Home Blog Page 494

{DAAWO MUQAALKA} FAlANQEYN:- Dib usoo laabashada MW Xasan iyo Halka uu ku Dambeyn karo Xiisada Mucaaradka iyo DF.

Sabti 27 Sep 2025 {HMC} FAlANQEYN:- Dib usoo laabashada MW Xasan iyo Halka uu ku Dambeyn karo Xiisada Mucaaradka iyo DF.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay Saameeynta garaadka Macmalka ah uu madaxda ku Yeeshay.

Sabti 27 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay Saameeynta garaadka Macmalka ah uu madaxda ku Yeeshay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 27-09-2025.

Sabti 27 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Ruushka oo digniin culus u diray Qaramada Midoobay iyo wadamada Yurub.

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa khudbad uu ka jeediyay golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu digniin culus u diray Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in fikirka Naasiga uu mar kale kusoo ifbaxayo qaaradda Yurub, halka hoggaamiyeyaasha NATO ay si cad uga hadlayaan suuragalnimada dagaalka saddexaad ee adduunka.

Lavrov wuxuu ku eedeeyay Yurub inay ku dhaqmayaan siyaasad baal marsan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan qodobka ku saabsan sinnaanta madaxbannaanida dalalka xubnaha ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Ruushku uusan ku baaqaynin kacdoon ama isbeddel nidaam, balse uu ku baaqayo in si adag loo dhowro Axdiga Qaramada Midoobay, iyada oo aan la adeegsan laba-wajiilenimo iyo hal dhinac u eexasho.

Xal laga gaaray Shaqaaqadii ka dhacday saldhigga booliiska Dagmada Caabudwaaq.

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Guddiga Culumada degmada Caabudwaaq oo Bilihii u dambeeyay ku hawlanaa xalinta dhacdadii ka dhacday saldhigga booliiska iyo hotel Salamo oo ahayad gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhawac ayaa maanta go’aano ka soo saaray dhacadadas.

Markii ay dhacaday shaqadaan waxa dhexda u xirtay Culimada iyo Madaxweyne Ali Daahir Ciid oo mudo badan ku hawlanaa xalinta arintaas.

Go,aamada maanta laga gaaray waxa ka mid ah

1. In la bixiyo magta dadkii ku geeriyooday dhacdadaas oo qoys kasta la siiyo 40 halaad qofkiiba.

2. In la joojiyo albaabkii uu dhibku ka bilowaday .

3. In meeshii la doonayay in saldhigga Albaab loogo furo oo dhibku ka dhacay laga sameyo albaab yar oo cabbirkiisu yahay labo mitir, kaas oo loogu talagay in loo isticmaalo maxkamada igo saldhigga.

4. In ciidanka laga qaado hoteel salaamo oo markii dagalku ka dhacay horelka iyo saldhigga isii ciidamo u joogeen.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid , Culimada awadiinka iyo waxgaradka ayaa daadalo badan ku bixiyay sidii xal looga gaari lahaa dhacdadaas xiligii ay dhacay ilaa iyo hadda oo xal hor dhac ah laga gaaray.

Munaasabadda heshiiskan lagu gaarayay ayaa waxa la qayb galay wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Galmudug Culimada , waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Culimada waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa uga mahadceliyay Culimada, waxgaradka iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Cali Dahir Eid oo daad badan galiyay howshaan.

{DAAWO MUQAALKA} Shacab isku tashi ku dhisanaayo Magaalo ay Burburiyeen Dagaalo ka dhacay

Sabti 27 Sep 2025 {HMC} Shacab isku tashi ku dhisanaayo Magaalo ay Burburiyeen Dagaalo ka dhacay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ehelada wiil lagu dilay degaanka Jaziira oo cabasha ka ah maamulka degaanka.

Sabti 27 Sep 2025 {HMC} Ehelada wiil lagu dilay degaanka Jaziira oo cabasha ka ah maamulka degaanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga iyo Saraakiil Kale oo gaaray Jiida hore ee Dagaalka.

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay weheliyaan Taliyaha Sector-ka 1-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa kormeer ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobaha uu Taliyuhu gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa deegaanno ku dhow degmada Awdheegle.

Taliyaha ayaa booqday dhammaan goobaha kala duwan ee ay ciidamada ka wadaan howlgalada, waxa uuna ku bogaadiyay guulaha ay gaareen iyo jabkii culus ee ay cadowga gaarsiiyeen.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa geesiyada is garabsanaya faray inay soo afjaraan goobaha gabaadka ay ka dhiganayaan Al shabaab

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Al shabaab.

Madaxweyne Cabdifatax Al sisi “waa in aan Fasax ka helaa Israaiil Si aan gargaar u geeyo Qasa”.

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al sisi, Si aan gargaar u geeyo Qasa, waa in aan Fasax ka helaa Israa|l

Madaxweynaha Dalka Masar, Cabdifatax Al sisi, ayaa markii u horreysay ka hadlay xaalada Magaalada qasa iyo dagaalka israiil ka wado dhulka falastiin.

Al sisi, oo ka hadlaayay gar gaar ay gaarsiiyaan dadka reer qasa ayaa yiri “si aan gargaar u geeyo Qasa, waa inan oggolaasho ka helaa Israaiil.

Dhinaca kale Madaxweyne Al sisi, ayaa waxa uu intaa raaciyay in uusan waligiis Dagaal ku qaadi doonin israaiil.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya

0

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kormeeray waaxyaha adeeg bixinta Safaaradda iyo xafiisyada mas’uuliyiinta, isaga oo dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ku bogaadiyay Diblumaasiyiinta iyo Howlwadeennada Safaarada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda.