Home Blog Page 472

Saxafi Faransiis ah oo lagu Dilay Dagaalka Ukraine,

0

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Weerar uu fuliyay Ruushka ayaa maanta lagu dilay wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoni Lallican, isagoo ku sugnaa agagaarka magaalada Druzhkivka ee gobolka Donetsk, xilli uu la socday ciidanka Ukraine, sida laga soo xigtay France 24.

Lallican, wuxuu tan iyo sannadkii 2022 , soo gudbinayay wararka dagaalka Ukraine , isagoo tagayay goobaha dagaalka.

Waxay u muuqataa weerarkan in loo fuliyay ujeeddo gaar ah , waxaana laga fahmi karaa saxafigan inuu waqti dheer bartilmaameed u ahaa ciidanka Ruushka , balse dilkiisa waxaa lagu aadiyay maalin kaddib markii ciidanka Faransiiska ay xireen kabtanka markab uu Ruushka leeyahay oo qaada shidaalka oo ay toddobaadkan afduubeen ciidanka Faransiiska , iyagoo ku eedeynaya inuu markabkan fulinayay howlgallo milatariga oo dushiisa laga dirayay diyaaraddo aan duuliye lahayn oo la dul geeyay xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalalka waqooyiga Yurub.

Dilkan oo loo tixgelinayo farriin ku socota Faransiiska oo loo sheegayo sida ay bartilmaameedyo u yihiin muwaadiniintiisa , wuxuu Ruushka u adeegsaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo leh nidaamyo hagis aragtida ah oo lagu qarxiyay wariyahan isagoo ku dhex jira suxufiyiin kale ,waxaana geeriyooday kaligii, halka wariye kale oo Ukraine u dhashay uu dhaawacmay, taa oo loo qaadan karo inuu ahaa bartilmaameed toos ah.

WAR DEG DEG AH Xamaas oo Ongolaatay in ay Siideyso Maxaabiista Israiil.

0

Saturday 4 Oct , 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay in ay ogolaatay in la sii daayo dhamaan la haystayaasha Israa’iil, iyadoo la raacayo soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Trump ee qorshaha Nabada Gaza.

Xamaas ayaa wareejindoonto dhamaan Maxaabiista kuwa dhintay iyo Kuwa nool sida ay Baahisay TV ga al jazeera.

Ururka Xamaas, ayaa gudbiyay mowqifkooda qorshaha Trump uu soo bandhigay ee dagaalka Qasa, iyagoo la wadaagay dhex dhexaadiyaasha, sida ay werisey Al Jazeera.

Lama helin faahfaahin, haddii ay Xamaas oggolaadeen qorshaha ama ay ku sameeyeen wax ka beddel, xilli Aqalka Cad hadal ka soo baxay waxyar ka hor lagu sheegay ; “ Haddii ay Xamaas diido inay ansixiso qorshaha nabadda Qasa, waxaa ku dhici doona cawaaqib xun oo aysan horey u qiyaasin.” Isla hadalkan waxaa ka horreyay hanjabaad uu Trump diray oo ah haddii Xamaas ay iska diido qorshaha uu soo jeediyay inay wajihi doonto xaalad burbur leh.

Hamas says it agrees to release all Israeli hostages under Trump Gaza plan.

0

Saturday 4 Oct , 2025 {HMC}  Hamas said on Friday it had agreed to release all Israeli hostages, alive or dead, under the terms of U.S. President Donald Trump’s Gaza proposal, and signalled readiness to immediately enter mediated negotiations to discuss the details.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay Arinta dhul boobka ee ka socda Muqdisho.

0

jimaco 3 October  2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay Arinta dhul boobka ee ka socda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wali intaan Xafiiska Joogay Mucaarad ma weerarin”’MW Xasan””

0

jimaco 3 October  2025 {HMC} Wali intaan Xafiiska Joogay Mucaarad ma weerarin”’MW Xasan””

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Joogay Saldhiga Warta nabada ee Mucaaradka ay weerareen waxay sameeyeen wax sax ah.

0

jimaco 3 October  2025 {HMC} Booliska Joogay Saldhiga Warta nabada ee Mucaaradka ay weerareen waxay sameeyeen wax sax ah.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Hay’adda sirdoonka Turkiga oo Gudaha Istanbuul ku qabtay Nin u shaqeeyo Sidoonka Israiil.

0

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo MiT, ayaa maanta gacanta ku dhigtay nin Turki ah oo la shaqeynayay sirdoonka Israaiil ee Mossad ,

Ninkan ayaa laga qoray barta WhatsApp oo xiriir uu kala sameynayay wakiil ka tirsan Mossad, wuxuuna dabagalayay nin lagu sheegay inuu ahaa halyey Falastiini ah oo dhaqdhaqaaqiisa uu la socday muddo afar maalin ah , si uu wax uga oggaado cidda uu la kulmayo iyo halka uu degtanyahay, isagoo maalintii qaadanayay lacag kun dollar ah ( $1,000), oo lagu siinayay lacagta dijitaalka ee cryptocurrency ,sida uu weriyey wargeyska Yeni Şafak.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 03-10-2025.

0

jimaco 3 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad kala soconaa bacraminta Gaaska ee itoobiya ka wado DDS.

0

jimaco 3 October  2025 {HMC} Maxaad kala soconaa bacraminta Gaaska ee itoobiya ka wado DDS.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

President Hassan Sheikh instructs security agencies to prevent military vehicles from entering Mogadishu.

0

Friday 3 Oct , 2025 {HMC} The President of the Federal Government of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has ordered security agencies to ban the movement of military vehicles in Mogadishu, other than those belonging to government security agencies.

The President accused some opposition politicians of disrupting security in the capital, noting that the Federal Government has made great efforts to restore stability and public confidence in Mogadishu.

“We have worked tirelessly to ensure the security of this city. There has been a full month without a single incident of insecurity. Therefore, we will not accept anyone driving military vehicles through the city,” said President Hassan Sheikh.

The President strongly condemned the recent attack at the Warta Nabadda police station, saying that if government forces had not shown restraint, a major disaster could have occurred there.

He accused the opposition of not considering the potential consequences of the military clash and the impact it could have on prisoners held at the base for various crimes, including those linked to Al-Shabaab and some accused of rape.

The remarks were part of a speech the president delivered at the Presidential Palace mosque, where he spoke about the current situation in the country.