Home Blog Page 600

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya oo gashay Kaalmaha ugu liita ee Dhinaca Amaanka

0

Talaado 26 Aug 2025 {HMC} Soomaaliya oo gashay Kaalmaha ugu liita ee Dhinaca Amaanka

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Warka Subaxnimo ee Hiiraanweyn 26-8-2025

0

Talaado 26 Aug 2025 {HMC}  Warka Subaxnimo ee Hiiraanweyn 26-8-2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wariyaashii ugu Caansanaa ee Soo tabin jiray Dagaalka Qasa oo duqeeyn lagu dilay

0

Talaado 26 Aug 2025 {HMC} Wariyaashii ugu Caansanaa ee Soo tabin jiray Dagaalka Qasa oo duqeeyn lagu dilay

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Cabsi laga qabo in uu dib u qarxo dagaalka Tigray & Xukuumadda Abiy Ahmed.

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Waxaa taagan cabsi laga qabo in uu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigray kaas oo markale ka dhici kara Waqooyiga Dalkaas, sababta sidaas oo dhan looga cabsanayo waa in ay ku lug yeelan karto Eretareeya.

Dadka sida dhow u oddorasa Siyaasadda Itoobiya ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dhaqdhaqaaq ka imaanaya dhinaca Eretareeya si ay uga hortagto abaabulka ka dhanka ah oo ay ku howlan tahay Xukuumadda Abiy Ahmed.

Abel Abate Demissie oo katirsan falanqeeyaasha sida dhow ula socda Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dagaalka xiligaan uu ka adkaan karo kii dhacay Nofeembar sanadkii 2020 ee galaaftay nolosha dad ka badan 600 oo kun oo ruux.

Sidoo kale dagaalkaas waxaa ku barakacay in ka badan 5 Milyan oo ruux, waxaa intaas dheer in dagaalladii dhacay ay saamayn taban ku reebeen xasiloonida guud ee Itoobiya iyo Geeska Afrika maadaama ay barakaceen dadkaas badan.

Wufuud kala duwan una badan Bulshada Rayidka ah ayaa gaaray Magaalada Mekelle xarunta Tigray, waxa ay la kulmeen hoggaanka sare Ismaamulkaas si looga hortago colaad cusub loogana fogaado wax weliba oo nabadda dhaawacaya.

Madaxweynaha Eretareeya Isiais Afwerki ayaa dhowaan Wareysi uu bixiyay ku sheegay in damaca Xukuumadda Abiy Ahmed uu yahay sidii dalkiisa ay u qabsan lahayd balse ay ka hortagayaan gulufkaas uu la damacsan yahay sida uu hadalka u dhigay.

Prime Minister Hamza Attends China-Arab States Expo in Yinchuan.

0

Monday 25, Aug 2025 {HMC} The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, arrived in China to participate in the 7th China-Arab States Expo, taking place in Yinchuan. The forum focuses on strengthening cooperation in trade, investment, technology, and energy.

Prime Minister Hamza is expected to deliver a keynote address highlighting Somalia’s investment opportunities and emphasizing the importance of enhancing economic ties and strategic cooperation between China and Arab countries. He will underscore Somalia’s diverse investment prospects aimed at boosting development and benefiting the Somali people.

 

shan wariye oo Maanta lagu dilay Isbitaalka Qasa.

0

Isniin, 25 Aug 2025 {HMC} Warbaahida Aduunka ayaa xaqiijisay dhowr muuqaal oo muujinaya laba duqaymo oo ay Israa’iil ku qaadday cisbitaalka Naasir ee Khan Yunis, ee koonfurta Gaza, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan

Kooxda hubinta ee BBC-da ayaa sheegay in mid ka mid ah muuqaalladan oo si toos ah looga duubay TV-ga Al-Ghad, ay muujinayeen shaqaale gurmad ah oo u gurmanaya dadkii ku waxyeeloobay duqeyntii ugu horreysay ee ka dhacday agagaarka dabaqa sare ee Isbitaalka Naasir, halka saxafiyiin badan ay gadaal ka duubeen muuqaalka.

Fiidiyowga ayaa muujinaya saxafiyiinta taagan si ay u daawadaan Khan Yunis, wax yar ka hor inta aysan duqeyn kale oo cirka ah ay si toos ah ugu dhicin shaqaalaha gurmadka iyo saxafiyiinta. Ugu yaraan hal mayd ayaa la arkaa ka dib mashaqadu marka ay dhacday.

Muuqaal kale, oo laga soo qaaday jaranjarada, ayaa muujinaya waxyeelada. Muuqaalkaas, dhowr mayd ayaa la arkayaa kuwaas oo yaalla jaranjarooyinka, halka shaqaalaha gurmadka ay la tacaalayaan dhibaatadii ka dhalatay weerarka.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa cadeeyay in afar wariye ay ahaayeen sawir qaadayaal u kala shaqeynayay wakaalada wararka ee Reuters iyo Aljazeera, marka laga soo tago wariye Moaz Abu Taha oo shabkada Mareykanka ee NBC ay beenisay in uu u shaqeynayay.

Sidoo kale waxaa la dilay Wariye Mariam Abu Daqqa oo u shaqeyneysay Warbaahino badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Independent Arabia iyo Associated Press. Warqadda ay baahiyeen waxay muujisay sida ay uga naxsan yihiin dilka wariyahooda 33-jirka ah.

Wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA, ayaa sheegtay in weriyaha shanaad uu ahaa Axmed Abuu Casiis, oo ah wakiilka shabakadda Quds Feed ee Falastiin.

Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen isbitaalka Naasir ee ku yaalla Khan Yunis, Gaza, iyagoo intaa ku daray in ay sameyn doonaan “baaritaan horudhac ah” duqeynta kaddib.

War saxaafadeedka ciidanka ayaa lagu yiri: “Maanta ayay ciidamada IDF weerar cirka ah ka fuliyeen nawaaxiga isbitaalka Naasir ee Khan Yuunis. Taliyaha guud ee ciidamada ayaa amar ku bixiyay in baaritaan horudhac ah lagu sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Ciidanku waxa ay intaa ku dareen in ay ka xun yihiin dhibaato kasta oo loo geysto shakhsiyaad aan lug ku lahayn, isla markaana aan la bartilmaameedsanin saxafiyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay geerida mid ka mid ah saxafiyiinteeda, sawir qaade Hossam El-Masry, iyo dhaawaca sawir qaade Hatem Khaled, iyagoo muujiyay sida ay uga naxeen.

Afhayeen u hadlay Telefishinka Aljazeera ee dalka Qatar ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashada mid ka mid ah sawirqaadayaasheeda, Mohammed Salama, oo ku dhintay weerarka. Tani waxay ka dhigeysaa tirada suxufiyiinta Falastiin ee lagu dilay dagaalka Gaza 244 tan iyo markii uu dagaalka qarxay 2023, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza.

Dhanka kale, Ururka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 212 Suxufi iyo Shaqaale Warbaahineed la dilay intii uu socday iska horimaadka militari ee Xamaas iyo Israel ku dhexmaraya Marinka Gaza.

Ururka caalamiga ah ee saxafiyiinta ayaa ku biiray ururka saxafiyiinta falastiiniyiinta si ay u cambaareeyaan dilalka iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah saxafiyiinta iyagoo ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo geeridooda.

WHO oo War ka soo saartay duqaynta isbitaalka Qasa.

0

Isniin, 25 Aug 2025 {HMC} Waxaa jira burbur ballaaran oo soo gaaray dhismaha weyn ee Isbitaalka Nasser ee koonfurta Marinka Gaza, sida uu sheegay madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay, Isbitaalka ayaa lagu garaacay weerar ay saaka fuliyeen ciidamada Israa’iil. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ka fuliyeen aagga, halka BBC Verify ay xaqiijisay dhowr muuqaal oo muujinaya laba weerar oo Israa’iil ay ku qaaday isbitaalka.

Qoraal uu soo dhigay X, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in aagga duqayntu ku dhacay ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka, qaybta bukaan-jiifka iyo qaybta qalliinka, iyo in jaranjarooyinka degdegga ah ay waxyeelo soo gaartay.

Wuxuu intaas ku daray in dadka dhaawacmay ay ku jiraan “bukaanno aad u xanuunsan oo markii horeba la daryeelayey”.

“Iyadoo dadka Qasa ku nool ay gaajoonayaan, haddana helitaankooda caafimaad ee xaddidan ayaa waxaa sii curyaaminaya weerarrada soo noqnoqda” ayuu yiri Ghebreyesus.

“Joojiya weerarrada lagu hayo xarumaha caafimaadka. Xabad joojin ha la helo – hadda!” ayuu intaas ku daray

Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta oo heshiis isafgarad ah ka gaaray doorashooyinka soo socda ee dalka?

Jeddah, 25 Aug 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay isfaham siyaasadeed oo cusub oo lagu xoojinayo midnimada qaran, dowlad-dhiska iyo amniga dalka.

War-murtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayaa lagu caddeeyay in la adkeynayo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana mideynayo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu doorto Baarlamaanka Federaalka, halka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada ay si toos ah u doortaan golayoosha Baarlamaanka

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu awood u yeelan doona magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Golaha Shacabka uu ansixin karo ama kalsooni kala noqon karo. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in xisbi qaran loo aqoonsado urur siyaasadeed kasta oo helo ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka federaalka.

Doorashooyinka soo socda ee dalka ayaa la sheegay in lagu saleeyn doono xeerka doorashooyinka 2024, iyadoo si degdeg ah loo guda geli doono qabashada doorashooyinka heer deegaan, dowlad-goboleed iyo federaal.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in si degdeg ah loo dhammaystiro dastuurka dalka si loo xaqiijiyo sharciyadda iyo dowlad-dhiska.

Geeddi-socodka doorashooyinka tooska ah ayaa noqon doona mid ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafid, iyadoo shacabka loo oggolaan doono codbixin toos ah.

Ugu dambeyn, dowladda iyo madasha ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in ay ka midoobaan dardargelinta dimuqraadiyeynta iyo dhammaystirka geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo Golaha Madasha Saamatabixinta uu u kala jabay labo garab, garab taabacsan doorashooyinka iyo cod iyo garab kasoo horjeeda qorshaha ay dowladdu wadato.

{DAAWO SAWIRADA} War-murtiyeed ay soo saareen Mucaaradka iyo DFS Agoosto, 25 2025.

0

Isniin, 25 Aug 2025 {HMC} Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federaalka iyo qayb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ahna xubin kamid ah Golaha Shacabka, haddana ah Guddoomiye ku xigeenka Madasha Samatabixinta; Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed;

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke; Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenka Madasha Samatabixinta) waxay si wadajir ah u soo saareen qodobadan soo socda:

1. Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.
2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin khawaarijta.

3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo hogaamiye ku xigeenada dowlad-goboleedyada.

4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.
5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha baarlamaanka fadaraalka noqonayo xisbi qaran.

6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.
7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.

8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.

BAAQ:

10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.


DHAMMAAD

Somalia Urges Gaza Ceasefire and Aid Access at OIC Emergency Meeting.

0

Jeddah, 25 August 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, addressed on Monday the emergency ministerial meeting of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), held in Jeddah, Saudi Arabia, to discuss the ongoing Israeli aggression against the Palestinian people.

In his remarks, Minister Abdisalam Abdi highlighted the humanitarian crisis in Gaza, including famine, displacement, and the effects of military operations. He reiterated Somalia’s support for a two-state solution and emphasized the need to end the occupation and establish an independent Palestinian state.

Minister Abdisalam Abdi praised international mediation efforts by Egypt, Qatar, and the United States, as well as initiatives from the New York High-Level Conference, aimed at achieving a ceasefire, facilitating humanitarian access, and pursuing a long-term political solution.

The Minister further stressed the importance of respecting the sovereignty, independence, and territorial integrity of all OIC member states, including Somalia, noting that adherence to these principles is essential for regional stability, cooperation, and justice, including support for the Palestinian cause.