Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 22-09 2025
Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 22-09 2025
Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Askari ka tirsan ciidanka Dowladda oo hal doollar u dilay darawal gaari.
Isniin , 22,Sep 2025 {HMC} Shirka 80aad ee Qaramada Midoobay maanta furmaya waxaa saamayn ku reebay aqoonsiga Dowlado badan ay siiyeen Falastiin, waxaa jira kulan gaar ah oo ay garwadeen ka noqonayaan Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya oo fadhiga kahor qabsoomaya.
Tallaabooyinka aqoonsiga Falastiin waxa uu yimid iyada oo Dalalka go’aankaas qaatay ay sheegeen in ay u adkaysan waayeen dhibaatooyinka Bani aadamnimo iyo weerarrada arxan-darrada ah ee Militariga Israa’iil ku dhaqaaqeen.
Sida uu wariyay Teleefishinka Aljazeera, Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon waxaa ka dhammaaday cataawga kaddib markii uu isku dayay inuu hor istaago mowjadaha ka dhanka ah ee lagu aqoonsanayo Falastiin.
Go’aankii Ingiriiska oo kamid ah 5ta Dal ee Golaha Ammaanka ee joogtada ka ah waxa uu ahaa dhul-gariir culus oo ku dhaxay Xukuumadda Netanyahu, xaaladdu waxa ay sii kacday markii la sheegay in maanta aqoonsi ay bixinayaan France, Andorra, Belgium, Luxembourg, Malta & San Marino.
Dalal badan ayaa u muuqda in ay dhulka dhigeen Israa’iil oo muddo dheer dusha ku siteen, wixii ka dambeeyay xasuuqii Yuhuudda ay ka gaysatay Falastiin waxaa si tartiib-tartiib ah usii dhacayay maqaamka ay ku dhex lahayd Waddamada taageersanaa.
Waddamadii ugu horreeyay ee Israa’iil ku diiday tallaabada Militari waxaa kamid ah Spain, Netherlands & kuwo kale oo dhaca Laatiin Ameerika, waxa ay si cad uga hor yimaadeen taageerrada waalida ah ee Maraykanka uu siinayo Tel Aviv iyada oo xaaladdu sii adkaanayso.
Isniin , 22,Sep 2025 {HMC} Askari katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali oo ahaa Wade gaari nooca loo yaqaan Toyota Landcruiser oo loo garan ogyahay (Leyla Calaawi).
Gaariga uu Marxuumka waday ayaa kamid ah Gawaarida isaga kala gudba Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Dalka, Sida ay sheegeen ilo kala duwan, Dilka waxa uu ka dhashay muran la xiriira lacag uu askariga ka qaadi rabay Gaarigaan.
Askariga Dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda baaris lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo sida ay sheegeen ilo kala duwan, halka uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Inta badan Gawaarida isaga kala gudubta Muqdisho & Gobollada kale ee Dalka waxa ay cabasho ka muujiyaan ciidamo ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago ka qaada, xiliyada qaar waxa ay u gaysteen dhibaatooyin sida jirdil iyo toogasho nafta ay ku dhaafiyaan.
Isniin , 22,Sep 2025 {HMC} Waxaa Caawa Magaalada Paris caasimadda Faransiiska ka dhacaysa xafladda lagu bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or 2025, waxaaka qaybgalaya ciyaartoy, Madax kooxeed, Ciyaaryahanno hore iyo marti kale oo lagu casuumay munaasabaddaan.
Inkasta oo sanadkaan la adkeeyay in lasii gudbiyo xogta guulaysta si uu isugu diyaariyo waxaa hadda la saadaalinayaa in uu ugu cadcad yahay Osmane Dembele oo u dhashay Faransiiska isla markaana kooxda PSG kula guulaystay Champions League.
Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy kale sida Lamine Yamal, Kylian Mbappe, Mohamed Salah, Raphinha & kuwo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciyaartoyda Kooxda Real Madrid aanay ka qaybgali doonnin xafladda sabab la xiriirta in aanay dhankooda jiran abaalmarinta.
Shakabadda French Magazine ayaa bixisa Abaalamrintaan, ujeedka waa in la aqoonsado ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa sanadkii tagay ee Qaaradda Yurub iyada oo lagu qiimaynayo Goolasha uu dhaliyay, koobabka uu qaaday & kuwa meel wanaagsan gaarsiiyay.
Abaalmarinta ayaa Rag iyo Dumar leh, waxaa sidoo kale lasoo bandhigi doonnaa waxqabadka guulaysta, codaynta la sameeyay natiijada uu ku guulaystay iyada oo lagu casuumayo halyeey caan ah in uu soo qabto Magaca ciyaaryahanka guulaystay.
Isniin , 22,Sep 2025 {HMC} Dowladda Eswatini ee dhacda Koofurta Qaaradda Afrika ayaa 32 sarkaal oo Booliis ah ku biirisay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, waxa ay soo dhammaysteen tababar la xiriira waxyaabaha looga baahan yahay sida ay ku warrantay Warbaahinta Dalkaas.
Waxaa la baray shuruucda Askarta Nabad ilaalinta looga baahan yahay, ku dhaqanka xeerarka dalka ay ka howlgalayaan iyo waxyaabaha ka reeban ama laga doonayn in uu ku dhaqaaqo askariga sida hadalka loo dhigay.
Waxa ay saraakiishaan ku biirayaan howlgal ay uga horreeyaan Dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda & Zambia kuwaas oo askartooda la shaqeeya ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay ka caawiyaan tababarrada iyo la howlgalka.
Boqortooyada Eswatini waa dalkii todobaad ee howlgalka Booliiska Midowga Afrika qayb ka noqda, sababta loogu biiriyay ayaa ah in la raaco go’aankii horay loo gaaray ee lagu dhimayay Ciidamada Militariga ah ee AUSSOM si loo yareeyo ku tiirsanaantooda.
Eswatini waxaa horay loo oran jiray Swaziland, waxa ay xuduud la wadaagtaa Dalka Koofur Afrika, Bulshadiisu waa 1.2 Milyan oo ruux sida ku cad daraasaddii ugu dambaysay ee Bangiga Adduunka sameeyay sanadkii 2024.
Bulshada guud ee Dalka Eswatini waxaa ka badan dadka ku nool Gobolka Banaadir oo daraasaddii ugu dambaysay lagu sheegay in ka badan 3 Milyan oo ruux halka wadarta dadka dalkaas ay yihiin 1.2 Milyan oo qof.
Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Soomaaliya ay noqotay dalka keliya ee Muslim ah oo taageeray cunaqabataynta saaran dalka Iran. Kaddib markii Golaha ammaanku cod u qaadeen in Iran laga qaado cunaqabataynta iyo inkale, Soomaaliya ayaana u codaysay inaan laga qaadin.
19-ka Sebtembar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (#UNSC) ayaa ku guuldarreystay inuu meel mariyo qaraar qabyo ahaa oo ogalaanayay in laga qaado cunaqabateynta Iran, sida ku cad heshiiskii 2015 ee loogu magac daray Qorshe Hawleedka Wadajirka ah ee dhammaystiran
(JCPOA).
Qoraalka qabyada ah wuxuu helay:
→ 4 cod oo ogolaansho ah,
→ 9 cod oo diidmo ah,
→ 2 ka aamusay (abstentions).
Soomaaliya oo kamid ah dalalka codka leh ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codaysay in Iran aan laga qaadin cunaqabataynta, waana dalka keliya ee Muslim ah oo diiday in Iran laga qaado xayiraadaha ay reer galbeedku saareen.
4 dal ee u codaysay in laga qaado Iran, waa Pakistan iyo Aljeeriya oo lagu daray Shiinaha iyo Ruushka.
Waxaa weli la iswaydiinayaa cidda Soomaaliya ay ku metashay codkeeda, Islaamkii iyo Carabtii Golaha ku wehelisayna ay u khilaaftay!
Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Puntland ayaa ka digtay in haddii aan la ilaalin oo la badbaadin dowladnimada Soomaaliya, uu dalka uu dib ugu laaban doono xaaladdii fowdada iyo dowlad la’aanta ahayd ee ka bilaabatay burburkii dowladdii dhexe ee 1991.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu laba jeer helay fursad uu ku hoggaamiyo dalka balse uu Soomaaliya gadaal u celiyay, islamarkaana ku xadgudbay dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka.
Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay walaac weyn ka qabto jihada ay Soomaaliya ku socoto, isagoo tilmaamay in kheyraadka qaranku noqday aalad lagu ciqaabo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.
Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, ay dhici karto in maamul kasta qaato aragti gooni isku tag ah, sida ay hore Somaliland ugu dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.
“Maanta dowladnimada Soomaaliya waxay u muuqataa mid u sii jiheysanaysa aragtida gooni-isu-taagga ee Somaliland ku dhawaaqday sannadkii 1991, halka Puntland ay weli ku taagan tahay difaaca nidaamka federaalka oo tacab badan kaga baxay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Ugu dambayn, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, loo siman yahay kheyaadkeeda. Wuxuu sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay kaalinteeda ciyaarto .
Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka oo ka dhacay 20-kii bishaan deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugna deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.
“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya waxaa ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.
Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Israa’iil oo ka Falcelisay Tallaabadii lagu Aqoonsaday Falastiin.