Home Blog Page 483

Maxaa looga cabsi qabaa heshiiska difaaca ee ay wada galeen Sucuudiga iyo Pakistaan?

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Kaddib heshiiskii difaaca ee ay wada gaadheen Pakistan iyo Sacuudi Carabiya, waxa taagan dood ballaaran oo ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo gobolka iyo danaha siyaasadda caalamiga ah.

Pakistan iyo Sacuudi Carabiya waxa ka dhaxeeya Heshiiska Difaaca Wadajirka iyo Istiraatiijiyadda ee loo yaqaanno (SMIDA) kaas oo ay qayb ka yihiin iskaashi dhanka difaaca iyo amniga ah.

Sida ku cad heshiiskan, weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal waxaa loo arki doonaa gardarro ka dhan ah labadaba.

Sida ay sheegayaan dadka arrimahan falanqeeya, ku dhawaaqista heshiiskan difaaca wadajirka ah ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa dhalisay walaac sababo dhowr ah awgood.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa aamminsan in heshiiskan istiraatiijiga ahi uu horseedi karo isbeddello waaweyn oo gobolka ah islamarkaana uu saameyn ku yeelan karo danaha Israa’iil iyo wadammada gobolka.

Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in tani ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee difaac oo weyn oo ay qaado dowlad Khaliij ku taalla tan iyo weerarkii Israa’iil ku qaaday Qadar 9-kii Sebtembar.

Sida ay sheegayaan khubaradu, weerarrada Israa’iil ayaa kordhiyay cabsi ka dhex jirta waddamada Khaliijka.

 

Xamaas oo dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda Qaza.

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Xamaas ayaa dib u eegis ku samaynaysa qorshaha nabadda ee Gaza oo uu Donald Trump kaga dhawaaqay Aqalka Cad Isniintii

Qorshahan oo ka kooban 20 qodob ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo dagaalka; soo celinta la haystayaashii Israa’iil; iyo Guddi nabadeed”Board of Peace” oo caalami ah si ay gacan uga geystaan ​​socodsiinta Gaza, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore Tony Blair – halkan waa dulmar.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale kor u qaadayaa suurtagalnimada “dariiq lagu kalsoonaan karo oo loo maro aayo ka tashiga Falastiin iyo dawladnimada”, haddii shuruudaha la buuxiyo.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in qorshahan uusan ahayn in dowladnima la siiyo Falastiin, isla markaana Israa’iil ay “si xoog ah uga hortagto” fikradd.

Trump – oo qorshahan ku dhawaaqay isaga iyo Netanyahu – ayaa sheegay in haddii Xamaas ay aqbali weydo, uu Israa’iil siin doono “taageero buuxda si aad u samayso waxa ay tahay inaad samayso.

Xamaas ayaa la sheegay inay dib u eegis ku samaynayso qorshahan “si niyad sami ah” – Wariyaheena Gaza Rushdi Abualouf ayaa sheegaya in jawaabtoodu ay noqon karto “haa, laakiin”

Dowladda Afgaanistaan oo Joojisay adeegga internetka.

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC}  Khalkhal ba’an ayaa ka jira guud ahaan Afgaanistaan, maalin kadib markii maamulka Taliban ay xireen internetka.

Adeegga taleefoonnada gacanta ayaa hawada ka maqan, duulimaadyo badan ayaa la joojiyay, ganacsiguna waxa uu la daalaa dhacayaa sidii ay u shaqayn lahaayeen.

Taalibaan ma aysan bixin sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan xiritaanka internetka. Balse horraantii bishan, mas’uul ka tirsan gobolka uu arrintan ka billaabatay ayaa sheegay in mamnuuciddan uu amray hoggaamiyaha sare si loo xakameeyo waxa uu ugu yeeray “xumaanta”.

Soomaali Badan oo ku Xiraa magaalada Lubumbashi ee dalka Congo oo La sii Daayay.

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay xabsiyada ka sii deyso Soomaali lagu qabqabtay magaalada Lubumbashi ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Haddaba xaaladda dadkaas iyo sababihii dadkaasi loo qabqabtay ayaa waxa BBcda uga uga warramay Ilyaas Cali Xasan oo ah Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Tanzania iyo DR Congo.

Danjire Ilyaas waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah ee lasoo daayey ay ahaayeen dad badankooda la xirxiray bartamihii Bishan September ka dib markii raaf ama qaqabasho guud oo dadka ajaaniibta ah ay ka dhacday magalaada Lubumbashi.

Danjiruhu waxa uu sheegay in dad badan oo ajaanib ah la xirxiray, laakin dadka ugu badan ay ahaayeen Soomaali, kuwaas oo kor u dhaafayey 80.

30 ka maid ah horrey ayaa loosoo daayey halka ilaa 50 kale uu sharcigu ka dhacsanaa ama qaarkood siyaabo kale loo haystay.

Soomaali badan ayaa ganacsi ka sameeyso DR Congo, magaalada Lubumbashi waa halka ay ugu badanyihiin sida uu sheegay Danjire Ilyaas.

Dadka soomaalida ah ee halkaas ka ganasacdo ayaa waxa ay u badanyihiin kuwa ka shaqeeysta gawaarida xamuulka ah ee badeecadaha kala duwan qaada.

Danijraha ayaa sheegay in dadkaasi lasoo daayey dalka lagusii daayey marka laga reebo laba qof, iyagoo u badnaa kuwa si sharci ah kusoo galay ama hay’adaha qaxootiga ka diiwaangashanaa laakin laga yaaabo in sharcigu uu ka dhacsanaa.

Soomaaliya ayaan wei safaarad ama qunsilyad ku lahayn dalka Congo waxase howsha matalaaada ee dalkaas sii hayo Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliay ee Tanzania iyo DR Congo .

XIGASHO BBC

Mid kamid ah Magaalooyinka Waqooyi Bari kenya oo noqtay Magaalada Ugu Amniga wanaagsan Kenya.

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Warbixin uu dhawaan soo saaray xafiiska tirakoobka Kenya, ayaa lagu sheegay in magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay kamid noqotay mid kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee dalka Kenya.

Warbixintan waxa si weyn u soo dhoweeyay shacabka ku nool magaaladaas. BBC-da ayaa makarafoonka la dhex martay qaark kamid ah dadweynaha magaalada Wajeer oo isugu jira nabadoonno iyo dad shacab ah,,,waxayna yiraahdeen sidatan:

Maxamed Xaaji Dhaqane oo kasoo shaqeeyay Ciidamada Badda haatan ka tirsan odayaasha ka shaqeeya amniga magaalada aya asheegay in magaaladu ay xuduud la leedahay Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo sheegay in dowladii iyo shacbka oo is kaashaday ay keentay in amaanka magaladu uu hagaago oo nqodo mid ka mid ah kan ugu wanaagsan magaalooyinka Kenya .

Isaaq Cali Axmed oo ka mid dadka deggan Wajeer ayaa sheegay in sababta amnigu uu u hagaagay ay tahay in markii dhib dhaco ay dadka magaaladu si wadajir ah ugu istaagaan xalka arintaas isagoo intaas ku daray in laamaha amniga sida Booliska iyo milaterigu ay qeyb libaax ka qaateen amniga magaalada.

Dhanka kale Axmed Cabdulqaadir Sahal oo ku sugan Wajeer ayaa sheegay in sababta ay Wajeer u noqotay mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga badan Kenya ay tahay in dadkeedu ay tashadeen sida odayaasha, siyaasiyiinta , culimiada iyo ganacsatada si ay magaaladu u noqoto magaallo amni ah, sidoo kale waxa uu uga mahad celiyay dowladda oo gacan ka geeysatay suguda amniga.

XIGASHO BBC

Twenty young journalists completed training advancing their professional skills in Beledweynte city, Hirshabelle State.

0

Mogadishu, Wednesday, September 29, 2025: The Federation of Somali Journalists (FESOJ) has concluded training with young newly employed journalists across Somalia on professional skills in Beledweyne city. Hirshabelle State.

 

The 2 -day training workshop conducted from 22nd to 23rd September 2025 at Eiyow Guest House in in Beledweyne city was held for 20 young journalists coming from various media outlets including radio stations and freelancers.

 

“We are pleased to return to Beledweyne city to support your professional growth. I encourage you to engage fully and ask questions, and I hope you will complete this training as knowledgeable journalists committed to ethical standards,” said Ahmed Ali Mohamed, FESOJ Training Secretary in his opening remarks.

 

On his part, Sheikh Abdiwajid Sheikh Nuuriyow, the Deputy Commissioner for Social Affairs of Hiran Region, underscored the value of the training and thanked FESOJ for organizing it. He urged the young journalists to take full advantage of the training program, stressing their influence and the importance of informing communities in the digital era.

 

He emphasized that society needs knowledge, skills, and responsibility, urging the trainees to become journalists who unite communities, share positive stories, serve the public, and contribute to development. “The knowledge gained from the training should be applied in your daily media work.” He added.

 

During the 2-day training proceedings, the participants were taken through the main themes focusing on: Journalism ethics, the media law, gender sensitive reporting, use of social media – roles and critiques, fake news and combating disinformation.

 

During the sessions proceeding, journalists had been provided with the opportunity to work in groups on the topics covered in the lessons, and test their understanding with technical discussions and examples reflecting the situation in their local area.

 

“I have learned from the training the role of media in conflict resolution and the importance of verifying information. I am grateful to FESOJ for this opportunity,” said Liibaan Suubane, one of the participants from Danan Media.

 

“Also, we learned how to write news in manner based on ethics and accountability. We thank FESOJ for the training opportunity.” Liibaan Suubane mentioned.

 

Similarly, Sahra Ibrahim from Radio Beer-lula indicated that the training significantly changed her understanding and the skills she will use in her work.

 

“I am grateful to the facilitators and FESOJ for the training. I benefited from new techniques on how to record interviews and how to manage public voices (Vox pop). I hope that FESOJ will return to us often to increase our knowledge.”Sahra Ibrahim, female journalist participant from Radio Beer-lula pointed out.

 

In his closing remarks, Ahmed Ali Mohamed, FESOJ Training Secretary expressed to be very pleased with successfully completing the 2 – day training for the newly young newly employed journalists with basic professional skills and what is believed to be significant for the media including how to cover gender sensitive issues.

 

He urged the journalists on the importance of implementing the lessons learned during the two days, in order to produce professionals who, demonstrate knowledge and responsibility.

 

In addition, FESOJ has conducted training with six trusted persons from three media houses held on Wednesday, September 24, 2025 in Beledweyne city, Hirshabelle State.

 

The main intention of the training program was to improve the trusted persons’ awareness and understanding of labour rights and the importance of trade union, and to train the newly elected trusted person in their tasks to address the labour rights issues at the workplaces as well.

 

The six trusted persons in attendance of the training were three male and three female journalists (one male and one female journalists) selected from each of the three media stations operational in Beledweyne city including Radio Hiranweyn , Danan Media and Radio Beer-lula.

 

The training workshop is part of program activities funded by the EU, supported by Free Press Unlimited (FPU) and implemented by FESOJ in cooperation with VIKES.

RW Xamsa “Xajka howlihiisa si aan u toosino, dad badan ayaan ku kala tagnay.”

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ka qeybgalay Munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa is beddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen.

“Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay is beddelka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda.

Ra’iisull Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara.

Waa noocee qorshaha joojinta dagaal Qasa.?

0

Talaado 30 Sep 2025 {HMC} Waxaa soo baxay wax cusub oo la xiriira nooca qorshaha joojinta dagaal Qasa ee la horgeeyay Xamaas, waa mid ka duwan qorshihii ay wada diyaariyeen Trump iyo dalalka Carabta iyo Islaamka ee la doonayo inay qeyb ka noqdaan, sida ay werisay Axios.

•Qorshaha wuxuu wax badan ka duwan yahay midkii la shaaciyay , taa oo ku dhacday markii Netanyahu uu dhexda u galay oo wax ka beddelay , waxaana la arkay wax ka beddel weyn oo hadda ka caraysiiyay , Sacuudiga, Masar, Jordan iyo Turkiga , halka Qatar ay iskudayday inan arrimahan si dhaqso ah bannaanka loogu soo saarin, si xiisad aysan uga dhalan.

•Wax ka beddelka wuxuu sameeyay Netanyahu , kadib kulamo uu la kulmay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner, oo Yahuudi ah maskaxdii ka dambeysay heshiiskii Ibraahim ee lagu dhisay xiriirka dalalka Carabta iyo Israa|l , markii kulankan uu dhacay waxaa lagu soo daray qorshaha shuruudo adag oo ay ugu muhiimsan tahay in ka bixitaanka ciidanka Israa|l , lagu xiro hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas.

Haddii xataa la dhammeeyo saddexda weji ee qorshaha bixitaanka, weli ciidamada Israa|l ayaa ku sii nagaan doona aag amni oo gudaha Qasa ka tirsan muddo aan la cayimin.

Xaaladan waxay dhalisay xiisad horleh , iyadoo Trump iyo Qatar ay iskudayayaan in xal la helo si qorshahan uusan u noqon mid fashilma, sida lagu sheegay warbixinta Axios.

SOMA Commemorates International Day for Universal Access to Information.

0

Press Statement:
Mogadishu, Somalia, 28 September, 2025 – The Somali Media Association commemorated the International Day for Universal Access to Information, an event that brought together 35 participants representing key media stakeholders, including a member of Parliament, the Somali Police Force, the Ministry of Information, civil society, and media.

The commemoration featured a panel discussion focused on the lack of an Access to Information law and the restrictions faced by media outlets in obtaining information. The event was officially opened by SOMA’s Secretary-General, Mohamed Abduwahab, who underscored the importance of Universal Access to Information Day, observed globally by UNESCO every 28th September. Since 2016, SOMA has marked this occasion annually with themes reflecting the prevailing realities of the Somali media landscape.

During the panel discussion, stakeholders emphasized the urgent need for legal frameworks to safeguard access to information and protect journalists in Somalia.

Abdishakur Ali, Director of Strategic Management at the Ministry of Information, noted:
“Multiple consultation meetings were held for the Access to Information Law, and the Cabinet has already passed the law. It is now awaiting presentation before the Lower House for ratification.”
A member of Parliament added: “Once the law is brought before the Parliament for ratification, I promise that media outlets will be able to provide their input on the law.”

SOMA’s Secretary-General, Mohamed Abduwahab, urged lawmakers to act without delay:
“I call on the Parliament to expedite the ratification process as an effort to protect Somali journalists and enable them to do their work without fear.”

Representing civil society in parliament meetings, Abdiwali Mohamed stressed the role of civil societies in strengthening governance: “We represent Somali civil societies in Parliament to encourage lawmakers to establish laws, respect them, and ensure they are fully implemented.”

The spokesman of the Somali Police Force, Abdifatah Adan, reiterated the Police Force’s commitment to protecting journalists: “As I promised on 3rd May, journalists will not be detained without due process of law, and the number of detained journalists has significantly declined. The Somali Police Force is committed to making the protection of journalists its first priority.”

A representative of the Media Women Network, Nafisa Hirsi, highlighted the gendered challenges women journalists face: “The absence of an Access to Information law has limited the ability of journalists, especially women, to fully participate in public debate and hold leaders accountable. We urge Parliament to ratify the law without delay and to guarantee that women journalists are protected and supported in their work.”

Director of KNN, Burhan Dini, pointed out challenges faced by Journalists:
“Undercover agency members often disrupt the work of journalists on the street by questioning them, asking what they are recording and who they are.”

A reporter at Somcable TV, Abdihafid Nur
“I blame the government for withholding information from the public, such as news of the recent attack on the President. I urge the current administration to abandon such practices and embrace transparency.”

In conclusion, SOMA calls on the Parliament to ratify the Access to Information Law immediately. Somali security forces are urged to create a safer environment where journalists can work without fear, and the government is reminded of its duty to uphold and respect freedom of speech.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 30-09-2025.

0

Talaado 30- Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY