Home Blog Page 597

R/wasaare Xamsa oo tagay xarunta Warshadaha Ningdong, Ningxia.

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara. Wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Family exhumes parents as Mogadishu cemeteries face demolition fears

wednesday 27 , Aug 2025 {HMC}   A Somali family has exhumed the remains of their parents from Moalim Nur cemetery on the outskirts of Mogadishu and reburied them in Guriel, Galgaduud region, fearing the gravesite could soon be demolished to make way for development projects.
The reburial, carried out with Islamic rites and attended by relatives and community elders, took place seven years after the couple’s initial burial. Family members described the process as painful but necessary to protect their parents’ remains from possible disturbance.
Relatives said they acted after recalling the 2024 clearance of Policia (Bulusia) cemetery in Mogadishu, where families were forced to exhume the remains of their loved ones under a government directive that offered no clear explanation.
Bulldozers later flattened the site, which contained the graves of prominent figures, including comedian Abdi Muriidi Dheere, widely known as Ajakis, and former Mogadishu mayor Abdirahman Omar Yarisow, who was killed in a 2019 suicide bombing. The incident sparked outrage among bereaved families and condemnation from religious leaders, who denounced the demolitions as a violation of Islamic and cultural traditions and warned that the government’s handling of cemeteries risked eroding public trust.
Community members warn that cemeteries across Mogadishu are increasingly threatened by rapid urban expansion, land disputes, and weak legal protections. Rights groups say families live in constant fear that graves could be disturbed without notice, deepening mistrust of authorities.
Civil society organizations have urged the Somali government to establish stronger safeguards for burial grounds, warning that repeated grave removals risk compounding the trauma of grieving families and undermining public trust in state institutions.
source hiiraan online

Halal business workshop in Nairobi pushes Somalia’s global market role

wednesday 27 , Aug 2025 {HMC} Diplomats, scholars, and entrepreneurs gathered at Nairobi’s Jamia Mosque on Tuesday for a workshop aimed at expanding East Africa’s role in the global halal economy, projected to reach $5.91 trillion by 2033.
The Halal Business Development and Export Readiness Workshop, held under the theme “Halal Science, Innovation and Industry,” was organized by the Somali Embassy in Kenya, the Royal Embassy of Thailand, Jamia Mosque Nairobi, and Thailand’s Chulalongkorn University Halal Science Centre.

The event drew participation from Somalia’s Ambassador to Kenya, Jibril Ibrahim Abdulle; Thailand’s Ambassador, Morakot Janemathukorn; Malaysia’s High Commissioner, Ruzaimi Mohamad; Iraq’s Chargé d’Affaires, Akram Jamil Suleiman; and Khalid Mohammed Al Kathiri, the Arab League’s Permanent Representative to the United Nations Offices in Nairobi.

Sessions focused on how halal science and technology, including certification systems, blockchain applications, and food safety standards, can help East African businesses meet international requirements and expand into markets across Asia and the Middle East. Organizers said small and medium-sized enterprises stand to gain the most, particularly in food, health, and cosmetic sectors.
Sheikh Muhammad Osman Warfa, chairman of the Jamia Mosque Committee, stressed that the workshop holds the potential to empower Muslim businesses, strengthen economic ties, and align commercial growth with halal values and principles.
Somalia’s ambassador Abdulle called the forum a vital platform for promoting halal business practices and advancing sustainable development. Thailand’s envoy Janemathukorn said her country is committed to supporting halal innovation and expanding trade partnerships with East Africa.
A delegation from Chulalongkorn University, led by Halal Science Centre founder Prof. Winai Dahlan, presented on halal and haram principles, the HAL-Q quality system, halal blockchain, and halal trade routes. Speakers spoke about the role of modern Muslim societies in shaping demand within the global halal economy.
Jamia Mosque leaders, including Deputy Chairman Abdullatif Essajee and Secretary-General AbdulBari Hamid, welcomed the initiative, stressing the role of faith-based institutions in fostering entrepreneurship and regional partnerships.

 

source hiiraan online.

Somalia oo bilowday xeelad kale oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland?

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa Mareykanka ka raadinaysa Macaamil ka ganacsata shidaalka weli dhulka hoostiisa ku jira ee aan la soo saarin.

Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa sheegtay in magaalada Houston ee gobolka Texas uu maanta ka furmay “fursad cusub” oo lagu sii xoojinayo wadahadallada iyo iskaashiga shirkadaha tamarta Mareykanka iyo Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartay Safaaradu ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iskaashi dhinaca batroolka iyo gaaska ah, isla markaana ay aaminsan tahay mustaqbal ku dhisan ganacsi iyo maalgelin wadaag ah.

Wasiirka Badroolka Soomaaliya Dahir Shire Maxamed ayaa hogaaminaya wafdiga Soomaaliya ee shirka caalamiga ah uga qaybgalaya Maraykanka.

Tani waa xeelad cusub oo ay Dowladda Soomaaliya rabto in ay Mareykanka uga jeediso Somaliland taas badalkeeda uu la macaamilo Soomaaliweyn danaha uu leeyahayna ka fushado.

Lama oga in ay shaqayn doonto iyo in kale balse waxaa muuqata in markaan DFS ay tab iyo xeelad wixii ay taqaanay iskugu geynayso sidii loo baajin lahaa Aqoonsi laga yaabo Inuu ku yimaado sifo aan la filaynin.

 

Kenya seeks to broker talks between Villa Somalia and Jubbaland state leadership

wednesday 27 , Aug 2025 {HMC}   — Kenya has launched an effort to mediate between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Jubbaland administration as tensions escalate over constitutional changes and electoral reforms, diplomatic sources said Tuesday.

The initiative aims to bring Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Jubbaland leader Ahmed Madobe to the negotiating table for a face-to-face meeting, sources told Hiiraan Online on condition of anonymity.

The push follows weeks of political friction that has fueled clashes between federal troops and Jubbaland forces in Raskamboni and Beled Hawo, both near the Kenya-Somalia border. Fighting has spilled over, affecting Kenyan border towns.

Officials in Kismayo confirmed Nairobi’s interest in mediating but said they had not received a formal agreement from Villa Somalia. Jubbaland authorities accused the presidency of spreading “misleading information” after Mogadishu dismissed reports of a recent phone call between Mohamud and Madobe as “fake.”

The crisis comes amid sharp divisions over proposed amendments to Somalia’s constitution and electoral process, with analysts warning the dispute could destabilize the fragile federal system.

Kenya’s move reflects growing concern about security and political stability in the region. Nairobi has long played a role in Somali peace efforts and hosts thousands of Somali refugees, while also contributing troops to the African Union peacekeeping mission.

Neither Mogadishu nor Nairobi has publicly commented on the mediation effort.

source hiiraan online

Dowladda Itoobiya wax cabsi ah oo ay ka qabto in ciidamada Masar ee Soomaaliya

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleyman Dedefo, oo wareysi siiyay Universal Somali TV.

Safiirku wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uusan wax faa’iido ah u yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay inay dal kasta oo ay saaxiib la tahay ciidamadoodu yimaadaan Soomaaliya. Wuxuuna sheegay Itoobiya in aysan wax diidmo ka qabin arrintaas.

“Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu raaciyay.

Suleyman Dedefo ayaa intaas ku daray in waxa laga filan karo joogitaanka ciidamada Masar ay noqon karto in ay loolan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Hadalka Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan Dowladda Masar ay Soomaaliya usoo dirayso cutubyo kamid ah ciidamadeeda si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AUSSOM.

Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyaha webiga Niil. Itoobiya ayaa biyo xireen weyn ka dhisatay dalkeeda, iyadoo Dowladda Masar ay kasoo horjeeddo qorshahaan, una aragto mid ku khatar ku ah biyaha webiga Niil ee dalkeeda.

Kenya oo dib usoo cusboonaysiisay dhex dhexaadinta DFS Iyo maamulka Jubbaland,

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC}Dowladda Kenya ayaa ku howlan dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland xilli xiisadda iyo khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagan uu marayo meel adag.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya oo ay saamayn ku yeesheen xiisadaha ka taagan gobolka Gedo ay waddo qorshe keeni kara kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhexdhexaadintan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu wajahayo khilaaf ka taagan wax ka beddelka lagu sameeyay qodobo kamid ah dastuurka iyo habka doorashada. Khubarada la socda arrimaha Soomaaliya ayaa ka digaya inay tallaabooyinkan wiiqi karaan xasilloonida nidaamka federaalka.

Warar soo baxay toddobaadkan ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay dhawaan ku wada hadleen taleefan, balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in wararkaas ay yihiin “been abuur.”

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Kenya ay  doonayso dhexdhexaadinta, hase yeeshee weli aysan ka helin aqbalaad labada dhinac Villa Soomaaliya. Waxay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay faafinayso warar marin habaabin ah oo lagu jahwareeriyo shacabka.

Iyadoo doorashooyinka dalka uga harsan yihiin wax ka yar laba sano, falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya in heshiis iyo is-afgarad dhex mara dowladda federaalka iyo Jubbaland uu muhiim u yahay xaqiijinta hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laamiga Kalabayr ee gobolka Bari.

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC} Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saaka laamiga dheer ee deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari xiray, iyaga oo ka gadoodsan mushaar la’aan muddo dheer heysatay.

Ciidanka ayaa halkaasi ku joojiyay gaadiid badan oo xamuul ah oo kasoo dhaqaaqay dekedda magaalada Boosaaso kuna sii jeeday gobollada kale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka gadoodsan ay wateen gaadiid dagaal isla markaana ay kasoo degeen buuraha Calmiskaad halkaas oo ay ku sugnaayeen.

Waxay xukuumadda Puntland si cad ugu dalbanayaan in degdeg loogu bixiyo xuquuqda iyo mushaaraadkooda, iyagoo ku goodiyay in aysan furi doonin jidka ilaa inta cabashadooda laga xalinaayo.

 

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ayaa sheegay in ay marar badan u gudbiyeen cabashooyin iyo dalab rasmi ah xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Sida ay sheegeen, tani ayaa sababtay in ay qaadaan tallaabadan culus ee ah xiritaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Boosaaso iyo gobollada kale ee Puntland.

 

Xukuumadda Puntland weli kama aysan hadlin gadoodka ciidamada, balse xaaladda ayaa abuurtay hakad weyn oo ku yimid isku socodka gaadiidka iyo dhaqaalaha gobolka.

 

{DAAWO MUQAALKA} Warka Subaxnimo ee Hiiraanweyn 27 8 2025

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Warka Subaxnimo ee Hiiraanweyn 27 8 2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Faah-Faahino Kasoo Baxaya Wariyashii lagu Dilay Magaalada Qasa.

0

Arbaco 27 Aug 2025 {HMC} Faah-Faahino Kasoo Baxaya Wariyashii lagu Dilay Magaalada Qasa.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA