Home Blog Page 620

In ka badan 100 xubnood oo AS looga dilay gobolka Shabeellaha Hoose.

Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan duqeynta ahaa ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo gabaadyo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalka laga fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka lagu dilay howlgalka ln ayaa sidoo kale Wasaaraddu tilmaamtay iney ku howlanayeen u diyaar garoowga sidii ay isaga caabin lahaayeen howlgalka loogu magacdaray “Duufaanta Aamusan” oo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ka wadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo ka wada Shabeelada Dhexe.

0

Talaado, 19 August 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo ka wada Shabeelada Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ma aqbali karno in AS Maalinkasta dadkena iska hor keenaan.

0

Talaado, 19 August 2025 {HMC} Ma aqbali karno in AS Maalinkasta dadkena iska hor keenaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Tiro xoolo ah oo kortanto Halgoob ku dishay.

0

Talaado, 19 August 2025 {HMC}  Tiro xoolo ah oo kortanto Halgoob ku dishay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa sababay in Muqdisho uu kusoo xeran waayo markabkii ay sii deysay Puntland.?

0

Talaado, 19 August 2025 {HMC}  Maxaa sababay in Muqdisho uu kusoo xeran waayo markabkii ay sii deysay Puntland.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Maxaa sababay in Muqdisho uu kusoo xeran waayo markabkii ay sii deysay Puntland.?

Talaado, 19 Aug 2025 {HMC} Markabka Turkish-ka ee agabka ciidan u sida ciidamada Soomaaliya ayaa ku qasbanaaday inuu ku leexdo Jabuuti, kaddib markii uu la kulmay xaalad adag oo badeed, toddobaadyo kadib markii laga sii daayay xarig labo toddobaad socday oo maamulka Puntland ku hayay, taasoo dhalisay muran siyaasadeed.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Sea World, ayaa haatan ku sugan dekadda Jabuuti kaddib markii uu wajahay duufaanaha badda ee xilliyada khatarta ah, ee deegaanka looga yaqaan “bad xiranka,” sida ay Isniintii xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Waxaa la filayaa inuu dekadda ku hakado dhowr toddobaad, taasoo sii daahineysa imaatinka qalab aad loogu baahnaa oo loogu talagalay dagaalka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Leexashadan ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee soo wajahda markabkan oo safarkiisa ay hareeyeen loolanno siyaasadeed. Imaatinkiisa Jabuuti wuxuu daba socdaa sii deyntiisii 4-tii Agoosto, taasoo ka dambeysay xiisad siyaasadeed oo daaha ka rogtay khilaafaadka siyaasadeed ee qotoda dheer iyo danaha caalamiga ah ee iska hor-imanaya ee saamaynta Soomaalida.

Xiisaddu waxay curatay 18-kii Luulyo, markaasoo Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay joojiyeen markabka MV Sea World oo marayay meel u dhow xeebta Bareda ee gobolka istiraatiijiga ah ee Raas Caseyr.

Mas’uuliyiinta Puntland, oo ku doodayay in markabku uu “si shaki leh u wareegayay,” ayaa u kaxeeyay Dekedda Boosaaso si loo baaro. Xaaladda waxaa sii murjiyay warar sheegayay in kalluumeysato deegaanka ah ay fuuleen markabka, taasoo sii xoojisay welwelka amni ee laga qabay xamuulka xasaasiga ah ee saarnaa.

Qabashada markabka ayaa dhalisay carro xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda oo cirka isku shareertay, ayay dowladda dhexe si furan ugu eedeysay Puntland “burcad-badeednimo,” eed arrin amni oo heer deegaan ah u rogtay qalalaase siyaasadeed oo heer qaran ah.

Mudo laba toddobaad ah, markabku wuxuu xudun u ahaa wada-xaajoodyo adag. Dedaallo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan leh ayaa aakhirkii furdaamiyay is-mari-waaga. Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib amni oo muhiim la ah dowladda Muqdisho, ayaa dirtay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Alper Aktaş, kuwaasoo wada-hadallo toos ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Isla markaa, dalka Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh Puntland, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay dadaallo aan toos ahayn oo lagu xallinayay xiisadda. Sida la weriyay, dhex-dhexaadinta Imaaraadka ayaa udub-dhexaad u ahayd dejinta xiisadda iyo gogol-xaarka heshiis lagu gaaro.

Maxaa ka jira in ay kulmayaan Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukrayn.

Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukrayn ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan kulan oo uu u kala dab qaadayo madaxweynaha maraykanka. Tani waxa ay ka dambaysay markii Trump uu Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Ukrayn iyo hoggaamiyayaasha Yurub.

Laakiin war qoraal ah oo ka soo baxay kaaliyaha la yidhaahdo Kremlin Yuri Ushakov habeenkii Isniinta ayaa lagu sheegay in kaliya ay “mudneyd” in la “odoraso suurtagalnimada kulan heerka wakiillada” ah oo dhex mara ergooyin ka kala socda Ruushka iyo Ukrayn.

Qodob kale oo muhiim ah oo laga hadlayo ayaa ah dammaanad qaadka amniga. Trump ayaa sheegay in dammaanad qaadka amniga ee Ukrayn ay siinayan” dalalka Yurub iyada oo Mareykankau uu taageerayo.

Raysal wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa BBC u sheegay in kooxo wada-xaajoodyada u qaabilsan UK ay dhawaan iman doonaan Washington si ay u sii qorsheeyaan arrintan.

Ciidamada DFS oo gudaha u galay Saldhigyo ay lahaayeen Kooxda AS.

0

Isniin, 18 Aug 2025 {HMC} Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.

Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa dhabar jab culus ku noqday kooxda, kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyey Sabiid, Caanoole iyo Bariire.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-08-2025.

Isniin, 18 August 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay 18-08-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} FALANQEYN:- Maxuu u bilaaban la’yahay dagaalka AS looga saarayo Hiiraan, iyo Deegaano laga baxay.

Isniin, 18 August 2025 {HMC} FALANQEYN:- Maxuu u bilaaban la’yahay dagaalka AS looga saarayo Hiiraan, iyo Deegaano laga baxay.

                           HOOS KA DAAWO MUUQAALKA