Home Blog Page 514

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo ku Baaqday in leeskugu yimaado Kulan lagu Badbaadinayo Dalka

0

Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Puntland oo ku Baaqday in leeskugu yimaado Kulan lagu Badbaadinayo Dalka

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlayey Dagaalka AS

0

Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlayey Dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} Dowlado ku Dhawaaqay ineey aqoonsanayaan Falastiin

0

Isniin 22 Sep 2025 {HMC} Dowlado ku Dhawaaqay ineey aqoonsanayaan Falastiin

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Madaxweyne Trump,oo la kulmi doona hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka.

0

Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump, ayaa Talaadada la kulmi doona hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Qaramada Midoobay kaa oo ka dhici doono magaalada New York,

Trump ayaa waxaa uu kala hadlayaa sidii loo joojin lahaa dagaalka Qasa iyo sidii loo dejin lahaa qorshe kadib dagaalka, xilli uu jiro dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu diidanyahay dagaalka Qasa, sida ay werisay Axios.

 

Israa’iil Maxeey ka tiri dalalka aqoonsaday Falastiin.?

0

Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Kamaanaan maqal Israa’iil ka hor ku dhawaaqista UK ee xilliga dhow, laakiin Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horay uga hadlay dalalka aqoonsanaya dowlad Falastiin.

Bishii hore, wuxuu warqad u qoray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo ku eedeeyay “inuu shidaal ku shubay dabkan naceybka looga soo horjeeda Yahuudda”.

“Ma ahan dublamaasiyad, waa raalligelin,” ayuu yiri Netanyahu – isagoo raaciyay “waxay abaal-marin siinaysaa argagaxisada Xamaas” iyo “waxay adkeynaysaa diidmada Xamaas ee ah inay sii daayaan la haysteyaasha”.

Iyada oo ka jawaabaysa, dawladda Faransiisku waxay tiri: “Xilliyadani waxay dalbanayaan halis iyo mas’uuliyad, maaha jahawareer iyo wax-is-daba marin.”

Netanyahu wuxuu si gooni gooni ah ugu eedeeyay dhiggiisa Australia Anthony Albanese inuu “khiyaameeyay Israa’iil” oo “ka tagay” bulshada Yuhuudda ee Australia.

Wasiirka socdaalka Australia Tony Burke ayaa sheegay in Netanyahu uu “ka careysan yahay” go’aanka Canberra ay ugu biirtay UK, Faransiiska iyo Canada si ay u aqoonsato dowlad Falastiini ah.

Xigasho BBC

Wasiirka difaaca Afgaanistaan, oo u jawaabay Trump

0

Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Afgaanistaan, Maxamed Yaqoob Mujahid ayaa ka jawaabay hadalkii Trump ee la xiriiray haddii aan Mareykanka dib loogu wareejin saldhigga Bagram, inay wax xun ku dhici doonaan Taalibaan.

Wuxuu yiri; “Jawaabtayadu way cadahay, haddii aad joogi waydaan oo aad rabtaan inaad saldhigyo qaadataan, waxaan diyaar u nahay inaan idinla dagaalanno 20 sanno oo kale , oo ku dhammaanaysa mar kale inaad ka carartaan hubkiina.”

Madaxweynaha Suuriya oo Dhaleeceeyay sida beesha caalamka ay u wajahday xaaladda Suuriya.

0

Axad, 21,Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac oo ku sugan Mareykanka ayaa waraysi uu siiyay barnaamij ka baxa CBS, wuxuu ku dhaleeceeyay sida beesha caalamka ay u wajahday xaaladda Suuriya , isagoo si cad u sheegay inay ku fashilmeen xal u helida iyo soo celinta xasilloonida Suuriya.

Inta uu ku jiray waraysiga, wuxuu soo hadal qaaday wax u muuqda inay casharsiinayso Soomaaliya , marka uu ka hadlay dagaalka kooxda Daacish iyo dagaalyahannada kale ee hubeysan oo ay taageerto Iiraan, isagoo yiri ;

“Annaga ayaa la dagaallannay Daacish, annaga ayaa ka saarney gobolka maleeshiyaadka Iiraan iyo Xisbullah..Bulshada caalamka ma aysan xoreyn hal maxbuus, mana jebin go’doominta hal magaalo.”

Bulshada caalamka , waa midda taageerta Soomaaliya oo muddo nus qarni ku dhow , ku guul darraysatay in wax isbeddel ah laga gaaro xaaladda Soomaaliya. Waxa ku jira hadalka Sharac ayaa ah in isbeddelka uu u baahanyahay mowqif gudaha ah.

Hadda waxaan diiradda saaray halkan, balse doodda wali taagan ee ah sida Sharac , isaga u yahay mid taageerro ka helay galbeedka , waa mid u baahan waqtigeeda in laga hadlo.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Xogta Duqeymaha AS loogu geystay Hir-shabelle KGS iyo Jubaland iyo Khasaaraha.

0

Axad  21 Sep 2025 {HMC} FALANQEYN:- Xogta Duqeymaha AS loogu geystay Hir-shabelle KGS iyo Jubaland iyo Khasaaraha.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} Dacwadda la xiriirta dhalinyaro la tahriibiyay oo ku dhintay Badda.

0

Axad  21 Sep 2025 {HMC} Dacwadda la xiriirta dhalinyaro la tahriibiyay oo ku dhintay Badda.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} Dad kala Afduubtay sacadihii la soo dhafay oo la sii daayay.

0

Axad  21 Sep 2025 {HMC} Dad kala Afduubtay sacadihii la soo dhafay oo la sii daayay.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA