Home Blog Page 493

Hay’adda Socdaalka oo Qabatay Eedeysane Soomaali ah oo lagu Tuhunsan yahay Tahriibinta Dhalinyarada?

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guuleysatay hawlgal qorsheysan oo ay ku qabteen qof asal ahaan Soomaali ah balse haysta dhalashada mid kamid ah dalalka Yurub.

Qofkan ayaa lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah uga shaqeynayay tahriibinta dadka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu daabulo waddamo kala duwan iyada oo la marsiinayo dariiqyo khatar ah

Hawlgalka lagu qabtay eedeysanaha ayaa lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee lagu hubiyo laguna raad-raaco dukumentiyada socdaalka, taasoo fududeysay in si degdeg ah loo aqoonsado loona xiro.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in eedeysanaha muddo lagu raad-joogay, isla markaana xogaha la helay ay caddeeyeen in uu door muuqda ku lahaa isku dubaridka safarrada sharci darrada ah, taasoo halis gelisay nolosha dhalinyaro badan.

Ugu dambeyn, eedeysanaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Dambi Baarista si ay u dhamaystiraan baaritaannada sharciga ah, una gudbaan tallaabooyinka xiga ee dacwadda.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku booriyay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo xakameeyo dambiyada la xiriira tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kuwaas oo si xun u saameeya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

{DAAWO MUQAALKA} Dekadaha Muqdisho iyo Barbara oo Noqday kuwa ugu Fiican Bariga Afrika.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Dekadaha Muqdisho iyo Barbara oo Noqday kuwa ugu Fiican Bariga Afrika.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne xasan sheekh oo ka hadlay halka ay marayan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne xasan sheekh oo ka hadlay halka ay marayan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lasoo Taagay Maxkamad ku taallo Dalka Kenya.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lasoo Taagay Maxkamad ku taallo Dalka Kenya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Ajaanib Badan ugu Dishay Dagaalka Daacish ay kula jirto.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Puntland oo Ajaanib Badan ugu Dishay Dagaalka Daacish ay kula jirto.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo kawada hadlay xoojinta taageerada AUSSOM

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Midowga Afrika (AUC), Qaramada Midoobay (UN), iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), ayaa si wadajir ah u qabtay kulan ka dhacday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, taas oo lagu xoojiyey taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa dib u xaqiijiyey go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan isbeddel dhanka amniga iyo lahaanshaha qarannimo, iyadoo lagu bogaadiyey doorka AUSSOM ee taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah, sugidda waddooyinka saadka, iyo horumarinta dadaallada xasilinta.

Ka qaybgalayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay dalalka ciidanka iyo booliska ku tabarucay, iyagoo xusay geesinnimada iyo halganka askartooda. Waxa kale oo carrabka lagu adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Yurub ku lahaa bixinta deeqaha dhaqaale ee Midowga Afrika iyo taageerada joogtada ah ee xasilinta Soomaaliya.

Waxa lagu muujiyey walaac ku saabsan khataraha amni ee ka dhalan kara haddii aan la buuxin farqiga maalgelineed ee weli taagan. Ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in deeq-bixiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa cusub ay bixiyaan maalgelin joogto ah, la saadaalin karo oo waarta, si AUSSOM ay u fuliso waajibaadkeeda inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Sidoo kale, waxaa lagu soo dhaweeyay ballanqaadyada cusub ee ku saabsan kharashaadka howlgalka, iyadoo la adkeeyay in sii jiritaanka AUSSOM uu ku xiran yahay taageero dhaqaale oo waafaqsan baahiyaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya oo amartay in deg deg AS looga saaro Awdheegle.

0

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-shabaab.

Safarka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.

Intii uu ku sugnaa jiidda hore, Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada ka wadaan howlgallada, isagoo ku ammaanay guulaha la gaaray iyo jabkii culus ee la gaarsiiyay Al-shabaab.

Wuxuu faray ciidamada is garabsanaya inay sii xoojiyaan dagaalka illaa laga soo afjaro goobaha ay Khawaarijtu gabbaadka ka dhigteen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa amar bixiyay in deg deg loo qabto degmada Awdheegle oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Shabeellaha Hoose ayaa hadda ka socda wajiga saddexaad ee hawlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu beegsaday saldhigyada iyo difaacyada Al-shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay qorshaha ah in laga xoreeyo degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalaya Doodda Afrika iyo Imaaraadka.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid noqon doona martida sharafka leh ee lagu casuumay shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE), kaas oo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi 30-ka Sebtembar.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika, iyadoo looga golleeyahay in la abuuro maalgashi waara, lana horumariyo ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Waxyaabaha muhiimka ah ee ajendaha shirka ka mid ah waxaa ka mid ah:

Kobcinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.

Maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo.

Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka suuqyada.

Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah iyo ICT.

Horumarinta wax soo saarka cuntada.

Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee Imaaraadka iyo Afrika.

Madasha ayaa marti-gelinaysa hoggaamiyayaal iyo ganacsato caalami ah, waxaana la filayaa inay si toos ah isugu xidhdo maalgashadayaasha iyo suuqyada Afrika iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Cirro ayaa kulankan u arka fursad muhiim ah oo Somaliland ay ku soo bandhigto guulaha ay ka gaadhay xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo nabadda gobolka, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii dalku u soo jiidan lahaa maalgashi istiraatiji ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

 

Madaxweyne Trump oo amray in ciidamo loo diro magaalada Portland.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

Trump wuxuu sheegay inuu “amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay.”

Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo “goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah,” isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”

Qoraalkan ayaa dhaliyay dhaleeceyn adag oo uga timid xildhibaanno Dimuqraadi ah, kuwaas oo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.

“Wax khatar ah oo amniga qaranka ah kama jirto Portland. Bulshooyinkeenuna waa kuwaa nabadda oo deggan,” ayay tiri Guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek.

Shir jaraa’id oo ay qabatay sabtidii, guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek, waxay sheegtay in “ciidamo loo dirayo Portland ay noqon doonto ku takri-fal awoodeed,” iyadoo intaas ku dartay inay la shaqeynayso Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon, Dan Rayfield, “si loo eego haddii ay jirto wax jawaab ah oo lagama maarmaan ah.”

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 28 09 2025

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::cabdi nuur caraboow

HOOS KA DAAWO MUUQAKA