofisay xoolo dhan $2.9 bilyan, taasoo muujinaysa sida ay xooluhu muhiim ugu yihiin dhaqaalaha dalka, uguna sii noqon karaan laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay dagaalka AS.

Sabti 18 Oct 2025 {HMC}   Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo safar ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa wadankaasi, Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD iyo dagaalka AS.

 

 

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrinta maalgalinta howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee AUSSOM.

Wasiir Fiqi ayaa Talyaaniga uga mahadceliyay kaalinta uu ku lee yahay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka AS iyo tababarka ciidanka qalabka sida.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Taliyaha Ciidanka , Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo kormeeray degmada Awdheegle

Sabti 18 Oct 2025 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen degmada waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Korneel Cabdicasiis Xuseen Maxamed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Danab iyo Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeer shaqo oo Taliyaha Ciidanka XDS ku tegay jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu kuur galo xaaladda amni iyo horumarka howlgalka Duufaanta Aamusan, kaas oo ciidamada Qaranka ay ka fuliyeen deegaano muhiim ah oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu ku sugnaa degmada Awdheegle, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbixin buuxda ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, isagoo ammaanay dadaalka iyo guulaha ay ciidamada Qaranku ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada argagixisada.

Taliyaha ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibaaraan howlgalada socda, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida deegaannada laga xoreeyay, isagoo xusay in guulaha ay ka muuqdaan kartida iyo geesinimada ciidanka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Odawaa oo Gaaray Degmo dhawaan laga Saaray AS

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC}  Taliye Odawaa oo Gaaray Degmo dhawaan laga Saaray AS

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA