Sabti 4 October 2025 {HMC} Diyaar Garowka Waddo Furista oo ka socota Magaalada Muqdisho
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Sabti 4 October 2025 {HMC} Diyaar Garowka Waddo Furista oo ka socota Magaalada Muqdisho
Sabti 4 October 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo si Rasmi ah ula Wareegay Degmada Awdheegle
Sabti 4 October 2025 {HMC} Sidee Ciidamada Dowladda ula wareegeen Degmada Awdheegle.?
Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Hay’adda QM ee Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqday inay jarayso kaalmooyinka cunnada ee boqollaal kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada iyo heerar daran oo gaajo ah, sida ay ku warrantay wakaaalada warrarka ee AP.
WFP ayaa sheegay in tirada dadka helaya gargaar degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan bisha Agoosto ilaa 350,000 bisha Nofeembar, sababo la xiriira “xaalado aad u darran oo dhanka maalgelinta ah.”
“Waxaan arkeynaa koror khatar ah oo ku yimid heerarka degdegga ah ee gaajada, awooddeena aan uga jawaabno arrintan ayaana si maalinle ah u yaraanaysa,” ayuu yiri Ross Smith, agaasimaha hay’adda WFP u qaabilsan diyaarinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Wuxuu intaa raaciyay in haddii aysan helin maalgelin deg deg ah ay qosysaska horreyba u tag darnaa ay hadda yihiin ugu ugu darran, xilli ay yihiin kuwa ugu baahida badan.
Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya heerar adag oo gaajo ah, waxaana la saadaalinayaa in 1.8 milyan oo carruur ah ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sannadkan. Qaar carruurtaas ka mid ah, oo dhan 421,000 ayaa wajahayaan nafaqo-darro halis ah, halka hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ay kaliya ku guuleysatay inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.
Soomaaliya waxay la tacaaleysaa kaliya maaha saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaar iyo fatahaado, balse sidoo kale colaado iyo amni darro muddo tobanaan sano ah dalka ka jiray. Kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah dalka.
Yaraynta gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa uga sii daray jawaabtii hay’adaha bini’aadantinimo ee horeyba uga u dareemay dhibaato culus si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya ee dadka nugul.
Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan si uu “u sii wado ugu yaraan hawlgallada badbaadinta nolosha ee loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilli adag ilaa bisha Maarso 2026.”
WFP ayaa ka mida hay’addaha Qaramada Midoobay ee la dhibaatoonayey dhaqaale la,aanta darran ka dib markii dowlado badan oo Maraykanku ka mid yahay ay dhimeen kaalmadii dhaqaale ee ay ku bixin jireen arrimaha gargaarka gaar ahaana dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan ee Afrika.
Soomaaliya oo ka mida dalalka dadkooda nugul si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka hay’addahu bixiyaan ayaa sanadihii dembe la kulmayey jaris ama dhimis gargaarka ah ka dib markii dowladdo badan oo caawin jiray hay’addahaas ay joojiyeen.
BBC-da oo xiriir la samaysay hay’adda qaran ee maareynta masiibooyinka ee SODMA si ay ugu jawaabto saamaynta tallaabadan iyo haddii WFP ku wargelisay dhimista gargaarkeeda Soomaaliya ayeysan noo suuragelin inaan jawaab ka helno.
XIGASHO BBC
Sabti 4 October 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo maanta qaadeeyso Tallaabo Farxad Galinaya Shacabka Gobolka Benaadir
Sabti 4 October 2025 {HMC} iiraan Dil ku Fulisay Dad la shaqeeynayey Israa’iil.
Sabti 4 October 2025 {HMC} {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::cabdi nuur caraboow
Sabti 4 October 2025 {HMC} Kulamo ka socda Magaalada Kismaayo iyo MW Xasan sheekh oo ku wajahan
Sabti 4 October 2025 {HMC} Trump oo Doonayo Dhibco siyaasadeed inuu ku qaato Soo Afjarida Dagaalka Qasa
Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Weerar uu fuliyay Ruushka ayaa maanta lagu dilay wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoni Lallican, isagoo ku sugnaa agagaarka magaalada Druzhkivka ee gobolka Donetsk, xilli uu la socday ciidanka Ukraine, sida laga soo xigtay France 24.
Lallican, wuxuu tan iyo sannadkii 2022 , soo gudbinayay wararka dagaalka Ukraine , isagoo tagayay goobaha dagaalka.
Waxay u muuqataa weerarkan in loo fuliyay ujeeddo gaar ah , waxaana laga fahmi karaa saxafigan inuu waqti dheer bartilmaameed u ahaa ciidanka Ruushka , balse dilkiisa waxaa lagu aadiyay maalin kaddib markii ciidanka Faransiiska ay xireen kabtanka markab uu Ruushka leeyahay oo qaada shidaalka oo ay toddobaadkan afduubeen ciidanka Faransiiska , iyagoo ku eedeynaya inuu markabkan fulinayay howlgallo milatariga oo dushiisa laga dirayay diyaaraddo aan duuliye lahayn oo la dul geeyay xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalalka waqooyiga Yurub.
Dilkan oo loo tixgelinayo farriin ku socota Faransiiska oo loo sheegayo sida ay bartilmaameedyo u yihiin muwaadiniintiisa , wuxuu Ruushka u adeegsaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo leh nidaamyo hagis aragtida ah oo lagu qarxiyay wariyahan isagoo ku dhex jira suxufiyiin kale ,waxaana geeriyooday kaligii, halka wariye kale oo Ukraine u dhashay uu dhaawacmay, taa oo loo qaadan karo inuu ahaa bartilmaameed toos ah.