Home Blog Page 565

Somalia’s Ambassador to Egypt Participates in Arab League Ministerial Session

Friday  5 Sep 2025 {HMC}   The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to Egypt and Permanent Representative to the Arab League, Ali Abdi Aware, attended the 164th ordinary session of the Council of the League of Arab States. The ministerial-level meeting was held at the Arab League headquarters in Cairo.

The session focused on a wide range of important issues affecting the Arab world, with a particular emphasis on addressing the shared interests of Arab countries and the Palestinian issue. The meeting provided a crucial platform for Arab nations to coordinate their efforts on regional challenges and opportunities.

Representing Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ambassador Aware delivered a comprehensive speech during the session. He outlined the Federal Government of Somalia’s perspective on how the Arab League can best address the challenges it faces. The Ambassador also highlighted Somalia’s commitment to playing a constructive role in the ongoing development and progress within the organization.

Ambassador Aware used the opportunity to urge the member states to ensure the serious implementation of the impactful decisions and resolutions that emerged from the meeting. He specifically called for a renewed focus on improving cooperation among Arab countries to achieve their collective goals. Somalia’s active participation and direct appeals show its commitment to fostering stronger unity and a more effective Arab League.

Source Sonna

Somalia’s Minister of Ports and Saudi Deputy Minister of Transport Discuss Strengthening Maritime Ties

Friday  5 Sep 2025 {HMC} – The Somali Minister of Ports and Maritime Transport, Abdulkadir Mohamed Nur, recently met with the Saudi Deputy Minister of Transport and Logistics Services, Dr. Rumaih Al-Rumaih, to discuss opportunities for strengthening cooperation between the two nations. The meeting took place during the second Maritime Transport Conference.

The core of their discussion centered on boosting trade and economic development through enhanced maritime collaboration. Minister Nur presented Somalia’s strategic plans and ongoing projects, which include developing and modernizing the country’s ports, establishing an economic zone, and upgrading transport infrastructure. These initiatives are considered crucial for fostering economic growth and improving regional trade connectivity.

Both officials acknowledged the significance of a lasting strategic partnership to reinforce economic relations and contribute to overall regional progress. The meeting emphasized the shared vision of leveraging maritime opportunities to benefit both countries, paving the way for future joint projects

Source Sonna

Israa’iil oo looga digay duullaanka ay ku qaadday Gaza

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}   Xubno katirsan Mucaaradka Israa’iil ayaa Ra’iisul Wasaarahooda Benjamin Netanyahu uga digay dhibaatada ay ka dhaxli doonnaan duullaanka cusub ee Magaalada Gaza ku galeen Ciidankooda, waxa ay cabsi ka muujiyeen in awooddooda kala dhantaalanto.

Saraakiil iyo ciidamo horleh oo ku dhinta, ku dhaawacma laguna qabsan karo ayay carrabka ku dhufteen in ay dhaxalsiin karto Ciidanka Israa’iil ee haatan dul jooga xaafadaha ugu halista badan ee khasaaraha xooggiisa kasoo gaaray marka la eego dagaallada tooska ah.

Mucaaradka ayaa qaylo dhaantooda gaarsiiyay qaar kamid ah Dalalka Yurub iyo kuwa kale ee la safan, waxa ay sidoo kale walaac xooggan ka muujiyeen dhibaatooyinka aan xadidnayn ee ciidanka Israa’iil qarka u saaran yihiin.

Saraakiil katirsan ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in 40% ay gacanta ku hayaan Magaalada Gaza, waxaa dhaqangeli waayay baaqoodii ahaa in dadka degen Magaaladaas ay isaga baxaan, duqeymaha xooggan ay fulinayaan ayaa kordhiyay khasaaraha Dadka rayidka ah.

Dhulka ay marayaan Gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Israa’iil iyo kuwa lugaynaya waxaa la sheegay in ay ka qodan yihiin godad waa weyn, halka meelaha qaar ay ku aasan yihiin Miinooyin iyo Xamaas oo ku xooggan xaafadahaas.

Lionnel Messi, Oo sheegey In Uusan Dheleyn Koobka Adduunka 2026?

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}  Kabtan Xulka Qaranka Argentina Lionnel Messi ayaa xalay Macsalaameeyay taageerayaasha xulkiisa, ciyaartoyda iyo dhammaan shaqaalaha kale ee ku lugta leh arrimaha ciyaaraha xulkaas, xaflad ka dhacday garoonka uu xulkaas ku dheelo ayuu macsalaado ku yiri.

Macsalaamaynta Messi kama dhigno in uu guud ahaan xalay ka fadhiistay xulka Qaranka Argentina balse waxa uu kulankaas u ahaa kii ugu dambeeyay ee xulkiisa kula dheelo dhulkiisa Hooyo, waxa ay tani muujineysaa in uu dheelayo Koobka Adduunka 2026 ee Maraykanka lagu qabanayo.

Koobka Adduunka kaddib ayuu Lionnel Messi si toos ah ugu dhawaaqi doonnaa in uu ka fadhiistay u ciyaarista xulkii uu u suuragaliyay in uu gacanta u geliyo Koobkii ugu dambeeyay Adduunka ee lagu qabtay Dalka Qatar sanadkii 2022.

Messi waa 38 jir, Xulka Argantine oo muddo dheer ku dhibbanaa in uu la qaado koobab  waa weyn ugu dambeyn waa u suuragashay riyooyinkaas, sanadkii 2005tii ayuu si rasmi ah u billaabay in uu u safto inkasta oo mar ka fadhiistay balse dib ugu soo noqday.

Lionnel Messi ayaa 114 gool u dhaliyay xulkiisa isaga oo saftay 194 kulan, xiddigaan ku dhashay Magaalada wayn ee Rosario waxa uu taageerayaashiisa qarankiisa u ballanqaaday in uu kusii dhinac taagaan doonno sidii xulkiisa koobab kale ku qaadi lahaa.

Maraykanka oo laga cabsi Kaqabo in Shiinaha uu gacanta ku dhigo sirta Maraykanka!

Jimco 5 Sep 2025 {HMC} Dalka Maraykanka ayaa bannaanka soo dhigay xog welwel badan gelisay amniga dalkaas oo la xiriirta in uu Shiinaha maalgelinayo Dadka u dhashay Bartamaha Ameerika si ay u tagaan Dalkaas una gudbiyaan xogaha qarsoon ee Beijing uga baahan tahay Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa Warbaahinta u sheegay in xog ay heleen ay muujineso sida uu Shiinaha dhaqaale badan u gelinayo sidii uu basaasiin ugu dhex yeelan lahaa Gudaha Dalkiisa.

Marco Rubio ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabooyin ay ku xadideyso Dal ku galka Maraykanka ee ajaanibta gaar ahaan kuwa dhaca Bartamaha Ameerika si loo kala jaro isu xiran Shiinaha iyo Shabakadahaas culayska ku noqon kara dalkiisa.

Sida ay warisay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa jirta cabsi xooggan oo dhinaca tallaabooyinka uu qaadayo Dalka ay ku xifaaltamaan Siyaasadda, dhaqaalaha iyo awoodaha Militariga ee Shiinaha, taasi ayaa lagu sifeeyay dhacdo kale oo hurdada u diidaysa Maraykanka.

Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay jiraan dalal badan oo kasoo horjeeda danihiisa oo isbahaysi culus samaysanaya sida Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo Dalal kale oo dhaca Aasiya iyo Afrika.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo Heshiis ka Gaaray Teknoolojiyadda Hawada Sare

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}  Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay horumariyaan qaab-dhismeed wada-jir ah oo lagu maareynayo isla markaana lagu horumarinayo sirdoonka macmalka (AI) iyo teknoolojiyadda hawada sare.

Heshiiska ayaa la gaaray intii lagu guda jiray shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta (Global Symposium for Regulators GSR-25), oo ka dhacay magaalada Riyadh.

Wada-hadalladaan waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (NCA), iyo Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta, Hawada Sare iyo Teknoolojiyadda Sacuudiga (CST).

Ujeeddooyinka Iskaashigaan labada dowladood ayaa saldhig u ah isla wadaagista khibradaha iyo aqoonta ku saabsan maamulka teknoolojiyadda casriga ah, Iswaafajinta nidaamyada sharciyeed ee lagu hago AI iyo teknoolojiyadda hawada sare iyo Horumarinta kaabeyaasha iyo la-talinta la xiriirta maalgashiga teknoolojiyadeed.

Masuuliyiinta labada dal waxay sheegeen in iskaashigan uu noqon doono mid sal u dhiga kobaca mas’uuliyadda leh ee dhinacyada sirdoonka macmalka iyo hawada sare, taasoo albaab u fureysa wadashaqeyn dhanka dijitaalka ah oo dheeraad ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Howlgalo ka dhan ah AS oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa howlgalada ku beegsaday tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan AS

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha guutada 14-ka October Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, kaasoo warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada ay cagta mariyeen maleeshiyaad kooxdu u diyaarisay inay baad ka qaadaan dadka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka  howlgalada laga sameeyay.

Taliye Munye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda AS laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan ugu sugan yihiin maleeshiyaadka AS  waxaana halkaasi ciidamada xoogga dalka ay mudo dheer ka wadaan howlagalada ka dhanka kooxda AS.

 

Warka Duhurnimo ee Warbaahint Hiiraanweyn 5-09 – 2025

Jimco 5 Septemper  2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Roodo Xuseen 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

   HOOS KA DHAGAYSO WARKA Duhur

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 05-09-2025

0

jimco 05, Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 05-09-2025

 

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Adeeyn Adag u Jeedisay Maamulka waqooyi Bari Soomaaliya.

0

jimco 05, Sep 2025 {HMC}  Puntland oo Adeeyn Adag u Jeedisay Maamulka waqooyi Bari Soomaaliya.

 

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA