Home Blog Page 44

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo ka hadlay Dhibaatada ka Soo gaartay Dalalaka Carabta Dagaalka Bariga Dhaxe.

Isniin 9 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, , ayaa yiri: “Dalal badan oo Carbeed ayaa si cad u sheegay in xaaladda aan loo jiheynin xal milatari, isla markaana aysan oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado dagaal.

Laakiin markii dagaalku bilaabmay, inkastoo aad marar badan ugu baaqdeen Mareykanka iyo Israa’iil, ma cambaareyseen ficilladooda? Ma cambaareyseen duqeynta lagu dilay 170 gabdhood oo arday ah?

Waxaan maqlay in dalalkiinna,xitaa Baxrayn ay qorsheynayaan inay qaraar u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Qaraarkaas wuxuu cambaareyn doonaa weerarka Iiraan, balse wax hadal ah kama sheegi doono falalka Mareykanka iyo Israa’iil.

Annagu waxaan ku baaqeynaa in la helo mowqif mideysan oo lagu soo afjarayo dagaalkan.

In si fudud loo yiraahdo Iiraan xaq uma laha inay si wax ku ool ah uga jawaabto, waxay la macno tahay inaad ku dhiirrigelineysaan Mareykanka iyo Israa’iil inay sii wadaan dagaalka. Arrintaas caqli ahaan ma ahan mid la aqbali karo.”

Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka oo Banaanka Keenay Sababta ku qasabtay Mareykanka in uu weeraro Iiraan

Isniin 9 March 2026 {HMC} Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo ka hadlay dagaalka Iiraan ayaa sheegay inay Israa’iil mar kasta doonaysay Mareykanka inuu weerarro Iiraan, wuxuu yiri ; “Xilligii maamulka Obama, Israa’iiliyiintu waxay cadaadis saarayaan Obama si uu tallaabo milatari uga qaado Iiraan, waxayna uga digayeen in haddii uusan isagu weerarin, ay iyagu kaligood tallaabo milatari qaadi doonaan.”

Hadalkan,waxaa ka horreyay sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA-da, John Kiriakou oo dhawaan shaaca ka qaaday in madaxweyne kasta oo Mareykan ah ay Israa’iil ku cadaadiso inuu weerarro Iiraan.

Wuxuu sheegay in sababta Trump uu hadda u go’aansaday inuu duqeeyo Iiraan ay ahayd in Israa’iil ay Mareykanka u hanjabtay, iyagoo leh: “Haddii aadan idinku duqeyn Iiraan, annaga ayaa adeegsan doona hub nukliyeer ah.”

Balse dagaal dheer oo lala galo Iiraan, waxaa ka digay

Anthony Blinken, oo sheegay inan la saadaalin karin guul dhammeystiran oo dagaalka laga gaari karo,sida uu dagaalkan ku dhammaan karana wuxuu ku soo koobay labo qodob; suuqyada iyo hubka.

Haddii uu dhaqaalaha Mareykanka iyo midka caalamka daato, oo hoos u dhac dhaqaale iyo koror uu ku yimaado qiimaha shidaalka, markaa Trump wuxuu sheegay inuu fahmayo oo cadaadiska arrimahan ka dhalanaya uu keenayo dagaalka in si dhaqso ah looga baxo, waxa kale ee dagaalkan joojin kara wuxu sheegay inay tahay dagaalkan inay ka dhalato hubka Mareykanka inuu ka dhammaado kaydka gaar ahaan gantaallada difaaca iyo bambooyinka culus oo uu ku sheegay inay waqti qaadan karto dib in loo helo, mar kasta oo kaydka hubka dhammaanayana wuxuu ku sheegay inay tahay xilligaa uu Trump joojin karo dagaalkan.

Blinken, oo lagu waydiiyay barnaamijka Big Take podcast oo hadalladan uu ka sheegay in hadda Trump uu joogo meel uu dagaalka uga bixi karo, isagoo guul sheeganaya, wuxuu yiri ; “ Dabcan wuxuu oran karaa waxaan dilnay hoggaamiyihii sare, ciidanka badda ayaan meesha ka saarnay iyo awoodda gantaallada iyo nukliyeerka in hoos loo dhigay, si la mid ah sida uu uga baxay dagaalkii bishii June…dhinaca Iiraan waxaa iyagana guul u ah inaysan dhicin isbeddel nidaam.”

Intaa oo jirta Netanyahu ayaa xalay soo baxay isagoo leh; “ Waxyaabo la yaab leh oo kadis ah ayaan dhawaan ka soo bandhigi doonaa dhinaca Iiraan.”

Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa isagana farriin hanjabaad ah soo gudbiyay iyagoo yiri ; “ Marka maraakiibta ay usoo dhaqaaqaan biyaha ku dhow Iiraan, diyaaradaha B-2 ay horey u qaadaan bambooyin culus , taasii waad garanaysaan natiijada soo socota.”

Waxaa xigtay in warbaahinta Mareykanka ka soo baxday ee Axios inay maanta werisey ; Mareykanka iyo Israa’iil inay ka tashanayaan suragalnimada lagu qabsan karo marinada muhiimka ah ee Iiraan ay u adeegsato dhoofinta shidaalka, xilli duqeymo culus lagu garaacay xarumaha kaydka shidaalka iyo goobo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan.

Marka la tixraaco weerarrada xalay ka dhacay gudaha Iiraana, waxay muujiyeen wajiga cusub ee dagaalka iyo in xaalad kasta ay dagaalkan suragaltahay, wallow Trump uu sheegay inuu guul deg deg leh dagaalkan ka doonayo, taasoo ku dhici karta inay in sare loo qaado awoodda weerar, xilli uu xataa soo bandhigay sida uu u danaynayo haddii la fulin karo howlgallo dhulka ah oo lagu gaari karo ujeedka dagaalka.

Marka laga soo tago hanjabaadaha Trump iyo doonista Netanyahu ee dagaalkan inuu daba dhaaraado illaa nidaamka Iiraan meesha laga saaro , sidoo kalena dalalka khaliijka ay wajahaan xaalad dhaqaale oo hamigooda dib u dhigi karta, waxaa muhiim ah inaan fahano xisaabaha juqraafi-siyaasadeed (geopolitics), dagaallada laguma akhriyo oo keliya xuduudahooda juqraafiyeed.

Haddii Iiraan si sahlan loo jebiyo, taasi ma noqon doonto khasaare ku kooban Tehran oo keliya, balse waxay Trump ku dhiirrigelin kartaa inuu tijaabiyo goobo kale.

Waxaa suurtagal ah in Cuba ay ka mid noqoto meelahaas, taas oo Ruushka u ah khad cas taariikhi ah.
Sidaas darteed, danta Moscow waxay ku jirtaa inaysan u oggolaan Iiraan inay si fudud u dhacdo, iyada oo aan loo eegin nooca heshiisyada istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Shiinaha iyo Ruushka waxay si fiican u fahamsan yihiin in haddii Iiraan lagu jebiyo dagaalkan, arrintu aysan ku ekaan doonin guuldarro soo gaarta Iiraan oo keliya. Waxay ka dhigan tahay in miisaankii awoodda ee Aasiya iyo Bariga Dhexe uu is beddeli doono.

Taasi waa sababta ay labada dal uga fiirsanayaan waxa dhacaya. Haddii Tehran si fudud u dhacdo, waxay saameyn ku yeelan kartaa danaha Ruushka iyo Shiinaha ee gobolka, sidoo kalena waxay beddeli kartaa qaabka siyaasadda iyo awoodda ee dunida.

Sidaa darteed, aragtidayda waxaan aaminsanahay in Moscow iyo Beijing aysan rabin in Iiraan si fudud looga adkaado, sababtoo ah arrintaas waxay u arkaan khasaare istaraatiiji ah oo iyaguna saameyn ku yeelan kara.

Marka la eego xisaabaha waaweyn ee Shiinaha, haddii Mareykanku ku mashquulo ama ku daalo dagaal ka dhaca Iiraan, arrintaas waxay noqon kartaa fursad beddeli karta miisaanka awoodda ee dunida.

Haddii Washington halkaas ku daciifto, waxay u sahli kartaa Shiinaha inuu si degdeg ah u kordhiyo saameyntiisa caalamka. Laakin haddii Iiraan , njdaamkeeda la beddelo waxaa meesha ka baxaya saameynta Shiinaha iyo xataa iskudarkooda Ruushka iyo Shiinaha waxay luminayaan kalsoonida caalamka, oo loo arkayo kuwa aan awoodin inay xulafadooda difaacaan, sidoo kalena aan joojin boos ay kula tartamaan Mareykanka.

Waxaa jirta arrin ku gaar ah Shiinaha , waa in Beijing ay hesho 80% shidaalka Iiraan, haddii Mareykanka la wareegto , taasii waxay Shiinaha galisanaysa go’doon dhaqaale iyo mid istaraatiji ah.

Sidaas darteed, danaha dhaqaale ee Shiinaha ku leeyahay Iiraan kaliya markaa loo fiirsado waxaa loo arkaa arrin yar marka loo eego himilooyinka istaraatiijiga ah ee waaweyn ee Beijing ay ku wayn karto haddii nidaamka Iiraan meesha laga saaro.
Waxaan idin kaga tagay fikradiina.

Iran names Khamenei’s son, Mojtaba, as new supreme leader.

Monday 9 March 2026 {HMC} Iran’s Assembly of Experts has named Mojtaba Khamenei to replace his father, Ali Khamenei, as the country’s new supreme leader, state media reported.

Mojtaba, a mid-ranking cleric with close ties to the Revolutionary Guard (IRGC), had long been viewed by elements of Iran’s ruling establishment as a potential successor to his father, who was killed after the United States and Israel launched strikes on Iran.

Although Iran’s ruling ideology frowns on the principle of hereditary succession, he has a powerful following within the IRGC and his dead father’s still-influential office.

SOURCE:TRT World

WAR DEG DEG AH Hoggaamiya sare ee Iiraan ee bedelaya Ali Khamenei oo La doortay.

Isniin 9 March 2026 {HMC} Golaha Khubarada ee Iran ayaa Mojtaba Khamenei u doortay inuu beddelo aabihii, Ali Khamenei, isaga oo noqonaya hoggaamiyaha cusub ee sare ee dalka, sida ay ku warameen warbaahinta dowladda Iran.

Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka taliyihii hore, ayaa lagu sheegay inuu yahay qofka la doortay in uu sii wado shaqada hoggaanka ugu sarreeya ee dalka, taasoo ka dhigan doorasho siyaasadeed iyo diimeed oo muhiim ah kadib geeridii aabihii.

Wararka ayaa tilmaamaya in doorashadan ay muujineyso sii socoshada saameynta kooxaha dhaqanka iyo milateri ee gudaha Iran, iyadoo magaca rasmiga ah laga filayo in warbaahinta dowladda lagu soo bandhigo markii la xaqiijiyo.

 

{DAAWO SAWIRADA} Munaasabad gaar ah oo Loo sameeyay Haweenka Ku jira Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Isniin 9 March 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, isla markaana lagu dhiirrigelinayay gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin difaaca dalka, ilaalinta amniga, iyo ka-qaybgalka hawlgallada Ciidanka Qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee hay’adaha amniga, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiirrigeliyo kartidooda iyo hoggaamintooda si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarinta Ciidanka Qaranka.

Sidoo kale, munaasabadda ayaa lagu muujiyay taageerada saaxiibbada caalamka ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka gabdhaha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo door muuqda ka qaata difaaca qaranka iyo sugidda nabadgelyada.

On International Women’s Day, UN urges Somali authorities to remove legal barriers causing gender gaps.

Mogadishu, 8 March 2026 {HMC} On the occasion of International Women’s Day, the United Nations calls on the Federal Government of Somalia to accelerate efforts to remove legal and structural barriers that perpetuate gender inequality and to take concrete action to end harmful practices.

“Somali women and girls contribute much to Somalia’s development, but they continue to face structural inequality, such as in legal protection, economic participation, and inclusion in political and peacebuilding affairs,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan.

“Somalia must ensure that women and girls are not left behind,” he continued, “so it is essential that the Federal Government of Somalia take concrete steps to accelerate gender equality by dismantling structural barriers, ending discriminatory laws, and ensuring equal access to justice, education, and economic opportunities for every Somali woman and girl. This is an opportunity for Somalia to strengthen protection, end gender-based violence, and provide equal opportunities, all of which are essential for sustainable development,” added Mr Swan.

The theme for this year’s observance of International Women’s Day is ‘Rights. Justice. Action. For ALL Women and Girls,’ and aims to highlight the need for addressing discriminatory laws and closing the legal gaps between men, women, boys and girls.

This year’s theme emphasises that without justice systems that work for women, rights become promises that never materialise. It further emphasises that at the current pace, it will take 286 years to close legal protection gaps for women around the world.

International Women’s Day has been observed since 1975, when the United Nations began celebrating women’s social, economic, cultural and political achievements, and calling for action to accelerate gender equality.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay

0

Axad 8 Maarso 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay dhaqan galka dastuurka cusub Soomaaliya.

Axad 8 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta saxiixay dastuurka cusub ee dalka, kaddib markii 4-tii Maarso ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugnaayeen guddoonka labada aqal, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in tallaabadan ay dhammaystirayso marxalad muhiim ah oo uu baarlamaanku ku soo gabagabeeyay dib-u-eegista dastuurka.

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaystiray dib-u-eegistii dastuurka, waxaana maanta wixii ka dambeeya noo taagan dhaqangelintiisa iyo sidii ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u noqon kara dowladnimo hufan iyo xasillooni siyaasadeed.

“Dukumeentigan waa heshiis bulsho, waxaana rajeynayaa inuu Soomaaliya u horseedo nabad, deganaansho iyo xukun hufan oo toosan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Saxiixa madaxweynaha ayaa ka dhigan tallaabada ugu dambeysa ee dhaqan-gelinta dastuurka, inkastoo weli la filayo habraacyo dheeraad ah oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa.

Inkastoo madaxweynuhu saxiixay dastuurka cusub, haddana qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, iyagoo u arka tallaabo uu xukunka ku sii dheeraysanayo madaxweyne Xasan Sheikh.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir deg deg ah oo laga yeeshay xiisadda Bariga Dhexe.

Axad 8 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay shir degdeg ah oo ay si muuqaal fogaan arag ah u yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe kadib weerarro la sheegay in Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka.

Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda amni ee gobolka iyo sidii dalalka Carabta ay uga yeelan lahaayeen mowqif mideysan oo looga hortago sii xumaanshaha colaadda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar kale cambaareyn doonto weerarradii dhowaan dhacay, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dalal Carbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u muujisay garab istaag ay la leedahay dalalka ay waxyeelladu gaartay, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka.

Shirkan degdegga ah ayaa imanaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso, taasoo ku qasbeysa dalalka Carabta inay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago isku dhac militari oo ballaaran loona dhiirrigeliyo wadahadal nabadeed.

Iran claims American soldiers captured, but US denies.

Sunday 8 March 2026 {HMC} Iran’s top security official, Ali Larijani, claimed that American soldiers have been captured, accusing Washington of trying to conceal the incident.

“It has been reported to me that several American soldiers have been taken prisoner. But the Americans claim that they have been killed in action,” Larijani wrote on X on Saturday.

“Despite their futile efforts, the truth is not something they can hide for too long.”

The US military swiftly rejected the claim, saying no American soldiers had been captured.

A spokesperson for US Central Command (CENTCOM) told Al Jazeera that Iran’s claims were false.

“The Iranian regime’s claims of capturing American soldiers are yet another example of its lies and deceptions,” the spokesman told Al Jazeera.

Escalating regional tensions followed the February 28 launch of joint US-Israeli air strikes on Iran, killing more than 1,000 victims, including Supreme Leader Ali Khamenei, over 150 schoolgirls and senior military officials.

The war has triggered widespread regional instability and retaliatory attacks from Tehran against US-linked sites across the region.

SOURCE:TRT World