Home Blog Page 416

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Raaxeeye “Hirshabeelle Awood qeeybsiga waa In la saxaa”

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC}  Xildhibaan Raaxeeye “Hirshabeelle Awood qeeybsiga waa In la saxaa”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo meel marisay xeer cusub oo awood dheeraad ah siinaya hay’adaha amniga

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC}  Puntland oo meel marisay xeer cusub oo awood dheeraad ah siinaya hay’adaha amniga

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Soomaaliya oo Turkiga u iibgaynayso Kalluunka iyo Macdanta dalka?

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa dhiggiisa Turkiga Prof. Ömer Bolat waxa ay wada galeen heshiis dhigaya in Kalluunka iyo Macdanta Dalka loo iibgeeyo Dalkaas.

Kulan doceed daba socday shirka Istanbul ee Turkiga iyo Afrika ayay uga wada hadleen arrintaan, Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay daneyneyso xoojinta iskaashiga ku dhisan isdhaafsiga Ganacsiga ee Afrika.

“Kulankan miro-dhalka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, loona ballaarin lahaa fursadaha ganacsi, maalgashi iyo suuq helidda badeecadaha labada dal” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Maxamuud Aadan Geesood.

“Waxaan Wasiirka Turkiga kala hadlay sida badeecadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kalluunka, macdanta, iyo wax-soosaarka dabiiciga ah — suuqyo loogu heli karo gudaha Turkiga, taas oo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay” ayuu qoraalkiisa siii raaciyay Wasiir Geesood.

Gunaanadkii waxa uu qoraalkiisa kusoo afmeeray Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood “Sidoo kale, waxaan isla garanay in dib loo eego caqabadaha ganacsi ee jira, lana dadaalo in la abuuro jawi fududeynaya isku socodka badeecadaha iyo maalgashiga labada dal, si loo gaaro heer iskaashi oo waara oo faa’iido u leh shacabka labada waddan”.

Turkiga ayaa dhowaan soo bandhigay dhaqaalaha uu ka helo badeecadaha uu u iibgeeyo Qaaradda Afrika, halka sidoo kale uu soo bandhigay lacagaha Dadkiisa uga baxa iibsashada waxyaabaha laga dhoofiyo Qaaraddaan ee dalkeeda la geeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo wax is dhaafsiga ah ee dalkiisa kala dhaxeeya Qaaradda Afrika, waxa uu rajeeyay in sanadaha soo socda lasii xoojin doonno.

RW Xamse oo Magacaabay Maareeye iyo Agaasime Ku-xigeen.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay

• Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.

• Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Mareeykanka kaga qeeyb gashay Shirka Maalgashiga Afrika

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Mareeykanka kaga qeeyb gashay Shirka Maalgashiga Afrika

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland oo meel marisay xeer cusub oo awood dheeraad ah siinaya hay’adaha amniga?

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saxiixay xeer cusub oo lagu magacaabo “Xeerka La-dagaallanka Argagixisada Puntland”, kaas oo ay horey u meel mariyeen baarlamaanka Puntland dabayaaqadii bishii Luulyo 2025.

Xeerkan cusub ayaa u oggolaanaya hay’adaha amniga Puntland inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo qaarkood ka baxsan yihiin xeerarka caadiga ah ee Dastuurka Puntland.

Waxaa ka mid ah in hay’adaha amnigu geli karaan guri ama goob uu ku sugan yahay qof la tuhunsan yahay, iyaga oo aan wadan waarant garsoore, iyo sidoo kale in ay dhegaysan karaan taleefannada dadka looga shakiyo inay ku lug leeyihiin hawlaha argagixisada.

Tallaabadani ayaa dhalisay dood ku saabsan qodobka 21-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo si cad u mamnuucaya baarista, basaasidda ama gelitaanka hoyga qof aan lagu helin amar garsoore oo sababaysan, marka laga reebo xaalado degdeg ah oo ay boolisku ku raad-joogaan dambiile ama uu fal dambiyeed ka socdo gudaha hoyga.

Xeerkan ayaa sidoo kale ciqaab adag u dhigaya cid kasta oo ka tirsan ama gacan siisa kooxaha argagixisada, kuwaas oo mutaysan kara xabsi gaaraya xabsi 20 sano ah ama xukun dil ah, iyadoo lagu xakameynayo taageerada iyo ka qaybqaadashada falalka amni-darrada ah.

Baarlamaanka Puntland ayaa xeerkan ku daray faafinta rasmiga ah kadib markii uu madaxweynuhu saxiixay 8-dii Oktoobar, taas oo ka dhigan in uu si rasmi ah u dhaqan galay. Waxaa la filayaa in dadka hadda u xiran dambiyada argagixisada lagu dabaqo xeerkan cusub.

Puntland ayaa haatan dagaal culus kula jirta ururka Daacish, oo muddo ku dhow 15 sano saldhigyo ku lahaa deegaanno ka tirsan gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wejiga ugu dambeeya ee dagaalka Daacish uu noqon doono la xisaabtanka dadka xiriirka dhow la leh ururkaas.

NIRA oo shaacisay waqtiga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka?

0

Sabti  18 Oct 2025 {HMC} ay’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa shaacisay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan Oktoobar ee sanadkan 2025, qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka inuu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo.

NIRA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in mudada ka horeysa 31-ka bishan Oktoobar ay fursad u tahay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan weli qaadan kaarkooda inay si bilaash ah u dalbadaan.

“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow!” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NIRA.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda diiwaan galinta Kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA laguma shaacin inta uu dhan yahay qarashka ay ku bixin doonto hay’adda qaadashada kaarka aqoonsiga Qaranka.

Talaabadaan ay soo rogtay hay’adda NIRA ayaa imaaneysa, iyadoo mudooyinkii dambe goobaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga Qaranka si weyn looga dareemayay saxmad xooggan, maadaama dadka samaysanayo Kaarka ay safaf dheer dheer u galaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulamay dhigiisa Talyaaniga.

0

Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula kulmay dhiggiisa Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD, maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qaybta ka ah Qorshaha Mattei ee Talyaaniga.

6+++
Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

{DAAWO MUQAALKA} Kaarka Aqoonsiga Nira oo lacag laga dhigayo

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Kaarka Aqoonsiga Nira oo lacag laga dhigayo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Xooga Dalka iyo Kuwa Jubaland oo Howlgalo Culus ka fuliyey Jubada Hoose.

0

Sabti, 18 Oct 2025 {HMC} Ciidanka Xooga Dalka iyo Kuwa Jubaland oo Howlgalo Culus ka fuliyey Jubada Hoose.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA