Home Blog Page 470

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka.

0

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka, muddadaas waxa ay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay dalbanayeen in loo fududeeyo sidii ay ku heli lahaayeen maadaama ay u baahan yihiin.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ka hadlay Musaabadda dib u furista qaadashada Baasaboorka Dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool dalban karaan.

Cabdixakiin ayaa intaas ku daray in tallaabadaan ay xallin u tahay caqabadaha jira, waxaana uu sheegay in mudnaanta ay siinayaan sidii loo hubin lahaa helitaanka aqoonsiga dadkaan Soomaaliyeed ee ku nool Yemen.

“Ku dhowaad 8 sano sano kaddib ayaa dib u billownay bixinta Baasaboorka oo ah xuquuqda muwaadinka xaqqa u leeyahay, Hadda kaddib si caadi ah ayay u qaadan doonnaan qofkii la caddeeyo muwaadinnimadiisa” Ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Dad u badan Arday ayaa muddo Waxbarasho uga xayirnayd helitaanka Baasaboorka Soomaaliya, waxaana socday dedaallo kala duwan oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen sameeyeen oo ugu dambeyn maanta ay gaareen guusha halgankooda.

{DAAWO SAWIRADA} Tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle oo AS Laga Saaray.

0

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa maanta Kooxda Khawaarijta ka xoreeyey tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle kuwaas oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ka dhacay tuuloyinkaan ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxana howlgalkaan uu soo bilowday saakay aroor hore, iyadoo Ciidanka Qaranka iyo kuwa AUSSOM si xirfad leh u wajaheen goobihii ay Khawaarijtu isku dayeen inay ku dhuuntaan.

Intii uu hawlgalka socday, maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa laga saaray godadkii ay ku dhuumanayeen, iyadoona qasaare culus lagu gaarsiiyay halka qaar kalena ay baxsadeen, waxana howlgalkaan uu qeyb ka yahay Duufaanta Aamusan wejigiisa saddexaad.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Baladweyn oo lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi Looga Hadlaayay mashaariicda ka socda gobolka.

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Waxaa magaalada Baladweyn lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray kormeerka bille iyo saddex-biloodle ee mashaariicda ka socda gobolka. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu martiqaaday:

– Wakiillo ka socda hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo
– Shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo horumarinta
– La-taliyeyaal iyo khubaro ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta
– Xubno ka socday bulshada deegaanka

Qodobbadii Diiradda la saaray:*
– Habraaca kormeerka joogtada ah ee mashaariicda
– Sida loo ururiyo xogta la xiriirta waxqabadka iyo saameynta
– Dhibaatooyinka ka dhasha kormeer la’aanta iyo xal u heliddooda
– Isku-xirka hay’adaha iyo la wadaagidda xogta
– Kor u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka

Gunaanad:
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu wadaagay waayo-aragnimo, laguna dhisay xirfado cusub oo kor u qaadaya tayada kormeerka. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo kormeerka joogtada ah, lana sameeyo jadwal mideysan oo ay ku heshiiyaan dhammaan daneeyayaasha.

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

0

jimac 3 October  2025 {HMC}Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 02-10-2025.

0

khamiis 2 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Putin, oo yiri Wadankii Ruushka Awood maletery kula Tartami karo hayimaado Banaanka.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Intii lagu jiray 1990-meeyadii, reer Galbeedku waxay ku raaxaysanayeen inay haystaan awood buuxda oo aan xadidnayn,xilligii maamulka Clinton, Ruushku laba jeer ayuu isku dayay inuu la dhiso Maraykanka nidaam amni caalami ah oo cusub iyo inuu Ruushka ku biiro NATO, markaa wuxuu ii sheegay inuu dib ugu laabanayo xulafadiisa, balse waa ay diideen , iyagoo tixraacaya waxyaabaha ku qufulan maskaxdooda.

Maanta, taasii waxba iska beddelay, waxayna billaabeen inay yiraahdaan Ruushka ayaa na soo weerarraya, ma weerarrayo Ruushka , dalalka NATO, si deggan u seexda oo dhibaatadiinna la tacaala. Eega waxa ka socda waddooyinka Yurub.

Haddii qof doonayo inuu Ruushka la tartamo dhinaca milatariga, ha isku dayo.
Ruushku marar badan ayuu caddeeyay, hanjabaad kasta oo ka dhan ah madax-bannaanidiisa waxaa lagala kulmi doonaa jawaab degdeg ah.“

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo La kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Waqooyo-Bari.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.