Home Blog Page 500

Wasiir Fartaag “Laamaha amniga Caasimada waxay amar u qabaan cid kasta oo amniga lid ku ah in gacan .

JIMCO  26, Sep 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo guddomiyay shir looga hadlayey amniga Caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa amray culus siiyay qeybaha kala duwan ee laamaha amniga.

Shirka kadib Wasiir Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa faray laamaha amniga in wixii hada ka dambeeya ay amar u qabaan ka hortaga cid walba oo uu sheegay iney qalqal galineyso amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Laamaha amniga Caasimada waxay amar u qabaan cid kasta oo amniga lid ku ah in gacan bir ah ku qabtaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale xusay in magaalada Muqdisho aanan lagu dhex wadan karin hubka culus iyo gaadiidka dagaalka, wuxuuna uga digay xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka iney markale qaadaan taalabo la mid ah tii Saldhiga degmada Warta Nabadda.

“Waxaa wax laga xishoodo ah in rag madax kasoo noqday dalkan hadana doonaya in markale noqdaan madax ay hub culus ku weeraraan Saldhig ciidan ayagoo leh dad ku xiran ayaan soo damiinan rabnay, dadka xiran ma dhashiike iyo BKM ayaa lagu soo damiinana waa ceeb waxaas, waxay aheyd iney la hadlaan Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haday la hadlaan ugu keeni lahaa dadkaas meesha ay joogaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya in Muqdisho ay tahay meel amni ah, islamarkaana cid kasta oo dooneysa carqaladeynta amniga in dowladdu ku qabaneyso gacan bir ah.

“Kuwa Cali Dheere u yeerana ee afka argagixisada ku hadla waxaan leeyahay Muqdisho argagixiso waxba kama qaadi karto oo si awood ah ayaa looga saaray, taas ha ogaadaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Isagoo ka hadlaayay dhanka banaanbaxa Mucaaradka ku dhawaaqeen berito inuu dhacayo ayuu sheegay Wasiirka in sharciga dalku uu ogol yahay qabsoomida banaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda kusoo gudbin karaan, hayeshe aan la aqbali karin banaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaasoo wax yeeleynaya amniga, islamarkaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.

Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga gudaha ayaa ah mid sii xoojin kara xiisad siyaasadeed oo hor leh, maadaama mucaaradku ku dhawaaqeen qabashada banaanbaxaan, halka dowladda ay u muuqato inay ku adkaysaneyso in la joojiyo.

Turkiga iyo Israa|l oo qarka u fuulay in uu dhex maro isku dhac hawada ah.

0

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa|l ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in toddobaadyo ka hor ay ku dhawaadeen Turkiga iyo Israa|l inuu dhex maro isku dhac hawada ah , markii diyaarad dagaal oo Israa|l ah ay ku dhawaatay diyaaraddo dagaal oo Turki ah oo ku jiray hawada Dalka Suuriya.

Duuliyayaasha Dowladda Turkiga ayaa ku hanjabeen inay soo ridayaan diyaaradda Israa|l haddii aysan dib u laaban, taa oo uga dambeyntii isaga baxday hawada Wadanka Suuriya.

 

Somali Foreign Minister Participates in UN-LAS Cooperation Dialogue at 80th UNGA.

0

New York, 25, Sep 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Thursday in the High-Level Informal Interactive Dialogue on Cooperation between the United Nations Security Council (UNSC) and the League of Arab States (LAS), held on the sidelines of the 80th session of the United Nations General Assembly in New York.

The dialogue focused on enhancing multilateral cooperation, promoting LAS contributions to conflict resolution, addressing political challenges, and strengthening respect for international law.

During his remarks, Minister Abdisalam Ali emphasized the importance of coordination and joint efforts between the UN Security Council and LAS to achieve effective conflict resolution and international cooperation.

Natiijada Baaristii ay sameeyeen Mucaaradka Soomaaliya.{AKHRISO}

0

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC}  Xoghayaha madasha samatabixinta Dr Maxamed Aadan Koofi ayaa soo bandhigay xog baariseed la xiriirta dhacdadii saldhiga Boliiska ee Warta Nabada.

“Natiijada Baaris Hordhac ah oo ay samaysay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, waxay muujinaysaa in dhacdadii shalay ee Saldhigga Wardhiigley ay aheyd shirqool qorshaysan oo la doonayay in looga takhaluso oo lagu qaarajiyo Madaxda Madasha ee booqashada qaybta ka ahayd.

Tiirarka caddeymaha ay heyso Madashu waxaa ka mid ah:

1) Saraakiisha booliiska ayaa Madaxda Madasha ku ballamiyay Saldhigga.

2) Waxaa Saldhigga lagu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka mid ahaa ciidanka gaarka ah RRT oo booliiska ka tirsan.

3) Waxaa bannaanka Saldhigga loo saaray ciidamadii ku qornaa Saldhigga, iyo saraakiishoodii.

4) Waxaa la sugay inta ay Madaxdu ay ka soo dagayso gaadiidka

5) Marka ay Madaxdu soo gaartay Saldhigga ayaa xoog loo xiray Albaabka Saldhigga.

6) Marka ay Madaxdu bilaawday la hadalka warbaahinta, ayaa Saldhigga laga riday xabbad baaq ah, kaddibna askar lagu diyaariyay Koolbewaardiyeyaasha sare ee Saldhigga ayaa si darandoori ah rasaas u huggiyay Madaxda.

7) Bamb gacmeed ayaa ka mid ahaa hubka ay adeegsanayeen Ciidanka RRT, taas oo xabbad ka mid ah lagu tuuray meel aan ka fogayn Madaxda.

9) Inta badan gaadiidka Madaxdu saarnayd waxaa mar kale lagu beegsaday Suuqa Siinaay.

10) Caddeymo kale oo xasaasi ah”

Madashu waxay sii wadi doontaa baarista, waxayna soo bandhigi doontaa isla marka ay soo dhammaystiranto.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Wararkii ugu dambeeyay xiisada DFS iyo Mucaaradka ee Muqdisho ka taagan.

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC} FALANQEYN:- Wararkii ugu dambeeyay xiisada DFS iyo Mucaaradka ee Muqdisho ka taagan.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo La Dhaarinayay.

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC} Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo La Dhaarinayay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Diyaarad Siday Netanyahu oo ka weecday hawada Yurub, Cabsi uu ka qabo in la carqaladeeyo.

0

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Duulimaadka Netanyahu geeyay New York , ayaa ka weecday hawada Yurub, isagoo ka welwelsan in la carqaladeeyo, halka dalalka Yurub qaarkood ay horey u sheegeen inay dhaqangelinayaan go’aanka maxkamadda ICC ee waaran u jartay Netanyahu.

Diyaaraddiisa gaarka ah ee Wings of Zion oo uu la socday Netanyahu ayaa ka duushay bariga Mediterranean-ka, dul martay koonfurta Giriigga iyo Talyaaniga, kadibna sii gashay Badda Mediterranean, una gudubtay badweynta Atlantic, iyada oo aan gudaha u galin hawada dalal badan oo Yurub ah. Caadi ahaan, duulimaadyada Israa|l ilaa Mareykanka waxay maraan waddo gaaban oo dhex marto Yurub bartankeeda, oo ay ku jirto hawada Faransiiska.

Madaxweyne Trump oo Si Cad u qiray Awooda Meleteri ee Dowladda Turkiga.

0

Khamiis 25, Sep 2025 {HMC}  Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump, ayaa Aqalka cad ku qaabbilay Erdogan , isagoo ammaanay xiriirka saaxiibtinimo ee muddada dheer kala dhaxeeya, si ka duwan cid kasta oo hore Trump wuxuu ahaa mid si diirran usoo dhaweynaya Erdogan illaa uu ku sheegay Turkiga inuu yahay mid leh awood milatari oo xooggan.

Waxaa kaloo uu sheegay in cunaqabataynta Mareykanka ee saaran Turkiga si deg deg ah loo qaadi karo, balse arrintaasi waxay ku xirnaan doontaa natiijada wadaxaajoodka uu la leeyahay Erdogan.

Mr Trump wuxuu intaa ku daray in Putin iyo Zelensky ay ixtiraamaan Erdogan, isagoo xusay inuu saameyn weyn ku yeelan karo dagaalka Ukraine haddii uu doono, balse uu doorbidayo inuu dhexdhexaad ahaado.

Kulanka Trump iyo Erdogan ayaa la filayaa inuu albaab u furo heshiisyo ganacsi oo ka badan $50 bilyan, iyadoo sidoo kale la gorfeeyn doono iibka nidaamyada difaaca Patriot, iyo diyaaradaha dagaalka F-35 iyo F-16 ee Mareykanka oo uu helayo Turkiga.

Somali State Minister for Foreign Affairs Participates in High-Level UNGA Event in New York on Sudan Crisis.

0

New York, 25, Sep  2025 {HMC} – The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, participated on Thursday in a high-level side event during the 80th United Nations General Assembly in New York.

The event, titled “A People Under Attack: Protecting Civilians, Local Leadership, and Humanitarian Workers in Sudan,” focused on the ongoing humanitarian crisis in Sudan.

In his remarks, the State Minister for Foreign Affairs expressed gratitude to the Netherlands, the United Kingdom, and Liberia for organizing the discussion.

He highlighted the risks faced by humanitarian personnel and local aid networks and offered condolences to those who have lost their lives delivering essential assistance.

“The crisis in Sudan is among the gravest humanitarian emergencies worldwide, with nearly two-thirds of the population requiring urgent aid, twelve million displaced, and 8.7 million facing starvation.

The spread of cholera adds to this catastrophe,” Ali Omar said, referencing last year’s tragedy in ZamZam as a clear example of the conflict’s human toll.

During the event, the State Minister for Foreign Affairs emphasized the need for international action through the full implementation of UN Security Council Resolution 2736 and the revitalization of the Jeddah Declaration to promote inclusive political dialogue.

Drawing on Somalia’s own experiences with prolonged conflict, he called on the global community to prioritize ending the crisis and providing humanitarian assistance.

He reaffirmed Somalia’s support for Sudan, stressing the importance of preserving the country’s sovereignty and unity.

“We urge UN member states to ensure unhindered access for humanitarian aid and work collectively to help Sudan emerge stronger, unified, and resilient,” the State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation said.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 25-09-2025.

0

Khamiis 25 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY