Home Blog Page 594

Puntland forces kill 3 ISIS militants in Bari region

Thursday 28 Aug 2025 {HMC}  Puntland security forces killed three ISIS fighters and seized weapons during a planned operation in the Calmiskaad mountains on Tuesday, regional officials said.

The raid targeted militants hiding between Maragaale and Kalidaad in the Togga Baallade area, where the group has attempted to establish bases and corridors for launching attacks against Puntland forces, according to security sources.

The offensive came a day after Puntland troops captured the Idakacab well, north of Yucrin — a key hideout for militants in the region. The latest operation is part of an intensive two-week campaign involving ground and airstrikes in the Baallade stream area, supported by U.S. AFRICOM forces.

Despite the success, Puntland suffered heavy losses, with more than 20 soldiers killed and nearly 50 wounded in recent fighting in Calmiskaad, military officials confirmed.

ISIS-linked fighters have maintained a presence in the rugged mountains of Puntland for years, posing an enduring security challenge despite repeated offensives by local and international forces.

Source Hiiraaan online

DFS oo faahfaahin ka bixisay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen Shabeellaha Hoose?

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC}Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga ay howlgallo ka sameeyeen tuulooyinka Macallinka, Baladul Amiin, Cumar Beere iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay burburiyeen godad iyo meelihii ay ku dhuuman jireen Xubnaha Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Wasaadda ayaa sheegtay in ciidanka ay miinooyin ka soo saareen waddooyinka muhiimka ah ee gala Tuulooyinka laga sameeyay howlgalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Difaaca ayaa ugu baaqday bulshada deegaanka in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo garab istaagga ciidamada, si loo sii wado howlgalka.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada xoogga ayaa howlgallo amiga lagu xaqiijinayo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Somali President, UAE Minister hold talks to boost economic and security ties

Thursday 28 Aug 2025 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud met Wednesday with Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, the United Arab Emirates’ Minister of State for Foreign Affairs, to discuss strengthening relations between the two nations, officials said.

Talks at the presidential palace focused on deepening economic and security cooperation, according to Somali government sources. Sheikh Shakhboot delivered a special message from UAE President Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, reaffirming Abu Dhabi’s commitment to supporting Somalia.

President Mohamud expressed gratitude for the UAE’s continued assistance and conveyed a message in return, underscoring Somalia’s determination to enhance bilateral ties while advancing peace, democratization and development.

The visit comes hours after Qatar donated $3 million to help drought-affected communities in Somaliland following the failure of expected spring rains. Somaliland’s Religious Affairs Minister Abdillahi Dahir Jama Baashe hailed the donation as “a brotherly gesture” in a time of severe need.

Qatar’s contribution signals a shift in regional dynamics. The Gulf state previously had no formal relations with Somaliland, which sided with the UAE and Saudi Arabia during the 2017 Gulf diplomatic crisis that isolated Qatar over accusations of supporting militant groups.

At the time, Somaliland struck a $500 million deal with DP World, the UAE-based port operator, to expand Berbera Port, modernize the airport, and build a key road linking Berbera to Wajaale — projects that remain central to the region’s economic ambitions.

Source Hiiraaan online

Madaxweyne DFS Oo farriin u gudbiyay Imaaradka Carabta

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiiru-Dowlaha booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa farriin gaar ah u diray dhigiisa Imaaraadka Carabta, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

Madasha Samatabixinta oo si adag uga hadlay xarigga Nabaddoon Xaadoole

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xarigga dowladda Fedaraalka u geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole.

Nabdoon Xaadoole oo Shalay askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ay kasoo xireen hoygiisa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madashu ku tilmaamtay xarigiisa mid sharci daro ah.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa, kadib markii uu si geesinimo leh uga hor yimid boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Nabadoonka ay dowladdu xirtay ayaa ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee saameynta  ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana warsaxafadeedka Madasha lagu sheegay in Nabadoonka uu ahaa shaqsi codkiisa ku difaaca hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Nabaddoonku xaqiisa dastuuriga ah ayuu si nabad ah ugu cabbiray aragtidiisa ku aaddan ku takrifalka awoodda iyo hantida qaranka, Xorriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah oo aasaas u ah nidaamka dowladnimada” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Golaha Samatabixinta ayaa sidoo kale xarigga Nabaddoon Xaadoole ku sheegay isku day lagu cabburinayo codka shacabka, laguna handadayo qof kasta oo ku taagan xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta ayaa loogu baaqday Madaxweynaha inuu joojiyo boobka iyo barakicinta shacabka ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana shacabka Soomaaliyeedna loogu baaqay inay si mideysan ugu istaagaan difaaca dhulkooda iyo hantidooda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta oo dhameystiran:-

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye waxaa dhisaysa DF wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo haatan musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si aan tuhun ku jirin uga shaqeynayso sidii loo dooran lahaa mar kale madaxweyne Firdhiye.

Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay sababta ay Dowladda Federaalka u dhisayso madaxweyne Firdhiye uu yahay inuu yahay xubin ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u aragto madaxweyne Firdhiye inuu yahay “baarri” si buuxda u fulin kara danaha ay Dowladda Federaalka ka leedahay dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Isagoo ka hadlayay arrimaha maamulka cusub, wuxuu xusay in cid kasta oo ka shaqaysa Waqooyi Bari ay diyaar u tahay wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, isla markaana uu waajib ka saaran yahay difaaco xuquuqda ay gobolladani ku leeyihiin dowladda dhexe.

Dhanka kale, Cabdirisaaq Khaliif ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay saxaafadda oo sheegayay in ololihiisa doorashada ay taageerayaan Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu tilmaamay in lacag badan lagu bixiyay olole sumcad-dil ah oo ka dhan ah isaga, isagoo eedeynta dusha ka saaray kooxo uusan magacaabin oo dhaqaale ku bixiyay in la wiiqo taageeradiisa iyo sumcaddiisa siyaasadeed.

Toogasho ka dhacday Dugsi ku yaalla Minneapolis.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.

“FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,” ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.

Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.

Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah.

Baadari Leo XIV, oo ah baadarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa ka mid ahaa dadka tacsida u diray eheellada dadkii dhacdadaasi ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay.

Taliyaha Bilayska oo la yidhaahdo, Brian O’Hara oo isna la hadlay warfidiyeenka ayaa yidhi: “Tani waxay ahayd fal ula kac ah oo lagula kacay carruur aan waxba galabsan iyo dadka kale ee cibaadaysanaya.”

“Arxan-darrada iyo rasaasta fulaynimada ah ee lagu riday kaniisad ay caruur ka buuxaan waa wax aan la fahmi karin,” ayuu yidhi.

Mar wax laga weyddiiyey hadalka Patel, waxa uu sheegay in Waaxda Bilayska Minneapolis ay hormuud ka tahay baadhitaanka iyagoo taageero ka helaya hay’adaha federaalka – ayna ka daba tagi doonaan caddeymaha meel kasta oo ay la gasho.

Maamulka ayaan weli soo saarin sababta rasmiga ee loo malaynaayo in uu weerarka ay ku riixday ninkaasi.

Booliisku ayaa la sheegay in ay heleen wicitaanno toogasho wax yar ka hor 08:00-dii suabaxnimo, wakhtiga maxaliga ah, maalintii Arbacada.

Ninka weerarka geystay ayaa ku soo dhawaaday dhanka kaniisadda oo uu ku dhex yaallo iskuul sidoo kale waxa uu tobannaan xabadood ka riday daaqadaha isaga oo adeegsanaya laba qori iyo Bastoolad. Booliska ayaa sidoo kale goobta ka helay bam qiiq ah.

Saraakiisha ayaa baadhaya in ay rasaastu ay ka dhacday gudaha kaniisadda iyo in ay ahayd mid bannaanka dhismaha ka soo dhacaysay, iyagoo xusay in aan wax rasaas ah laga helin gudaha.

“Waxaan maqlayay dhawaqa rasaasta” PJ Mudd, oo ku nool meel u dhow kaniisadda subaxnimadii Arbacada, ayaa u sheegay Wall Street Journal. “Waxa markiiba igu soo dhacay in waxa socdaa ay toogasho ahayd.”

Waxa uu sheegay in uu u orday dhinaca kaniisadda oo uu ku arkay saddex qasnadaha rasaasta ah oo ah oo dhulka yaalla.

#ISHA-BBC SOOMAALI

Dowlladaha Soomaaliya iyo Kazakhstan oo yeeshay Ririir diblumaasiyadeed oo joogto ah.

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u yeesheen Xiriir diblumaasiyadeed, sida lagu sheegay bayaan ay wadajir u soo saareen.

Kulan ka dhacay Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa waxaa billaabashada xiriirka cusub wada saxiixay Safiirka Kazakhstan u fadhiya Qaramada Midoobay, Kairat Umarov, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman.

Safiirada Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya iyo Kazakhstan oo faahfaahin ka bixiyay iskaashiga ayaa sheegay inuu la xiriro siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, labada dal ayaa hore u laheyn xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah, marka laga tago iskaashi xilliyada qaar ay ka sameyn jireen arrimaha taagan.

Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa la filayaa in ay kala furtaan xarruumaha Safaaradaha ee labada dal, si loo sii xoojiyo iskaashigooda.

{DAAWO MUQAALKA} IGAD oo War kasoo saartay talaabo uu dhawaan dhanka Doorashooyinka u qaaday MW Xasan.

0

Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} IGAD oo War kasoo saartay talaabo uu dhawaan dhanka Doorashooyinka u qaaday MW Xasan.

Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.?

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.