Home Blog Page 506

MW Xasan Sheekh Maxamuud “In maanta aan Muddo kororsi u cararo ma dhici karto”?

0

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Dowladdiisa ay muddo kororsi ku raadinayso Doorashooyinka Dadweyne kaddib markii Mucaaradka uu ku dhaleeceeyay arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedkiisii hore uu diiday, Madaxweynihii ka dambeeyayna uu sidaas oo kale ka diiday, maanta aanay jirin sabab uu u raadin karo muddo kororsi sida uu hadalka u dhigay.

“Mowqfikeyga waala garanayaa, hal teeram ayaa dalka horay usoo xukumay, Waligey waala ogyahay iyada oo Hay’adaha Dowladda & Hoggaamiyaasha siyaasadda jooga oo raba muddo kororsi ninka diiday ayaan ahay, Ninkii I baddelayna markii uu muddo kororsi aqbalay nin diiday ayaan ahay, maanta in aan muddo korosi u cararo ma dhici karto” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku daray in aanay welwel ku hayn in uu xafiiska banneeyo haddii looga adkaado Doorashada Dalka, waxa uu intaas ku daray in uu diyaar u yahay bannaynta xilka haddii looga guulaysto Doorashada soo socota sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in muddada afarta sano ee ku siman 15ka May 2026 kahor uu ku dhammaystiro Doorashooyinka Dalka balse mar weliba ay imaan karaan in waqtiga uu jiitamo iyada oo shaqada ay socoto.

“Dabciyan in aan xafiiska ka tago welwel iguma hayso, in la iga adkaado waxba kama qabo, waxa aan rabaa in dalkaan uu maro waddo sax ah, muddo xileedkeyga waxa uu ka billowday 15ka May 2022, doodo way iska imaan karaan oo goorma ayuu dhammaan karaa balse waxa uu ku siman yahay 15ka May 2026 oo kahor ayaan rajaynaa in aan doorashada ku qabto, wixii ka bacdi mustaqbalka imaan doonno ilaah ayaa og” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Puntland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday arrinta xiriirka ee Dowladda dhexe kala dhaxeeya Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxa xusay in uu marweliba albaabada wadahadalka furan yihiin oo natiijo fiican la helo dhowaan.

Beegsiga AS ee ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Mar wax laga weydiiyay weerarkii ‘AS’ ay ku beegsadeen kolonyadiisa waxa uu sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen Shabaab in ay dilaan balse uu ka badbaaday, waxa uu intaas ku daray in ay is garanayaan isla markaana ka go’an tahay ka guulaysigooda.

“Weerarkii Maarso waxa uu ahaa kii 5aad ee AS isku dayeen in ay igu dilaan, Nimankaas waan is naqaanaa oo dhiig ayaa naga dhaxeeya, ” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay Wareysi uu siiyay Laanta Afsoomaliga ee BBC, waxaana wax looga weydiiyay Arrimaha Siyaasadda, Doorashooyinka iyo kuwo kale.

{DAAWO MUQAALKA} Dad ku Geeriyooday Duufaan ku dhufatay Dalka Taiwan

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Dad ku Geeriyooday Duufaan ku dhufatay Dalka Taiwan

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Askar lagu eedeeyay Saxiix aysan xaq u lahayn oo ay ku geeriyootay Haweeney Uur leh!?

0

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay kiis dacwadeed ka dhan ah labo Askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo kala ah Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed kuwaas oo ku eedaysan in ay saxiixeen saxiix aysan xaq u lahayn oo ay ku dhimatay Nimco Muuse Axmed oo uur lahayd 31kii Maarso 2025.

Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa labadaan eedaysane ku eedeeyay in ay iska dhigeen Aabaha ubadka caloosha ku jiray iyo walaalka Marxuumadda sidaasina ay ku saxiixeen uguna geeriyootay Isbitaalka Digfeer (Recep Tayyip Erdogan Hospital) ee Magaalada Muqdisho.

Eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta, difaaca qareennada Eedeysanayaasha, warqadaha laga keenay Isbitaalka iyo su’aalo weydiinta Labadaan Askari ayaa ku dhowaad saacad qaadatay, dhinac weliba waa xeer ilaalinta iyo qareennada waxa ay maxkamadda la tageen caddeymo ku filan si kiiska natiijadiisa dhankooda usoo maro.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa gunaanadkii fadhiga soo xiray, waxaana laga sugayaa natiijada go’aanka kiiskaan maadaama uu kamid yahay kuwa mar la aragga ah ee la horgeeyo Maxkamaddaan oo muddooyinkii dambe kiisas kala duwan qaadaysay.

{DAAWO MUQAALKA} Kalluumeeysiga sharci Darada ah oo kusoo Batay Soomaaliya.

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Kalluumeeysiga sharci Darada ah oo kusoo Batay Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Howlgalo Culus oo ka socda Jubaland

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC} Howlgalo Culus oo ka socda Jubaland

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Duqeyn ka dhacday degmada Moqokori oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan AS?

0

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay sadax ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda u qaabilsaneyd gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa ahaa mid si gaar ah ay u fuliyeen ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday sadax horjooge oo muhiim u ahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dhibaato xoogan horay uga geystay deegaanada gobolka Hiiraan.

Sadaxda horjooge ee howlgalkan duqeynta ah lagu dilay waxaa ka mid ah oo magaciisa la shaacisay horjooge Cabdi Xiiray oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda, islamarkana ka dambeeyay weeraro iyo falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in faahfaahin intan ka badan oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa rasmiga ah la soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Howlgalkan duqeynta ah ee lagu dilay horjoogayaashan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ee garabka ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee ICAO?

0

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qeyb galay Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 193 dowladood oo xubno ka ah ICAO, Hay’addaha caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha farsameeya ee ugu waa weyn aduunka sida Airbus iyo Boeing, shirkadaha ka shaqeeya qalabka casriga ah ee maamulka duulista rayidka iyo shirkadaha amniga ee soo saara qalabka lagu sugo amniga garoomada diyaaradaha.

Shirkan 42-aad ee Golaha Guud ee ICAO ayaa la filayaa in mudada uu socdo diiradda lagu saaro arrimo ay kamid yihiin amniga duulista rayidka, hal abuurka cusub ee farsamada, horumarinta kaabeyaasha garoomada diyaaradaha, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca Hawada.

Wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdikariin Cabdow Xeydar, waxaana ku wehliya masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan nasuuliyiinta dhigoda ah ee ka qeyb galeysa shirkaan, iyagoona kala hadlaya sida lagu horumarin karo adeegyada duulista rayidka.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ka qeybgalka shirkan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah, si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ICAO iyo waliba iney ka faa’ideysataan sidii loo hormarin lahaa adeegyada duulista rayidka ee dalka.

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadahii ugu dambeeyay horumaro waa weyn oo la taaban karo ka sameysay dhanka horumarinta adeegyada duulista rayidka Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 23 09 2025

0

Arbaco  24 Sep 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::cabdi nuur caraboow

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Madixii AS ee Gobalka Hiiraan oo Duqeyn lagu dilay.

0

Arbaco 24 Sep 2025 {HMC}Madixii AS ee Gobalka Hiiraan oo Duqeyn lagu dilay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in si sharci darro ah looga kalluumaysto xeebaha Dalka.

Arbaco, Sep 24, 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in xadgudubyada ka dhaca dhinaca badda ee la xiriira kalluumaysiga sharci darrada ah ay u dhaxeyso 25% ilaa 60% iyada oo ay weli socdaan dedaallada lagu dhisayo ciidamada ilaalada xeebaha Dalka si loosoo afjaro arrintaan.

Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xitaa kiiskaan ay u dacweeyeen dalal qaarkood saaxiibo dhow la ah Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Axmed ayaa intaas ku daray in Soomaaliya xogtaan ay ku ogaatay dayaxa macmalka ah (Satellite) maadaama ay xubin ka tahay ‘Copenhagen agreement’ oo ahaa heshiis looga hortagayay kalluumaysiga sharci darrada ah.

Waxa uu bogaadiyay tallaabooyin ay qaadeen Maxkamadaha dalka oo lagu xukumay dad kalluumaysi sharci darro ah sameeyay, halka la xisaabtanka dadka kale ee biyaha Soomaaliya ku xadgudbaya uu socdo, si loo gaarana loo xoojiyay ciidanka ilaalada xeebaha.

“Kalluunka Soomaaliya boobkiisa wuu socdaa, Dowlado aan saaxiibo nahay qaarkood ayaa u dacweynay arrintaan, waxaa jira kuwo ku howlan ilaa hadda in ay dhacaan khayraatka Dalka oo aan wadno in aan kala hadalno in ay biyaha isaga baxaan” Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah XFS.

Baaris saddex sanno ah oo ay Dowladdu samaysay waxaa usoo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo Metre tan oo ah Kalluunka Nooca Tuunaha ah laga samayn karo, dhaqaalaha laga heli karana ay ka badan tahay bal bilyan oo doollar.

Soomaaliya waxa ay heshiis dhinaca difaaca badda ah kula jirtaa Dalal kala duwan sida Turkiga waxaana socda qorshe lagu dhisayo ciidamo xooggan oo awood buuxda mustaqbalka u yeelan kara ilaalinta Badda si looga hortago Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysto.