Home Blog Page 474

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-10-2025

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Ciidamada Diffaaca Puntland Oo kooxda Daacish ka saaray Fariisimo Hor leh.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Baladweyn oo lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi Looga Hadlaayay mashaariicda ka socda gobolka.

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Waxaa magaalada Baladweyn lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray kormeerka bille iyo saddex-biloodle ee mashaariicda ka socda gobolka. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu martiqaaday:

– Wakiillo ka socda hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo
– Shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo horumarinta
– La-taliyeyaal iyo khubaro ku takhasusay kormeerka iyo qiimeynta
– Xubno ka socday bulshada deegaanka

Qodobbadii Diiradda la saaray:*
– Habraaca kormeerka joogtada ah ee mashaariicda
– Sida loo ururiyo xogta la xiriirta waxqabadka iyo saameynta
– Dhibaatooyinka ka dhasha kormeer la’aanta iyo xal u heliddooda
– Isku-xirka hay’adaha iyo la wadaagidda xogta
– Kor u qaadidda hufnaanta iyo isla xisaabtanka

Gunaanad:
Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu wadaagay waayo-aragnimo, laguna dhisay xirfado cusub oo kor u qaadaya tayada kormeerka. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo kormeerka joogtada ah, lana sameeyo jadwal mideysan oo ay ku heshiiyaan dhammaan daneeyayaasha.

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

0

jimac 3 October  2025 {HMC} Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ay ka gaysanayso Gaza oo ka dhacay Dalka Spain.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

0

jimac 3 October  2025 {HMC}Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 02-10-2025.

0

khamiis 2 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Putin, oo yiri Wadankii Ruushka Awood maletery kula Tartami karo hayimaado Banaanka.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Intii lagu jiray 1990-meeyadii, reer Galbeedku waxay ku raaxaysanayeen inay haystaan awood buuxda oo aan xadidnayn,xilligii maamulka Clinton, Ruushku laba jeer ayuu isku dayay inuu la dhiso Maraykanka nidaam amni caalami ah oo cusub iyo inuu Ruushka ku biiro NATO, markaa wuxuu ii sheegay inuu dib ugu laabanayo xulafadiisa, balse waa ay diideen , iyagoo tixraacaya waxyaabaha ku qufulan maskaxdooda.

Maanta, taasii waxba iska beddelay, waxayna billaabeen inay yiraahdaan Ruushka ayaa na soo weerarraya, ma weerarrayo Ruushka , dalalka NATO, si deggan u seexda oo dhibaatadiinna la tacaala. Eega waxa ka socda waddooyinka Yurub.

Haddii qof doonayo inuu Ruushka la tartamo dhinaca milatariga, ha isku dayo.
Ruushku marar badan ayuu caddeeyay, hanjabaad kasta oo ka dhan ah madax-bannaanidiisa waxaa lagala kulmi doonaa jawaab degdeg ah.“

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo La kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Waqooyo-Bari.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Amran Axmed Xasan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay qaabilaadiisa ayaa uga warbixiyay doorashadii ka dhacday maamulkaasi, xaaladda deegaanadda maamulka Waqooyi-Bari, taageeradda ay u baahanyihiin Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ee isugu jirta tababarada iyo aqoon kororsiga Xildhibaanadda iyo sidoo kale howlwadeenadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyo-Bari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay dadaaladii laga soo maray dhisida maamulka Waqooyi-Bari ayaa sheegay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu soo dhoweynayo sidoo kalena uu dhiiragelinayo Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay sidii loo taageeri lahaa golaha wakiilada ee maamulkaasi si ay u gutaan howlaha horyaala.

Hoggaamiyaha Jarmalka oo ku dhawaaday in uu gacan qaado ra’iisul wasaaraha Hungari.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Hoggaamiyaha Jarmalka , Friedrich Merz ayaa lagu warramayaa inuu dhawaaday inuu gacan qaado ra’iisul wasaaraha Hungari, Viktor Orban , kuwaasoo dood adag ay ku dhexmartay kulanka hoggaamiyeyaasha Yurub , uga socda maanta magaalada Copenhagen oo looga hadlayo arrimaha difaaca oo ay ku jirto Ukraine.

Viktor Orban, ayaa maanta u dhaqmay sida qof matalaya Ruushka, wuxuuna codka qayaxan ku diiday cunaqabateynta Yurub ee la saarayo Ruushka , halka uu si cad uga soo horjeestay hinside kasta oo suragal ka dhigaya Ukraine inay ku biirto Midowga Yurub, tallaabadan waxay ka caraysiisay hoggaamiyeyaasha kale ee Yurub, illaa hoggaamiyaha Jarmalka u istaagay si ay gacantiisa u gaarto Orban, sida ay werisay Bloomberg.

 

Israaiil oo Xirtay Shifa Cabdi oo ah Gabar Soomaaliya oo La socotay Dooman Gar gaar u siday Qasa.

0

Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Gabar Somali-Finish oo kamid ahayd dooni Gargaar u siday shacabka Magaalada Gaza oo ciidanka Israaiil gacanta ku dhigeen.

Shifa Cabdi oo ka mid ahayd kooxda Global Sumud Flotilla ee dalka Finland ayaa ciidamada Israa’iil ka qabteen biyaha caalamiga ah iyada iyo 5 qof oo kale oo u dhashay dalka Finland, kuwaasi oo saarnaa Dooni gargaar daawooyin iyo cunto ah u siday shacabka reer Gaza.