Home Blog Page 595

Muxuu haweenka Soomaaliyeed dhiig-karku ugu dhacaa xiliga dhalmada.?

0

Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC} Daraasad cusub oo caafimaad ayaa sheegeysa in haweenka Soomaaliyeed ee xilliga foosha la qalo kuwaas oo dhabarka looga duro cirbada suuxdinta ay wajahaan khataro keenaya in cadaadiska dhiigooda uu hoos u dhaco.

Cilmibaarista oo lagu daabacay wargeysa BMC ee uurka iyo dhalmada ayaa diirada lagu saaray hooyooyinka ku dhala isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho kaas oo hore loogu yaqaanay Digfeer.

Haween gaaraya 320 oo lagu sameeyay qaliin ilmaha looga soo saaray xiliga dhalmada intii u dhexeysya bishii May ilaa iyo bishii July sanadkii hore ee 2024-kii ayaa lagu ogaaday in 79 boqolkiiba ay qaadeen xaalad u dhiigooda hoos u dhacayo intii qaliinka lagu jiray.

Dhammaan haweenka waxaa laga suuxiyay laf-dhabarka. Arrintan ayaa keentay astaamo ay ka mid yihiin wareer, lallabo iyo suuxdin, waxaana mararka qaar dhacday in ay khatar galaan hooyada iyo ilmaha uurka ku jira.

Suuxdinta laf-dhabarka cirbiada lagu duro waa tan ugu badan ee lagu sameeyo haweenka ku dhalaya Soomaaliya. Waxaa loo arkaa in ay tahay badqab, kana jaban tahay kuwa kale oo badan inkastoo iyadana khatarteedu leedahay.

Heerka ay gaarsiisan tahay arrintan ee ah 78 boqolkiiba waa mid ka sareysay heerarka laga soo sheegay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Pakistan iyo Colombia.

Tani waxay muujineysaa in nidaamka caafimaadka Soomaaliya uu haysto cadaadis weyn oo ah in haweenka umulaya ay wajahayaan khataro waa weyn.

Khubaradu waxay sheegayaan in daraasadan ay xoojineyso baahida degdegga ah ee loo qabo in la maalgeliyo daryeelka dhalmada. In sidoo kale sare loo qaado nidaamka iyo daawooyinka si loo xaqiijiyo in hooyooyink si fiican loo baaro ka hor inta aan lagu sameyn qaliinka dhalmada.

Daraasada waxay shaaca ka qaaday caqabadaha ay wajahayaan hooyooyinka Soomaaliyeed, waxayna hoosta laga xariiqay in baahi weyn loo qabo nidaam caafimaad oo ilaaliya hooyada iyo ilmaha dhalanaya.

Hay’ada WHO waxay sheegtay qaliinka ilmaha lagu soo saaro in uu yahay kan ugu badan ee caloosha lagu sameeyo adduunka. Haweenka dunida ee qaliinka ku dhala waxay kordheen 21 boqolkiiba 2018-kii, waxaana la fialyaa in 30 boqolkiiba ay kordhaan marka la gaaro 2030-ka.

Boqolkiiba 88 waxay qaliimadaas ka dhacayaan dalalka dhaqaalahooda uu meel dhexaadka yahay iyo kuwa uu hooseeyo sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.

Dr. Cabdullaahi Siciid Xaashi waxa uu ka tirsan isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho, waxa uuna BBC-da u sheegay in qaliinkan lagu sameeyo laf-dhabarka marka haweenku dhalayaan uu yahay mid badqabkiisu ka fiican marka la wada suuxiyo balse waxaa dhici kara dhibaatooyin badan.

“Marka dhabarka laga suuxiyo oo hooyada qaliinka lagu sameynayo waxaa imaan karo in cadaadiska uu hoos u dhaco, waaana uu keeni karaa waxyaabo badan oo qaar ay la xiriiraan habka la marayo, qaarna ay la xiriiraan hooyada uurka leh”

Dr. Cabdullaahi wuxuu kaloo sheegay in ay tahay wax dhici kara in hooyada uu dhiigeedu isbeddelo inta ay ku jirto qaliinka.

“Badanaa waa wax la filayo inta hooyada qaliinka ku jirto in uu cadaadiska dhiiga uu kordho” ayuu Dr. Cabdullahi oo intaas ku daray in laga hortagi karo dhibaatooyinka yimaada xiliga qaliinka, “ka hortag ayaa la sameyn karaa, in hooyada dhanka bidix loo leexiyo marka qaliinka loo diyaarinayo, waxaa kaloo la sameyn karaa inta hooyada aan la qalin in biyo badan la siiyo”.

Dhakhtar Cabdullaahi wuxuu ku taliyay in marka qaliinka la sameynayo ay muhiim tahay in uu goob joog ahaado qof takhasus u leh si marka hooyada dhiigeeda uu karo wax looga qabto.

Sidoo kale dhaqaatiirtu waxay sheegeen in dhiirgarka si joogta ah loo lala socon karo hadii aan joogto loola soconna ay imaan karaan cudurro badan oo khatar ah. Wuxuu horseedi karaa cudurro sida kuwa wadnaha ama xitaa dhimasho.

Dhanka kale, waxaa la sheegaa in dhiigkarka uu yahay dilaaga aamusan. Cilmi baaris ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.

Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 28-08-2025.

Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

0

Muqdisho, 27 Ogoosto 2025 {HMC} — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda.

Kulanku waxaa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirkadaha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet yada si looga hadlo waajibaadka u hoggaansanaanta, foomka warbixinta sannadlaha, marxaladaha warbixinta u hoggaansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggolaanshaha xargaha fiberka badda.

Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hay’addu uga go’an tahay hirgelinta u hoggaansanaanta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiyahan: “Soomaaliya maanta waxay leedahay qaab-sharci casri ah oo cad, annagana waxaannu ka filaynaa in rukhsadlayaashu si buuxda u gutaan waajibaadkooda,” ayuu yiri. “Xeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bartamaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal.

Mas’uuliyaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansanaanta.” Kulanku waxa uu daba socday ansixintii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maamul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.

Dagaal Ka Dhax Bilowday Oromada Iyo Soomaalida.

0

Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC}  Dagaal u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida ayaa galabta ka bilowday degmada Hudhet ee gobolka Daawa, halkaas oo ay soo weerareen ciidamo iyo maleeshiyaad Oromo ah oo gudaha usoo galay Deegaanka Soomaalida.

Dagaalka ayaa bilowday Salaaddii Casar, waxaana uu ka socdaa meel 25KM u jirta xarunta degmada Hudhet, halkaas oo ay maanta galeen ciidamo badan oo Oromo ah.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee goob-joogeyaal ku sugan halka uu dagaalku ka socdo ayaa u xaqiijiyey KaramaraTV in dagaalku uu culus yahay, dhinaca Oromadana ay ka yimaaddeen ciidamo badan oo duullaan ah.

Maamulka Deegaanka Soomaalida iyo laamaha amniga midkoodna kama hadal dagaalkan, hase yeeshee qabalaha Banqoor oo ka tirsan Hudhet ayaa habeen hore ay Oromadu weerar gaadmo ah kusoo qaadday waxaanay ku dileen saddex qof oo isku qoys ah oo uu dhalay Ugaas Abaayle.

Oromada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxa ay ciidamo badan ku ururinayeen deegaanka Bolihuura oo u dhow xuduudka Soomaalida, waxaana qaybo ka mid ah ciidankaasi ay maanta soo galeen gudaha DDS oo ay dagaal ka bilaabeen.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxda Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah. Wuxuuna caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda bini’aadamka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.
Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaadiyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

RW Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha.

0

Arbaco 27 , Aug 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah.

Wuxuuna caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda bini’aadamka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.

Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaadiyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Dhismaha wado isku xirta Is goyska DabKa iyo Bakaaraha oo la bilaabayo.

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Dhismaha wado isku xirta Is goyska DabKa iyo Bakaaraha oo la bilaabayo.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 27/8/2025

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 27/8/2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Wali Kulamo Muhiim ah ka Wado Dalka Shiinaha.

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Wali Kulamo Muhiim ah ka Wado Dalka Shiinaha.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 27-08-2025

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 27-08-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA