HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Isniin 25 Aug 2025 {HMC} Maxaa laga filayaa wadahadalkaan dhexmaraya Madaxweyne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Isniin 25 Aug 2025 {HMC} Warmurtiyeed heshiiskii Dowladda iyo Madasha Mucaaridka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Isniin 25 Aug 2025 {HMC} Cumar Cabdirashiid “Intii ku maqneyd Dastuurka ayaa la badalay waxaan leeyahay soo noqda”.
https://www.transfernow.net/dl/202508258fXi1QvW
Isniin 25 August 2025 {HMC}Hogaamiyaha Sare ee Iran, Aayatollah Cali Khamenei, ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo in Iran ay u hoggaansato Washington, balse shacabka Iran ay si buuxda uga hortagi doonaan waxa uu ku tilmaamay “xafiltan iyo aflagaaddo weyn”.
“Waxay rabaan in Iran ay noqoto mid u hoggaansata Mareykanka. Iran waxa ay si xoog leh uga hor istaagi doonaa cid kasta oo sidaas ka filaysa,” ayuu yiri Khamenei intii uu khudbad ka jeedinayey munaasabad diini ah.
Hadalka Khamenei ayaa yimid kaddib markii Iran iyo dalalka Yurub (Faransiiska, Britain iyo Jarmalka) ay ku heshiiyeen in Talaadada dib loo bilaabo wada-hadallo lagu cusbooneysiinayo heshiiskii nukliyeerka ee 2015. Dalalkaas ayaa ku hanjabay in haddii Iran miiska aanay soo fariisan, dib loo soo celin karo cunaqabateyntii Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo habka snapback.
Iran ayaa hakisay wadaxaajoodyadii Washington bishii Juun 2025, markaas oo Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeeyeen xarumo nukliyeer ah intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ahaa, taas oo burburisay wareeggii lixaad ee wadahadallada.
Reer Galbeedka ayaa ku eedeeya Iran inay ku shaqeyneyso barnaamij qarsoodi ah oo hub nukliyeer ah, hase yeeshee Tehran ayaa ku adkaysanaysa in mashruucaasi yahay rayid oo loogu talagalay tamarta iyo adeegyada bulshada.
Khamenei ayaa dhaliilay dadka ku baaqa in Iran aysan la hadlin Mareykanka ama ay wada-hadallo toos ah la galaan, isagoo sheegay in arrintaas “xal la’aan tahay”. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay isku dayayaan inay khilaaf iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuraan shacabka Iran.
“Cadowgu wuxuu isku dayayaa inuu khilaaf abuuro. Waxaa arrintan gadaal ka riixaya Mareykanka iyo xulafadiisa Sahnuuniyada (Isra’iil),” ayuu yiri Khamenei.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Isniin 25 Aug 2025 {HMC} WAR DEG-DEG AH:- Turki oo Soomaaliya ugu Deeqay Diyaarado Dagaal.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA