Home Blog Page 592

Somali FM Welcomes Djiboutian Counterpart to Mogadishu for Four-Day Official Visit.

0

Mogadishu, August 28, 2025 – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, welcomed on Thursday at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu an official delegation led by the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the brotherly Republic of Djibouti, H.E. Amb. Abdoulkader Houssein Omar, who arrived in the Somali capital for a four-day official visit.

The visit will feature a series of bilateral meetings and official events aimed at enhancing cooperation between the two brotherly nations. Both sides are expected to discuss key areas of partnership and sign multiple agreements designed to strengthen relations and promote mutual interests.

Farmaajo oo ka hadlay fal dowladda ku kacday fariina u diray Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , ayaa cambaareeyay xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir.

“Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo , ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas uu sheegay in ay dhaawacayso dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.

 

Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u daahurtay Adeegga Fiisaha Online-ka?

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay adeeg cusub oo Online ah, kaas oo dadka ajaanibta ah ugu sahlaya inay si toos ah u dalbadaan fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya. Waa markii ugu horraysay ee dalka laga hirgeliyo nidaam noocan ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegtay in adeeggan ay si weyn uga faa’iidaysan doonaan dadka ajaanibta ah ee qorsheynaya inay u safraan Soomaaliya. Agaasimaha guud ee Hay’adda, Mustafe Dhuxulow, ayaa xusay in nidaamkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, maaddaama xogta qof kasta oo fiiso dalbanaya si rasmi ah loo diiwaangelin doono.

Agaasime Dhuxulow ayaa sidoo kale tilmaamay in adeeggan uu gacan ka geysan doono kor u qaadista dakhliga dowladda, isagoo ku dhiirrigeliyay ajaanibta inay si fudud uga soo dalbadaan hay’adda socdaalka fiisaha Soomaaliya meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa soo dhoweeyay hirgelinta adeeggan, isaga oo sheegay in uu hay’adaha amniga ka caawin doono la socodka iyo kormeerka qulqulka dadka soo galaya dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku biirtay in ka badan 120 dal oo hore u adeegsaday nidaamka fiisaha Online-ka. Ka hor intii aan nidaamkan la hirgelin, fiisaha dadka ajaanibta ah waxa lagu bixin jiray oo keliya garoomada diyaaradaha gudaha dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Dhismaha Jubbland-ta Cusub ee Gedo oo La Shaaciyay.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Dhismaha Jubbland-ta Cusub ee Gedo oo La Shaaciyay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaiya oo Gacanta ku dhigay dhalinyaro dilal geeystay.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Booliska Soomaaiya oo Gacanta ku dhigay dhalinyaro dilal geeystay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 28-8-2025

kHAMIIS  28  August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Sahre gabre  /Roodo Xuseen 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 28-08-2025

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 28-08-2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

 

{DAAWO MUQAALKA} Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo Difaac.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo Difaac.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu diirada ku Saaray Khudbada Ra’isul Wasaare Xamsa Shirka Shiinaha.?

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Maxuu diirada ku Saaray Khudbada Ra’isul Wasaare Xamsa Shirka Shiinaha.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA }Golaha Wasiirrada XJFS oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.
Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.
Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo AS.