Home Blog Page 591

Maraykanka oo joojiyay duqeymaha ka dhanka ah Daacish .

Jimco  29 Aug 2025 {HMC}Dowladda Maraykanka ayaa joojisay duqeymaha cirka ee ka socday gudaha togga Baallade, isagoo ka cararaya khasaaraha rayidka ah, kaddib markii la ogaaday in haween iyo carruur ku sugan yihiin aagga bartilmaameedkooda.

Go’aankan ayaa yimid xilli hawlgallo wadajir ah ay wadeen ciidamada Puntland iyo Maraykanka oo muddo toddobaadyo ah ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo Daacishta Soomaaliya (ISS) ay saldhigyo ku leeyihiin.

Inkasta oo ay duqeymuhu istaageen, dagaallo culus ayaa qarxay 27-kii Agoosto, kaddib markii kooxda Daacish ay fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen ciidamada ammaaka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dileen lix ka mid ah dagaalamayaasha ismiidaaminta, balse weerarrada ISS ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 23 askari oo ciidamada kamid ahaa Puntland ah intii u dhaxeysay 25 ilaa 27-kii Agoosto.

Warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in hawlgallada isdaba-jooga ah ee Puntland iyo Maraykanka ay bartilmaameedsadeen hoggaanka sare ee ISS, oo ay ka mid yihiin saraakiil xiriir dhow la leh ISIS caalamka, sida ku-xigeenka hoggaamiyaha ISS, Ciise Fahiye, iyo hoggaamiyaha guud ee ISIS ee caalamka, Cabdulqaadir Muumin, oo loo malaynayo inuu wali ku dhuumaaleysanayo buuraleyda Puntland.

In kasta oo ciidamada Puntland iyo Maraykanka ay tan iyo horraantii 2025 wiiqeen awoodda dagaal iyo dhaqaale ee ISS, haddana kooxda ayaa wali awood u leh inay fuliyaan weerarro dhimasho leh.

{DAAWO MUQAALKA} Muwaadin soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

0

Jimco 29 Aug 2025 {HMC} Muwaadin soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada RSF oo Duqeen Xoogan Ka Wado Suudaan.

0

Jimco 29 Aug 2025 {HMC} Ciidamada RSF oo Duqeen Xoogan Ka Wado Suudaan.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Independence House, oo Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}  Madasha oo cinwaankeedu ahaa kaalinta dhallinyarada ee halganka dowlad dhiska Soomaaliya, ayaa waxaa marti sharaf ku ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya, haddana ah guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, Cabdiraxmaan Caynte.

Madasha oo ahayd mid furan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhallinyaro aad u tiro badan oo isku jiray hablo iyo wiilal.

Cabdiraxmaan, ayaa dhallinyarada u jeediyay hadal jeedin daarneyd kaalinta dhallinyarada ee bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tusaaleeyey sida ay dhallinyaradu cudud ugu tahay in la gaaro dowlad wanaag, iyo horumar bulsho.

Dhallinyarada ka qeyb gashay kulanka oo ahaa kuwa dhiirran, ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtiyo iyo su’aalo, waxayna si qoto dheer kaga dooddeen kaalintooda doorashooyinka, iyo horuminta adeegyada bulshada.

Manchester United oo xaaladda ku xuntahay.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Manchester United ayaa qaab aan wanaagsaneyn uga hartay koobka EFL Cupka ka dib markii kooxda ka cayaarta League 2, Grimsby ay ku garaacday rigooreyaal.

United ayaa looga hor maray laba gool ka dib markii qeybtii hore ee cayaarta ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita, iyadoo gool hayaha kooxda, Andre Onana uu soo laabtay isla markaana dusha laga saaray goolki labaad eel aga dhaliyay.

Charles Vernam iyo Tyrell Warren ayaa dhaliyay labada gool ee Grimsby ka hor inta uusan United goolka u dhalin Bryan Mbeumo oo badal ku soo galay, Harry Maguire ayaana daqiiqadii ugu dambeeyay dhaliyay goolka barbar dhaca keenay.

Matheus Cunha ayaanan weli wax gool ah halka goolkii rigooraha ee Mbeumo ay ku dhacday birta, taas oo guusha u horseeday kooxda Grimsby.

 

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey ka Wada hadlen Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Jabuuti.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

DHAMMAAD

Somali President Receives Djibouti Foreign Minister on Courtesy Visit

0

Mogadishu, August 28, 2025 {HMC} – The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, received on Thursday at his office at the Presidential Palace (Villa Somalia) a delegation led by the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the brotherly Republic of Djibouti, H.E. Amb. Abdoulkader Houssein Omar, on a courtesy visit.

The meeting, attended by Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, focused on enhancing bilateral relations and promoting cooperation, highlighting the bond and mutual respect shared between the two neighboring countries.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 28-08-2025.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

Dadkii ugu horeeyay ee laga tarxiilay Mareykanka oo la geeyay Dalka Rwanda.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Todobo qof oo soo galooti ah ayaa noqday kooxdii ugu horaysay ee laga soo tarxiilo Maraykanka ee la geeyo Rwanda, iyaga oo halkaasi lagu geeyay heshiiska cusub ee labada dhinac dhex maray.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in afar kamid ah todobadaasi qof ay sii joogayaan dalkaasi, halka saddexda kale ay ku laabanayaan dalalkooda.

{DAAWO MUQAALKA} Muxaa dhiig-karka uu ugu dhacaa Dumarka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.?

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Muxaa dhiig-karka uu ugu dhacaa Dumarka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.?

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA