Home Blog Page 599

Somali PM Hamza Abdi Barre attends China-Arab States Expo in Yinchuan

tuesday 26, Aug 2025 {HMC}   Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has arrived in Yinchuan, China, to attend the 7th China-Arab States Expo, scheduled from August 28 to 31, 2025.

Hamza is expected to deliver a keynote address highlighting Somalia’s investment opportunities and stressing the importance of enhancing economic ties and strategic cooperation between China and Arab countries.

He is also expected to underscore Somalia’s diverse investment prospects aimed at boosting development and improving livelihoods for the Somali people.

The forum, held at the Sheraton Hotel in the Ningxia Hui Autonomous Region, aims to strengthen cooperation in trade, investment, technology, and energy between China and Arab states.

The event is organized by the China Council for the Promotion of International Trade, the Ningxia Hui Autonomous Region Committee, and the League of Arab States, in partnership with the Union of Arab Chambers.

The expo serves as a key platform for deepening economic and diplomatic ties between China and the Arab world, with discussions expected to focus on strategic partnerships and development opportunities.

Source Hiiraan online.

UN envoy James Swan meets South West State leaders to discuss security, elections

tuesday 26, Aug 2025 {HMC}  The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Ambassador James Swan, met Monday with South West State President Abdiaziz Hassan Mohamed ‘Laftagareen’ and members of his administration to discuss key state and national issues, including security, election preparations, and humanitarian needs.

Regional leaders briefed the UN envoy on efforts to strengthen security across South West State, highlighting the successful recovery of Sabiid and Bariire in Lower Shabelle.

President Laftagareen also updated Swan on the voter registration drive, including mobile initiatives aimed at ensuring the participation of women, youth, internally displaced persons, and marginalized communities.

“We also spoke about the challenges of supporting displaced communities at a time of uncertainty in humanitarian funding. I assured the President that, despite global funding shortfalls, the United Nations will continue to do its utmost within available resources to assist those most in need,” the UN statement said.

Ambassador Swan emphasized the importance of unity and inclusive dialogue among Somalia’s political and Federal Member State leaders. He noted that President Laftagareen has previously played a constructive role in fostering dialogue and could continue to do so in the future.

Swan reaffirmed that the United Nations will remain a partner to South West State and the Federal Government of Somalia in advancing peace, state-building, security, and humanitarian and development priorities.

Somalia has long struggled to establish a stable electoral system, with repeated delays and disputes over voting models stalling its democratization process. The parties urged all political stakeholders to unite behind the new framework as a way to end the cycle of uncertainty.

Source Hiiraan online.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlad Cusub oo Jubbland ah ayaan Gedo ka dhiseeyna.

0
Talaado 26 Aug 2025 {HMC} Dowlad Cusub oo Jubbland ah ayaan Gedo ka dhiseeyna.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Discusses Strengthening Ties with Pakistan Deputy PM

thuesday 26, Aug 2025 {HMC} – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met with the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs of the brotherly Islamic Republic of Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, on the sidelines of the 21st Extraordinary Session of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Council of Foreign Ministers in Jeddah.
The meeting focused on strengthening bilateral cooperation in politics, the economy, security, health, and education. The Minister emphasized the long-standing relations between the two nations and highlighted the importance of expanding opportunities, including scholarships offered by Pakistan. He also proposed enhancing collaboration in security and institutional development.
Both sides agreed to share expertise in the security, military, and health sectors, in addition to easing visa processes and facilitating the movement of citizens between the two countries.
Senator Ishaq Dar reaffirmed Pakistan’s readiness to contribute to Somalia’s stability and to advance cooperation across multiple fields.

Dowladda Fedaraalka oo soo dhaweysay tababarka u soo dhamaaday ciidanka Masar ee ku soo wajahan Soomaaliya?

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC}Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Masar inay tababar u soo xirtay ciidamo ay u soo direyso Soomaaliya oo ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadan ay dhawaan imaanayaan gudaha dalka, si ay uga qeyb qaataan howgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay in ciidamo ka socda dowladda Masar iney ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM.

“Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay kaalinta Midowga Afrika iyo Saaxiibada Caalamka ee la xariirta xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale ku bogaadineynaa door muhiim ah ee ay ka qaadanayaan dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamadan ka socda dalka Masar ee lagu wado in dhawaan ay imaan doonaan Soomaaliya ayaa wararku tilmaamayaan iney ka howl gali doonaan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Dibadbaxyo waa weyn oo ka socda Israa’iil iyo waddooyin la xiray?

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC}Mudaaharaadyo ayaa ka socda guud ahaan Israa’iil iyadoo kooxda ugu weyn ee u dooda la haystayaasha Israa’iil ee Gaza ay maanta dhigayaan mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan in lahaystayaasha ku jira gacanta Xamaas lagu soo celiyo dalkooda.

Sawirada ayaa muujinaya wadooyin waaweyn oo ay xireen dad mudaaharaadaya oo ka tirsan qoysaska Israa’iiliyiinta la heysto, ka hor isu soo baxyada isla maanta la qorsheynayo in lagu qabto magaalooyin kale saacadaha soo aadan.

Qoysaska lahaystayaasha ayaa dalbanaya xabad joojin deg deg ah in la gaaro, lana joojiyo howlgalka cusub ee Israa’iil kula wareegeyso guud ahaan magaalada Qasa.

Dibedbaxan ayaa ku soo aadayaa ka dib markii ilaa 20 qof shacab ab ay ku jiraan wariyaal iyo shaqaale caafimaad shalay lagu dilay labo weerar oo ay Israa’iil ku qaadday cisbitaalka Nasser ee Khan Ynis, iyadoo dadka dhintay ay ku jireen shan suxufi.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh, wuxuuna sheegay in militarigu “ay wadaan baaritaan.

R/wasaare Xamsa oo khubad ka jeedinaya shir ka Shiinaha.

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, si uu uga qeyb galo Shirka 7aad ee China–Arab States Expo, oo ka furmaya magaalada Yinchuan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo tamarta, iyadoo la filayo in uu noqdo madal muhiim ah oo lagu horumariyo xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa in uu madasha ka jeediyo khudbad uu ku soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, isaga oo ka hadli doona sida loo kobcin karo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Waxaa la filayaa in khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ay xoogga saari doonto kheyraadka dabiiciga ah, dekedaha, beeraha, iyo tamarta oo Soomaaliya ka jirta, si loo soo jiito maalgashi caalami ah oo bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysa.

Maraykanka duqeeyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyaasha Daacish ,

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC}  Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlgal laba toddobaad socday oo dhammaaday 23-kii Agoosto 2025, kaasoo uu ka fuliyay gudaha Puntland.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymadu lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade.

Hawlgallada ayaa si gaar ah loogu jihaystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish.

Taliyaha AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, ayaa ku tilmaamay duqeymahan go’aanka iyo ballanqaadka Maraykanka ee ku aaddan sugidda amniga shacabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa.

AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijooyinka hawlgalka. Si kastaba, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, iyadoo lagu sababeeyay arrimo amni.

Sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes, Maraykanku wuxuu xaqiijiyay in uu fuliyay in ka badan 50 duqeyn gudaha Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadka 2025—taasoo ah tirada ugu badan ee hawlgallo noocan oo kale ah ee soomaaliya laga fuliyo sanad gudihiis.

Daraasad lagu daabacay West Point CTC ayaa tilmaantay in sareynta duqeymaha sanadka 2025 ay qayb ka tahay guud ahaan siyaasadda cusub ee Maraykanka oo ku saabsan in ISIS-Somalia ay halis dhab ah ku tahay gudaha Maraykanka; taasoo keentay in la kordhiyo hawlgalada aan kaliya diiradda saarayn Soomaaliya.

 

Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka AUSSOM

Talaado, 26 Aug 2025 {HMC} Waxaa tababar loosoo xiray ciidamo kamid ah kuwa Dalka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AUSSOM, ciidankaan ayaa dhowaan si rasmi ah ugu biiraya howlgalkaan iyada oo la geynayo goobta loo asteeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay in ciidankaan cusub ay wax kusoo kordhiyaan howlgalka AUSSOM, waxa ay intaas kusii dartay Wasaaraddu in ay rajeyneyso in aqoontooda kusii biirayaan howlgalkaan.

Masar ayaa ciidankeeda kusoo biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda tan iyo sanadkii 2007dii, waxa ay buuxinayaan booska ay banneenayaan ciidanka ka socda Burundi oo ah dalkii labaad ee Soomaaliya u diray kumaan askari oo nabad ilaalin ah.

Soomaaliya ayaa kulmineysa Ciidamada Masar iyo Itoobiya oo Dowladahooda xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso taas oo ka dhalatay isticmaalka Biyaha Nile, waxa ay kuwada jiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya War Cusub Kasoo saartay Ciidamada Masar oo Kusoo Wajahan Muqdisho.

0

Talaado 26 Aug 2025 {HMC}  Dowlada Soomaaliya War Cusub Kasoo saartay Ciidamada Masar oo Kusoo Wajahan Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA