Home Blog Page 505

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-09-2025.

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO SAWIRADA} Gawaarida Shiinaha oo ku qulqulaya suuqyada Bariga Dhexe.

0

Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Magaalooyinka Bariga Dhexe waxaa ku soo badanaya oo indhahaagu ay qabanayaan gawaarida lagu sameeyo Shiinaha.

Xogta waxa uu Shiinahu dhoofiya ayaa muujineysa in gawaarida ay geeyaan gobolka ay kordheen ku dhawaad lix jibaar lixdii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii la soo dhaafay ee 2024-kii waxay kordheen in ka badan hal milyan. 2019-kii waxay Shiinuhu geeyeen gobolka 150,000.

Wadamada Khaliijka waxaa si weyn looga jecelyahay gawaarida yar yar iyo kuwa kor u kacsan ee ka dhaqaaqa afarta lugood. Sanadihii la soo dhaafay noocyada baabuurta ee Land Rover Defender iyo Nissan Land Patrol ayaa ahaa kuwa si weyn uga muuqda wadooyinka.

Si kasta ha ahaatee, waxaa hadda guuleysanaya noocyo kale oo badalaya gawaaridaas kuwaas oo ka imaanaya Shiinaha.

Jaafar al-Hayki oo ah nin u dhashay dalka Baxreyn, tikonolojiyadana yaqaan, wuxuu kaxeeyaa gaari lagu sameeyay magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha. Wuxuu sheegayaa in uu aad ula yaabay farsamada iyo tayda ay leeyihiin gaawridan markii uu iibsaday shan sano ka hor.

“Dadka waxay inta badan u haystaan gawarida gaadiid balse Shiinaha waxay diirada saareen in ay ku sameeyaan gaariga qalab kasta oo maaweelo ah, kuwa ammaanka, si xirfad leh ayeyna u sameeyaan gaariga”.

“Gaarigeyga raadaar ayuu xaga dambe iyo horeba ku leeyahay, meel kasta waxa uu sidoo kale ku leeyahay dareemayaal.. waa nooc aadan ku arkeyn in ay lahaadaan gawaarida Japan iyo Kuuriya ee qiimahaas jooga”.

Wadamada Galbeedka waxay Shiinahu ku yaqaanaan baabuurta korontada ku shaqeysa sida BYD. Baabuurta batariga ku shaqeysa waxay caan ka noqonayaan Bariga Dhexe. Baabuurta Shiinaha ee ku shaqeeya bansiinka iyo naaftada waa kuwa si weyn looga yaqaan Bariga Dhexe.

Nasser al-Marri oo ka soo jeeda Sacuudiga ayaa dhawaan gaarigiisa Mareykanka ee GMC iska baddelay, wuxuuna qaatay gaari bansiin ku shaqeeya oo Shiinaha lagu sameeyay, waa nooca loo yaqaan Jetour.

Inkastoo ay jiraan walaac laga qabo tayada gawaarida Shiinaha hadana al-Marri wuxuu go’aansaday in uu iibsado gaariga Shiineeska ah kaddib markii uu aqriyay, uuna dawada qoraalada internetka la soo dhigay ee looga hadlay gaarigaas.

Raghad Yasser oo ah gabar barta TikTok caan ka ah ayaa soo dhigtay barteeda muuqaal ay kula hadleyso dadka ka shakisan gawaaridaas.

“Ma waxaad ku diidan tahay gaarigeyga waa Shiinees?” ayey ku tiri muuqaaleeda Raghad oo u jawaabeysay faalo xun oo laga sameeyay gaarigeeda Jetour kaddibna waxay dadka tustay qeybta kore oo marka lala hadlo furmeyso.

Inkastoo ay jiraan walaac amniga ah, hadana gobolka wuu qabsaday

Daraasad dhawaan lagu daabacay CARMA oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Dubai oo la socota shirkadaha ayaa lagu ogaaday in 79 boqolkiiba dadka Sacuudiga ay wax fiican u arkeen gawaarida lagu sameeyo Shiinaha halka 42 boqlkiiba dadka Mareykanka ay sidaa u arkeen.

Waxybaaha lagu ogaaday daraasadan waxay la mid yihiin natiijada mid ay sameysay shirkada AlixPartners ee fadhigeedu yahay New York taas oo saadaalisay in noocyada Shiinaha ay qabsan donaan saddex meelood saamiyada suuqyada Bariga dhexe iyo Afrika marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Inkastoo Khaliijka uu yahay suuq muhiim ah hadana baabuurta Shiineeska tartan adag ayey ku galeen gobolka oo dhan.

Intii u dhexeysay 2014-kii ilaa iyo 2018-kii, Iran ayaa aheyd halka ugu badan ee la geeyo baabuurta Shiineeska, waxaa taas joojiyay cunaqabateynta Mareykanka ee Iran la saaray.

Xitaa Israel oo sumcada Shiinaha ay hoos u dhacday kaddib markii ay dhaliileen dhaqanka dowladda ee dagaalka Gaza, gawaaridooda saami weyn ayey ku leeyihiin suuqyada dalkaas.

Waxaa jira walaac ay qabaan dadka Israel oo la mid ah kuwa reer galbeedka. Waxay ka walaacsan yihiin in gawaarida Shiinaha ay khatar ku noqon karaan sirta ama ammaanka qaranka marka la fiiriyo dareemayaasha iyo qalabka isgaarsiinta ee ku xiran.

Khubarada qaar ayaa sheegaya in aaladahan ku xiran baabuurta ay soo ururin karaan kaddibna ay sii gudbin karaan xog badan oo cod iyo muuqaal ah taas oo ka timaada dadka gaariga saaran iyo kuwa hareerahooda socda.

Bishii Augusta, militeriga Israel waxay ka mamnuuceen dhammaan gawaarida lagu sameeyo Shiinaha in ay maraan meelo u dhow saldhigyadooda militeri, waxayna ka walaacsanaayeen ammaanka xogta.

Sanadkii hore ee 2024, Israel waxay ka soo dhoofsatay Shiinaha gawaaridii ugu badnaa ee ay dalka ka iibsato.

Damien Reid oo ah wariye wax ka qora sheekooyinka baabuurta kaas oo Dubai ku qabta bandhig toddobaadle ah oo gawaarida ku saabsan ayaa sheegay in tirada dadka soo wacayo ee doonaya noocyada baabuurta Shiinaha ay kordheen.

Shirkadaha sida Hongqi oo ah mid ay isticmaali jireen gawaarideeda dabaqada sare ee Shiinaha ayaa dooneyso in ay soo galaan suuqyada gawaarida raaxada si ay ula tartamaan BMW iyo Mercedes-Benz ayuu yiri Mr Reid.

“Meesha kaliya ee hadda uu uusan Shiinaha tartan ku gelin waa marka laga baxo wadada ee ay adag tahay in gaari ku socdo. Su’aasha ayaa ah, “Ma ku socon karaan saxaraha? Guriga ma i keeni karaa mise jidka ayuu ila fariisanayaa?

Walaac ugu badan ay qabaan dadka iibsaday gawaarida Shiinaha ayaa ah in aysan jirin qalab dayactir iyo sida lagu helayo.

Jaafar al-Hayki wuxuu sheegay in ay ku qaadatay shan bilood in helo nal uu ka badalayo gaarigiisa yaal dalka Baxreyn.

Qaar kalena waxay sheegeen qiimaha ku baxaya dayactirka iyo qalabka in ay ku qasbeyso in aysan iibsan noocyada baabuurta Shiinaha.

Gobolka oo la keeno warshadaha

Qaar ka mid ah shirkadaha Shiinaha ayaa dhisayay labadii sano ee la soo dhaafay kaabayaasha loo baahan yahay in lagu dayctiro gawaridooda. Dhowr xarun ayaa laga furay gobolka iyo baqaaro ay yaalaan qalabka dayactirka.

Shirkadaha qaar ayaa ku dhawaaqay qorshooyin lagu dhisayo warshado soo saara baabuurta Shiinaha iyo qalabka dayactirka.

Sanadkii la soo dhaafay, ugu yaraan waxaa la sameeyay 10 ku dhawaqis iyadoo warshado laga dhisayo dalal ay ku jiraan Masar, Turkiga, Algeria iyo Imaaraatka Carabta.

Masar ayaa noqoneysaa xarun warshadeed. Hadii qorshayaashaas ay hirgalaan lix shirkadood ayaa ka dhisaya halkaas warshado gawaarida u dhoofiyo adduunka oo dhan.

Dalal badan ayaa doonaya in ay soo jitaan warshadaha gawaarida Shiinaha. Marka laga soo tago shaqada ay dalka u abuurayaan hadana waxay keenayaan farsamo aad u horumarsan taas oo kor u qaadeyso kobaca dhaqaalaha.

Hadii shirkaduhu keenaan dalka qalab aad u horumarsan oo ay tababaraan shaqaalaha gudaha waxay taasi keeneysaa in gaawaari badan ay soogalaan Bariga Dhexe kuwaas oo leh saameyn dhaqaale oo weyn.

XIGASHO BBC

{DAAWO SAWIRADA} Taliye Asad Diyaano oo la kulmay Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo Maanta la jir dilay.

0

Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay caawa Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo Ciidamada Amaanka qaybtood hadda u xiran jirdil u geysteen.

Aabaha iyo Hooyada Soomaaliyeed ayuu Taliyuhu ka raaligeliyey dhacdada xad gudubka ah ee loo geystay waxaana uu ku macneeyey falka dhacay mid ka baxsan anshaxa iyo sharciga ciidanka.

Taliye Asad waxaa naga go’an Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtanka cid kasta oo ka tirsan ciidanka ee jebisa sharciga ama ku xadgudubta masuuliyadda loo dhiibay.

Farmaajo oo War ka soo Saaray dad Tacaddiga iyo jirdil Loo geystay.

0

Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Tacaddiga iyo jirdilka loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyey Suuqa Siinay waa mid dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee ku aaddan dowladnimada, waana fal ay tahay in sida uga adag looga jawaabo.

Muuqaallada naga soo gaaray aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed ee waayeelka ah ee sida bahalnimada ah loo jirdilayo iyadoo boqolaal qof ay daawanayaan waa boog madoow oo aan harayn iyo dulmi weyn.

Sidaas awgeed, waxaan cambaaraynayaa falka iyo tacadiga loo gaystay aabahaas waayeelka ah oo horey looga barakiciyey dhulkiisii.

Laamaha ammaanka, askar iyo saraakiilba, waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta falalkan soo laalaabtay ee lagula kacayo birmo-geydada Soomaaliyeed ee la barakiciyey.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan gurmadka iyo garab istaagga muwaadiniinta nugul ee la bara kiciyey.

Waxaana xuukuumadda iyo hay’adaha aminga uga digeynaa ku xadgudubka karaamada iyo xaquuqda aasaasiga ah ee muwaaadinka oo saldhig u ah dastuurka dalka.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareeysay Fal Lagu Carqaladey naayo Amniga Caasimada.

0

Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa siyaasiyiintaasi iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi guracan, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

Ugu dambeyn DFS waxay caddeyneysaa inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka.

Meydka Saraakiisha shalay lagu dilay qaraxa miino oo maanta la aasayo?

0

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Waxaa maanta Salaada Janaasada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagula tukaday meydka Saraakiishii ka tirsana ciidanka Puntland ee lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka ayaa ka qeyb galay Janaasada oo saraakiisha lagu tukaday oo uu ku jiro taliyihii guutada labaad ee ciidamada Daraawiishta Puntland, Jeneraal Axmed Cabdi Qalyare.

Janaraal Axmed Qalyare waxa uu kamid ahaa saraakiisha waaya-aragga ah ee ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland hoggaanka u haya, waxa uu lasoo shaqeeyay Dowladdii dhexe ee Dalka maamuli jirtay isaga oo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga ee Gobolka Awdal.

Kahor howlgalka Dowlad-Goboleedka Puntland in aysan ka fulin Gobolka Bari waxa uu kaalin wayn ka qaadanayay tababarka iyo diyaarinta ciidamo qaarkood la joogay jiidaha hore ee Dagaalka sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Meydka saraakiisha ayaa la qorsheynaya in lagu aaso magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-09 2025

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-09 2025

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Xasan Macalin “Qabqable markii siyaasada ka Qaribanto Ayuu Noqdaa Argagixiso”

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Wasiir Xasan Macalin “Qabqable markii siyaasada ka Qaribanto Ayuu Noqdaa Argagixiso”

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira Madaxweyne Xasan sheekh inuu Sameeysanayo Mudo kororsi.?

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC}  Maxaa ka jira Madaxweyne Xasan sheekh inuu Sameeysanayo Mudo kororsi.?

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxwyne Xasan sheekh oo Sacuudiga u Diray dhambaal Hambalyo ah.

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Madaxwyne Xasan sheekh oo Sacuudiga u Diray dhambaal Hambalyo ah.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY