Home Blog Page 413

Dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud?

0

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada u Maraayo iyo Baalal dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga tirada ku geeriyootay dagaalka.

Dad ku sugan deegaanka Baalal dheer ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka uu ka qarxay dilal la xariira aanooyin qabiil, waxaana wali deegaanada lagu dagaalamay ka taagan xiisad dagaal oo mar waliba sababi karta inuu dib u qarxo dagaalka.

Labadaan Maleeshiyo beeleed ayaa horay dhowr jeer ugu wada dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, mana jirto ilaa hadda cid ku baxday dagaalkan u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wali isku hor fadhiya goobahii ay ku wada dagaalameen.

Ma jirto wax talaabo ah oo ay qaadeen maamulka Galmudug ama dowladda Fedaraalka Soomaaliya si loo joojiyo colaadda loona xalin lahaa muranka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed.

Gobolka Galgaduud waxuu ka mid yahay gobolada ay inta badan ka dhacaan dagaalada beeleedyada, kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maal leh, waxaana deegaanada gobolkaas marar badan ka dhacay dilal aad u aragagax badan oo la xariira aanoyinka qabiil.

Nin Magaca Soomaali wato oo Haweeney Ingiriis ah ku qayaanay Jaceyl lacag badana ka qaatay.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Sida ay ku warrantay majladda Mirror ee UK — Haweeney Ingiriis ah, Mary Chater oo 67 jir ah ayaa lagu khiyaamay magac Soomaaliya, iyada oo nin u sheegtey magaca “Dani” uu u jiley jacayl si uu lacag badan uga qaato.

Mary oo ku nool magaalada Brighton ayaa u sheegtey Mirror in bishii December 2022 uu nin ka soo raacay sawir cunto karin oo ay ku baahisey Facebook, kaasi oo isku sheegay magaca “Dani” una sheegtey in uu yahay dhakhtar qalliinka dhaawacyada ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobay, kana howl gala Soomaaliya.

Sheekadiisa ayaa u muuqatay mid run ah — wuxuu soo dirayay sawirro iyo hadallo muujinaya in uu yahay qof samafale ah oo noloshiisa u huray dadka Soomaaliyeed, iyada oo Mary tidhi: “Wuxuu iga dhigay qof rumaysta in uu yahay nin geesi ah oo caawinaya dadka dhibaateysan ee Soomaalida” wax ay intaas ku daray in uu u sheegtey; in uu mashquul ku yahay daaweynta dhaawacyada dagaalka, taas oo sababtay in ay aaminto in uu dhab ahaan joogo Soomaaliya. Laakiin xidhiidhkaas “Jacayl” wuxuu isu beddelay khiyaano, markii uu bilaabay in uu lacag ka codsado, taasi oo uu ku horumarinayo shaqada caafimaad & lacago hormaris ah uu iyada ugu diyaarinayo hoy, si ay ugu timaaddo Muqdisho.

Has-yeeshee Mary ayaa ugu dambayn ku baraarugtay in ay la kulantay khiyaano, iyadoo lacagtii laga doonaayay joojisey, markii ay baadhitaan samaysay; waxay ogaatay in sawirrada uu isticmaalayay Dani ay ahaayeen kuwa laga xaday nin dhakhtar ah oo ka howl-gala gudaha caasimadda.

Sheekada Mary waxay muujisay sida magacyada & sawirrada Hey’adaha samafalka loogu adeegsado khiyaanooyinka internet-ka, iyadoo Soomaaliya loo isticmaalo marmarsiinyo lagu kasbado kalsoonida dadka Reer Galbeedka ah — maadaama oo dalku muddo badan ku jiro xaalad bin’adannimo oo soo jiidanaysa indhaha caalamka.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Cumar Cali””AS Waan usoo qalab qaadanay””

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Wasiir Cumar Cali””AS Waan usoo qalab qaadanay””

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Seedigiis Ayaa usoo dhiibay Qarax Balse Dhalinyarada Muqdisho Ayaa ka hortagay Damiciisii.

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Seedigiis Ayaa usoo dhiibay Qarax Balse Dhalinyarada Muqdisho Ayaa ka hortagay Damiciisii.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Hirshabelle oo gashay kala guur, Musharaxinta MW iyo kuxigeenada.

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} FALANQEYN:- Hirshabelle oo gashay kala guur, Musharaxinta MW iyo kuxigeenada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Gen: Odawaa “Ayagoo waxaan oo Godad ah qotay Ayeey na sugi waayeen weyna Carareen”

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Gen: Odawaa “Ayagoo waxaan oo Godad ah qotay Ayeey na sugi waayeen weyna Carareen”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-10-2025.

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 17-10-2025.

HOOS KA DAAWO WARARKI UGU DAMBEEYAY

Pastoralist children out of school in Adado village due to funding cuts.

0

Saturday 18 Oct 2025 {HMC} Free schools supported by the Galmudug education authority failed to open in several parts of Adado district this academic year due to a funding shortfall.

Around 450 students from pastoralist families in the rural areas of Gelinsor, Wadgelinsoor, Far-janno, and Qurdubanle were unable to go to school when classes were supposed to start in September.

The authority, which had been running the schools with support from humanitarian organisations, was unable to pay teachers’ salaries after donor funding stopped.

Abdi Mahmoud Hassan, a father of seven in Qurdubanle, said six of his children who were attending primary and intermediate school were now at home.

“There’s no education at all. Now everything has fallen apart. We never had proper school buildings anyway, the classes were held under trees. But now the teachers have left, and 90% of parents can’t afford to send their children elsewhere,” Abdi told Radio Ergo.

He described the free school as having kindled his children’s hopes of learning, only for those dreams to fade away.

Parents had collected money among themselves to pay the teachers, but could not raise enough. This was because they are grappling with the economic impact of severe drought that has left their livestock emaciated and unproductive.

Abdi can’t afford to send his children to schools in Adado town, 25 km away, as he has no means to support them there. He said all of his herd of 50 goats are too weak to sell in the market.

Without any livestock income, his family is living on one meal a day, mostly supported by relatives in Adado. Shops that gave him food on credit have stopped until he pays off his debts.

“The shops I used to take goods from on credit have all refused me now. One I owe $5,000 has sworn not to give me anything again. Another I owe $3,000 also turned me away. People and livestock alike are suffering. No one will lend me food or grain anymore. I don’t even know where to turn, the whole town has become unbearable for me,” he said.

Abdi said he had been trying to find manual jobs in Adado but failed to get any work.

Another parent, Fadumo Elmi Abdi, whose three children were in lower and intermediate grades, is also disappointed that they are now at home as their school in Qurdubanle is closed.

She said her children benefited greatly during the two years they attended school, but now they are idle at home with no alternative education.

“The children who dropped out have started engaging in bad habits because they have nothing to occupy them. They are young, and as you know, when youth have nothing to do, many bad things can happen,” she said.

Fadumo said she worries about her children’s future, as well as the family’s worsening living conditions. The household of seven now depends on help from neighbours.

Like other families in the area, her livestock have lost value due to lack of pasture. They used to depend on income from their herd of 30 goats. She feared the herd may not survive unless the rain arrives soon.

Water trucked from Adado town is too expensive, and those who used to give her water on credit have stopped.

“A small water truck costs around $50 to bring water here, sometimes even $60. We have two jerrycans left, and they’re almost empty. We don’t have a motorised pump. If we had a reliable water source, life would be much easier because water is the number one need,” she said.

Her family owes around $800 in debts for food and water, which they have been unable to repay. Creditors have given them a one-month grace period, leaving her in constant worry.

The impact of the school closures has been felt across the affected villages. The education coordinator for Adado district, Hussein Ali Sahal, said efforts were underway to reopen the schools, although funding remained a major challenge.

He said organisations including CERA International, JOSBO, and Save Somali Children, which had been covering teachers’ expenses, withdrew their support this year after their projects ended.

“The government teachers deployed to Adado town cover only about 15% of the area’s needs. Many rural teachers were not included in that programme, which is why these villages remain without teachers. If we could recruit new teachers, we could restart classes. We’ll keep working on it, no matter how long it takes,” he said.

Hussein added that the schools, which had been operating for the past three years, were established to give pastoralist children access to the same education as their peers in urban areas.

Maraykanka oo heegan giliyay Ciidamo.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Gubernatoorayaasha Jamhuuriga ee dhowr gobol oo kamid ah Maraykanka ayaa ciidamada ilaalada qaranka heeggan galiyay, iyaga oo u diyaar garoobaya mudaharaadyo ballaaran oo dalkaasi ka dhaca, gaar ahaan looga soo horjeedo Donald Trump iyo siyaasaddiisa.

Qaban qaabiyayaasha banaabaxyada loogu magac daray ‘’Maya Boqortooyooyin’’ ayaa sheegay in isu soo baxyada ay ka dhici doonaan in ka badan 2,500 oo goobood oo ku kala yaala daafaha Maraykanka.

Bahwadaagta Trump ayaa ku eedeeyay mudaharadayaasha inay xullufo la yihiin dhaqdhaqaaqayaasha bidixda fog ee Antifa.

Guddoomiyayaasha Texas iyo Virginia ayaa howlgaliyay ciidamada Ilaalada Qaran, si kastaba ha ahaatee ma cadda sida ay noqon doonto heerka muuqashada ciidamada Milatariga.

Qaban qaabiyayaasha ayaa sheegay mudaharaadkii u dambeeyay ee ‘No Kings’ la qabtay bishii Juun, iyada oo in ka badan 5 milyan oo qof ay ka qayb qaateen, iyaga oo ka hor yimid qorshaha siyaasada Trump.

Iiraan oo sheegtay in aysan u xayirnayn xayiraadihii saarnaa barnaamijka Nukliyeerka.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Dowlada Iiraan ayaa sheegtay hadda ka dib in aysna u xayirnayn xayiraadihii saarnaa barnaamijka Nukliyeerka, maadaama heshiiskii tobanka sano socday ee taariikhiga ahaa ee ay la gashay quwadaha caalamnka uu ku ekaa ama dhacay Sabtida.

Wasaarada arrimaha dibadda Iiraan ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay in xaddidaahihii la isla meel dhigay sanadkii 2015 aysan hadda shaqaynayn, inkasta oo Tehran ay weli si buuxda uga go’an tahay in xal diblomaasiyadeed la gaaro.

Bishii Juun ayay burbureen wadahadalo dad badan oo u socday Iiraan iyo Maraykanka, ka dib weerarkii Israa’iil iyo Maraykanka ay ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka Iiraan.

Iiraan ayaa hakisay galitaanka kormeeraaasha xarumaha nukliyeerka, iyada oo ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso bacraminta yuraanyoomta. Waxaana jawaab ahaan cunaqabatayno caalami ah dib loogu soo rogay Iiraan.

Iiraan ayaa si joogta ah u beenisay inay doonayso samaysashada hubka nukliyeerka, uuna barnaamijkeedu yahay mid nabdeed oo ay u jeedkiisu yahay baahiyaha rayidka