Axad 5 October 2025 {HMC} Gaarigii lagu weeraray Godka Jilacoow oo la ogaaday Cida Muqdisho soo gilisay.
Axad 5 October 2025 {HMC} Gaarigii lagu weeraray Godka Jilacoow oo la ogaaday Cida Muqdisho soo gilisay.
Axad 5 October 2025 {HMC} Muxuu Yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Maamuladda Puntland iyo Soomaaliland ?
Axad 5 October 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo Miina Baaris Kawado Magaalada Awdheegle
Axad 5, Oct 2025 {HMC} Warbixinta Saadaasha Xili roobaadka Deyrta ee Bilaha Oktoobar ilaa Diseembar ee sanadkan aynu ku jirno 2025.

Axad 5, Oct 2025 {HMC} Maamuladda Soomaaliland iyo Puntland ayaa markii ugu horreysay yeeshay kulan fool ka fool ah oo lagu qabtay magaalada Nayroobi, ee caasimadda dalka Kenya, 4–5 October 2025, kaas oo lagu gaadhay is-afgarad ku saabsan in labada dhinac ka wada shaqeeyaan amniga, nabada, iyo dhaqaalaha.
Kulankan, oo ay ka qayb galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo labada dhinac ka kala socday, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Puntland.
Warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in shirku uu dhiirrigeliyay wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dhinac, isla markaana uu abuuray jawi cusub oo lagu dhisayo kalsooni iyo is-aaminaad.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagu heshiiyey:
1. Iskaashiga Arrimaha Amniga
Labada dhinac ayaa ku heshiyey in ay si wadajir ah uga hortagaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana iska kaashadaan sugidda amniga xuduudaha. Waxaa kale oo lagu ballamay in la xoojiyo iskaashiga badaha iyo la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee saameeya dhaqaalaha iyo amniga gobolka.
2. Nabadeynta Bulshada
Shirka ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Ceerigaabo iyo deegaannada ku dhow, laguna dhiirrigeliyo barakacayaasha inay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda. Waxaa lagu bogaadiyey doorka Madaxweynaha Somaliland ee gogosha nabadda, iyo ka-qaybgalka Puntland ee dadaalladaas nabadeed.
3. Xoojinta Ganacsiga iyo Isu-socodka Bulshada
Labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo isu-socodka dadka iyo ganacsiga, iyo in la sameeyo kaabayaal dhaqaale oo isku xidha deegaannada labada dhinac si kor loogu qaado fursadaha horumarineed ee gobolka.
4. Siyaasadda Maamulka Hawada
Shirka ayaa cambaareeyay siyaasada ay Soomaaliya ku dhaqdo isticmaalka hawada ee duulimaadyada rayidka ah, isagoo ku baaqay in arrimaha hawada lagu maareeyo si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.
Warsaxaafadeedka lagu soo gabagabeeyay kulanka ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay ka go’an tahay: In ay joogteeyaan wadashaqeynta iyo wada-xaajoodyada danaha labada dhinac. In ay dhiirrigeliyaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. In ay soo dhaweynayaan kaalinta Beesha Caalamka ee taageerada nabadda iyo la-dagaalanka argagixisada.

sunday 5,Oct 2025 {HMC}The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Isaaq Mohamud Mursal, officially opened Somalia’s National Day at Expo 2025 Osaka, an event dedicated to showcasing the country’s heritage, culture, and development vision.
The ceremony highlighted Somalia’s rich traditions, literature, and modern arts, symbolizing the nation’s renewed global image. The exhibition drew participants and visitors from around the world attending the Expo.
In his remarks, Deputy Minister Mursal said the occasion reflected Somalia’s pride, identity, and progress, noting that Somali culture remains the foundation of the nation’s unity and resilience. He underlined Somalia’s notable achievements in recent years under the National Transformation Plan and Vision 2060, built on sustainable growth and international cooperation.
He urged the international community to “see today’s Somalia with new eyes” — a country full of hope, talent, and potential.
For his part, Ambassador Yasushi Misawa, Deputy Chairman of Expo 2025, commended Somalia’s participation, describing it as a beautiful nation with vast opportunities, energetic youth, and a vibrant culture, while expressing Japan’s readiness to deepen future collaboration.
The event featured performances by Somali artists Nimco Dareen and Abdiweli Dhuux, who captivated the audience with their music. Somali youth also performed traditional dances, reflecting the liveliness and charm of Somali culture.
The program concluded with a poetry recital by Ambassador Hodan Osman Abdi, Somalia’s Ambassador to China and non-resident Ambassador to Japan, who delivered the renowned poem “Soomaali Baan Ahay” by the late poet Cabdulqaadir Xirsi Yamyam.
Source SOnna

Axad 5,Oct 2025 {HMC} Komishanka Doorashooyinka Somaliland (KDQ) ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ICPS Excellence Award 2025, taas oo lagu maamuuso hay’adaha doorashooyinka ee ugu hufan uguna shaqada fiican adduunka.
Abaalmarintan oo uu bixiso Machadka International Centre for Parliamentary Studies (ICPS) ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, ayaa lagu guddoonsiiyey intii lagu jiray Shirka 21aad ee Abaalmarinta Caalamiga ah ee Doorashooyinka (21st Annual International Electoral Award and Symposium), kaas oo ka dhacay magaalada Gaborone ee caasimadda Botswana, muddadii u dhaxaysay 1–4 October 2025.
Shirkan oo uu martigeliyey Komishanka Doorashooyinka dalka Botswana (IEC–Botswana), ayaa Somaliland lagu ammaanay dadaalka iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay dhanka hufnaanta, hal-abuurka iyo casriyeynta nidaamyada doorashooyinka, taas oo sababtay in KDQ lagu guddoonsiiyo abaalmarintan qiimaha badan ee ICPS Excellence Award.
Macnaha abaalmarinta
ICPS Excellence Award waa mid ka mid ah billadaha ugu sarreeya ee lagu maamuuso hay’adaha doorashooyinka caalamka, iyadoo lagu qiimeeyo hufnaanta shaqo, hal-abuurka farsamo, iyo sida ay u xoojiyaan kalsoonida shacabka ee nidaamka codbixinta.
Sababaha lagu bogaadiyey Somaliland
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu ammaanay: 1. Hirgelinta nidaamka Biometric Voter Registration and Verification (BVRS/BVVS), oo Somaliland ka dhigtay meeshii ugu horreeysay ee Geeska Afrika adeegsata nidaamkan casriga ah.
2. Qabashada doorashooyin xor ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo, oo ay kormeereen goobjoogayaal caalami ah kuwaas oo ku sifeeyey doorashooyinka Somaliland kuwo dimuqraadi ah oo tusaale u ah gobolka.
Koomiishanka doorashooyinka ayaa sheegay in abaalmarintan ay tahay guul Somaliland gaadhay oo muujinaysa heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, taas oo muddo soddon sano ka badan ku dhaqmaysay nidaam doorasho oo nabad ah, iyada oo qabatay toban (10) doorasho oo nabad ah.
Komishanku waxa uu sheegay in guushan ay sare u qaadayso sumcadda Somaliland ee caalamka, isla markaana fariin cad u dirayso beesha caalamka in Somaliland ay leedahay hay’ado dimuqraadiyadeed oo madax-bannaan, daahfuran, hufan, isla markaana mudan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.
Sunday 5,Oct 2025 {HMC} The Somali National Army (SNA), in collaboration with the African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), has launched mine clearance operations in Awdheegle, Lower Shabelle region, after Al-Shabaab terrorists planted explosives along roads, near homes, and around the town.
The operation aims to eliminate all explosive devices posing a threat to civilians and security forces, allowing residents to safely return to their homes.
SNA and AUSSOM troops are also conducting additional security sweeps to ensure the complete clearance of remaining terrorist elements in and around Awdheegle. The operation forms part of broader efforts to stabilize and secure the district and its surrounding areas.
source sonna

Sabti 4,Oct 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo nadiifin iyo baaritaan ah ka wada magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii maleeshiyaadka Khawaarijta naf la caariga ah ay miinooyin badan ku aaseen waddooyinka, hareeraha magaalada iyo gudaha guryaha shacabka.
Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo wixii haraadiga Khawaarijta ah, taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga magaalada iyo deegaanada ku dhow.
Axad 5 October 2025 {HMC} Sidee Madaxweyne Xasan sheekh loogu soo Dhaweeyey kismaayo.?