Home Blog Page 473

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheikh oo hay’adaha amniga faray in aan Muqdisho lala dhexmari karin gaadiid ciidan.

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa faray laamaha amniga in aan magaalada Muqdisho lagu dhex wadi karin gaadiid ciidan oo aan ahayn kuwa hay’adaha amniga ee dowladda.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay carqaladeynayaan amniga caasimadda, isaga oo xusay in dowladda Federaalka ay dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida iyo kalsoonida shacabka ee magaalada Muqdisho.

“Magaaladan amnigeeda waxaan uga shaqeynay si buuxda. Waxaa jirtay bil dhameystiran oo aan hal dhacdo oo amni darro ah laga soo sheegin. Sidaas darteed, ma aqbali doonno in qof walba uu magaalada ku dhex maro gaadiid dagaal,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u cambaareeyay falkii dhawaan ka dhacay saldhigga booliska ee Warta Nabadda, isaga oo sheegay in haddii aysan ciidamada dowladda muujin lahayn is-xakameyn, ay suurtogal ahaan lahayd in meesha ay ka dhacdo musiibo weyn.

Waxa uu ku eedeeyay mucaaradka in aysan tixgelin dhibaatooyinka ka dhalan kara isku dhaca ciidamada iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto maxaabiista ku xiran saldhiggaas oo dambiyo kala duwan u xiran, ayna ku jiraan kuwa Shabaab ah iyo qaar loo haysto dambiyo kufsi ah.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynuhu ka jeediyay masjidka Madaxtooyada, isagoo kaga hadlayay xaaladaha uu dalku marayo.

Kenya hails UN-backed transition of Haiti mission to Gang Suppression Force.

0

Friday 3 Oct , 2025 {HMC} Kenya on Thursday welcomed a UN Security Council’s decision to transfer leadership of a Haiti security mission from the Kenya-led Multinational Security Support (MSS) force to a Gang Suppression Force (GSF).

The move establishes the GSF with up to 5,500 uniformed personnel, made up of police officers and soldiers, for a 12-month deployment to stabilize Haiti, where gang violence has paralyzed life and weakened state institutions.

Kenya’s Ministry of Foreign Affairs said the change underscores Nairobi’s global role in crisis response.

“The unanimous adoption of Resolution 2793 (2025) last night by the UN Security Council is a welcome development in the pursuit of a more peaceful and secure Haiti,” said Principal Secretary Korir Sing’oei. “It also reflects the impact of Kenya’s leadership in mobilizing international attention, forging consensus, and catalysing collective action when others hesitated.”

Kenya assumed a central role in the Haiti mission last year after spearheading diplomatic efforts to rally support for intervention amid worsening insecurity in the Caribbean nation.

Kenya deployed about 1,000 police officers to Haiti under the MSS, with units helping reclaim key routes into Port-au-Prince and secure vital infrastructure, including the airport and government buildings.

Several officers were injured during fighting with armed groups, and at least two died in the line of duty.


Andrew Wasike  

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka.

0

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka, muddadaas waxa ay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay dalbanayeen in loo fududeeyo sidii ay ku heli lahaayeen maadaama ay u baahan yihiin.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ka hadlay Musaabadda dib u furista qaadashada Baasaboorka Dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool dalban karaan.

Cabdixakiin ayaa intaas ku daray in tallaabadaan ay xallin u tahay caqabadaha jira, waxaana uu sheegay in mudnaanta ay siinayaan sidii loo hubin lahaa helitaanka aqoonsiga dadkaan Soomaaliyeed ee ku nool Yemen.

“Ku dhowaad 8 sano sano kaddib ayaa dib u billownay bixinta Baasaboorka oo ah xuquuqda muwaadinka xaqqa u leeyahay, Hadda kaddib si caadi ah ayay u qaadan doonnaan qofkii la caddeeyo muwaadinnimadiisa” Ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Dad u badan Arday ayaa muddo Waxbarasho uga xayirnayd helitaanka Baasaboorka Soomaaliya, waxaana socday dedaallo kala duwan oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen sameeyeen oo ugu dambeyn maanta ay gaareen guusha halgankooda.

{DAAWO SAWIRADA} Tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle oo AS Laga Saaray.

0

Jimco 3 Oct , 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa maanta Kooxda Khawaarijta ka xoreeyey tuulooyin ka tirsan degmada Awdhiigle kuwaas oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal kooban oo ka dhacay tuuloyinkaan ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxana howlgalkaan uu soo bilowday saakay aroor hore, iyadoo Ciidanka Qaranka iyo kuwa AUSSOM si xirfad leh u wajaheen goobihii ay Khawaarijtu isku dayeen inay ku dhuuntaan.

Intii uu hawlgalka socday, maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa laga saaray godadkii ay ku dhuumanayeen, iyadoona qasaare culus lagu gaarsiiyay halka qaar kalena ay baxsadeen, waxana howlgalkaan uu qeyb ka yahay Duufaanta Aamusan wejigiisa saddexaad.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Baladweyn oo lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi Looga Hadlaayay mashaariicda ka socda gobolka.

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Waxaa magaalada Baladweyn lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray kormeerka bille iyo saddex-biloodle ee mashaariicda ka socda gobolka. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu martiqaaday:

– Wakiillo ka socda hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo
– Shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo horumarinta
– La-taliyeyaal iyo khubaro ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta
– Xubno ka socday bulshada deegaanka

Qodobbadii Diiradda la saaray:*
– Habraaca kormeerka joogtada ah ee mashaariicda
– Sida loo ururiyo xogta la xiriirta waxqabadka iyo saameynta
– Dhibaatooyinka ka dhasha kormeer la’aanta iyo xal u heliddooda
– Isku-xirka hay’adaha iyo la wadaagidda xogta
– Kor u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka

Gunaanad:
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu wadaagay waayo-aragnimo, laguna dhisay xirfado cusub oo kor u qaadaya tayada kormeerka. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo kormeerka joogtada ah, lana sameeyo jadwal mideysan oo ay ku heshiiyaan dhammaan daneeyayaasha.

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

0

jimac 3 October  2025 {HMC}Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 02-10-2025.

0

khamiis 2 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY