idee looga mira dhaliyaa hamiga siyaasadeed?
Maxaa lagu aqoonsadaa hoggaamiyaha dhabta ah iyo midka fashilka qarka u saaran?
Ma jirtaa waddo lagu doorto cidda aad kala shaqeynayso siyaasadda?
Qof kasta oo siyaasadda jecel mar walba wuxuu ku riyoodaa in uu maalin uun noqdo hoggaamiye sumcad leh, magaciisuna ku sii noolaado taariikhda. Laakiin riyadu kaliya hoggaamiye kama dhigayso qof. Siyaasaddu waa waddo dheer oo qodxo badan leh,waxaa ku guuleysta qofka u diyaarsan inuu ku socdo dulqaad, xeelad iyo ficil joogto ah. Waxaa jira siyaasiyiin badan oo fursad helay, balse magacooda ku waayay degdeg iyo qorshe la’aan, halka kuwo kale oo ka soo bilaabay heer hoose ay noqdeen hoggaamiyeyaal aan la dafiri karin.
Qofka aan lahayn xiriirro siyaasadeed, magac qoys ama aan heleyn maalgelin, haddana siyaasadda jecel, waxuu ku socon karaa hal jid oo keliya, inuu ku bilaabo eber, balse uu noqdo mid ku socda qorshe cad. Waa inuu fahmaa in hoggaamintu aysan ku iman rabitaan degdeg ah ee ay tahay geeddi-socod muddo dheer qaata. Dulqaad iyo xeelad ayaa ah hubka ugu weyn.
Taariikhdu waxay diiwaangelisay in hoggaamiyeyaasha sida Putin iyo Xi Jinping aysan kursiga si degdeg ah u gaarin. Putin wuxuu ahaa askari KGB ah, oo aan magac ku lahayn siyaasadda Ruushka. Laakiin waxa uu si tartiib ah u dhistay sumcad iyo xiriirro, wuxuuna sugay waqti ku habboon. Markii uu fursad helay, wuxuu noqday hoggaamiye adag oo awooddiisa ku ilaashaday xeelad iyo qorshe cad. Xi Jinping-na wuxuu ku soo koray cadaadis siyaasadeed oo qoyskiisu ay wajaheen, isaga laftigiisu wuxuu ka fogaaday magaalooyinka oo miyiga ayuu ka noqday beeralay . Laakiin wuxuu bartay inuu hamigiisa qarsado, dulqaad yeesho, una oggolaado waqtigu inuu sumcaddiisa dhiso. Markii uu soo baxay, wuxuu noqday hoggaamiye Shiinaha ka dhigay awoodda u sarreysa ee la tartanta Mareykanka.
Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin fursad helay balse si degdeg ah u dhacay. Waxaa tusaale cad u ah Liz Truss oo noqotay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, iyadoo loo arkayay qof ku hoggaamin karta boqortooyadda midowday isbeddel. Laakiin waqti aad u kooban gudaheed, waxay lumisay kalsoonidii dadweynaha iyo xisbigeeda, sababtoo ah ma lahayn qorshe qoto dheer oo dhaqaale iyo siyaasadeed. Waxay ahayd hoggaamiye hadal badan oo buuq badan la timid, balse ficil iyo dulqaad la’aan ay soo gabagabeeyeen cimrigeeda siyaasadda.
Hoggaamiyaha fashilka ah waxaa lagu gartaa saddex calaamadood;
.Inuu ku tiirsan yahay hadal badan oo aan ficil lahayn.
.Inuu go’aanno degdeg ah uu qaato , isagoo aan heysan qorshe dheer.
.Inuu bulshada ku abuuro kalsooni darro iyo jahawareer halkii uu ka abuuri lahaa xasilooni.
Bulsho burbur ku jirta, haddii ay hesho hoggaamiye noocan ah, waxaa hubaal ah in burburkaasi kasii darayo.
Hoggaamiyaha istaraatijiga ah iyo waxa lagu garto
Hoggaamiyaha dhab ah waa midka aan hadal badan ku dhisin sumcaddiisa, balse ficil iyo istaraatijiyad cad ku kasbada kalsoonida bulshada. Waxaa lagu gartaa in go’aamadiisu yihiin kuwo qoto dheer, qorsheyaashiisu yihiin kuwo muddo dheer ku dhisan, dadka uu hoggaaminayo se ay ka helaan xasilooni iyo rajo. Hoggaamiyaha noocan ah wuxuu si tartiib ah uga dhismaa bulshada dhexdeeda ilaa uu noqdo muraayad laga eego mustaqbal.
Tusaale , waxaa inoogu filan Nelson Mandela, inkasta oo uu muddo dheer ku jiray xabsi, wuxuu dadka tusay dulqaad iyo halgan. Markii uu hoggaaminta qabtay, wuxuu noqday hoggaamiye dadka mideeya, wuxuuna magaca Koonfur Afrika ku dhigay mid dunida laga qadariyo. Isaga oo aan ku tiirsanayn qaylo iyo hadal, wuxuu ficil iyo istaraatijiyad cad ku gaarsiiyay dalkiisa jid cusub.
Farqiga ugu weyn ee hoggaamiye guuleysta iyo hoggaamiye fashilma waa qorshaha. Siyaasiga fashilma waa mid degdeg u raba inuu magac yeesho, balse qorshe la’aan ku socda.
Hoggaamiyaha guuleysta waa mid dulqaad leh, qorshe cad leh, isla markaana bulshada ku kasbada ficil joogto ah.
Qof kasta oo doonaya inuu maanta ku biiro olole siyaasadeed, xisbi ama uu ka mid noqdo siyaasiyiinta mustaqbalka, waa inuu ogaadaa hal arrin,bulshada waxay u baahan tahay hoggaamiye ficil iyo istaraatijiyad leh, balse uma baahna siyaasi hadal badan oo degdeg ku libdha. Waxa looga baahan yahay inuu barto dulqaad, qorshe dheer sameeyo, bulshada dhexdeeda sumcad ka dhiso, kuna dadaalo in go’aamadiisu noqdaan kuwo waxtar u leh dadka, xitaa haddii waqti dheer qaadato.
Haddii uu qaato jidka adag ee hoggaaminta, wuxuu noqon karaa hoggaamiye sumcad iyo magac ku reeba jiilal badan, sida Mandela oo dulqaad ku dhisay midnimo, ama hoggaamiyeyaasha sida Putin iyo Xi oo xeelad iyo istaraatijiyad ku gaaray halka ugu sarreysa. Laakiin haddii uu qaato jidka degdegga ah ee qorshe la’aanta, wuxuu ku dambayn doonaa sidii hoggaamiyeyaasha magacooda lagu xusuusto fashil iyo guuldarro.
Hoggaamiyaha dhabta ahi waa kan bulshada tusaya mustaqbal, isbeddelna ku hogaamiya ficil iyo qorshe cad. Taasi waa jidka keliya ee qof eber ka soo billaabay uu ku gaari karo heer hoggaamineed oo aan dhicin.
Sidee qof ku dooran karaa ololaha siyaasadeed ama xisbiga u uku biirayo?
Marka la dooranayo cidda aad la shaqaynayso, waa muhiim in hoggaanka xisbiga ama ololaha uu leeyahay sumcad iyo qorshe cad. Hoggaamiyayaasha aan lahayn istaraatijiyad, sida Liz Truss oo muddo gaaban kursiga ku fashilantay, waxay tusinayaan in taageerada ku biirista hoggaan fashilmay ay qofka cusubna ku jiidi karto khasaaro.
Cilmiga siyaasadda wuxuu leeyahay, hal ku dhig ah :“Hoggaamiye waxaa lagu qiimeeyaa kooxda ku hareersan.” Qofka ku biiraya olole waa inuu eego cidda ku hareeraysan – haddii ay yihiin dad aqoon, daacadnimo iyo khibrad leh, waxaa jira rajo. Haddii ay yihiin dad ku mashquulsan dano shakhsi ah oo degdeg ah, waxaa hubaal ah in kooxdan aysan lahayn mustaqbal fog.
Qofka cusub waa inuu hubiyaa in ololaha ama xisbiga uu leeyahay awood iyo rabitaan uu ku beddelo bulshada, isla markaana uu yahay meel uu isaga ku horumarin karo sumcaddiisa. Taariikhdu xaqiijinaysa in siyaasi kasta oo guuleysta uu ku biiray koox siinaysa fursad uu ku kobciyo kartidiisa, halkii uu ku biiri lahaa koox isaga dib u celisa.
Marka qof Soomaali ah uu maanta ku fikirayo inuu ku biiro olole ama xisbi siyaasadeed, waa inuu xaqiijiyaa shan arrimood;
Mabda’ cad, nidaam hufan, hoggaan lagu kalsoonaan karo, koox tayo leh, iyo awood isbeddel. Haddii shantan wax laga hubiyo, wuxuu helayaa meel uu ku dhiso sumcad iyo hoggaamiyenimo mustaqbal fog. Laakiin haddii uu ku biiro olole aan lahayn mabda’ iyo nidaam, wuxuu ku dambaynayaa fashil.
Maxaa lagu aqoonsadaa hoggaamiyaha dhabta ah iyo midka fashilka qarka u saaran ?
Ururka IGAD oo farriin u diray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Mucaaradka?
Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.
Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid qeyb ka qaadanaya midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ammaanay hoggaamintiisa iyo sida uu uga go’an yahay in dalka uu ku hago nabad iyo wadajir.
“Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waa dariiq lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbeddel dimuqraadi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka uu soo saaray Xoghayaha Fulinta.
Dr. Workneh ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay ku dadaalaan tanaasulka iyo wada shaqeynta si loo gaaro xal waara.
Xamse Barre oo shaaciyay in Soomaaliya rabto in ay isku xirto Afrika iyo Asia
Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.
Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.
{DAAWO MUQAALKA} IGAD oo War kasoo saartay talaabo uu dhawaan dhanka Doorashooyinka u qaaday MW Xasan.
Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} IGAD oo War kasoo saartay talaabo uu dhawaan dhanka Doorashooyinka u qaaday MW Xasan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Toogasho toos ah oo ka dhacday Dugsi ku yaalla Minneapolis.
Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Toogasho toos ah oo ka dhacday Dugsi ku yaalla Minneapolis.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Kumanaan qof oo laga Raafay dal ay Soomaali badan ku nool Yihiin.
Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Kumanaan qof oo laga Raafay dal ay Soomaali badan ku nool Yihiin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Seminar held in Kenya to shed light on AI-driven media transformation
Thursday 28 Aug 2025 {HMC} A half-day training workshop themed “The Rise of Artificial Intelligence (AI) and Its Impact on Journalism” took place on Tuesday in Nairobi, the Kenyan capital, organized by Xinhua News Agency Africa Regional Bureau.
Nearly 100 participants, including editors and news reporters from over 10 media outlets in Kenya and across Africa, attended the training, which was conducted in a hybrid format.
In a virtual presentation, Chen Yingying, an associate professor at the School of Journalism and Communication, Renmin University of China, encouraged African media practitioners to embrace AI, highlighting its positive impacts and challenges.
Chen noted that while AI will not replace human journalists, the technology is largely assistive and can be utilized to boost efficiency in news-gathering, packaging, and dissemination.
According to Chen, AI tools can be useful in transcribing, analyzing data, and developing graphics. Meanwhile, individual journalists should enhance their awareness of the risks posed by the technology, such as the spread of misinformation.
Rosalia Omungo, chief executive officer of the Kenya Editors’ Guild, a professional association for senior editors in the East African country, said the training seminar provided valuable insights into AI and its potential to transform the media industry in Africa.
“I think AI uptake has begun. That is where Kenyan journalism should go because AI is coming to provide efficiency, to augment systems that are in place, the news processes, news-gathering, and dissemination,” Omungo said.
She added that China provides a template through which African newsrooms can learn from and accelerate the adoption of AI, stressing that continuous training of journalists will help dispel myths surrounding the technology.
Patrick Vidija, digital editor at Kenya’s Standard Media Group, hailed the training seminar as highly impactful in terms of gaining a better understanding of AI and its application in news reporting.
“On the digital front, we interact a lot with AI. This training is timely since we are able to open our perspective on how to apply and use AI,” Vidija added.
SOUCE HIIRAAN ONLINE
Qatar donates $3 million for drought relief in Somaliland
Thursday 28 Aug 2025 {HMC}Qatar has donated $3 million to help drought-affected communities in Somaliland after the region’s anticipated spring rains failed to arrive, officials said Tuesday.
Somaliland’s Minister of Religious Affairs and Endowments, Abdillahi Dahir Jama Baashe, thanked Doha for the assistance, calling it “a brotherly gesture” during a time of severe need.
“We express our deep gratitude to the government of Qatar for this generous contribution to the people of Somaliland,” Baashe said during a press briefing with members of the drought relief committee.
The donation follows Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro’s recent visit to Qatar, where he appealed for development projects and financial support in meetings with senior Qatari officials.
Doha previously had no formal ties with the self-declared republic, which in 2017 aligned with the UAE and Saudi Arabia during the Gulf diplomatic rift that saw several countries sever ties with Qatar over allegations of supporting militant groups.
At the time, Somaliland signed a deal with DP World, the UAE-based port operator, to upgrade Berbera Port, the airport, and the strategic road linking Berbera to Wajaale — projects valued at nearly $500 million.
The Somali federal government, by contrast, remained neutral in the Gulf dispute. Somaliland, however, now appears to be seeking closer relations with Qatar, a major ally of Mogadishu.
Source Hiiraaan online



