Home Blog Page 501

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 25-09-2025.

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir oo Kulan Derg deg ah ka yeeshay wixii shalay dhacay.

0

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey amniga caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ku qabsoomay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kulanka, ayaa looga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay caasimadda, gaar ahaan dhacadadii saldhigga degmada Warta-nabadda, ayey xubnaha kulanka yeeshay waxa ay isku raaceen, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Wasiirrada ee xakamaynta hubka, in aan lagu dhex wadan karin caasimadda, hubka culus, sida baasuukaha dhashiikaha Beekaamka iyo qoryaha lamid ka ah.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in sharciga dalku uu oggol yahay qabsoomidda bannaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda ku soo gudbinayaan, balse aan la aqbali karin bannaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaas oo wax yeellaya amniga, isla markaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.

Wasiirka, ayaa faray mulkiilayaasha leh hotellada ku yaalla caasimadda, in ay ilaaliyaan sharciga, isla markaana cid aan ogolaansho u haysan aysan ku qaban karin goobahooda ganacsiga shirar lagu carqaladaynayo amniga iyo dowladnimada, isaga oo sidoo kale faray hey’adaha amniga in tallaabo cad ay ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta.

Wasiirka Fartaag, ayaa ku bogaadiyey ciidanka amniga sida ay uga hortageen weerarkii shalay ay garab ka tirsan madasha samatabixinta ku qaadeen saldhigga warta-nabadda, isla markaana ay ciidanka amnigu xakameeyeen in dhibaato intaas ka badan aysan ka dhalan falka.

Somali FM Meets Yemeni VP in New York at 80th UNGA

0

New York, 25, Sep 2025 {HMC} – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Wednesday evening, (September 24), in New York, with Vice President of the Yemeni Presidential Leadership Council, H.E. Aidarous Qassem Al-Zoubaidi, on the sidelines of the 80th session of the United Nations General Assembly.

The discussions focused on strengthening the longstanding brotherly ties between Somalia and Yemen, enhancing bilateral cooperation, addressing shared regional challenges, and exploring avenues to advance mutual interests while promoting stability in the region.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad ku Saabsan Xaalada Dalka ka jeediyay Qaramada Midoobay

0

Khamiis 25 Sep, 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono, taas oo diiwaangelinteedu ay si habsami leh u socoto, ayna ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.

Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay waxsoosaarka beeraha iyo nolasha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.


DHAMMAAD

Booliska Nairobia oo xiray wiil 17 jir Soomaali ah oo ku xadgudbay calanka Dalka Kenya.

0

Khamiis 25 Sep, 2025 {HMC} Booliska Kenya ayaa soo xiray Ibrahim Haidar Yusuf, oo 17 jir ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay calanka qaranka Kenya.

Dhacdadan ayaa ka dhacday garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi maalmo ka hor, iyadoo si weyn uga caraysiisay qaybo ka mid ah shacabka Kenya ee isticmaala baraha bulshada.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah dhallinyaradaan oo la sheegay in ay Soomaali yihiin oo uu ku istaagayo calanka Kenya, taas oo loo arkay fal “xushmad darro ah” oo ka dhan ah sharafka calanka.

Sabtidii, kooxda kubadda cagta ee Booliska Kenya ayaa garoonka Nyayo kula ciyaartay kooxda Muqdisho City Club, ciyaar saaxiibtinimo oo ay soo agaasintay CAF.

Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in falkaasi uu yahay sharci-darro islamarkaana si buuxda uga hor imaanaya qiyamka iyo karaamada ay dal ahaan Kenya leeyahay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu soo qabanayo shaqsigii labaad ee ku lugta lahaa falkaas, iyadoo la aaminsan yahay inuu weli ku sugan yahay gudaha dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa shalay si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay dhacdadan, isagoo xusay in aysan metelin xukuumadda ama shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, kooxda Muqdisho City Club ayaa sidoo kale muujisay naxdin iyo ka xumaansho ku aaddan falka dhalinyaradu sameeyeen, iyagoo sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen taageerayaal, balse ficilkooda aanu matalin kooxda.

Maxeey ka wada Hadleen Wasiir Fiqi iyo Agaasimaha Xarunta CIVIC.?

0

Khamiis 25 Sep, 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), Mudane Hichem Khadhraoui, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga ku saabsan ilaalinta shacabka inta lagu jiro colaadaha.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in hawlgallada milateri loo fuliyo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada, taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta socota ee amniga dalka.

Agaasimaha Fulinta ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay shaqada joogtada ah ee CIVIC ka waddo gudaha Soomaaliya ee isagu jira tababarka hay’adaha amniga, wacyigelinta bulshada, iyo dhismaha nidaamyo mudnaanta siinaya badbaadada shacabka.

Somali FM Discusses Bilateral Ties with Austria’s Federal Minister for European and International Affairs at 80th UNGA.

0

New York, 25 Sep, 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Wednesday evening, (September 24), in New York, with Austria’s Federal Minister for European and International Affairs, H.E. Ms. Beate Meinl-Reisinger, on the sidelines of the 80th United Nations General Assembly.

During the meeting, the two ministers engaged in in-depth discussions on strengthening bilateral relations, enhancing diplomatic cooperation, and exploring new opportunities for mutually beneficial collaboration across various sectors of shared interest.

 

{DAAWO MUQAALKA} Xabad xal uma ah Muqdisho ee Mucaaradka iyo Dowlada ha u turaan shacabka” Ugaas Cali Dhoof

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC}  Xabad xal uma ah Muqdisho ee Mucaaradka iyo Dowlada ha u turaan shacabka” Ugaas Cali Dhoof

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Maxay Soomaaliya ka tiri carada ka dhalatay Calanka Kenya ee Wiilasha Soomaalida ku istaageen?

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC}  Maxay Soomaaliya ka tiri carada ka dhalatay Calanka Kenya ee Wiilasha Soomaalida ku istaageen?

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubna ka tirsan AS

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC}  Howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubna ka tirsan AS

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY