Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Burcad Hubeeysan oo Weerar ku qaaday Goobaha Ganacsiga Soomaalida ee Koofur Afrika.
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya Gacanta kusoo dhigtay Eedeysane Dalka ka Baxsaday.
Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya Gacanta kusoo dhigtay Eedeysane Dalka ka Baxsaday.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Xukun Adag ku Riday Kalluumeeysato u dhashay Dalka iiraan.
Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Puntland oo Xukun Adag ku Riday Kalluumeeysato u dhashay Dalka iiraan.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Saraakii ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Doolow.
Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Saraakii ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Doolow.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} iiraan oo ku dhawaaqday inuu dhamaaday Hishiiskii ay la gashay Reer Galbeed.
Axad, 19 Oct 2025 {HMC} iiraan oo ku dhawaaqday inuu dhamaaday Hishiiskii ay la gashay Reer Galbeed.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Dagaal beeleed khasaaro geeystay oo ka dhacay Galgaduud
Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Dagaal beeleed khasaaro geeystay oo ka dhacay Galgaduud
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Rwanda oo Soomaaliya u gacangelisay Nin ku eedeysan Kufsi & faafinta Muuqaallo anshax-xumo ah?
Axad 19 Oct 2025 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdha Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID.
Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda uleh, si uu uwajaho cadaaladda.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uu u mahadcelinayaa Hay’adaha Dowladda Ruwanda iyo Booliiska Soomaaliya gaar ahaa qaybta Interpol oo qayb lixaadleh ka qaadatay in eedaysanaha lasoo galiyo gacanta hay’adaha Dowladda Soomaaliya.
Ugudamayn Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaa ka go’an la dagaalan dambiyada Tacadiga Jinsiga iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada Dumarka Soomaaliyeed.
Soomaaliya oo heshay fursad ay dhaqaale badan uga heli karto dhoofinta Xoolaha nool ee loo iibgeeyo Khaliijka
Axad 19 Oct 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa fursad wayn heshay oo dhinaca iibka Xoolaha nool kaddib markii Australia ay joojisay xoolihii ay dhoofin jirtay, waxaa kale oo suuqa ka baxay Suudaan oo colaadda sokeeye saamayn taban ku reebtay Idihii loo dhoofiyay Khaliijka.
Sanadkii 2021 waxa ay Soomaaliya kasoo xaraysay lacag dhan $523 Milyan oo doollar, halka sanadkii lasoo dhaafay 2024 oo isbaddel ka muuqdo waxaana uu gaaray dhaqaalaha laga helay $974 Milyan oo doollar sida lagu sheegay warbixintaan.
Labada jeer ee Soomaaliya dhaqaalaha ka duwan ka heshay Iibka Xoolaha nool waxaa suuqa kula jiray Suudaan & Australia balse markaan way ka baxeen, waxaa muuqda fursad ah in ay heli karto in ka badan Hal Bilyan oo doollar oo kasoo xaroon karta iibinta Xoolahaas.
Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xannnaanada Xoolaha Soomaaliya Qaasim Cabdi Macallim ayaa sheegay in suuq ka bixista Australia ay Soomaaliya u tahay fursad wayn, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.
“Kororka dhoofinta waxaa sabab u ah laba arrimood oo muhiim ah, tan 1aad waa dagaalka sokeeye ee Suudaan oo saameeyay dhaqaalahooda, tan 2aad waa Australia oo hoos u dhigtay dhoofinta xoolaha nool ee ay u dirto dalalka Khaliijka, Tani waxa ay Soomaaliya ku hoggaaminaysaa in ay hesho faa’iido weyn oo dhinaca xoolaha la dhoofinayo” Qaasim Cabdi Macallim, Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS.
Warbixin lagu daabacay Bloomberg ayaa lagu sheegay in 4tii sano lasoo dhaafay in Soomaaliya dhoofinta Xoolaha nool ay ka heshay $2.9 Bilyan oo Doollar, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa in sanad weliba dalka laga dhoofiyo xoolo u dhaxeeya 4 Milyan ilaa 6 Milyan oo la geeyo Bariga Dhexe.
Colaadda Suudaan oo aan weli xal waara loo helin & Australia oo si tartiib-tartiib ah u dhimaysa xoolaha ay u iibgaynso Khaliifka waxa ay suuq furan usii yeeleysaa Soomaaliya, Xukuumadda Canberra ayaa damacsan in May 2028 ay gabi ahaanba joojiso dhoofinta xoolaha dalkaas.
Puntland oo xukuntay kalluumaysato u dhashay dalka Iiraan oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari?
Axad 19 Oct 2025 {HMC} Puntland ayaa ku xukuntay 15 kalluumeysato ah oo u dhashay Iiran midkiiba $500 oo ganaax ah iyo in dalkooda loo musaafuriyo, kaddib markii lagu qabtay iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland.
Sidoo kale, Puntland ayaa xukuntay in aan loo qabsan magtooda laba nin oo Iraaniyiin ah oo ku geeriyooday intii lagu jiray howlgalka lagu soo qabanayay kalluumeysatadan, iyadoo maxkamaddu go’aamisay in raggaasi ay dhinteen iyagoo ka baxsanaya gacanta hay’adaha amniga.
Laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka hal eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in doonta lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000 iyo in maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saaran, kaas oo si sharci-darro ah looga qaadanayay xeebaha Puntland.
Xukunkaan ayaa kusoo aaday, xilli kalluumaysiga sharci darrada ah uu dhibaato ku weyn ku hayo shacabka Puntland ee ku dhaqan degaanada xeebaha, kuwaas oo dhibbane u noqday maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada kawada halkaas.
Qaar ka mid ah Ganacsiyada Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo xiran maalin afaraad?
Waxaa maalintii afaraad xiran inta badan Dukaamada ganacsiga Soomaalidu ku leeyihiin deegaanada kala ah Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha oo dhamaantood ka tirsan magaala Xeebeedka Cape town ee dalka Koonfur Afrika.
Xiranaashaha goobaha ganacsiga ee deegaanadan ayaa la xiriirta weeraro isdaba joog ah oo ay Burcada hubaysan ee u dhalatay dalkaas ku qaadeen maalmaahii u dambeeyay goobaha ganacsiga Soomaalida ku leeyihiin sadaxdan deegaan ee Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha.
Deegaanadaan waxaa lagu dilay 48 saac gudahood ilaa sadax muwaadin oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay laba muwaadin oo kale, ma jirto cid loo soo qabtay dilalka iyo dhaawaca loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Meydadka sadaxda muwaadin ee lagu kala dilay deegaanada Philippi, Nyanga iyo Khayelitsha ayaa Shalay galinkii dambe lagu aasay khabuuraha Muslimiinta ee magaalada Mowbray ee Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.
Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Cape town ayaa saraakiisha Booliiska dalkasd kala hadlay wax ka qabsashada weerarada burcada hubeeysan ay ku hayaan goobaha ganacsiga.
Dhacdooyinkan naxdinta leh ee lasoo darsay Soomaalida ganacsiyada ku leh deegaanada isku raranka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay filayeen iney heli doonaan amni iyo nolal ka wanaagsan midii ay dalkooda kaga soo carareen.



